HS;-
Posted by admin on July 07 2017 16:30:39
HS:-Wararka arimaha siyaasada Soomaaliya iyo caalamka ugu waaweyn...........Read More.
Extended News


1-Maxaan horta xisbiyada siyaasada ee ka dhisan Somaliland ugala soo baxnay kaliya in aanu ka hadalno siyaasada Xisbiga Wadani ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Ciro? ma ahan in aanu inaga dooranay arintaas ee shacabkii Somaliland ee aanu dhaxgalnay mudo hada laga joogo dhawr isbuuc una guur galnay bal halka uu safarkooda ku dhamaanayo shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland maadama ay bulshada Soomaaliyeed ku jahwareeriyeen waanu ka gonay Somali inteeda kale.horta ma jirto shacab iyo siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ka go ayo Somali inteeda kale arintaasne waxaan ku xaqiiqsanay mudo hada laga joogo dhawr sano ayaa waxaa shirweyne iskugu yimid in ka badan 700 oo guurti iyo waxgarad ka soo jeeda degaanada waqooyi waxeyna go'aan ku gaareen in aan Somaliweyn laga go'in laakinse la sugo inta ay ka dageyso koofurta Somaliya kedibna aan loola hadlin sidii qabiil oo kale ee loo wada hadlo waqooyi iyo koofur arintaas ayaana ilaa maanta taala gobolada waqooyi oo go'aan kama danbeys ah lagu gaaray wax iska bedelayna ma jiraan ,hayeeshee siyaasiyiin ay ka mid yahiin Feysal Cali Waraabe iyo Ahmed Siilaanyo oo dowlado Carbeed dhaqaalo uga cunaan waxaanu nahay dal xor ah ayey ganacsi u tahay arimaha qaarkood mana dooneyno in aanu waqti badan gelino ka hadalka arintaas.

2-Qodobka kale ee ay shacabka kuu sheegayaan sida ay u doonayaan in ay doorashadaas ku soo baxaan xisbiga Wadani hadaan soo koobno nuxurka hadalkoodii waxey leeyahiin. A)Maadaama ay maanta koofurta Somaliya shacabkoodu helen dowlad ku timid rabitaanka shacabka ayna hogaaminayaan dad aad uga macquulsan madaxdii soo martay Somaliya 26 kii sano ee ina dhaaftay xisbiga kaliya ee shacabkii gobolada waqooyi sidey u dhan yahiin isku raadin kara si wada hadal dhab ah loola furo walaalaha koofureed inta aan lagaarin doorashada guud ee Somaliya 2022 waa Xisiga Wadani oo ay ku sheegeen amaba ay u arkaan inuu yahay xisbi ay siyaasadiisa xasilan tahay, marka loo eego Kulmiye iyo Ucud.

3- Qodobkaan waa midka ugu muhiimsan oo uu qoffkasta kuu sheegayo waxeyna ku leeyahiin hadii aanu inagoo kaliya ka soo jeedna qabiilka Isaaqa aanu dhahno waxaanu ka go'eeynaa Somaliweyn iyadoo ay naga maqan yahiin beelo badan oo Somaliyeed oo ka mid ahaan jiray dhulkii leysku dhihi jiray British Somaliland siiba gobolada Bariga fog ee Somaliland ku yaala xitaa hadii aanu noqono dal madax banaan oo la yiraahdo Somaliland waxaanu isku dileynaa si ka daran sida ay maanta isku dilaan shacabka Koofurta Suudaan weliba kuwaas ayaaba dhawr qabiil ka kooban inagu waxaanu nahay hal qabiil ayey leeyahiin si ay arintaas noogu xaqiijiyaan ayuu mid ka mid ah shacabka Hargeysa nagu yiri bal ninkaan waxaad weydiisaa cida uu jecel yahay inuu Somaliland doorashadeeda ku guuleysto kedibna halkii uu ka dhihi lahaa xisbi hebel waxuu yiri" Waar waxii aad doontaan sheega anigu diyaar uma ahi inuu sanadkan iyo sanado kaleba i hogaamiyo nin amaba geber ka soo jeeda Habaryoomis. waanu ka tagnay oo waxaanu ka soo qaadnay qof marqaansan oo aan fahmin su'aasha la weydiinayo amaba uun iskaka jawaabay waxii uu afkiisa soo qabtay, waxaase macquul ah qofkaas oo kale inuu hadalkaas ka maqlay qof ku jira xisbiyada siyaasada Soomaaliland oo ay isku qabiil hoose yahiin oo sidaas u hadlaya kedibna isagiina bulshadii ereyada noocaas ah la sii dhaxgalay.

Marka waxaan Somaliweyn u xaqiijineynaa wax yaabo badan markaad dibada ka joogto iyo markaad u guurgasho waa kala fog yahiin,mar danbe oo aanu u guurganay waxa uu ninkii shacabka ahaa ula jeeday Habaryoonis ima xukumayso waxaan ogaanay inuu ula jeeday qeyb ka mid ah qabiilka Isaaqa oo la yiraahdo Habaryoonis ileen Soomaalidu waxey ka kooban tahay qabiilaad hadane iyagii ayaa hoos u sii kala baxa.markaad daraasaad ka diyaarineyso goob aadan weligaa tagin kaliyana aad afka uun wax badan ka maqashay inta badan wararka suuqa micno weyn ma sameynayaan waxaa micnoweyn sameeynaya xisbiyada siyaasada ee ka dhisan Somaliland waa xisbigee xisbiga ugu macquulsan ee maanta ugu yaraan wada hadal dhab ah la geli kara inta uu dalka madaxwyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, R/wasaarena ka yahay Xasan Cali Kheyre, gudoomiyaha Aqalka hoosena yahay Prof Jawaari,aqalka sarena uu madax u yahay Mudane Cabdi Xaashi inta ay madaxdaas ka arimiyaan dalka.

Sida xaqiiqada ahne inta badan aanba dhahno %80 shacabka degaankaas waxey doonayaan xisbiga Wadani weliba arimaha kale ee ay xisbigaan ku doonayaan waxaa ugu weyn waxey leeyahiin xiriirka deriskeena wey hagaajinayaan oo ay ula jeedaaan wadamada Ethiopia iyo Jabouti oo ay siyaasad ahaan aad uga soo horjeedaan Feysal Cali Waraabe iyo Ahmed Siilaanyo oo shacabku waxey doonayaan siyaasad xasiloon maadaama aysan aheyn dal weli ka go'ay Somaliweyn. waxaan qormadan ku soo qatimeynaa hadii doorashada Somaliland ku guuleysan waayaan xisbiga Wadani iska daay shacabka Hargeysa iyo Burco ku noole xitaa waxaan qiimo badan siyaasada guud ee dalka Somaliya ku yeelan doonin siyaasiyiinta beesha Direed uga jira dowlada dhexe qiimaha siyasadeed ee ay hada ku leeyahiin dowlada dhexe kuma lahaan doonaan, waayo Hargeysa iyo Burco waxaa ku nool dhalinyaro kaliya lagu barbaariyey xumaanta reer koofureed halkii horumarkooda laga shaqeyn lahaa, weliba shacabka Burco ayaaba ugu macquulsan oo ay wax badan ka suuroobaaan kuwa ku nool Hargeysa iyo nawaaxigeeda hadaan loo helin siyaasad xasiloon oo degan sida mida ay hada wadaan xisbiga Wadani qoraalkaan meel gooyni ah Somaliweyn haku qortaano amaba dadka ay quseyso.

Iyagoo taag taagan shacabka Hargeysa iyo nawaaxigeeda ku nool ayey Somalidii kale ee la daganeyd gobolada waqooyi Mogdishu ka degi doonaan wada hadal iskood ahne la furi doonaan walaalahooda Soomaaliyeed ee koofurta inagoo ka duuleyna xogo xaqiiqada ka turjumaya oo aanu ka heyno shacabka ku nool gobolada Owdal, Sool iyo Sanaag. waana meesha ay siyaasada maamulka hada ka arimiya Somaliland ka qiimo jabi doonto oo sida hada loo xiiseynayo uma dhici doonto mustaqbalka dhaw hadii uu mar kale soo laabto oday Siilaanyo oo ay shacabka Somaliland qaarkood markii aad la sheekeysato ku leeyahiin dagaalkii labaad ee aduunka 50 sano jir ayuu ahaa oo isaga dhanba waxuu u fikirayaa qaab wax badan ka duwan sida ay maanta u fikirayaan jiilkaan cusub ee doonaya iney la jaanqaadaan nolosha dhabta ah ee dunidan ka jirta qarnigan 21aad.

dhibaatada kale ee shacbaka Somaliland kuwooda ku nool Hargeysa iyo nawaaxigeeda heysata waa in ay xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ku faraxsan yahiin sida ay hada yahiin oo ma doonayaan in Somaliland shacabkooda ay si wada jir ah u raadsadaan madaxbanaani gaarsiisan ilaa gobolada waqooyi oo dhan shacabkooda amaba wada hadal dhab ah lala furo dowlada federalka, waayo sidan ayey ku taajireen oo ay mashaariic been been ah oo malaayiin dolar ku baxeyso oo sharci daro ah iyagoo aan aheyn dal ka goay Somaliweyn heshiisyo aaqirka burbur ku danbeyn doona la galaan waxii dhaqaalo ahen wey kala qeybsadaan Kulmiye iyo Ucid, waana halka ay shacabka Soomaaliland kuwooda Wise People-ka ah amaba aragtida fog ka walwalayaan hadii ay noqon waayaan dal xor ah amaba lala imaan waayo qaab xasiloon oo loola hadlo walaalaha koofureed halkii mediyaha hadalo xanaf leh maalinkasta loo marsiin lahaa. Xisbiga Wadani labo wado kaliya ayaa u furan Somaliland oo madaxbanaan inuu dowlada dhexe ka keeno wadaduu doonaba ha u maree iyo inuu wada hadalo lagu najaxo la furo dowlada federalka wax ka dhaxeeya ma jiraan, halka aysan labadaasba qorshaha ugu jirin xisbiyada kale waxa aanu ka hadleyno waa Facts on the Ground waayo inagu kalama naqaano xitaa siyaasiyiinta Somaliland xisbiyadooda hogaamineysa sida ay isku xigaan dhalasho ahaan amaba u wada dhasheen waxa aanu ka hadleyno waa dan guud oo quseysa bulshada Somaliland oo maanta joogaan meeshii ay mustaqbalka dadkooda ku bad baadin lahaayeen iyo halkii ay ku burburi lahaayeen waxey marayaan amaba doorashada soo socota u tahay intersection amaba Isgooys ay ku kala dooranayaan distractive way or good future.
la soco wararkeena danbe.

WARARKA MAANTA OO JIMCO AH



















The Prime Minister of Somalia Hassan Ali Kheyre is the head of government of Somalia.He is one of the best Prime Minister in Somalia recent years>R/wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre waa madaxa xukumada federalka Somaliya, waana mid ka mid ah r/wasaarahii ugu wanaagsanaa ee dalkeena soo maray sanadahii ugu danbeeyey sida ay qireen malaayiin Somaliyeed.


WARARKA MAANTA OO KHAMIIS AH.