HS;-
Posted by admin on August 13 2017 15:36:42
HS;-Wararka Arimaha Siyaasada Soomaaliya iyo caalamka .........Read More
Extended News



































;

;


Hargeysa 2017:-Marka Hore inta aanan gudagelin qodobada aanu ka hadleyno waxaan u rajeyneynaa madaxweyne Axmed Siilaanyo caafimaad maadaama uu yahay muwaadin Soomaaliyeed bilahii ina dhaafayna leysla dhaxmarayey inuu xanuunsanaa waxaana u rajeyneynaa maadaama uu waqtigiisa intiii ugu badneyn soo qaatay inuu helo caadfimaad uu ku cibaadeysto inta noloshiisa uga hartay qoyskiisana kula caweeyo si wanaagsan oo ay farxadi ku dheehan tahay, (we respect him) isaga iyo inta qeyrkiisa ah ee Somalidaa waayo marna waa aabe Somaliyeed marne waa Awoowe Somaliyeed.

hadaan intaas uga baxo rugcadaaga weyn amaba siyaasiga Axmed Siilaanyo dibna ugu laabano mowduuca qormadeena oo aanu horey sidaad ula socoteen aanu ku soo qaadanay ilaa 4 qodob waxaan maanta ka hadli doonaa intii uu waqtigu noo saamaxo inagoo ka bilaabeyna qodobka 5aad.

5-War bal horta Soomaaliyey sideed isku aragtaan ka umad ahaan, dal ahaan,maxaadse ka aaminsan tahiin in ay aduunyada naga aaminsan tahay markaad meel iska dhigtaan nolosha qiyaaliga ah ee (Day Dream)-ka ku dhisan amaba hadaan luqadeena wanaagsan ee Somaliga ugu sharaxno bulshada riyo maalmeedka aanu mudada ku jirnay? hadaadan ogeyn amaba aad ogtahay laakinse aad iska idha tireyso maadaama waxii dhacay iyo waxa soo socda dhamaantood taariikhda geli doonaan bal si degan inagaa kuu qeexeyna ee si degan u dhageyso inagoo weliba u kala qaadeyno si aad u fahamto A,B,iyo C.xitaa qormadaan waxey quseysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiraan kooxaha dalkeena burburiyaan iyo ganacsatada qaraxyada lagu burburinayo dalkeena dhaqaalaha ku bixiyaan ee ku kala sugan gobolada waqooyi iyo kuwa koofureed.

A)Hdaan ku hormarno nuxurka qormadeena bal ka waran adigoo Soomaali ah oo muslin ah oo xaas iyo caruur leh oo aabe Soomaliyeed ah haduu inta kuugu yimaado dalkaada nin shisheeye ah ku yiraahdo Xaas iyo caruur ma leetahay oo markaas aad ugu jawaabto "HAA"kedibna ku yiraahdo Caruurtaada ma ku jiraan qaar aniga ii ek maxaad sameyn laheyd?

Xaqiiqadu waxey tahay hadii aad tahay qof damiir leh isla markiiba shaki ayaa ku galaya oo waxaad isleetahay ma xaaskaadii ayaa gogol dhaaf kugu sameysay oo caruurtaan armaadba qaarkood dhalin iyo wax lamid ah. waayo waxa lagu weydiiyey ayaaba ah wax uu rag isku dilo marka hadii aadan horey ugu kalsooneyn xaaskaada waxa su'aasha ku weydiiyeyne uu yahay qof ajnabi ah waxey u badan tahay in aad gebedhii xaaskaada aheyd oo aan war iyo wacaal u heyn waxa adiga iyo qofkaas ajnabigaa idiin dhaxmaray aad kala dul dhacdo arimo mustaqbalka gurigaada mugdi gelinayo oo si sahlan u dumin kara caruutii aad dhashay mustaqbalkoodana gelineysa waxa loo yaqaano (nowhere to go) amaba hadaan si kale u dhigno nolol u muuqaal ek dhan loo ciirsadaba ma leh.

Waxaa arinkaas la mid ah kedib markii nin ajnabi ah inta ka dhoofay dalkiisa booqasho ku tagay Soomaaliya kedibna tagay caasimada Somaliya ee Mogdishu gaar ahaan Suuqa Bakaaraha meesha ay Soomaalidu u taqaano Cabdalle Shideeye dhawr sano ka hor Baasboorkii Somaliya loogu sameeyey wax ka yar 2 daqiiqo kedibna inta dalkiisa ku laabtay aduunyadii ku faafiyey inuu dhalashada Soomaaliya ku qaatay wax ka yar 2 daqiiqo, ma kula tahay kuwii danbigaas baaxada leh ku kacay ee magaca Soomaaliya kula watay iney ceebta iyo ilhaanada iyo qaran jabkaas iyaga ku koobnaatay? Jawaabtu waa MAYA waxey ceebtaas iyo taariikhdaas xun ee dalkeena u qormatay ku dhacday ku dhawaad 25 million oo qowmiyada Soomaaliyeed ka kooban tahay kuwaasi oo ku kala baahsan geeska Africa iyo dunida dacaladeeda.

Maanta intaan ha inoo joogto ma dooneyno in uu qoraalku dheeraado sida ay dad badan naga soo codsadeen.la soco qeybteena kale iyo qodobada ka haray 10 kii qodob ee aanu ugu talo galanay bulshada Soomaaliyed guud ahaan iyo si gaar ah kuwa ku nool gobolada waqooyi ee Soomaaliya, walee Soomaaliyey waxaanu nahay qoom sida ay is moodaan iyo sida aduunayda looga yaqaano ay kala fog tahay. yacni wax karaamad ah oo dadkeena loo hayo ayaan jirin waxaana ugu wacan qeyb bulshada ka mid ah oo aanba fahamsaneyn nolosha dhabtaa ee maanta ka jirta dunidan aanu ku nool nahay. muuqalka laga sameeyey basaborka Somaligaa ee aan ka hadleyno iyadoo hal maalin ay kaa dhintaan 300 oo kun oo Somali ah iyo muuqalkaas dhibatada uu jiritaanka umadeed u geystay waxbo isma dhaamaan waa mid ka mid ah dhacdooyinka ay Soomaalidu tiraahdo Waa ma hadho. aduunyada malaayiin qof dhiigood ayaa loo daadiyaa sidii ay dadka qaarkood ku heli lahayeen hal maalin oo gobanimo ah,Soomaalida maanta noolna kooda 15 jirkaa ilaa kooda 80 jirkaa sida ay badankood u fikirayaan ayaa u baahan in dib u eegid xoogan oo dhinaca maskaxda ah lagu sameeyo. ogow midka Soomaaligaa ee ka tirsan kooxahaan dalkeena burburiyaan sida Shabaab xitaa haduu dhinto caruurta iyo hooyada dhashay ee uu ka tagayo ma qaban dal aan aheyn midka uu burburinayo sow damiir xumo mahan. sow kaas dalka ku burburinayo qaraxyada kama sii darna midka ganacsadaha ah ee intii uu dhaqalahiisa u adeegsan lahaa dib u dhiska dalkiisa sida qaldan u isticmalaya isagoo is leh nolol dhan waxaa kuugu horeysay waqtigii fowdada oo aan ogeyn inuu macaash badan helayo xiliga ay nabadi jirto ?Soomaaliyey kolba sharafu dhimataye qofkastoow bal isweydii maxaa wanaag ah oo dalkaan dhiban ku siyaadin kartaa ama gobolada Waqooyi kunoolow amaba gobolada Koofureed meeshii aad doontana bulshada kaka jir, in aad maanta burburiso wadan aad xiligii uu nabada ahaa ku soo aflaxday waxbarasho iyo caafimaad bilaash ahne aad ku soo heshay in maanta caruur aanba weligood arag nidaam dowli ah oo ku barbaaray waqtigii fowdada mustaqbalkooda lagu ciyaaro ( It's not a Good Idea) amaba hadaan si kale u dhigno ma ahan fikir saliim ah.Qeybta ugu danbeysa dhawaan naga filo.