HS;-
Posted by admin on August 31 2017 21:37:53
HS:-JIGJIGA, 2017:-Waxaa la joogaa waqtigii ay Jabhada ONLF heshiis dhab ah la geli lahaayeen dowlada Ethiopia iyo maamulka ISmaamulka Somaliya Ethiopia. sababtuna waxey tahay..............Read More
Extended News

JIGJIGA IYO MAANTA 2017:-Qoraalkaan waxaa laga yaabaa in ay dhibsadaan in a shirt term amaba waqti gaaban dadka uu quseeyo amaba taageerayaasha ururka ONLF hayeeshee in a long term hadii nolol lagu gaaro waqti fog kedib ayey ogaan doonaan inuu yahay talo Soomaalinimo iyo dad iyaga wanaag iyo horumarka guud ee aanu Soomaaliweyn la jecel nahay in aanu iyagana la jecel nahay walaalaha Soomaaliyeed ee maanta aaminsan in ay Jabahada ONLF tahay urur xaq u diriri ah oo ka tagaalama gudaha dhulka Somali Galbeed amaba dhulka maanta loo yaqaano Ismaamulka Somalida Ethiopia ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano DDSI ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdi Cumar.Somalida waxey yiraahdaan runta oo waqti hore la sheego waxey daawo u tahay xalka mustaqbalka oo soo deg dega.

Ma dooneyno in aanu dib ugu laabano waxyaabaha aan bulshada micno weyn u sameyneyn sida sargaalkii dhawaan mid ka mid ah beelaha Somaliyeed oo uu gabar ka qabay amaba xidid la ahaa la sheegay iney Hotelkii uu ka deganaa qeyb ka mid ah magaalada Galkacyo markii ay ka waayeen lacago baad ah oo uu siin jiray isagii damceen iney ka mashacaashaan, hadane isla iyagii inta meelaha socail mediyaha intey soo fadhiistaan shacabka Soomaaliyeed ku leh dowlada federalka ayaa hebel u gacan gelisay dowlada Ethiopia iyo wax la mid ah.

Sidoo kale ma dooneyno in aan dib ugu laabano doodaha qaarkood micno darada ah ee ay Somalida qurbaha oo iyagu dalkii la dhihi jiray Somaliya gubeen oo qeyrkiis ka reebeen mudo 27 sano ah in ay marka ay meelaha mediyaha ku doodayaan ay bulshada iskaka dhigaan dad wadaniyiin ah oo ku hadli kara misirka umada Soomaaliyeed amaba u maleeyaan in ay socail mediya ku hagi karaan siyaasadaha wadamada Bariga Africa siiba mida dowladaha Somaliya, Ethiopia, Kenya,Djabouti oo ah wadamo dhamaantood xuduud la leh dalka Somaliya.

Waxaad arkeysaa qurbajoog Soomaaliya oo ka soo jeedaan dalka Jabouti oo maalinkasta mediyaha ka ceynaya madaxwynaha dalka Jabouti Ismaciil Cumar Geelle amaba xaaskiisa iyo caruurtiisa af lagaadeynayo waxeyna ku leeyahiin waxaanu nahay mucaarad.Dalka Jaboutina maanta xili uu ka wanaasgan yahay ma jirto dhinaca horumarka oo uma xuma wadamada kale ee qaarada Africa marka loo eego dadaalka ay wadaan inta maanta hogaanka dalka Jabouti heysa ee uu ugu horeeyo madaxweynaha dalka Jabouti Ismaciil Cumar Geelle,waxey garan la yahiin in aysan dalka Jabouti laheyn inta maanta hogaamineysa oo ay waajib ku tahay dadka reer Jabouti oo dhan in ay sharafta iyo wanaaga dalkaas ka wada fekeraan waayo Ismaciil Cumar Geelle iyo inta la shaqeysa beri waxaa bedeli doona kuwo cusub markii uu waqtigoodu dhamaado ugu danbeyna xitaa hadii ay xilka ka degaan wadanka Djbouti ayey u dhasheen.

Sidoo kale waxaa taasi la mid ah qof Somali ah ayaa wadamada deriska sida Kenya amaba Ethiopia danbi ku soo galayo amaba qof ku dilaya meesha ugu joreysa ee uu u soo cararayo oo uu gabaad ka dhiganayey 27 kii sano ee ina dhaaftay waxey aheyd xitaa hadii uusan qofkaas ka tirsaneyn kooxo amaba jabhado waxey aheyd dalka Somaliya. waxaa taasi la mid ah qofbaa gudaha dalka Somaliya dad ku dilaya amaba ka dhacaya hantidiisa waxaad dhawr sano kedib ku arkeysaa amaba aad maqleysaa hebel waxuu ganacsi ku leeyahay Kenya amaba South Africa.

Waxaasi oo dhan iyo ka sii xun ma dooneyno in aan ka hadalkooda waqti ku lumino waayo wax micno ah oo ay bulshada ku soo kordhineyso in waqtiga looga lumiyo maahane ma lahan, waxaanse maanta kaliya inagoo ku soo koobeyna labo qodob ka hadli doonaa Jabhada ONLF. Nuxurka qormadeenuna waa ( maxey yahiin Jabhada ONLF sideedaba ma kuwo loo dhisaa iney wax qaldan saxaan oo hagaajiyaanbaa mise waa koox burbur iyo dagaal uun loo dhisay oo aan laheyn Plan B?).

Si uusan qoraalku u noqon mid ku dheeraada bulshada waxaan ku soo koobeynaa labo qodob oo kaliya ma urur loo aas aasay inuu bulsho dhiban xoreeyaa kedibna barwaaqo gaarsiiyaa mise waa urur dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dhulka Soomaali Galbeed amaba DDSI mustaqbalkooda ku ciyaarayo oo aan hadaf iyo aragti fog laheyn?

1- Ma dooneyno in aan bulshada ugu soo celcelino taariikho hore oo laga yaabo dadkii hadafka ururkan lahaa ee wanaagsanaa ee ururka dhisay 1984 tii oo ah waatiga ay dagaalada ka bilaabeen gudaha dhulka Soomaali Galbeed oo aan maanta badankood ifkaanba joogin kuwaasi oo iskugu jira wax dhintay iyo wax gaboobay iyo wax ururka iskaka tagay waqti hore. sidoo kale ma dooneyno in aan waqti ku lumino dagaalkii 1977 waxii dhax maray dowaladahii shuuciga ahaa ee kala hogaaminayey bulshada Somaliyeed iyo kuwa Ethiopia ee kacaanka. waxaase muhiim ah in ay Soomaali badan ogaadaan amaba rumeystaan Jabhada ONLF ee aad magaceeda maqashaan maanta waa sidan ama rumeyso ama ha rumeysan.

A) Wiilasha dhalinayadaa ee aad muuqaalkooda sarwirada ku aragtaan ee ay timahoodu raamaha leeyahiin ee waayey xili ay tixaa iska jaraan ee uu qorayga garabka ugu jiro waa wiilal Soomaaliyeed oo ay dhab ka tahay dagaalka, hayeeshee weligod waxbaan dileynaa iyo waxbaan xoreyneynaa wax ka baxsan laguma soo abaabin iyagoo aan 40 sano gaarin oo aan helin tacliin ilaa heerkeedu xitaa ugu yaraan gaarsiisan tahay Grade 4 amaba aan xitaa diinta Islaamka si wanaagsan loo barin ayey ifka ka tagaan.

B) Nasiib Wanaag dhalinyaradaan dhiigooda waxaa ka faa'idey oo ka macaashay geeridooda iyo silaca duurka ku heysta shaqsiyaad qurbaha joogaan oo hanti fara badan ku helaan magaca ONLF oo shacab badan oo degaankaas ka soo jeeda lacago uga aruursadaan iyaga iyo caruutooduna nolol raaxo leh ay ku heystaan dalka dibadiisa sida guryo qurqruxoon, gawaari raaxo oo aad qaali u ah iyo caruurtooda oo jaamacado iyo waxbarasho heer saro ah u heystaan iyo wax la mid ah.si aad qoraalkeena u rumeysato bal maanta saacadan aan wax qoreyno intaad la xariirto raga iyo dumarka sheegtaan iney madax u yahiin jabahada ONLF waxaad weydiisaa bal in ay caruutooda joogaan goobaha furumaha dagaalka oo ay xabada ridayaan kana barbar dagalamayan dhalinyaradan aad sawirada ku aragtaan oo laga yaabo inba ay badankood ifkan ka tageen oo aysan maanta nooleyn?.

2- Aduunyada kama jirto wax la yiraahdo dagaal joogto ah ayaan iska wadayaa oo wadan nabad ah ayaan anigoo dal kale ka soo dagaal galayo amaankisa carqaladeynayaa dhibaatada dhan ee wadamada Somaliya deriska la ah heysto waa in ay 27 kii sano ee burburka Somaliya la macaamili jireen kaliya dagaal oogayaal ka jiray gudaha dalka Somaliya tan iyo marki ay burburtay dowladii dhexe ee Somaliya kedibna dagaal oogayashi ay meesha kala waregeen kooxo argagixiso ah oo qaarkood lagu xaman jiray ineyba garab ka heli jireen dowlada Ethiopia. sidoo kale dhibaatada wadamada Somaliya deriska la ha sida Kenya,Ethiopia iyo Djbaouti waxaa ugu weynaa waxeyla macaamilaan hogaamiyaal maamul goboleedyo oo aan fikirkooda dhaafsiisneyn danaha beelahooda iyodegaankooda. taasina waxeykeentay in Qarax laga soo abaabulay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ay dalka Jabouti ka geystaan kooxda Shabaab oo gabaad ka heleen amaba ku soo dageen dad reer Hargeysa iyo Burco ku nool kedibna ka talaabiyeen xaduuda Lowya Cade sidaasina maqaaxi ku taala caasimada dalka Jabouti lagu qarxiyey dad iska caweynaya si aamnka dalkas kaliya loo qalqaliyo kedib ilaa maanta dowlada Jabouti ka xirato somaliland xuduuda ay la wadaagto waxaad qiyaastaa dhibaatada dhianca gacasiga iyo isku socodka ee ka soo gaaray maamulka Somaliland xerida la xiray xaduuda Jabouti.

Sidoo kale qaraxyo ka mid ah kuwaasi waxey ka dhaceen Mool ku yaala dalka Kenya oo ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah oo aan waxbo galabsan sidoo kale qaraxyo kuwaaasi ka sii daran waxey maalinkasta mudo 15 sano ah ugu yaraan ka dhaceen gudaha dalka Soomaaliya siiba caasimada Soomaaliya ee Mogdishu. waxaasi oo dhan waxaa sabab u ahaa dalka Somaliya oo aan laheyn dowlad rasmi ah o ay wadamada deriska kala xaajoon karaan waxii amaanka dalkooda wax u dhimaya.

Hadaba maanta maxeynu u baahan nahay hadii aanu nahay bulsshada ku nool bariga Africa?

Horumarka wadamada Africa ay tiigsanayaan lagulana jaan qaadikaro qaarada Africa inteeda kale ee loogu yeeri maanta AfriKada cusub oo ah amaba ayu badan yahiin dadka ku nool qaaada Africa 65% dhalinyaro uma baahna Qaarada Africa koox u fikirayo sida ONLF iyo kooxaha kale ee ka dagaalamo meelo badan oo qaarada Africa ka mid ah amaba dunida inteeda kale.Afrikada aan u baahan nahay maanta waa sidan.

1-In aanu wax badan ka bedelno siyaasada wadamada bariga Africa si aanu u noqono meesha dhaaqaalaha iyo ganacsiga qaarada Afrika laga hogaamiyo in ay tahay wadamada geeska Afrika ku yaala oo halka aanu kumashuuleyno waxii horey loo soo maray bedelkeedii ku bedelno in aanu ka shaqeyno amaba abuurno sidii loo heli lahaa jiil caafimaad qaba oo African ah oo dunida inteeda kale la jaan qaada oo la helo dad Soomaaliyeed oo dhihi kara amaba ku hamiyi kara qodobadan hoose.

a) Waa in bulshada Soomaaliyeed laga heli karo kuwo dhihi karo hadaanu nahay bulshada ku nool bariga Africsa 10 sano kedib Target-keenu amaba hamigeenu waa in aanu u ololeyno sidii ciyaaraha aduunka 2022 kedib ugu ololeyn laheyn in lagu qabto wadamada Ethiopia iyo Kenya midkood.

b) Waa in shacabka Kenya laga heli karo qeyb bulshadooda ka mid ah oo leh dalka Soomaaliya waxuu ka soo kabanayaa dagaalo iyo colaado si dhaqaalahiisa u kobco waa in lagu qabtaa 5 amaba 10 sano oo hada kedib ah ciyaaraha kubada cagta qaarada Africa oo dareen noocas ah laga heli karo.

C) Waa in shacabka Ethiopia laga heli karo qaar bulshadaas ka mid ah oo leh waa in tartanka kubada cagta jaamacada Carabta 10 sano kedib lagu qabtaa Djabouti amaba Sudan oo marka hore wax badan la jeclaano wadamada Soomaaliya deriska la ah hadii ay socon weysana wadamada kale ee bariga Africa ku yaala waayo dunidu hada waxey isku heysto waa dhaqaalo oo la kala jiidanayo,dhaqaalahii aduunyadana waxuu maanta gacantooda ku jiraa 25% oo ah dad qani ah inta kale bulshada caalamka oo ay qaarada africa ugu horeeyaan waxey ku nool yahiin nolol sabool ah amaba ka hooseysa heerka uu qofku ku noolaan karo.

Sidaasi daraadeed wadamada Soomaaliya deriska la ah waxey nabad iyo nolol wanaagsan heli doonaan marka ay ciidamada xooga dalka Soomaaliya kala shaqeeyaan iney sugaan xaduudaha dalka Soomaaliya horumarka aan kor ku soo sheegnayana wadamada bariga Afrika ay gaari garaan waayo hadii ay xaduudaha Soomaaliya la wareegaan ciidanka XDS waxan la arki doonin jabhado amaba kooxo gudaha dalka Ethiopia, Kenya iyo Djabouti nabadgalyadooda carqaladeeya oo qofkii dalalkaas danbi ka galo si fudud ayaa loogu gacan gelin karaa wadamadaas urur dowladahaas mucaarid ku ah amaba amaankooda carqaladeynayona kama jiri doono wadamada geeska Africa oo been been dowlad dhisan ku dumiya.

Ugu danbeyn Jabhada ONLF waa in ay heshiis dhab ah la gashaa dowlada Ethiopia iyo maamulka DDSI ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdi Cumar xitaa hadii ay rabaan haka codsadaano in ay dowlada federalka gogol nabadeed oo ay ku heshiinayaan si mushkilada loo soo afjaro ha loogu qabto caasimada Somaliya ee Mogdishu bulshadana ha laga daayo borobagaandada iyo beenta iyo ruwaayada socail mediyaha lagu jilayo iyadoo aan ognahay wiil iyo abtigiis iney maanta dalka Soomaaliya kala qabiil yahiin yaan bulshada magacaan Somaligaa ee sidii la doono loo adeegsado laga daayo bulshada Somalidana loo qabto shir dib u heshiisiin si wadamada deriskooda ah ugula noolaadaan si nabad ah. waan ka xunahay inuu qoraalku nala dheeraaday,hayeeshee ka hadalka arinta ONLF intaas ayaan uga baxnay waxaana ku soo qatimeynaa si ay wadamada bariga Africa u gaaraaan horumar guud waa in laga saaro meesha dhan Jabhadaha noocii ay doonaanba ka noqdaane hadey noqon lahaayeen ONLF waayo weligeen ma maqal school la leeyahay jabahada ONLF ayaa dhistay inta yar ee ay maamulka DDSI bulashada u qabteen 20 sano oo hada kedib ah xitaa ma qaban karaan ONLF-ka gudaha Ethiopia ka dagaalamaan amaba kooxaha dalka Soomaalya burburiyaan ee diinta ku qaraabtaan iyo wax la mid ah, waan ku celineynaa mar kale Ethiopia, Kenya iyo Djabouti oo ah wadamada geeska Africa ee Somaliya xaduud la leh nabadgalyo dhab ah oo leysku haleyn karo waxaa dalalkaas Somaliya deriska la ah ugu soo horeysa marka ay dowlada federalka Soomaaliya xaduudaha dalka Somaliya oo dhan oo ay hada maamulaan maleeshiyo qabiil ay la wareegaan ciidamada Xooga dalka Somaliya kalana shaqeeyaan arintaasThat is the Reallity waayo waxaa la helayaa dowlad Soomaaliyeed oo qofkii amaanka dalalkaas carqaladeya isla markiiba u gacan gelin karta qofkii doonaya inuu gabaad ka dhigto dalka Somaliya si uu dal nabad ah amaankiisa ugu ciyaaro.la soco wararkeena danbe