Waxaa la joogaa xiligii aanu isku tashan laheyn R/wasaare Farmaajo oo jaaliyada dibada la hadlayey.
Posted by admin on April 18 2011 14:39:31
Mogdisho:(hiranstate.com)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka codsaday Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Qurbaha inay taageeraan Dowladda KMG, ayna dhaqaale u uruuriyaan si looga maarmo kaalmo shisheeye.
Extended News
Mogdisho:(hiranstate.com)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka codsaday Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Qurbaha inay taageeraan Dowladda KMG, ayna dhaqaale u uruuriyaan si looga maarmo kaalmo shisheeye.

Isagoo Khadka Taleefanka kaga qeyb qaatay kulan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayuu Ra'iisul Wasaare Farmaajo u jeediyay in Xukuumadiisa gacan ka siiyaan sidii dib loogu soo celin lahaa Qaranimadii iyo Dowladniamdii Soomaaliya si taasi loo garanaya waa in jaaliyada dibadu ay garab istaagan dowlada siiba xaga dhaqaalaha.Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sidoo kale cadeeyay in mudadii lixda bilood ee ay jirtay Xukuumadiisa ay ka hortagtay musuq maasuqa, ayna wax badan ka qabatay Amaanka, isagoo sheegay in musuq maasuqa uu yahay waxyaabaha caqabada ku ah Dowladnimada.

"Intii Xukuumada jirnay waxaan ku guuleysanay inaan ka hortagto musuq maasuqii, oo ah caqabada kaliya ee ku horgudban Dowladnimada"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo qadka telefonka kula hadlayey taageerayaasha TFGda.

Waxaa uu sheegay in hadii Xukuumadiisa ay hesho dhaqaalo ay wax walba socodsiin karto, isagoo tusaale u soo qaatay hadii Jaaliyada ku nool dalka dibadiisa dhaqaale u uruuriyaan ay Dowladda howsheeda sii wadan karto.

"Hadii maanta Jaaliyadaha dibada ay bilaabaan inay lacago u uruuriyaan Dowladda Soomaaliyed, waxaan hubnaa in howlaha inoo dhiman inaan wax uga qaban karno, anagoo og in qurba-joogta udub dhexaad u yihiin Dowladda Soomaaliya, hadii qof walba uu bixiyo 10-doolar, waxaa ka soo bixi kara dhaqaale badan, oo aan ja dhigi karno mushaaraadka Ciidamda iyo shaqaalaha Dowladda"ayuu ku cel celiyey Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo muujinaya sida ay uga maarmaan kaalmada Beesha Caalamka, hadii Soomaali isku tashato gacana ay siiso xukumadiis

Sidoo kale waxaa Jaaliyada manchesters kala qeyb galay kulanka xubno ka tirsan Dowladda KMG oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dowlaha Caafimaadka iyo Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net