Abwaan Mustafe Shiikh Cilmi (Ila qosol)
Posted by admin on December 20 2010 05:42:06
Axad 20 December 2010 (HSOL) Abwaanka caanka ah Mustafe Shiikh Cilmi oo ka hadlaya dhibaarada Bur burkii Somaliya iyo sida Somalida iyo nabadu u kala fog yahiin.
Extended News
Axad 19 December 2010(HSOL) Inta badan abwaaniinta Somaliyeed waxey wax ku cabiraan waaya aragnimadooda iyo hadba maskaxdooda iyagoo shacabka dhinackasta wax ka tusiya sida iyagoo isticmaalaya qaab kasta oo ay bulshada ku gaarsiin garaan fariinta ay markaasi doonayan iney gaarsiiyaan.



Laakinse in fariinta la gaarsiiyo bulshada waxaa ka horeya in horta bulshadu u bisishahay waxa ay markaasi ka hadlayaan abwaaninta iyo dadka bulshada indhaha u ah.Mustafe Shiikh Cilmi waxuu ka mid yahay abwaaniinta Somaliyeed kuwooda ugu caansan waxuuna alifay ruwaayado, gabayo iyo waliba heeso ay ku luqeeyaan qaar ka mid ah fanaaniinta somaliyeed.



Abwaanka Somaliyeed Mustafe ayaa isagu shirweynahii dib u heshisiinta ee lagu qabtay dalkaasi Ethiopia horaantii sagaashameeyadii ka tiriyey tix gabay ah oo la magac baxday Sun Waraabe loo qooshey buu qado ku daartaate. inta aadan gabayga maqal waxaaba laga naxayaa ciwaanka.

Abwaanka Somaliyeed Mustafe ayaa sida aad ku aragto qeyb wareysigiisa ka mid ah waxaa ku jira in ilaa maalinkow dhashay ilaa maanta ay Somalidu meelba mar isku ceyrsanayaan. waxuuna afka ku dhuftay in 30kii sanoba mar dagaal la qaado ilaa jiilka xiligaas jiro la dabar gooyo.

Abwaan Mustafe shirkii ka dhacay dalkaasi Jabouti 2000 kii waxuu ka qaaday hees si weyn u soo jiitatay dadweynahii Somaliyeed oo waliba shacabka reer jabouti ka yaabisay kedib markii uu qaday hees la yiraahdo Gursigan aan caanshaqayeey madaxweyne madaxweyne kol i dhaha ee.

Abwaanka sida wareysiga ka muuqato isagoo colaad lagala cararayo ayey hooyadii geed Ontor ah la gashay si ay u bad badiso isaga leysma weydiinayo aabahii sidii lagu bad baadin lahaa amaba isaga looga nabad gali lahaa waxaa leysku ceyrsanayaa hore iyo gadaal. xiligaas waxa leysku dagalayo waa uun aano qabiil, daaq iyo xoolo la kaka dhacay sida ka muuqata abwanka wareysigiisa.

Abwaan Mustafe isagoo waxasi oo dhan soo maray maanta waxuu qaxooti ku yahay meel ka baxsan dalkiisa hooyo. dhibaatada iyo rajo xumida heysata shacabkeena ayey qeyb ka yahiin abwaanadeena. Abwaan Mustafe xiligii uu ku soo biiray fanka markii hore inuu heeso ayuu ugu talo galay laakinse markii uu qaaday heestii ciilow ba'eey ceebteyda arag Casaanyada sideedii miyaan ceyn walba u cararay. malaha heestaas waxey aheyd midii uu fanka ku soo gali lahaa kediba abwaanimo ayuu u bedeshay.

Abwaanku waa qosolow Ruwaayad la magac baxday 70 jir waxuu si weyn ugu amaanayaa hablaha Somaliyeed kuwooda fanka ku jira isagoo midkasta qeyb jirkeeda ka mid ah ka soo qaaday oo mid ka mid ah fanaaniinta Somaliyeed oo ruwaayada la jileysay amaanayo.

Hadaba waxaanu idiin soo gudbin doonaa hadii ay inoo suuro gasho wareysi aanu abwaanka idiinka soo qaadi doono dhawaantan.


Hoyga wararka
Hiran State Online
webmaster#hiranstate.com