Dowlada Mareykanka oo dhaleeceysay xanibaadii lagu sameye mudanayaasha baarlamaanka .
Posted by admin on May 10 2011 20:18:41
Washington:(hiranstate.com)- Dowlada Mareykanka oo sheegtay in xanibaadii lagu sameyey mudanayasha baarlaanka ay muujineyso ineysan dowlada ku meel gaarka diyaar u aheyn iney dalka ka dhacdo dib u heshiisiin iyadoo xooga saartay iney dadka aamusiso Bayaan ka soo baxay dowlada Mareykanka.
Extended News
Washington:- Dowlada Maraykanka waxa ay walaac ka muujisay go’aankii DKMG Somalia ay ku joojisay safarkii in ka badan 40 xilidhibaan oo ka tirsan barlamaanka Somalia ay ku doonayayeen in ay kaga dhoofaan garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho maalintii shalay, si ay uga qeyb galaan siminaar lagu waday inuu ka dhaco dalkaasi Kenya.

Bayaanka ka soo baxay safaarada dowlada Mareykanka ay ku leedahay wadanka Kenya ayaa lagu sheegay in xildhibaanada qaarkood ay ahaayeen muwaadiniin Mareykan ah dhalashona wadankaasi ka heystay.War murtiyeedka waxuu intaasi ku daray in dowlada Mareykanka ay heshay warar sheegaya in qaar kamid ah xildhibaanada lagu handaday garoonka iyadoo sadex kamid ah jir dil loo geystay kedib amar ka yimid hoganka sare.

“Inta badan xildhibaanadii loo diiday in ay dhoofaan waxa ay u socdeen magaalada Nairobi halkaasi oo ay kaga qeyb gali lahaayeen seminaar ku saabasan doorashooyinka” ayaa lagu yiri warbixinta ay maanta soo saartay dowlada Maraeykanka.Dowlada Mareykanka ayaa waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay in qaar kale oo ka tirsan xildhibaanada ay u baxayeen arimo shaqsiyadeed oo lagu sheegay xaalad caafimaad.

Waxeyna dowlada Mareykanka cadeeyeen in dowlada ku meel gaarka ah ay dooneyso in xildhibaanada ay ka hor istaagto ka qeyb galka seminaar ku saabasan in looga doodo qaababka ugu haboon ee looga qaban karo doorashooyinka gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha bartamaha sanadkaan“ficiladan waxey qeyb ka yahiin dadaalo TFGdu ay ku dooneyso in ay ku hor istaagto wadahalada siyaasadeed dhinaca nabada iyo sidoo kale in DKMG ay dooneyso in ay shibiso dadka ka soo horjeedo iney sii jirto” sidaasna waxaa lagu cadeeyey war murtiyeed qoraal ahaa oo ay maanta soo saartay Dowlada Mareykanka.

Si kastaba madaxweyne Shariif iyo xukumada Farmaajo waxey luminayaan shacbiyad badan hadey sidan ku sii socdaan waxaana arintaasi si weyn looga dareemayaa waqooyiga America ee uu ku sugan yahay R/wasaaraha Somaliya Farmaajo. marka leys bar bar dhigo safarkiisii kan ka horeyey iyo midkani waxaa u dhaxeeya faraq weyn. safarkiisii hore dadku ilaa dalka Canada oo Mareykanka deris la ah ayey iska ababulayeen si ay ula soo kulmaan maantana inuu wadankaasi yimid iyo in kale dadku maba oga. arintaas ayaa loo micneynayaa dhawr arimood.

1- Maadaama uu R/wasaaraha iyo inta badan golaha wasiirada ay ka tageen qurbaha sida ay hada wax ku wadaan waxey fikir xun ka gudbinayaan qurba joogta Somaliyeed oo ay shacabka gudaha u arki doonaan dad xukun jecel oo aan waxbo dhaamin qab qablayaashii Somaliya iyo dadkii dhex joogay 21kii sano ee ina dhaaftay gudaha wadanka.

2-Xildhibaanada baarlamaanka ee maalintii shaleyto lagu bahdilay wadankooda marba hadii sidaan loo galay waxey shacabka qurbaha aaminsan yahiin ineysan xukumadan shacab caadi ah aysan wax arxan ah u heynin.

Qoraal maanta soo gaaray shabakada HS.COM oo ay iska kaashadeen aqoonyahano gacanta ku haya urur la yiraahdo Somali American PeaceDevelopment ayaa iyagu horey uga mid ahaa qurba joogtii soo dhaweysay xukumada Farmaajo marka aad aragto qoraalkii maanta oo ku socday dowlada Mareykanka UNPOS iyo shabakada HS.COM waxey muujineysaa in shacabiyad badan lumineyso xukumada Farmaajo siiba qurba joogta oo hada meelkasta lagula talinayo iney wadanka doorasho ka dhacdo.

R/wasaare Farmaajo oo New York u yimid sidii 1 sano loogu dari lahaa ayey aad u dhaawaceysaa dhacdadii shaleyto oo isla maanta ay Mareykanku ka jawaabeen. xukumada Farmaajo waa qurbo joogtii ugu horeysay ee isku bedelay hogaamiye kooxeed iyadoo hada caasimadii Somaliya masuuliyiinta dowlada qaarkood Bistoolado xiran yahiin xitaa marka ay jiifanayaan.

Warar aan la hubina waxey sheegayaan in dad xigto la ah Farmaajo ay kula taliyeen hadii uu mustaqbalka fog ka leeyahay siyaasada Somaliya inuu shaqadan iskaka tago amaba qaato fikirka inta badan shacabka Somaliyeed halka uu u badan yahaya oo ah iney wadanka doorasho ka dhacdo si looga baxo kumeel gaarka.

Walow Farmaajo iyo madaxweyne Shariif uusan warkaasi kusocon oo ay ku faraxsan yahiin in ay mushaar siiso UNDP dalkuna waligiis sidan u ahaado wadan hogaankiisa la biilo oo ay qaramada midoobay ay ceyr siineyso.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net