Doorashadii madaxweynaha iyo gudonka baarlamaanka oo laga soo hormarinayo waqtigii loogu talo galay.
Posted by admin on June 01 2011 22:49:16
Mogdisho:-(HS)-Kulamo isdaba joog ahaa oo ay maalmahani ku lahaayeen wadamo ay ka mid yahiin Kenya, Ethiopia iyo ugu danbeyn midka hada Uganda ka dhacaya oo looga yeeray madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu danbeyn lagu wadaa iney doorashadii mudada badan lagu murmayey ay ka soo hormareyso waqtigii horey loo qiyaasayey iyadoo dowlada Somaliya si rasmi ah dhaqaalaha looga jarayo aaqirka bisha Jun hadii uu sii socdo muranka hogaanka sare. war bixin culus.
Extended News
Mogdisho:(HS)- Kedib kala jab iyo kala shaki soo kala dhex galay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo dhawaantan lagu qarxiyey goob ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada ayaa soo dedejisay in doorashadii laga soo hormariyo waqtigeedii kedib markii mdaxweynaha dalka Uganda uu codsigaasi u gudbiyey QM iyo wadamada daneeya arimaha Somaliya, iyagoo qiray waa dowlada Ugnadhee in aysan Mogdisho wax badan ka qaban karin inta uu jiro qilaafka Hay'addaha dowlada.

Dowlada Ugandha ayaa lagu soo waramayaa in naqshad ay ugu talo gashay iney Mogdisho ku qabato ay fashiliyeen ciidamada dowlada iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada hada jirta, sidoo kale waxaa maanta looga yeeray dalkaasi Ugandha hogaanka sare oo dhan inkasta oo aysan walito casuumaadii la gaarsin R/wasaare Farmaajo oo isagu hada is gaabinaya si uu ugu mid noqdo amaba wax ula qeybsado dowlada rasmiga ah ee dalka ka curan doonta isagoo meel iska dhigay qilaafka labada Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shiikh iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa caawa u hoyanaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir ay leeyihiin Kooxda Xiriirka Arimaha Soomaaliya (Somali Contact Group) oo shir labo maalmood socda ay yeelan doonaan shirkaan oo daba socday shirkii leysku soo hor fadhiisiyey dowlada, Somaliland iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ee dhawaatan ka dhacay dalkaasi Ingrisska magaaladiisa London.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xili ku beegneyd casir, iyadoo socdaalkiisa ahaa mid gaar ah oo diyaarad qaas ah ka qaaday isaga iyo Mudanayaasha taageersan halkaasi oo waliba xiliga garoonka la geeynayey gudoomiyaha baarlamanka ay aad u ilaalinayeen ciidamada Amisom kedib markii ay maalmahani soo baxeen iney qorsheynayaan hogaamiyaashii midowga maxkamadaha qaarkood in loo xilsaaray iney qaarajiyaan isaga iyo raga sida aadka ah uga ag dhaw.

Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah Xogheynada Shariif Hasan ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu kaga qeyb geli doono shirka beri ka furmi doono Magaalada Kampala ee dalka Ugandha oo ay leeyihiin kooxda xiriirka Arrimaha Soomaaliya isagoo ka gaabsaday in shirkaasi lagu shesiisiin doono labada Shariif maadama aduunyadu go,aan ku gaartay iney dhaqaalaha ka joojineyso dowlada Somaliya hadii ay wadanka ka dhici weyso doorasho ka hor bisha 8aad.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa maqribkii ka dhoofay garoonka Muqdisho isaga iyo wafdi uu hogaaminayo, iyadoo diyaarad gaar ah ka qaaday isaga iyo Wafdigiisa halkaasi kedib markii uu diiday gudoomiyaha baarlamaanka iney diyaarad wada raacaan madaxweynaha iyo isaga sida naga soo gaareyso gudiga qaban qaabinaya shirka Ugandha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Ra'iisul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta Qaranka C/wali Gaaz, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta C/kariin Jaamac oo isagu indho iyo dhego u ah madaxweynaha marka laga hadlayo xaga turjubaanimada luqada Ingriiska iyo masuuliyiin kale oo badan.waxuusan shaki ku jirin in aysan xaalka madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka aysan aheyn mid sahlan marka laga hadlayo qilaafkooda herka uu joogo oo ay caruurta yar yar ee Mogdisho ku nool xitaa hadal hayaan.

Safarka Labada Shariif ayaa noqonaya kii u horeeyay ee si isku mid ah loogu casuumo shirka Kooxda xiriirka Arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkan midkii ka horeeyay uu Madaxweynaha kaga qeyb galay Magaalada Madrid ee dalka Spain, waxaana sanadihii u dambeeyay si qaas ah uga qeyb geli jiray Madaxweynaha Somaliya.

Guntii iyo gabo gabadii dowlada hada jirto waqtiga u haray waa mid aad u yar shacabka Soomaaliyeedna uma muuqato mid ka samata bixin karo dhibta heysta iney tahay TFGda, maadama qilaafka hogaanka sare ay la hareen waxkasta oo laga filan karay dowlada hada jirta sida dib u heshiisiin, nabad galyada oo wax laga qabto iyo waliba kooxahaan oo dalka laga sifeeyo. sidoo kale waxaan ilaa hada leysweydiin marnaba meesha ay ka baxday 100kii maalmood e uu qabsaday Farmaajo oo nabadgalyada wadanka lagu hanan lahaa?

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net