Kacdonada looga soo horjeedo shirkii Kampala oo lag ayaabo inuu wajikale yeesho oo ay shacabku dalbadaan in wadanka doorasho laga qabto si looga baxo xiliga kumeel gaarka
Posted by admin on June 17 2011 02:31:12
Somalia:(HS)-Kacdoonadii looga soo horjeeday shirkii Kampala ee lagu taageerayey inuusan xafiiska ka tagin Farmaajo ayaa laga yaabaa iney wajiyo kale yeeshaan oo halkii Farmaajo laga taageeri lahaa loo weeciyo in wadanka ay doorasho ka dhacdo hogaanka sarena iscasilaan maadama uu wadanku hada ku jiro qatartii ugu xumeyd. talooyin ka yimid qaar bulshada ka mid ah.
Extended News
Somalia:- Dalka Somaliya ayaa la saadaalinayaa hadii uusan si deg deg ah uga bixin xiliga kumeelgaarka amaba aan la soo afjarin dowladahan loogu yeero TFG in u gabigiiba ka bixi doono qadka oo mustaqbalka dhaw laga wareysan doono dhawr dowladood oo bariga Africa ku yaalo halka ay gadaalna ka saacidi doonaan dowlado reer galbeet ah.

In ka badan 45 emailo oo maanta galinkii danbe inaga soo gaaray muwaadiniin Somaliyeed kakana hadlayeen fikirkooda ku wajahan dalka ayaa waxey talo ku soo jeediyeen halka Farmaajo inuu joogo loo mudahaaradayo taasi bedelkeeda iney ka quman tahay in mudaharaadyada laga dhigo mid lagu dalbanayo sidii wadanka looga saari lahaa xiliga kumeel gaarka oo ay doorasho ugu dhici laheyd.



Dabcan wadanka ma joogo hogaamiye doonayo inuu dalka ka saaro xiliga kumeelgaarka walaa Farmaajo, madaxweyne Shariif iyo waliba gudoomiyaha baarlamaanka shaqsi kastana ayey leeyahiiin waxuu ilaashanayaa jaaniskiisa sidii uu siyaasada ugu sii jiri lahaa ee shacab loo daneynayo ma jirto hadii dal iyo dad laga naxayo maanta masuuliyiinta hada jirta iyagoo awoodi kara iney wadanka doorasho ka dhacdo oo lagasaaro kumeelgaarka ayey sanad hor leh dalbadeen marka maxuu soo siyaadinayaa mudaharaaadka lagu dalbanayo sii joogitaanka Farmaajo ayey leeyahiin qaar shacabka ka mid ah.

Heerka wadankii la gaarsiiyey waxuu marayaa in hay'ddaha QM iyagoon wax mashaariic ah ka fulin gudaha Somaliya iney Report iska qortaan kedibna 3dii biloodba u soo gudbiyaan qaar ka mid ah websideyada Somalida oo inta wax yar la siiyo soo daabacaa ayey yiraahdeen dadka talooyinkaan soo jeedinayey badankood iyagoo waliba afka ku dhufanayey qaar ka mid ahaa websideyadii ugu horeyey ee ay Somalidu yeelato.waxeyna lahayeen kuwii mediyaha ku dhex jiray ayaaba maskaxdii sidaas looga qabsaday kuwii siyaasada u jiray ee dantooda eeganayey maxaad u maleyneysaa iyo wax la mid ah.

Sidoo kale Farmaajo ha joogo ma xuma maxaa xiga?
labada Shariif Farmaajo ha ceyriyeen maxaa xiga?
hadii Farmaajo lagu bedelo R/wasaare cusub oo ka soo jeedo Puntland amaba qoyska Farmaajo maxey soo siyaadin karaan maxaase xiga marka la magacaabo isaga kedib?
Ma calan cusub ayaanu sameysaneynaa? Ma wax uu qaban waayey midka hada la ceyrinayo ayuu qaban karaa ileen dalkii iyo dadkii wax iska bedelaa ma jirto dowlada uu Farmaajo ka tagayo waa Kumeel gaar amaba TFG midka cusub oo imaan doonana waxuu horboodayaa dowlad loogu yeero TFG?
kacdoonka shacabku ku taageerayaan Farmaajo hadii uu sii joogo xafiiska oo tooda loo yeelo maxaa xiga?
Mudo 21 sano kedib maanta in dowladaha Somaliya ka hirgala loogu yeero TFG yaa sababa u ah?
Waxaasi oo dhan waxaa sabab u ah hogaamiyaasha Somaliya oo aan xil iska saarin amaba aaminsaneyn in uu wadanku qatar ku jiro intaba la leahay TFG amaba dowlada kumeelgaarka ah.
Sidoo kale waxaa sabaab u ah shacabka oo waligood ku jray nin jecleysi iyo dano qabiil oo aan wali iska wareysan danta guud.

Hadaba shaki kuma jiro in kacdoonka shacabka uu waji kale yeelan doono maalmaha soo socda hadii aysan hogaanka sare xal deg deg ah oo wadanka looga saarayo xiligan kumeel gaarka ah doorashane lagu qaban karo la imaan. maxaase ku jaban in hogaanka sare ku midoobaan sidii wadanka looga saari lahaa xiligan kumeelgaarka ah doorashane loo qaban lahaa halka uu masuul kasta isku mashquulinayo sidii mudo loogu kordhin lahaa waqtigii loogu talo galay kedib marka uu dhamaado.

Dhibaatada ugu weyn ee shacabka heysta ayaa ah inuusan jirin baarlamaan awood leh oo ku hadla codka shacabka waxeyna mudanayaashu la kala safan yahiin masuuliyiinta iyagu qilaafkooda xalin la iyagoo hal magaalo wada jooga amaba ay guryahoodu isku muuqdaan (Villa Somalia) ee hadii uu jiro baarlamaan awood leh oo ku hadli kara codka shacabka waxey iclaamin lahaayeen iney wadanka doorasho ka dhacdo, inkasta oo hada uuba shaki ku jiro iney kulan uusan ogolaan gudoomiyaha baarlamaanka dalban karaan amaba iskugu imaan karaan ileen dad isku yimaada ayaa talo meel dhigee.

Dhawaantaan ayey aheyd markii warbixin caalami ah lagu sheegay in ay Somaliya ka mid tahay wadamada ugu xun aduunka marka laga hadalayo dhinaca amaanka iyo xuquuqda bini,aadamka , halka la sheegay ineysan wax xuquuq ah aysan fowdada Somaliya ka jirto ku leheyn caruurta iyo dumarka Somaliyeed.

Xalka Somaliya ma ahan oo kaliya in Farmaajo loo banaan baxo mustaqbalka caruurta Somaliyeed waa in la eego ayey yiraahdeen qaar ka mid ah muwadiniinta Somaliyeed. waa loo baahan yahay in laga dhiidhiyo shirkii Kampala waana loo baahan yahay in shacabku shacuurtooda muujiyaan laakinse Farmaajo ha joogo maxaa xiga? marba haduusan hadafka shacabku aheyn wadanku doorasho ha laga qabto si looga baxo xiliga kumeel gaarka iyo wax la mid ah?

Bal aanu aragno xalka Somaliya meesha uu ku danbeyn doono mustaqbalka dhaw iyo kan fog. waxaa kale oo aanu eegi doonaa hogaamiyaal aan maanta masuuliyad iska saareyn sidii wadanka looga saari ahaa inuu ka baxo xiliga kala guurka ah sida ay shacabka kalsooni ugu heli doonaan mustaqbalka ileen xitaa hadii sanadka ay dalbadeen loogu daro sanad iyo bilo la tirinaa waxbo maahane may hada inta ay goori goor tahay shacabka kasbadaan oo ay doorasho iclaamiyaan wax uusan ilaah qadarin aduunyadan kama dhacaane sida ay hada yahiin uunbey ahaan doonaan sanadka danbane hadiba ay wad ka bad baadaan xiligaas ka hor.

Farmaajo, madaxweyne Shariif iyo gudoomiayaha baarlamaanka oo iyagu rajo ka qaba iney bulshada hogaamiyaan iyagoo madax ka ah dowlad loogu yeero TFG oo la mid ah maamul goboleed oo kale waayo awoodeeda iyo siyaasadeeda ma dhaafsisna Bariga Africa marka dan laga leeyahay oo kaliya ayaa laga casuumaa QM iyo Yurub kedibna waxaa loo soo dhiibaa mashruuc markaasi aysan inta badan ka fiirsan aaqirkana iyaga kala fogeeya kedibna sababa gacan ka hadal ay dad ku dhintaan.

Inkasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno dadaalada ay beesha caalamka ka wado aduunka waxaa bal marka hore la quusinayaa raga hada isku heysta talada dalka marka iyaga iyo shacabka leys tusiyo ayaana doorasho qasab ah wadanka laga iclaamin doonaa waliba doorashadu sanadkan ma dhaafeyso dadka qaarkii waxeyba isku mashquulinayaan 12 bilood oo had kedib ahe.

Madaxweynaha Somaliya waa masuulka kaliya ee la xaqiijiyey inuusan faham saneyn faraqa u dhaxeeya dowald kumeel gaar ah iyo dowlad rasmi ah hayeeshee dad badan waxey leeyahiin maadama uu diinta wax ka yaqaano hadii si Somalinimo leh loogu micneyn lahaa faraqa u dhaxeeya TFG iyo dowlad rasmi ah bil ku dahood ayuu doorasho ku iclaamin lahaa ee waxuu u heystaa dowlada uu madaxweynaha ka yahay iney wax badan dhaanto hogaankii maxkamadaha ee uu horboodayey 2006 ilaa uu ku helo xilka uu hada ku fadhiyo. halka la xaqiijiyey in Sharif Hasan wax yar ka fahamsan yahay, laakinse Farmaajo bilaaw iyo dhamaad waa fahamsan yahay laakinse ma doonayo in wadanku doorasho ka dhacdo waayo diyaar ma ahan hada ayaa la leeyahay sidaasi daraadeed waxuu ka doorbidayaa in hal sano loogu daro mudada hada ka dhamaan rabta ee ka harsan maalmaha.

La soco wararkeena danbe sida ay siyaasadu maalinba maalinta ka danbeysa amaba saac kasta isku bedeleyso.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net