Afhayeenka jaaliyada beesha Xawaadle ee Minnesota Mustaf Sabriye oo soo dhaweyey Mudane Cabdullaahi Godax xilka loo magacaabay.
Posted by admin on July 21 2011 12:06:53
MN:(HS)-Afhayeenka Jaaliyada beesha Xawaadle ee Minnesota Mustaf Sabriye Xalane oo hambalyo u diraya wasiirka cusub ee Qorsheynta mudane Cabdullaahi Godax.
Extended News
MN:-Jaaliyada beesha Xawaadle ee Minnesota waxey dhambaal hambalyo ah u direeysaa wasiirka qorsheynta Iyo iskaashiga caalamiga mudane Abdullaahi Goodax Barre Fiidow ,
Waxey kaloo jaaliyada soo dhaweyneeysaa xilka wasiirnimo ee loo magacaabey mudane Abdullahi Goodax Barre , maadaamo uu yahay shaqsi ku haboon xilkaas una qalmo aqoonteedana leh kana mid ah aqoonyahaniinta diaspora ku nooleyd mudo, kana mid ahaay aas aasayaashii HDDA oo markii danbe dhashey dowlad goboleedka Hiiraan State , gacan fiicane ka geeystey shirarkii qurbo jooga beesha Iyo dhamaan beelaha walaalaha ah ee wada dego Hiiraan.

Jaaliyada beesha xawaadle ee Minnesota waxey wasiirka kula talineeysaa in uu ka faaideeysto jaanisyadii ay haleeli waayeen wasiiradii asiga ka horeeyey ee soo marey beesha Iyo dhamaan reer Hiiraan,waxaan wasiirka kula dardaarmeynaa in uu muhiimada saaro midnimada Iyo wadajirka arimaha beesha Iyo dhamaan reer Hiiraan maadaamo aad xubintaan wasiirnimo ku heshay magaca beesha.

Waxeyna jaaliyada beesha xawaadle ee minnesota diyaar u tahay in ay kugu saacidi doonto wax alle Iyo waxii wanaag ah ee ku saabsan arimaha beesha Iyo reer Hiiraan , waxaa muhiim ah in aad kaalinta koowaad aad siisid arimaha ba,an ee abaaraha , nabadgalyada , waxbarashada Iyo caafimaadka ee deegaanada Hiiraan State ka kooban tahay.
Jaaliyada beesha ee Minnesota waxey kuu rajeeyneeysaa in illaahey kuu fududeeyo xilkaas adag guguna garab galeeyso waxii hiil Iyo hooba aamiin aaamiin

Wabillaahi towfiiq
Afayeenka jaaliyada beesha xawaadle ee Minnesota
Mustafa Sabriye xalane
sabraa2009@gmail.com