M/weynaha Hiiraan State oo hambalyo u diraya shacabka iyo dowlad goboleedka Puntland
Posted by admin on August 01 2011 19:57:42
HS:- Madaxweynaha Hiiraan State Dr Mohamud Abdi Gaab ayaa hambalyo u diray madaxda Puntland iyo shacabkooda isagoo ugu baaqay jaaliyada reer Hiiraan ee qurbahane iney ku daydaan walaalahooda Somaliyeed ee isku tashaday waqti hore.
Extended News
HS:- Madaxweynaha Hiiraan State Dr Mohamud Abdi Gaab ayaa hambalyo u diray madaxda Puntland iyo shacabkooda isagoo ugu baaqay jaaliyada reer Hiiraan iney ku daydaan walaalahooda Somaliyeed ee isku tashaday waqti hore.

Madaxweynaha oo dhawaantan safar ku tagay degaanada Puntland ayaa qiray in maamulka Puntland ku guuleystay nabadgalyada iyo arimaha bulshada isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadkii fikirkiisa ku biiriyey in shirka wadatashiga lagu qabto Garowe.
Madaxweynaha ayaa ku dhiiragaliyey iney bulshada ku abtirsata degaanka Puntland amaba ka soo jeeda xajistaan waxii nolosha bini'aadamka ugu wanaagsanaa oo maanta gacantoda ku jira marka loo eego koofurta Somaliya (nabadgalyo).

Inaguna waxaanu leenahay shacabka Puntland Hambalyo, hambalyo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net