Qaar ka tisan Shabaabka Hiiraan oo lagu wado iney wada hadal la furaan saraakiisha ciidamda reer Hiiraan kedib fashil ku yimid uruka guud.
Posted by admin on August 06 2011 19:07:06
Hiiraan:- Dhalinyarada Shabaabka Hiiraan ayaa durbaha bilaabay fikir kala duwanaansho xaga mustaqbalkooda ku danbeynayop iyadoo qaarkood go,aansadeen iney la heshiiyaan maalmaha soo socda ciidamda reer Hiiraan ee halkaasi ku sugan.
Extended News
Hiiraan:- Dhalinyarada Shabaabka Hiiraan ayaa durbaha bilaabay fikir kala duwanaansho xaga mustaqbalkooda ku danbeynayo iyadoo qaarkood go,aansadeen iney la heshiiyaan maalmaha soo socda ciidamada reer Hiiraan ee halkaasi ku sugan hadii ay ka dareemaan dabacsanaan oo ay si nabadgalyo ah ugu wareejin doonaan magaalooyinka waaweyn, halka dhalinyarada Shabaab ee aan dagaanka u dhalan doonayaan in ay dadka xasuuqaan inta aysan gacantooda ka bixin guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee ay Hiiraan kaka sugan yahiin.

Warar xaqiiqda u dhaw ayaa sheegaya in ay luntay waxii ka danbeeyey maalintii shaleyto aheyd isku xirnaantii guud ee Shabaabka Somaliya ka dagalama iyo Ajaaniibtooda kedib markii ay ururka si rasmi ah u kala jabiyeen hogaamiyaal aanu ka xusi karno Hasan Dahir iyo koox cusub oo ka farcamay ururka oo mudo ka shaqeynayey arintaan fashilaada.

Guud ahan gobolada dalka ay maamulaan kooxdaan ayaa laga yaabaa inuu isbedel ku yimaado maalmaha soo socda maadaama ay hada arintu mareyso nin walbow naftaa iyo degaankaad ka soo jeeday ku dhuumo.sidoo kale Hiiraan oo ka mid ah meelaha sida weyn Shabaab loogula dagaalamay kedib markii ay qaar ka mid ah saraakiisha Shabaab isku dayeen iney qaab qabiil ku qabsadaan shacabka ayaa ka mid ah degaanada ay isku dayi doonaan kooxahii Mogdisho ka baxay iney gabaad ka dhigtaan mudo inta ay arimaha hada socda dhinac u dhacayaan.

Warar aanu ka soo diyaarinay Shabaabka Hiiran iyo mustaqbalkooda la soco dhawaan iyo goobaha uu saldhig inuu ka dhigto doonayo Hiiraan Hasan Daahir iyo kooxdaan cusub ee Shabaab ka go,ay.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net