Xaruntii Agoonta Ugaas Khalif ee magaalda Belet weyn oo qarka u saaran gabo gabo , halka farxad laga dareemayo caruurta wajiyadooda.
Posted by admin on August 09 2011 15:26:31
Hiiraan:-Xaruntii dhismaha Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada Belet weyne oo gabo gabo halka rajo laga qabo iney ku ciidaan xaruntaasi Agoonta hadii walaalaha qeyrka jecel bisha ramadaanka ka qeyb qataan inta hartay. war bixin ka timid maamulka agoonta + Sawiro cusub.
Extended News
Hiiraan:- Noole kasta oo dunidan ku nool waxuu ku tiisan yahay Alaahu subxaanahu watacaalaa oo ah midka koonkaan keenay. sidoo kale Alaah umadiisa isagaa isku quudiya oo midba mid ayuu ku tiirsan yahay, hadey noqon laheyd dowlad markaasi wadanka ka jirta amaba ururo.

Sidoo kale aduunyadan aanu ku nool nahay waxaa jira caruur fara badan oo siyaabo kala duwan u hela nolol halka kuwane ayba adag tahay meel ay wax ka bilaaban. kuwa ay nolosha ku adag tahay waxaa ka mid ah caruurta agoonta ah ee iyadoon garaadkoodu buuxsamin Alaah oofsaday waalidkood kedibna noloshoodii noqotay (No were to go).

Hadaba agoonta maanta dunidan amaba Somaliya ku nool wey adag tahay si baahidooda loo daboolo waayo waalidiin badan oo maanta nool waxeyba nolol u la yahiin kuwii ay dhaleen ha yeesheen qofkii uu ilaah qeyr la doonayo u madiisa ayuu u qasbaa.

Caruurta ku nool Xarunta Agoonta Ugaas Khalief ee Belet Weyn dib uguma laabeyno waxii ay soo mareen amaba ay ka soo mareen maamulka gacanta ku haya ha yeeshee waxey dhibaatadii ugu weynd la soo daristay markii laga saaray xaruntii ay ku noolaayeen kedib markii ay u baahdeen dadkii lahaa gurigii ay ku jireen.

Xaruntan cusub ayaa lagu wadaa iney wax badan ka bedesho baahidii ay caruurta u qabeen hooy ay seexdan iyo goob ay wax kubartaan.

Hadaba hadii aad tahay qof qeyr jecel ka faa'ideyso bishan Ramadaan si caruurta ugu ciidan xaruntaan maadama ay tahay maalin yoomul farax ah oo muslimiint aduunka ay ku jiraan dabaal degyo.

Fadlan hadii aad u baahan tahay macluumaad dheeri ah booqo Agoonta .net