Wararkii ugu danbeeyey Shabaab iyo shir la sheegay in loo qabanayo Soamlida looguna magac daray wadatashi(Mahiga)..
Posted by admin on August 13 2011 07:07:49
Somalia:-Shirka wadatashiga ee ay shacabka Somaliyeed maqlaan waa shir noocee ah ,yaase loo qabanayaa ma Somali oo dhan mise waa shir dhex mari doona Mahiga iyo koox uu isagu wato?maxaadse kala socotaa ka bixitaankii ay Shabaab ka baxeen Mogdisho sida uu uga shalaayey afhayeenkii hore ee ururka Ali Dheere.
Extended News
Somalia:-Shirka wadatashiga ee ay shacabka Somaliyeed maqlaan waa shir noocee ah ,yaase loo qabanayaa ma Somali oo dhan mise waa shir dhex mari doona Mahiga iyo koox uu isagu wato?maxaadse kala socotaa ka bixitaankii ay Shabaab ka baxeen Mogdisho sida uu uga shalaayey afhayeenkii hore ee ururka Ali Dheere.

Shacabka Somaliyeed oo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado mudo 21 sano ah hadane markaad dhinaca kale ka eegto dhiigooda ayaa lagu dul ganacsadaa iyadoo marba marka ka danbeeysa dibada lagala imaanayo qandaraas joogto ah oo ay hor boodayaan shaqsiyaad Somali ah iyo hadba wakiilkii ay QM u soo diraan Somaliya. hadaba waxaanu dhawrkii sano ee inadhaaftay sanadba sanadka ka danbeeya maqalnaa waxaa la shirinayaa shacabka Somaliyeed iyadoo hadba shirkaasi loo bixiyo magacii la doono, laguna casuumo tiro yar oo qandaraaskaasi dooneysa iney meel mariyaan oo Somali iyo ajaanib iskugu jira.

Tan iyo waxii ka danbeeyey markii ay QM u soo dirtay inuu wakiil uga noqdo Somaliya ninka isagu u dhashay wadanka Tanzania Mahiga ayaa waxaa aad u adkaatay inuu si deg deg ah ula qabsado dhaqanka Somalida cusub oo intooda badan diin ka dhigtay qabiil, sirta wadankooda oo ay ka hadlaan, dadka ajaanibtaa ee wadankooda shaqada u soo raadsada si ay nolol iyo dhaqaalo deg deg ah u helaan ayey isku xantaan iyagoo aan iska warqabin oo ay u kala dhuuntaan taasi oo markasta si sahlan loogu bahdilo hadba masuuliyiintii markaasi jirta. sidoo kale shirkasta oo ay iclaamiyaan hadba wakiilkii ay QM u soo dirto Somaliya waxuu galaaftaa hadba dowladii markaasi shacabka u dhisan qaabkii la doonaba ha ku timaadee.

Hadaba inagoo ka duuleyno dhacdooyinkii la soo maray dhawr bilood ka hor ayey aheyd markii la iclaamiyey in shir wadatashi ah loo qaban doono Somalida laakinse lama sheego waxa ay ka wada hadlayaan, cida shirkaas iney ka soo qeyb gasho mudan, ujeedada shirka, faa'idadiisa iyo qasaarahiisa. hase ahaatee shirka hada la iclaamiyey kii ka horeyey waxuu ahaa mid Somalida lagu kala dhantaalayey oo waxaa loo qabtay oo kaliya amaba iskugu tagay shirkaasi hadii magac rasmi ah loo bixiyo Mahiga iyo Reer Mudug oo dhawr magac ku kala socda ilaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay oo kaliya in la kala diro xukumadii Farmaajo.

Waxaa ku soo xigay hadane shir kale oo hada la iclaamiyey shirkaas oo sida la sheegay ay qabashadiisa ka harsan tahay dhawr isbuuc oo kaliya iyadoo howsha loo xilsaaray shaqsiyaad uu Mahiga gacantiisa ku soo xulay oo iskugu jira Somali iyo ajaanib.shirkan wadatashiga ma ahan shir quseeya Somali oo dhan waayo intii aan lagala tashan midkii hore ma muuqato iney kan si sahlan uga qeyb galayaan hadaan qabiil kasta oo Somaliyeed shaqsiyaad u dhashay jidadka laga soo qabaneyn oo goobta lagu qabanaa inta la geeyo sawiro aduunyada la tusiyo laga qaadaneyn.

Marka shirkaasi waa mid sida loo buun buuninaa amaba Mahiga jecel yahay aheyn mana ahan mid Somaliweyn ay dani ugu jirto waaba hadiiba leysku raaco inuu dhaco goobtii la doonaba ha lagu qabtee.

Ururweynii bur buray ee Shabaab

Dhinaca kale ururweynahii Shabaab ee dhawaantan bur buray ayaa marba marka ka danbeyso waxaa ka soo baxaya warar isa soo taraya iyo sida ay u kala aamin baxeen saraakiishii ururkaas hogamin jirtay, iyadoo ay hada u kala jabeen qaar degaanadoodii iskugu geystay ciidankooda sida ciidamadii ka soo jeeday jubooyinka, Bay iyo bakool. halka qaarkood ay heshiis hoose la galeen dowlada oo la dejiyey goobaha ay maamusho Amisom iyadoo ay arintaasi ka shaqeynayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta TFGda oo uu ugu horeeyo Shiikh Shariif.

Arimaha hada socda marka dhinac kasta laga eego waxaa meel cidla ah ku soo dhacay afhayeenkii hore ee Shabaab Ali dheere iyo dhawr ajaanib ah oo sida la sheegay ku sugan Hotel Qurux badan oo ku yaala gudaha Dayniile kuwaasi oo dumar Somaliyeed ku guursaday wadanka mudadii ay Shabaab jirtay,awooda kaliya ee hada ku soo hartayna tahay inuu idaacadaha ka hadlo oo yiraahdo Shabaab walito wey nooshahay iyo wax la mid ah, halka ragii ay ururka iskula jireen ay ku mashquulsan yahiin sidii ay isku bad baadin lahaayeen.

Mid ka mid ah xaafadaha magaalada Mogdiso sida xaafada Boondheere oo aan sidaasi uga fogeyn Villada ayaa lagu soo waramayaa in la dejin doono hogaamiyaal uu ka mid yahay Kabo Ku tukade iyo Macalin Xaashi kuwaasi oo sida la sheegay wakiil ka ah saraakiil iyo hagaamiyaal ka tirsan Shabaab oo ku sugan duleedka waqooyi ee magaalada Mogdisho arintaan oo ay fududeeynayaan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir qarkood oo amar ka yimid madaxtooyada fulinaya ileen dowlada laguu sheegayo half waa Shabaabe.

Xalka Somaliya ilaa laga helayo wadani dalka iyo dadka ka naxa oo ka madax banaan gacan shisheeye sidan ayuu ahaan doonaa shakina kuma jiro ,waana fikirka ay qaban tiro yar oo dhinaca wanaagsan markasta wax ka eegto oo bulshada Somaliyeed ka mid ah.

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net