Gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya Faarax Macalin Dawaari oo booqday Dhooblay
Posted by admin on August 22 2011 01:44:03
Dhooblay(HS):- Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaari oo booqasho ku tagay magaalada Dhooblay ee gobolka Jubada hoose, isagoo halkaasi kulamo kula yeeshey qeybaha kala duwan ee bulshada Dhoobley.
Extended News
Dhooblay:- Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dalka Kenya ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Dhooblay ee gobolka Jubada hoose oo ka mid ah magaalooyinka waaaweyn ee ku yaala xadka labada wadan Somaliya iyo Kenya.

Gudoomiye ku xigeenka iyo wafti la socday ayaa halkaasi kula kulmay qeybaha kala duwan ee shacabka dhoobleey sida waxgaradka, siyaasiyiinta, saraakiisha iyo waliba dhalinyarada degaankaasi isagoo qiimeyn guud ku sameeyey xaalada bulshada halkaasi ku nool maadama wadanka dhan ay ka jirto abaaro aad u daran.Mudadii uu gudoomiye ku xigeenka dalkaasi Kenya ahna muwaadin Somaliyeed ku sugnaa magaalada Dhoobley ayaa si weyn loo adkeyey nabad galyada oo ay sugayeen ciidamo fara badan oo intooda badan ka soo jeeda degaanka jubada hoose.

Faarax Macalin ayaa mudadii uu joogay Dhoobley booqday goobo sida la sheegay u badan xarumo caafimaad iyo goobo ay wax ku bartaan dhalinyarada ku nool magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose oo hoos taga maamulka dhawantan looga dhawaaqay dalka Kenya ee Azania. shacabka deegaanadaasi oo bilooyinkii la soo dhaafay dagaal ba'an kula jiray kooxo iskugu jira ajaanib iyo Shabaab ayaa ugu danbeyn ku guuleystay iney ka saaraan inta badan magaalooyinka ku xeeran dalka Kenya intooda badan,taasi oo suuro galisay in ay masuuliyiin sar sare oo ka socota dalka Kenya gaaraan halkaasi.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net