Faa’idada reer Hiiraan ay u leedahay dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya
Posted by admin on January 04 2011 17:53:01
Talaado 4,Janaayo 2011(HSOL)Faa’idada reer Hiiraan ay u leedahay dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya.
Extended News
Faa’idada reer Hiiraan ay u leedahay dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya .

Nidaamkan oo ah mid bilow nabadeed u noqon doona gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxa uu xaqiijinayaa qodobadan hoos ku qoran :

1) ilaalinta Magaca Soomaaliya bulsho ahaan , dhaqan ahaan , siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaan intaba .

2) wuxuu horseedayaa ilbaxnimo casri ah , dhisme dowladeed oo shacabka uu ku kalsoon yahay iyo kaalin muuqata oo dadka reer Hiiraan ay ku yeeshaan Hogaanka sare ee dalka Soomaaliya .

3) waxa ay horseedi doontaa in si cadaalad ah kheyraadka dhulka ay u qeybsadaan dadka reer Hiiraan .

4) waxaa soo afjari doontaa waqtigii dulmiga ,xoog ku maquuninta iyo argagaxisada siyaasadeed , midda diimeed , midda dhaqaale iyo midda bulsho .

5) Dadku waxa ay baran doonaan dowladnimada , nidaamka , wada-noolaanshaha, waxaa la joojin doonaa loolanada qabiileed iyo xadgudubyada , shaqsi ,qoys iyo qabiil waliba wuxuu heli doonaa xaqqiisa , ha ahaado qabiil yar ama qabiil weyn intaba.

6) Dadku waxa ay baran doonaan dhaqanka iscafiska iyo isa saamaxaada , si dharbaaxo dhabar jab ah loogu geysto argagaxisada iyo fitnada kooxeysiga .

7) Waxaa shacabka reer Hiiraan ka yaraan doona haduu allah idmo sabuulnimada, iyo cudurada , waxaana la heli doonaa fursado shaqo oo badan .

8) Waxaa la sugi doonaa ammaanka iyo deganaanshaha Xuduudaha dowlad goboleedka Hiiraan State ee Soomaaliya .

9) Waxaa laga run sheegi doonaa Mabda’a Xaqqa iyo Xoriyadaha

10) Waxaa la badali doonaa anshaxa bulshada ee aan ku dhisneen ilbaxnimada , waxaana la bari doonaa dadka dhaqanka suuban ee islaamka iyo dhaqanka guud ee isfahamka bulshada .

11) Waxaa Gobolada Hiiraan State ay ka kooban tahay ee kala ah : Dhagaxjibis, Deebley iyo koonfurta Hiiraan ay wada heli doonaan qorshayaal dib u dhis guud oo ah waddooyinka , cusbitaalada , saldhigyada ,xabsiyada,goobaha waxbarashada iyo adeegyada guud ee bulshada .

W/diyaariyay : Xafiiska Hiiraan State ee Soomaaliya
Muqdisho –Soomaaliya
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net