HS:-Heesaha aad loo xiiseeyo ee Cabdi Diini
Posted by admin on December 07 2011 18:02:59
HS:-Qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan oo ka codsaday Fanaanka dada yar Cabdi Diini oo heesahiisa aad looga dhageysto dunida inuu jaamacada Hiiraan u qabto xaflad weyn fariintaan oo maamulka HS.COM soo gaartay maanta, waxaanu isku dayi doonaa in aanu gaarsiino fanaanka sida ugu dhaqsiyaha badan ?Daawasho Wacan muuqaalkan.



Extended News
HS:- Inkasta oo ay socdaan dadaalo wax ku ool ah oo loogu gurmanayo Jaamacada Hiiraan ayaa waxaa dhinaca kale ay qaar bulshada ka mid ah codsanayan in fanaaniinta reer Hiiraan ka qeyb qataan horumarinta jamacada Hiiraan hadaba maqaal naga soo gaaray dhalinyaro reer Hiiraan ah oo codsanaya in uu fanaanka dada yar ee aadka loo jecelyahay Cabdi Diini in uu jaamacada Hiiraan u sameeyo xaflad.



Cabdi Diini waa nin dhalinyaro ah sida ay dad badan qirsan yahiina ah aqiyaar marka laga soo tago fanka uu ku jiro hadane marka aad dhinaca kale ka eegto waa nin ay ku weyn tahay Somalinimada isagoona heeso badan oo laga daba dhacay qaaday waayadii danbe hadaba waxaa macquul ah ayaa la leeyahay in la joogo waqtigii fanaaniinta ay kaalintooda ku muujin lahaayeen dadalada socda ee lagu hormarinayo jamacada Hiiraan.



Hadaba inagoo ka duuleyna codsigaasi ayaanu isku dayi doonaa in aanu xiriiro kala duwan la yelano fanaanka iyo fanaaniin kaleba hadii codsigaan oo maanta naga soo gaaray qaar ka mid ah jaaliyada dibada ee reer Hiiraan noqon karo mid macquul ah waxkastase waxey ku xiran yahiin sidii aanu dhaqso ugu helno fanaanka codka halaasigaa leh Cabdi Diini taasi oo hadii ay dhacdo farxad galin doonta ardeyda iyo maamulka HU.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net
www.hiranstate.com