HS:-Hiiraan iyo maanta
Posted by admin on January 07 2012 13:19:01
HS:-Hiiraan iyo maanta.Xaalada guud ee Hiiraan iyo guulaha siyaasadeed ee ay shacabku gaareen kadiba waftigii dowlada ka socday ee gaaray magaalada Belet Weyne......wararka maanta Jan,7/2012
Extended News
HS:-Hiiraan iyo maanta.Xaalada guud ee Hiiraan iyo guulaha siyaasadeed ee ay shacabku gaareen kadib waftigii ka socday dowlada ee gaaray magaalada Belet Weyne.

Bulshada Hiiraan ayaa durbaba gaareen guulo bilaaw fiican u ah nabad ku soo dabaalida iyo maamul u sameynta dhulkooda kadib markii ay meesha ka baxday faragelintii ku dhisneyd qabiilka iyo fowdada ee markasta ka imaan jirtay TFGda kadib markey maalintii shaleyto aheyd indhahooda ku arkeen in la joogo xiligii ay reer Hiiraan aayahooda ka tashan lahaayeen TFGda iyadoo ay meesha ka baxday hamigoodii ay ku doonayeen iney gudoomiye gobol oo maqaar saar ah kaka dhawaaqaan goobta.

Waftigii TFGda ayaa maalintii shaleyto aheyd ka dhoofay magaalada Belet Weyne iyagoo aan iska indho tiri karin xaalada guud iyo Hiiraan waxuuna shirkii ku dhamaaday sidey iyagu reer Hiiraan doonayeen oo ah in aan dibada mardanbe looga keeni doonin gudoomiye gobol aysan taageerin inta fikirka iskaka soo hojeeda midkood, sidoo kale qodobka ugu muhiimsanaa ayaa ahaa in shacabku ay iyaga ayahooda ka tashanayaan iyagana ay ka timaado una sameystaan Hiiraan maamul ku yimid rabitaanka bulshada Hiiraan.

Qodobadan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyey xoogaga Hiiraan gacanta ku haya, jaaliyada dibada iyo waliba waxgaradkii la kulmay waftiga maalintii shaleyto aheyd iyadoo siweyn looga hor tagay in Punland loogu yeero maamul goboleed Hiiraana gudoomiye gobol loo soo magacaabo.

Dhinaca kale waxaa magaalada Belet Weyne ku wada sugan rag horey ay uga dhaxeysay xurguf oo hada hal meel shaah ku wada cabaya kadib markii laga shaqeeyey isku soo dhawaan shahooda iyadoona nabadgalyada magaalada Belet Weyne iyo nawaaxigeeda uu hada yahay mid siweyn leys kugu haleyn karo iyagoo ay goobkasta ku sugan yahiin ciidamada xoogaga Hiiraan iyo rag dhar cad ah oo loogu talo galay iney dusha kala socdaan dhaqdhaqaaqa shacabka si looga hor tago fowdo iyo qas ka dhaca gudaha magaalada iyadoona uu ganacsiga siweyn u socdo.

Sikastaba fikir kala duwanaantii ka dhaxeyn jirtay qeybaha siyaasada amaba maamuladii sheegan jiray iney iyagu yahiin kuwa xaqa ah hada mid kasta waxuu hayo iyo siduu shacabka u kasbanayo isagaa looga fadhiyaa marka ay reer Hiiraan iskugu yimaadaan shirweyne guud.

TFGda ayaa waji gabax kala kulantay shaqsi ay dooneysay iney u magacaabaan gudoomiye gobol oo ay iyagu wateen kuna aqbalen soo jedin ka timid mid ka mid ah wasiirada reer Hiiran ugu jira TFGda, kadib markii uu ku yiri ma doonayo gudoomiye gobol waxaana raacayaa meesha uu u badan yahay rabitaanka reer Hiiraan oo ah iney iyagu shiraan danahooda ka tashadaan kadibna maamul ay u dhan yahiin sameeystaan, taasi oo aad xaalada u sii adkeysay.

Dhinaca kale mid ka mid ah waxgaradka Hiiraan oo maanta nala soo xariiray ayaa yiri waxaan aad ugu qoslay war bixin uu dhawaantan ka sii daayey laanta BBCda tafatiraha idaacada Yusuf Garaad oo uu magaalada Belet Weyne ka dhigayo magaalo waligeed kala qeybsanaan jirtay waxuuna yiri anigoo isaga layaaban ayaan hadane arkey Idaacada Shabelle oo Hiiraan warbixin ka qortay kadibna Ciwaanka kore ka dhigtay Dooxada Shaballe oo ka war bixisay safarkii waftigii booqday Hiiraan , hadane markaad dusha sare ee ciwaanka aragto waxaa ku sawiran madaxweynaha Hiiraan State wuuna qoslay. waxuuna yiri ragu waxeysan ogeyn in Hiiraan inteeda badan hada ku jirto gacanta reer Hiiraan oo argagixisadii laga saaray ragii kala hogaaminayey Hiiraan State, Dooxada, Ahalusuna Hiiraana ay hada yahiin qaar telefon kuwada xariira iyo kuwo gudaha Hiiraan shaah iskula cabaya.

Waxuuna hadalkiisa ku soo gaabiyey wax badan mediyaha Hiiraan waad ku wareeriseen laakinse hada maahan ee nabadgaluyada dalkiina dhinac ka qaata hana ogaadeen iney Hiiraan hada ku nool yahiin shacab badan oo iyaga ka soo jeeda hadii ay iyagu nolol ku heystaan dibadaha yeysan shacabkooda ku sugan Hiiraan ee ay reer Hiiraan walalaha yahiin cadaawad u abuurin ayuuna hadalkiisa ku soo qatimay odeykaan.




Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net