Qaar ka mid ah beelaha reer Hiiraan oo codsaday in loo magacaabo.
Posted by admin on January 09 2011 13:21:49
Axad 9, Janaayo 2011 (HSOL) labo ka mid ah beelaha reer Hiiraan oo codsaday in iyaga loo magacaabo xilka gudoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hiiraan State iyagoo hada bilaabay ololahaas.
Extended News
Axad 9, Janaayo 2011 (HSOL) labo ka mid ah beelaha reer Hiiraan oo codsaday in iyaga loo magacaabo xilka gudoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hiiraan State iyagoo hada bilaabay ololahaas.

Inkasta oo golaha barlamaanka iyo gudoomiyahooda uusan soo magacaabi karin madaxweynaha Hiiraan State sida ku xusan dastuurka dowlad goboleedka, oo arintaasi loo daayey in ay beeluhu soo xushaan masuuliyiinta xubnaha ugu mid noqoneyso baarlamaanka dowlad goboleedka HS ayaa hadane waxaa hada arintaasi olole ugu jiro ilaa 2 qabiil oo reer Hiiraan ah iyagoo qabiilada kale ee reer Hiiraan codsi u jeedinayo iney iyagu mudan yahiin jagadaas.

Dhinaca kale gudoomiyahayaasha gobolada iyo degmooyinka ayaa iyaguna waxaa isku soo taagay shaqsiyaad reer Hiiraan ah oo iyaguna ololaha dhinacooda ka wada kuwasi oo intooda badan ku sugan gudaha dalka. sida muuqata reer Hiiraan ayaa hada u muuqada kuwo ka tashanayo shaqsiyaadka aan hadafka laheyn ee shacabka Hiiraan hor boodi jiray iyadoo halkii qofka loo eegi jiray reerka uu ka soo jeedo hada loo eegayo kartidiisa iyo reer hiiraanimadiisu heerka ay joogto.taas oo meesha ka saareysa ficilada iyo siyaasadahii guracanaa ee ay ku dhaqmi jireen shaqsiyaad reer Hiiraan ah oo shacabka kala fogeyn jiray.


Insha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net