HS:-Hiiraan iyo maanta
Posted by admin on January 27 2012 17:43:11
HS:- Wararkii ugu danbeeyey magaalada Belet Weyne iyo guud ahaan Hiiraan.wararka maanta Jan,27/2012
Extended News
HS:-Magaalada Belet Weyne oo looga itaal roonaaday dhamaadkii sanadkii tagay argagixisadii ku sugneyd waxaa ka muuqada isbedelo la taban karo. inkasta oo ay kooxahii argagixisada ahaa laga saaray magaalada waxaa ku haray taageerayaal aan tiro badneyn kadibna waxey halkaas ka geysteen qaraxweyn oo gil gilay dhawaantan magaalada Belet Weyne walow aysan jirin cid wax ku noqotay maadama uu xiliga u dhacayey aheyd xili hore oo ay dadku jiifeen.

Baaritaano lagu sameeyey xaafadahii ay taageerayaasha argagixisada ku sugnaayeen ayaa howlgalo is daba joga ah oo maalmahan ku socday waxaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo siweyn looga yaqaano magaalada farahana kula jiray howlo lagu qalqal galinayey nabadgalayda magaalada, qaarkoodna waxaa guryahooda laga helay amaba lagu farsaneyn jiray waxyaalaha qarxa.

Sikastaba ciidamada Hiiraan ayaa dhawaantan duleedka magaalada ku qaarajiyey shaqsiyaad argagixisada ka tirsanaa oo siweyn looga yaqiinay guud ahaan Hiiraan, halka ay kuwo kalena walito ku jiraan xabsiga magaalada ragani oo markii ay ciidamada soo galeen magaalada leyska dhaafay maalmahii hore ayaa dib xabsiga loogu celiyey waxii ka danbeyey qaraxii weynaa ee dhawaantan ka dhacay magaalada.

Howlgalada ay iska kaasahanayaan ciidamada Hiiraan oo garab ka helaya kuwa dowlada Ethiopia ayaa socon doona inta laga sifeynayo argagixisada Hiiraan oo dhan amaba koofurta
Soomaaliya.magaalada Belet Weyne ayaa ah mid ka caagan argaxisisada iyo xulufadooda waxaana ka socda shirar aan loo kala kicin oo ay maalmahan yeelanayeen masuuliyiinta dowlada ka joogta Hiiraan iyo waxgarad si loo sameeyo maamul kumeel gaar ah oo looga gudbo maamul goboleed ay reer Hiiraan soo dooranayaan cidii ay markaasi doonayaan.

Dhinacaas iyo Bulo Burde xaaladu waa caadi dhaqdhaqaaq weyna kama jiro walow ay xoogaga Hiiraan goobo badan kaka sugan yahiin deganada ku xeeran magaalada inkasta oo ay tahay arin ciidan hadane xaalada guud ee Hiiraan waxey u muuqataa mid ay dhawaantan ka suulayaan kooxahii ku sugnaa mark ala eego awooda ciidanka Hiiraan xitaa hadii ay dib ugu laabtaan dalkooda kuwa dowlada Ethiopia, waxaa kale oo iyaduna xusid mudan in ciidanka ay ka mideysan yahiin xoreynta Hiiraan taasi oo aad u yareysay rajada laga qabo in Shabaab mar danbe Hiiraan ka arimiyo mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.

Codsiyo badan oo ka yimid saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Shabaab kuna sugan dhulka miyiga ah oo ay ku rafaadsan yahiin ayaa dhegaha laga fureystay waxii ka danbeeyey qaraxii dhawaantan ka dhacay magaalada.jabka ugu weyn ee Shabaab iyo xulufadooda ku dhacay ayaa loo aaneynayaa iyagoo u kala jabay qabiil qabiil dhexdooda ,shacabkii ay gaaleyn jireena ay ka waayeen wax taageero ah.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net