Dowladnimada Dhabta ah-Dowladnimada Dhabta ah waa shacabka oo laga dulqaado cadowga. dowladnimo maahan borobagaado,dowladnimo maahan meelo kooban oo la maamulo,hadaba madaxda haatan joogta sida madaxweynaha,R/wasaaraha, Gudoomiyaha golaha shacabka, gudoomiyaha Aqalka Sare,maxey ka baran karaan fashilkii siyaasadeed ee horey loogu soo dhacay dalkana la haray?.Soomaaliya oo ah dal horey u socda howlgaladii ugu danbeeyeyna Shabaab lagu jebiyey ma in lagu mashquulo wax aan jirinbaa mise waa in xaqiiqada dalka ka jirta iyo halka ay dowladnimada dhabta ah ka jirto shacabka lagu dhaqaaqobaa?.
Maalinkasta waxaa dad badan inooga yimaado sawiro ay doonayaan in halkaan loo soo geliyo kuwaasi oo laga soo qaaday caruur iyo dumar ay ka muuqato dhibaato baaxad leh iyagoo ujeedkoodu tahay ineysan caruurtaas iyo dumarkaas Soomaaliyeed aysan ka naxeyn kuwa noo soo dirayo ee ay ujeedkoodu yahay sidii ay hay'addo been been ah oo ay sameysteen dhaqaalo ugu heli lahaayeen.sidaasi daraadeed waxaanu go'aansanay in aanan marnaba halkaan soo gelin sawiro dad shacab ah oo dafuuro markaasi heysta la doonayo in looga faa'ideysto.shacabka Soomaaliyeed waa dad sharafta jecel hadii laga naxayo xalkooda waxuu ku jiraa in leyskugu furo wadooyinka ka xiran,leyskuna dhinac wado gurmadka iyo xoreynta.
Waxaa jiro qalad siyaaadeed oo hadii aad halmar gasho noloshaada inta ka dhiman hadii aad waxkasta sameyso aysan waxbo kuu tareyn hadii aad waqtiga uu markaasi joogo ka faa'ideysan weyso.
Soomaaliya xalkeeda siiba koofurta Soomaaliya waa in hadafka koowaad, labaad iyo 3aad laga dhigto dib u xoreynta dhulka aysan shacabka Soomaaliyeed isku socon karin oo aan lagu mashquulin waxyabaha aan micnaha ku fadhiyin ee maalinlaha ah, kedibna iyagaa noloshooda sida ugu qurux badan u xalisanayo shacabku Maxaa yeelay waxey heystaan labo webi oo waaweyn iyo dhul aad u qurux badan.yaan shacabka Soomaaliyeed loola dhaqmin sidii dad ay u dhisan yahiin waxa afka qalaad lagu yiraahdo Emergency Response Team (ERT), dowladuna ay dalka dhan maamusho.Waa in si dowladnimadu u shaqeyso aan marnaba halmaalin la hakin meelkasta oo dalka ka mid ah oo Shabaab lagula dagaalayo,ma dunidaan intaas kala shaqeyn kalin dowlada had ajirta?.
Madaxda haatan joogta amaba dowlada cusub oo hada shacabku sida inoo muuqato meelo badan oo dalka ka mid ah ka jecel yahiin iyadoo ay ujeedka shacabku yahay sidii ay ku heli lahaayeen dowlad Soomaaliyeed,waxaan siineynaa hal talo.
1- Siyaasadiinu yeysan noqon qaladkii siyaasadeed ee ay adag tahay in ay waayadan si sahlan loo saxo oo ay ku dhaceen siyaasiyiinta Soomaaliland ee iyagoo qaarkood aan garaneyn amaba aan ka fekereyn mustaqbalka caruurtooda iyo degaankooda dad ajnabi ah ku yiraahdeen mushkilada ka socota Kofurta inagaa ka danbeyna oo Shabaabka koofurta Soomaaliya jooga inagaa hogamina oo xitaa kii xanuunsado inagaa kii bedeli lahaa uga dirna halkaan.hayeeshee maxaa dhacay halkii ay ictiraaf ka sugayeen gadaal ayaa looga dagay ugu danbeyna iyagoo siyaabo kala duwan loo dhaxgalay waa kuwan doorashadii iyo tusaalahii ay isku dooran jireen ay mugdi gashay,maxaa yeelay dunidu waxey taqaanaa dal la yiraahdo Soomaaliya oo ay doonayaan sikasta oo loo kala fikir duwan yahay iney qeyradkoda ka faa'ideystaan si guud ee aysan dooneyn in aysan sidey Soomaalida arimaha qaarkood u dhigaan iyagu dhankooda ka aheyn,maxaa yeelay qof ku leh anigaa meel hebel dhibatatadeeda ka shaqeeya inuusan qaran amaba dowlad noqon karin ayaa u sawirantay caalamka marka ay noqoto arimaha Soomaaliland arintoodana hada qaab NGO ah oo kale ayaa loo maareeyaa,xalkooda waxey ku jirtaa hadey indhaha is tiri lahaayeen iyo hadii kaleba iney wada hadaladii Soomaaliya bilaabaan inta aysan wax badan kaka halaabin firkir kala duwanaantooda nabada ay hada heystaane aan cirka lagu laalin.
2- Yeysan siyaasadiinu noqon madaxdii dalka soo martay oo uu mid ka mid ah kuwii hanaanka dowladnimada laga ilaalin lahaa ee aan dooneyn nidaam iyo kala danbeyn halkii gacan bir ah iyaga lagu qaban lahaa sidii qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa iyagi xilal muhiim ah oo aysan u qalmin lagu tixo ugu danbeyna dowladaasi mediyaha uga caayi jireen,iyagoo boqol nooc ku socda.
3- Siyaasadiinu yeysan noqon sidii Dekedii Bosaaso oo ay Shacabka gobolka Bari ka baahnaayeen ee mashruuca laga dhigtay hantidii laga qaatayna lala aaday wadan ka mid ah Africa oo la yiraahdo Zambia oo markii aad booqato aad arkeyso shirkado la leeyahay hebel oo degaankaas madax ka noqday ayaa leh,iyadoo dhaqaalahaas wax badan loogu qaban karay shacabka degaanka oo ah dad Soomaaliyeed.
Waxaa jira qodobo kale oo badan oo aan wax mcino ah u soo kordhineyn shacabka Soomaaliyeed guud ahaan,maxaa yeelay Waxaas oo dhan waxey dhibaato ku yahiin nolosha dadka caadigaa ee shacabka ah.dib u heshiin waxaa ka horeeya dib u xoreyn guud oo ka dhacda koofurta Soomaaliya, maxaa yeelay dadkii ka hadli lahaa dib u heshiisiinta maba isku socon karaan,dadkuna isma dagaalsano ee waxa dhibta ku hayo waa shaqsiyaad masuuliyad sheeganayo oo kaliya maalinkasta intey soo kireystaan kaamirad yar dhinacyadana iska xijiyaan 4 wiil oo tuuto gashan oo aysan qaarkood jirin cid u dooratay masuuliyada ay sheeganayaan oo meelaha qaarkood ay shacabku ku qoslaan in lala shaqeeyaba iska daaye kuwaasi hada waqti kuma lumineyno ka hadalkooda maxaa yeelay xiligii laga hadli lahaa oo shacabku waqti ku limin lahaa waa laga soo gudbay,waxaanu ka hadleyno waa qaran Soomaaliyeed.
Dowladan markii la dhisay oo R/wasaaraha Soomaaliya la magacaabay waxaan talo ku siinay amaba talooyinkii aanu siinay ka mid ahaa inuu dalka ku soo celiyo furahii uu dalku lahaa amaba waxa afka qalaad lagu yiraahdo Country Area Code-kii lagu yaqiinay dalka Soomaaliya), waxaa kale oo aanu kula talinay inuu wasaarada warfaafinta dib u habeyn xoogan oo dhinackasta leh ku sameeyo si aysan u dhicin waxii dhici jiray ee la qiimo tiri jiray wararka madaxda qaranka shacabkana lagu mashquulin jiray wax yaabo kale,waxa aanu ka hadeylo waa waxii horey loo soo maray,hadii la doonayo in aan dib loogu laaban.
Dhanka Dowladnimada Soomaaliya.Wasaarad Warfaafin oo nadiif ah,mustaqbalka soo socda waa u muhiim dalkaan oo kamiradaha iyo qalabka wax duubayo ay leetahay dowlada dalka ka jirta.Muhiimada kale waa in 1,2,3 uu dalku u baahan yahay dib u xoreyn. Dalka Furahiisii oo gacanta dowlada dunida laga aqoonsan yahay oo lagu soo celiyo.Sida lagu soo celin karo furaha u dalku leeyahay oo gacantooda looga soo saari karo shaqsiyaadka heysta wey sahlan tahay waxeyna kaliya qaadan kartaa wax ka yar 6 bilood,waxa aan ka hadleyno maahan xeer jajab ee waa hanaan dowladeed.Si meesha looga saaro magaalo hebel Shabaab iyo shirkado heshiis ah ayaa telefonkii ka gooyey amaba ka jaray,taasi dowladnimo iyo mid shacabka dalka u dhashay ay dani ugu jirto maahan,waxaad maqleysaa shirkad hebel ninka iska leh waxaa soo wacay hebel oo ay isku qabiil yahiin oo Shabaab ah waxuunayiri magaalo hebel dagaal ayaan ku qaadayaa ee qadka telefonka hawada ka saar.(Is that smart move)?.
Waxaan shacabka Soomaliyeed u xaqiijineynaa hadey furaha uu dalku leeyahay shaqsiyadka heysta gacanta dowlada dalka ka jirta ku soo celin waayaan 6 ilaa 7 bilood oo hada kedib ah fowdadey doonaanhaka qeyb qaataano,waxaan idiin tusin doonaa shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida oo malintii qasaarayo 10 ilaa 12 milion dolar, hada been beenta lagu wada shaqeysto ee Shabaab ayaa magaalo hebel weerareysa oo loo damiyey telefoonadii shacabka noloshooda ku xirneyd la leeyahay waa leyskala bixi doonaa,ilaa ay dowlada Soomaaliya Furaha isgaarsiinta dalku leeyahay ay gacanteeda ku soo celineyso wax badan ayaa qaldanaan doona Soomaaliyey, weliba waxaan shacabka la wadaagi karnaa shaqsiga shirkadaha isgaarsiinta ee gudaha Soomaaliya Koofur iyo waqooyi ka jira ku shaqeysto oo madaxweyne ka ah dal aan Soomaaliya aheyn oo African ah.
Hadaan dib ugu laabano shacabka Soomaaliyeed amaba beelaha Soomaaliyeed.waa labo nooc kuwo waxii ka horeeyey burburkii dalka ka dhacay waxey ku asturnaayeen nabadii ka jirtay dalka,waxiise burburkii ka danbeeyey waa karaamad beeleen weliba hal qabiil ayaa ugu sii daran oo mustaqbalkoodii qabiilnimo, degaan iyo bulsho intaba dhinackasta iskaka ciyaaray,weyna adag tahay iney ka soo kabsadaan 50 ka sano ee inagu soo aadan,qabiilkaasi xitaa in shacabka Soomaaliyeed loo sharaxo wax micno ah uma sameyneyso,waa kuwa markii doorasho la gaaro hadey ku yimaadaan 100 rag ah,Soomaalidu xitaa 1 saac waqti kuma lumiyaan iney masuuliyada dalka ku aaminaan.Sababta oo koobana waa danbiyada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka galeen oo ay adag tahay sidii ay iskaka dhiqi lahaayen, welina 30 sano kedib wadadii ay ku sumcad iyo karaamad beeleen ayey ku socdaan. qabiilkaani aanu ka hadleyno dumarku iyagu ceeb ma lahan oo geber Soomaliyeed ceeb malahan waxa aanu ka hadleyno waa ragooda,waxaa ka fiyoow %15 oo kaliya magacoodana waxuu sii shaqeyn doonaa inta fowdada lagu jiro oo kaliya.markii nabad la helo waxey ku danbeyn doonaan mid dacwad loo heysto iyo mid dalka iskaka cararo intuu isku yax yaxo ( xishoodo),markii uu arko sida ay Soomaalidii aan dalkaan iyo dadkiisa soo dhibin u nool yahiin.
Nooca kale ee ay qabiilada kale ka kooban yahiin waa kuwo nasiib u yeesha xilalka qaran oo uusan qiimo ugu fadhiyin oo aan weligood iska dhaadhicin war dalkaan dad kale oo Soomaali ah oo aan madaxweryne iyo R/wasaare ka soo noqon ayaa dowladnimo rabo ee idinka hogaankii dalka leydiinku aaminay tusaale u noqda shacabka intiisa kale ee joojiya magacyadan faraha badan ee aad wax ku raadineysaan.
Waxaasi oo dhan markii leysku geeyo guud ahaan hadaanu si jamac ah uga hadalno Soomaaliweyn.1- Soomaaliland ma noqon doonaan dal ka madax banaan Soomaali inteeda kale oo dunidii hadalo aan marnaba u saamaxeyn in la dhiirigeliyo aqoonsigooda ayaa laga hayaa siyaasiyiintooda qaar ka mid ah.
2- Shacabka ku nool Gobolkii loo yaqiinay Majeerteeniya markii danbena loo bixiyey Bari kedibna laga sii jaray Nugaal iyo qeyb mudug ka mid ah,kama sii shaqeyn doonto in shacabka dhiigooda lagu gorgortamo hantina laga abuurto oo ay dekedii Bosaso oo ah isha kaliya ee dhaqaale iska noqoto mashruuc.
3-Soomaaliya kama sii shaqeyn doonto beelo uusan xukunka dalka wax qiimo ah ugu fadhiyin dalkana hada waxii ka horeyey fursadahii ay heleen ma heli doonaan meel ha lagu qorto maxaa yeelay markii la gaaro doorasho qof iyo cod ah ayey is arki doonaan waxa ay Soomaali dhaxdooda ka yahiin,hada iyagoo boqol magac ku socda dadka Soomaaliyed ruwaayad wey u jili karaan.Guntii iyo gabo gabadii Soomaaliya shacabku haku noolaado, waqooyi, Ha ku noolaado 6dii gobol ee ugu horeysay ee Soomaaliya ka curta oo maanta ah dowlada uu fadhigeedu yahay caasimada dalka ee Mogdishu.
Soomaaliya shacabku amaba waqooyi ha joogo amaba koofur ha joogee dhamaantood waa isku ujeedo waxey kaliya doonayaan nabad ay isku dhax maraan iyo noloshooda oo ay si guud u maareystaan, waxa uu qof amaba koox jecel yahay micno uma sameyneyso waqtiga uun ayey ku dheereynayaan maahane Soomaali waa Soomaali,kuwii sharaftooda ku ciyaarayna iyagey ka sugeysaa sidii ay dib iskugu wareysan lahaayeen,kuwa har iyo habeen u taagan inuu dalkeenu inoo hagaago oo Soomaalidu noqdaan dad jira waxaa la gaari doonaa waqti uu gacanta u galo hogaanka dalka oo ay Soomaali isku raadiyaan, hadase waxaa kaliya ee madaxda joogta laga doonayo waa iney dalka iyo dadka u horseedaan jawi ay nabad ku heli karaan uguna faa'ideysan karaan qeyraadka dalkooda howlgalka socda ee shacabka culeyska looga dul qaadayo, intuu xildhibaankasta iyo wasiirkasta aado deganka uu ka soo jeedo waa inuu shacabka uu masuuliyadooda sheeganyo kala qeyb qaato xoreynta oo uu mushaarkiisa %70 ku xoreeyo,iyadoo la dhiiregelinayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo dadka degaanka ee is abaabulay.
Maxuu noqon doonaa taariikhd a laga qori doono madaxda Soomaalida kuwooda hada jooga hadey iska indha tiraan rabitaanka shacabka oo ah in aan waqooyi ilaa koofur la kala qoqobin bulshada oo laga daayo qiyaaliga iyaga meeshey hada joogto wax badan oo taariikh ah oo laga qori karo siyaasiga Soomaaliga hadii uu joogo Waqooyi amaba Koofurta Soomaaliya ma jirto.waxaase guuleysandoona rabitaanka shacabka oo hada leyska indha tirayo oo ah waxa aanu kor ku soo sheegnay.Guul Shacabka Soomaaliyeed, Guul dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Guul Soomaaliweyn oo dhan.