Friday, June 2, 2023

Soomaaliya-Dal leh Labo Webi oo waaweyn Jubba iyo Shabele,Bad, Dhul Beereed iyo Xoolo hadane dadkiisa loo tuugsanayo dunida. Mushkiladu ma madaxda Soomaalidaa mise waa shacabka?.

 

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ugu hodansan dunida ayna shacabkiisu heystaan waxkasta oo uu bini'aadamku u baahnaa sida Webiyo waaweyn, Dhul Bdereed, Bad iyo Xoolo.hadane dadkiisu waa ka baahan yahiin mushkiladuna sanadba sanadka ka danbeysa wey ka sii dareysaa.hadaba isweydiintu waxey tahay dhibaatadu ma madaxda Soomaalida iyo siyaasad xumidooda baa mise waa shacabka oo dantoodii inta garan waayey iska qaban waayey kuwa dalkooda horumarkiisa iyo noloshooda ku ah qatarta?

Waxaad arkeysaa Wadamo aan laheyn wax soo saar iyo dhul beereed hadane kaalmo loo weydiinayo shacabka Soomaaliyeed.hadaba mushkilada heysata shacabka Soomaliyeed ma yara waxaase bilaaw iyo dhamaad masuuliyadeeda iska leh sedax kooxood.

 

1- Madaxda Soomaalida oo iyagu shacabka Soomaaliyeed ku hogaamiya siyaasad ku dhisan qiyaali,markastana waxaa dalka xukunkiisa loo gacan geliyaa koox aan haba yaraatee wax qorshe ah u heyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed hadey qorshe u heysana aan weliged u bedelin qaab ficil ah oo ay bulshadu dareemi karto.

 

2- Shacabka Soomaaliyeed oo intey bal halmar is baraarujiyaan isweydiin waayey war yaa hortaagan horumarka noloshiina mar hadaan la heyn dowlad Soomaaliyeed oo damaanad qaadi karta amniga guud ee dalka iyo dadka, wadankiina ay kala maamulayaan kooxo sheeganayo Diinta Islaamka dhaqankooduna aad uga fogyahay diin iyo ku dhaqankeeda oo iyaga qudhooda badankood u baahan in diinta la baro marka loo eego hab dhaqankooda iyo lugooyada ay dalka ku hayaan.

 

3- NGO-yo iyo dowlado shisheeye oo iyagu markii ay arkeen in uusan dalka Soomaliya laheyn amaba aysan hogamineyn dad wadaniyiin ah oo ay waxkasta iska noqdeen siyaasad ku dhisan qabiil iyo kooxeysi iyagoo fursadaas kaka faa'ideystay shacabka Soomaaliyeed oo dhinackasta ka dhiban.

 

Qodobada wey fara badan yahiin waxaase ugu waaweyn sedaxdaas qodob,ilaa laga helo shacab xisaabtama iyo madax wadaniyiin ahne dalku weligii sidaan ayaa dadkiisa loogu tuugsan doonaa.

dowladnimadu waxey iska noqon doontaa wax magac u yaal ah oo aan qiimoba u laheyn bulshada.Jawaabta oo kooban dalka ma loo heli karaa madax damiirkoodu shaqeeyo oo shacabka intey u furaan wadooyinka ka xiran,kedibna la yimaada qorshe u sahlaya bulshada amni ay ku dhiiran karaan iney dalkooda wax ka soo saartaan?.dalka ma loo heli karaa hogamiye gaarsiiya doorasho ay dadweynahu soo doortaan qofka ay doonayaan iyadoo aan afka kaliya laga sheegeyn taas madaxweynaha hada mar kale la doortay Xasan Shiikh iyo kii isaga ka horeeyey nin Farmaajo la yiraahdo ayaa horey ugu fashilmaye?.

 

Dalka iyo dadka maloo heli karaa hogamiye inta aan la dooran sii og waxa uu qaban karo iyo waxa uusan qaban karin oo aan markii la doorto kedib dadka weydiineyn sida bulsho loo hogaamiyo?.Marka laga soo tago madaxda Soomaalida amaba siyaasiyiinta, dalka ma loo heli karaa shacab damiir leh kuwooda ay ku dhaceyso dhibaatada ugu badan oo inta ka dhiidhiya halmar dalka oo dhan ka bilaaba kacdoon ilaa ay ka helayaan dowlad iyo madax u qabata adeega ay u baahan yahiin?.

 

Maanta intaan ha inoo joogto inagoona qeybteena labaad ku iftiimin doona waqti weliba munaasib ah,faraqa u dhaxeeya nolosha ay dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku heystaan qoysaska iyo caruurta siyaasiyiinta Soomaalida iyo nolosha dhabta ah ee ay ku nool yahiin %90 shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda,markaas ayuu qofkasta oo Soomaali ah oo damiir leh qiimeyn karaa in uu dalku soo maray madax wadaniyiin ah iyo inuu dalku soo maray madax iyo siyaasiyiin maafiyo ah iyo weliba in aan dalka loo helin hogaamiyahii ay shacabku u baahnaayeen hada ka hor.

Hiranstate Admin at 5:40 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 32
Last Post: September 2, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka