Friday, June 2, 2023

Talo Ku socota R/wasaaraha Soomaaliya

 

Mar hadii dhawaan dalka loo dhisayo xukumadii bulshada u adeegi laheyd 4ta sano ee inagu soo aadan,R/wasaaraha Soomaaliya mudane Xamze Cabdi Barena ay ka sugayaan xukumadaas malaayiin Soomaali ah.bal waxaanu R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ay horey malaayiin Soomaali ah ugu hambalyeeyeen kaliya isku dayeynaa in aanu talo yar siino si aan loo fashilin sidii ragii isaga horeeyey.

 

1- Mudane R/wasaare horta deeqda iyo darajada Allaah ayaa bixiya dowladaada dadka ugu horeeya ee horta taageeri doona kuna garab istaagi doonaa waxey noqon doonaan beelaha Soomaaliyeed ee aan weligood dalkaan sida beesha aad ka soo jeedo oo kale aan horey dalka uga noqon madaxweyne iyo R/wasaare midkood meel ku qoro qodobkaan.

 

Kuwa kale hadba madaxweynaha iyo R/wasaaraha yimado haduusan marba iyaga waxaa jiro qofkas qaab looga ceyrsado kursiga.hadii aanu si kale kuugu bidhaamino dalkaan Soomaliya ee mudada aadka u fog burbursanaa waxaa la haray sadbursi iyo kala fogyeynta shacabka Soomaliyeed iyo dhaqano aad u fool xun oo ay dalka la yimadeen shaqsiyaad iyo beelo leh waxkasta anigey iku roon yahiin oo qaranimo iyo sidee dowlad Soomaaliyed oo bulshada ka wada dhaxeyso lagu helaa dalkana taariikh wanaagsan looga tagaa aysan maskaxdooda ku soo dhicin.

 

2-Soomaalidu shacab ahaan waa dad wanaagsan sidey u dhan yahiin,laakinse waxaa reerkasta laga helayaa shaqsiyaad af xun oo aan damiir Soomaalinimo iyo mid aqlaaqeed midoona laheen isku day in aadan dheg jalaq u siin kuwa sadbursiga u bartay ee markii ay sidey doonaan kaa waayaan dhaliil aan jirin kuu yeeli doona hadaad dooneyso in aad dalkaan taariikh wanaagan iyo sharaf gaareysa Soomaali oo dhan uga tagto yuusan qof kale oo Soomaali ah oo qeyrkaa ah kuu tilmaamin sida uu jecel yahay adiga waa inuu kaa soo maaxdaa wanaag iyo wadaniyad umada dadbaa horey u soo lugooyey waxii horey u qaldamay lagu saxi karo.

 

3-Mudane R/wasaare ku waano qaado waxyaabahii R/wasaarahii kaa horeeyey Xasan Cali Kheyre oo ay beesha uu ka soo jeedo u aheyd markii ugu horeysay oo ay xilkaas qabtaan sidii loo fashiliyey loogana hor keenay beelo Soomaaliyeed oo xukumadiisa aad u jeclaayeen dowlad Soomaaliyeedna in la helo har iyo habeen u taagnaa oo la doonayey inuu soo dhaweysto bedelkiina ay dhinacyada ka mareen kuwii aan dooneyn in uu yeesho dowlad Soomaaliyeed kedibna ugu danebyn ay kursiga ka ceyrsadeen.

 

4- Madaxweyne Xasan Sheikh 2012 ilaa 2016 wax uu Soomaali u qabto iska daaye waxey kuwii la taliyaasha u ahaa amaba kooxdiisa ka tirsanaa ka hor keeneen shacabkii ku noolaa gobolkii uu ku dhashay,wax ku soo bartay kuna soo barbaaray ilaa isagoo weyn uu Mogdishu ka aado,maxaa yeelay waxuu ahaa shaqsi dalka iyo dadka Soomaaliyed wax badan oo wanaag ah la jeclaa laakinse ay dhinacyada ka fadhiyeen la taliyaal xun. waxaa iku maqaalo ah in aad xisbiga madaxweyne Xasan Sheikh ka mid tahay hadii aad gadaal kaka soo biirtay oo ay wax badan oo horey uga soo qaldamay ay kaa horeeyeen taladan waxii kaa anfacayo ka qaado waxii aan kaa anfaceyna horey uga soco.

 

5-Tan iyo markii aad noqotay amaba Allaah suurageliyey inuu madaxweynaha Soomaaliya kuu magacaabo xilkaan culus ee R/wasaaraha Soomaaliya waxaan u guur galnay aragtida Soomaalida ku kala nool dal iyo dibad waxaa noo soo baxday dadka ugu horeeya ee sida weyn kuu tagaeera marka qoyska aad ka dhalatay laga soo tago waxaa ugu horeeya waa shacabka Hiiraan,markii aanu u guurgalneyna waxaa inoo soo baxday iney yahiin dad qofka ku tagaeera Soomaalinimo ujeedadooda oo dhana ay tahay sidee dowlad Soomaaliyeeed lagu helaa.

 

6-Hadii aad ogtahayne waad ogtahay hadii aadan ogeyna hada ogow beelahii dalkaan soo maamuli jiray dhamaantood waxey ahaayeen  dad Soomaaliyeed oo wanaagsan waxeysa shacabka Soomaaliyeed ku eegteen shaqsiyaad iyaga ku qabiil ah oo markii ay dalka wax ka noqdeen ay shacabka ka qaban wayeen bedelkiina ku qanacsanaa boobka,sadbursiga iyo weliba in lagu tunto xaquuqda beelaha aan dalka ka noqon madaxweyne iyo R/wasaare.

 

7- Qodobkaan waa mid muhiim ah nidaamka dowligaane u yeelayo nuxur.mar hadii aad tahay R/wasaaraha Soomaaliya si aysan kuugu dhicin waxii ku dhacay madaxdii adiga kaa horeysay qaarkood labo wasaaradood dadka madaxda ka noqonayo  boqolkiiba boqol ka fikir.

 

A) Wasaarada Warfaafinta B)Wasaarada Boostada iyo Isgarsiinta labadan wasaarad waa labada wasaaradood oo uu hada dalku u baahan yahay in wax laga qabto maxaa yeelay

 

Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ma ahan wasaarad gacanta dadka Soomaaliyeed ku jirta oo waxaa furahii uu dalku lahaa (25261) xoog ku heysta dal ka mid ah dalalka Soomaliya deriska la ah madaxweynahooda,weliba dalkaas in loo sheego madaxda Soomaalida maahan wey wada garanayaaniyo shaqsiyaad ganacsato ah madaxweyne kasta iyo R/wasaare kasta oo dalka Soomaaliya loo helo halkaas ayaa laga dhageystaa kedibna 10 bilood kedib waa leysku diraa.

 

Wasaarada Warfaafinta waa meesha bulshada laga wacyi geliyo loona baahan yahay in ay noqoto meelaha ugu horeeya ee laga dareemo dowladnimada,wasaaradaas marka loo eego qarshka ku baxa sanadkii iyo qaabka qabyaaladeysan ee loo maamulo wax isku dhaw maahan mar aanu Soomaaliya booqanay ayaan daraasaad dhab ah ku sameynay waxaana ogaanay Websideka dowalda inuu u xiran yahay shaqsiyaad, Qeybta TV qaranka koox gooyni ah,Idaacadaha SONA.waxa dhan waxaa lagu dhax wadaa xifaaltan qabiil maxaa yeelay sanado badan ayey u xirneyd isla some people.ma dhaheyno shaqada ha laga ceyriyo waa muwaadiniin Soomaaliyeed laakinse dib u habeyn guud ayey wasaaradu u bahaan tahay weliba waxaa arintaan saxi kara hadba R/wasaaraha markaasi joog.

 

8- Mudane R/wasaare waxaad u guur gashaa sida wasaaradaha qaarkood dadka looga shaqaaleysiiyo dad u wakiilo ee waxaad soo liis gareysaa inta wasaarad kasta ka shaqeysa iyo qaabka lagu shaqaaleeyo markaas ayaad iogaaneysaa in dalka xilalkiisa iyo shaqaalaha wasaaradaha loo siman yahay. inagu xitaa waxaanu kuu soo gudbin karnaa safaaradaha dibada  sida ay masuuliyadarada ku jirto oo beelaha qaarkood looga buuxiyey iyo sida aysan kuwo badan oo Soomaali ah xitaa hal qof ugu laheyn.Waxaa taasi ka sii daran caalamku markii uu dalka keeno macaawino dadka loo gacan geliyo amaba gacantooda ku dhacdo ee ay u xiran tahay bal qiimeyn ku samee kedibna isweydii macaluusha shacabka Soomaaliyeed heysato halka ay ka timid,ka sii darane waxkasta magaca Soomaaliya oo ay xitaa weli Soomaaliland oo aan dal madax banaan noqon ay ku jirto ayaa wax lagu siiyaa Soomaalida.

 

Ugu danbeyn nooca xukumada ay Soomaliweyn sugayaan amaba dalka u roonaan laheyd hadii aanu talo yar ku darsano inta aanan xukumadaas qaabkey noqon laheyd kuan haboneyd leysla gaarin horta waa in Soomaali oo dhan mid xil qaran haya iyo mid aan heynba la ogaado inuu dalka u baahan yahay dad maskax caafimaad qabta iyo aqoon sare leh loo raadiyo xukumada la dhisi doono R/wasaare Xamza iyo Madaxweyne Xasana iyagey shafar u tahay halkii  aqoonyahan Soomaaliyed laga carari lahaa in iyaga loo cararo oo mamulka dalka iyo wasaaradaha muhiimka loo dhiibo iyaga.

 

waxaa kale oo aan talo yar siineynaa beelahii dalkaan madaxweynayaasha iyo R/wasaarayaasha ka soo noqday ee nasuiibkas u yeeshay shaqsi iyaga ka soo jeeda isku xishooda dadku dadkii habeenkii inta loo shiro waxii la doono loo sheegayey ayn iska qaadan jireen maahan Soomaali waad ka bad badateen ee waxoogaa siyaasada ka nasta ee R/wasaare Xamze ha lala shaqeeyo waa muwaadin Soomaaliyeed oo mudan isaga iyo reerkiisu iney dalka madaxweyne iyo R/wasaare ka noqdaan maxaa yeelay waxaa la gaari doonaa xili kuwii soo talin jiray loo taliyo iyagana markooda iyadoo aysan baryo aheyn.hadii hadba reerka markaasi jooga fursad ay dalka ku hogaamiyaan la siin waayo inta uu jiro nidaamkan qabiiligaa ee dalka iyo dadka la haray.dadka Soomaaliyeed hal door isku wadi kara hadalkiisa iyo ficilkiisuna uu gaari karo Soomaali oo dhan ayaa la doonayaa in aad noqoto mudane R/wasaare.Yaan marnaba lagula maamulin xafiiskaada ku shaqee inta uu dastuurka dalka kuu ogolyahay, dulmigii horey Soomali badan loogu soo sameyna ha ogolaan hadaad ogolaatona.ama rumeyso ama ha rumeysan dowladnimadaada waxaa fashilin doona kuwii sadbursiga dalka ku caan baxay Soomaalida kale waad ka nabad geli doonaa. Waxaanu sugnaaba wa dowlad Soomaaliyed not dowlad kooxeed.dal waxuu hagaagaa marka xukunkiisa iyo kheyraadkiisu loo wada siman yahay maya shaqsiyaad dhaca oo markii doorashada la gaaro malaayiin dolar guba si ay kursi u helaan.Soomaaliya ha noolaato.

Hiranstate Admin at 5:51 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 32
Last Post: September 2, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka