The World must read this to know what is going on Somalia -Ciidanka Qalabka sida ee Xooga Dalka Soomaaliyeed Geesiyaasha aan dhicin.
Khamiis, Ogoost 18,2022- Saraakiisha iyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan oo garab xoogan ka helaya dadka degaanka oo ay horkacayaan ciidamada loogu yeero xooga qarsoon ee Macawisleyda oo iyagu siweyn u ababulan. dhanka hawadana ay ka saacidayaan diyaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa inta badan Shabaabkii halkaas ku sugnaa iyo Shabaab kale oo doonayey iney dalka Soomaaliya uga sii gudbaan dowlad degaanka Soomaaliya Etoobiya oo ah degaan uu amni ka jiro ayaa qasaaro xoogan loogu geystay halkaas. Saraakiisha Hogaamineysa dagaalka ee Xooga dalka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa aad u bogaadiyey garab istaaga ay shacabka dalkooda ee ku sugan Hiiraan ka heleen gaar ahaan dhalinyarada degaanka ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed garabka siinaya ee Macawisleyda oo iyagu dhulka si fican u kala yaqaano.
Dal Waxuu Dal yahay marka ciidankiisa Qalabka Sida Agabka ay u bahan yahiin loo dhameystiro Shacabkiisuna ay ciidanka dalkooda garab Istaagaan,Waxaase fahmi kara amaba muhiim ah madax wadaniyiin ah oo hadba dalkaas hogaamineysa.
Soomaaliya waa dal leh saraakiil iyo ciidamo geesiyaal ah,hayeeshee inagu hadaan dalka maanta hogaamineyno marnaba kuma qanacneen sida ciidanka dalkeena loogu bahdilo gudaha dalkooda madaxdii dalkana ilaaliyo ka yahin ciidamo shisheeye.
Bal eega Soomaaliyey in aan dalkaan loo rabin inuu noqdo wadan xor ah oo ay Soomaalidu taladiisa iyagu hagaan waayadan dhawna uusan noqonin dal leh dowlad,calan caruurtiisuna ay helaan Amni ay wax ku baran karaan, ciidanka Xooga dalka ayaa dagaal ka wado Gobolka Hiiraan weliba shacabkii ayaa garab xogan sinayo wiilal geesiyaal ah oo la baxay Macawisley Shabaab godkii ay galaanba ka daba galayo si loo ilaaliyo sharafta ciidanka Dalkeena hadane Gobolada Deriska la ah
Hiiraan?????????????????? calamaatul Su'aal ma taqaanaa waxa laga wado. Bal isweydii Gobolada Hiiraan deriska la ah,ma dadka degaankaas ayaa goostay in uu dalku sidan weligii iska ahaado,ma waxa Soomaaliya ka socda ayaa mashruuc loogu talo galay ah inuusan weligii dhamaanbaa,Ma Somaali uusan Allaah cid aan aheyn dabar gooyn karin ayaa la doonayaa in mustaqbalkooda lagu ciyaaro,Ma beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa fowdada ku naaxay oo xal mooday sidaan?. Bal isweydii maxuu yahay dagaalka kaliya Shabaab marba hal gobol ka soconaya oo aan gaarsiisneyn gobolada dalka oo dhan,marka loo eego ciidamada kala duwan ee gudaha Soomaaliya ku sugan tiradooda, dhaqaalaha ku baxa Qaramada Midoobay, Ciidamo ka socda 5 wadan oo African ah oo dalka ku joogaan magaca ATMIS,Caalamkii kale oo malayiin dolar ku bixinaya arimaha Soomaaliya?. Waxaasi oo dhan oo maanta leyska indha tirayo halka ay ku danbeyn donaan oo kooban halkan hoose ka aqriso.
1- In shacabka Soomaaliyeed gudaha dalkooda iyagoo hada la tacaalayo abaar,jidadka ka xirnaadaan oo Mogdishu iyo Balcad diyaarad leyskaka raaco,maalinkastana dumarka Soomaaliyeed xurmo iyo ixtiraam ku waayaan gudaha dalkooda iyagoo sharafkooda lagu ciyaarayo.waxaasi oo dhan hadii nuxurkooda leysku soo koobo dal Soomaaliya la yiraahdo waxu ku imaan doonaa kacdoon shacab oo dalka dhan ku faafi doonaa hadii maalinkasta sheeko isku mid ah (some story) loogu soo cel celiyo shacabka sida 2007 ilaa 2022 ayaa magaca AMISOM Dalka Soomaaliya lagu joogay, fashil badan kedib hadane markii uu dunida ku qasaariyey Soomaaliya Balaayiin Dolar,maanta waxaa laga bedelay magacii oo waxaa loo bixiyey ATMIS.
2-Madaxda Soomaalida waxey naga doonayaan in maalinkasta wadankii ay u safraanba warar iyo sawiro qurqurxoon ka soo gudbino shacabkii dalkeenana Shabaab iyo Ciidamo Shisheeye mustaqbalkoodii dhamaa u dhaxeeyo,sharafta ciidankii xooga dalka oo lagu tunto in lagu noqon karo dowlad been been ah oo magac ahaan u dhisan ineysan taas aqli noqon doonin bilaha inagu soo aadan cidkasta wey ogtahay.
A)Waa in shacabka la soo hor istaago oo la yiraahdo sidaan iyo sidaan ayaa nagu qasabtay in gudaha dalka 5 KM diyaarad leyskaka kala raaco oo la waayo magaalo magaalo u gudbi karta oo aan xitaa sahayada shacabka ay abaarahu hayaan meel loo marsiyo laheyn.Waxaan weliba shacabka Soomaaliyeed u xaqiijin karnaa wax badan oo maanta ka qarsoon inagey dowladnimada inagu weyn tahay wax badan dhanka wanaaga in anu ka abaarno go'aansanay maahane, Inagu kama hadleyno beelaha qaarkood iyo Shabaabka ay isku qabiilka yahiin oo heshiis ku ah barakicinta iyo xaquuqda shacab kale oo Soomaaliyeed oo ay doonayaan iney goboladooda iyagoo magacyo kala duwan huwan mid Shabaab ah, mid magac Dowladeed ku socda iyo Mid dhaqan xumo kale oo ay ka dhaxleen xiligii colaadaha,ee waxaanu ka hadleynaa dal la yiraahdo Soomaaliya lehna dowlad Soomaliyeed calan, sharafta ciidankiisa qalab sida la soo celiyo waana waxa aanu u leenahay ciidamada Ajnabigaa ha laga saaro gudaha Soomaaliya, maxaa yeelay Soomaalidu wey is taqaanaa beel beel kale xoog ku qabsan karto ma jirto.Waa u muhiim Soomaalida madaxda ah in ay hada inta ay goori goor tahay la yimaadaan istiraatiijiyad cad oo dalkaan amnigiisa wax looga qabanayo,waa in lala yimaado siyaasado kala haki kara amaba kala qarin kara dadka Soomaaliyeed ee dalka iska leh iyo ajnabiga gudaha dalkooda jooga,sidee qof Ajnabi ah dalka Soomaaliya gudahisa ugu heystaa nolosha ugu wanaagsan markii loo soo bedelo isagoo ka socda dalal kale, dadkii Soomaaliyeed ee dalka lahaane ugu suurowday iney gudaha dalkooda u kala raacaan diyaarad weliba magaalo u jirta 5 KM duni ceenkee ah ayaanu ku nool nahay Soomaaliyey arintaani ma hogaanka dalka ayaa u sabab ah mise damiirkii Soomaalinimo, Bini'aadaminimo iyo kii dunidan inta lagu noolyahay shafarta ku jirtay ayaa leyska indho tirayaa?.
Dalkaan iyo dadkiisu waxey rabaan nidaam iyo kala danbeyn waxeyna ku imaan kartaa ciidamada Ajnabiga oo dalka laga saaro kuwa Soomaaliyana la dhiso,maxaa yeelay aan ku celino mar kale hadii ciidamada Ajnabiga dalka laga saaro ma jiir karo qabil Soomaali ah oo qabiil kale xoog ku qabsan karo hubka aduunyaalo xitaa hadii la siiyo horeyna waa loo tijaabiyey o belo badan ayaa isku dayey hada kedibna ma dhaceyso.
Fiiro Gaar ah: Waxaan mudo isbuuc ah dabagal ku sameynay mediyaha Soomaalida qaarkood markii ay dhawaan galayeen gudaha Degaanka Soomaalida ee DDS amaba Somali State inta webside iyo Telefishin oo buun buuninayey Shabaabka markii lagu jebiyey dagaalkii Dowlad Degaanka iyo midkii Hiiraan ma aragteen sidey guulaha hada socda uga aamuseen. Sidoo kale waxaan u guurgalnay sida ay Shabaabkaas u soo dhax mareen ciidamada kala duwan ee AMISOM ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Koofurta iyo bartamah Soomaaliya kaka sugan dhawr gobol oo ay caasimada dalka ku jirto bil xaqiiqo wad fajaceysaa,kedibna waxaa kuu soo baxeysa bahdilka, geerida iyo amni darada shacabka dalkeena ku socota cida dhab ahaan masuulka ka ah.Soomaaliya Hanoolaato.