Jimco, June 2, 2023-Wararka ugu waaweyn Arimaha Soomaaliya iyo Maanta (Part Two)-
Hubkii Khawaariijta iyo beelahii ay wadashaqeysanayeen ay isku wareejiyeen oo intii ugu horeeysay la geenay suuqa Bakaaraha iyo cir toogte kedib gumaadkii loo geystay dhalinayradii Soomaaliyeed ee ciidanka xooga dalka. dad badana waxey ka hadlayaan magac dowladeed. 1- Fashilka Dowladii la dhisay bartamahii sanadkii tagay ku dhacay min madaxweyne ilaa meesha ugu hooseysa oo heerkii ugu xumaa maraya.4- Hayaddii Nabad Sugida Qaranka oo aanu shacabka markii aanu dhinackasta ka eegnay ciwaan ugu dhignay ( NISA) ma waxey isku bedeshay argagixiso magaca (NISA) amaba Sirdoon qaran xaal ha qaato.5- TV-ga Qaranka (SNTV) oo beentii ugu weyneyd intuu soo qaato sawiro iyo dagaalo hore shacabkii u gudbinayo been khaawan.6- Aaway dastuurkii iyo golayashii sharci dejinta iyo dowladnimadii Soomaaliya?.
Kaliya Soomaalidu kuwooda daacada ah madaxda haatan jooga markii ay TV -yada soo fadhiistaan waxii ay sheegaan ka duubta maxaa yeelay badankood waxaan ognahay iney shacabka caadigaa ka mid noqon doonaan bilaha inagu soo aadan shaki la'aan.beenta mediyaha kuwa khawaariijta hubka ku wareejiyo ay shacabka u sheegaan isbuucyo kedib waxaa la arki doonaa iyagoo sidey hada beenta u sheegaan si ka duwan uga hadli doona arimaha Soomaaliya markii ay saxada ka baxaan shaqsiyaad badan oo hada xilal dowladed ku gabada lana shaqeysta khawaariijta. fashilku waa is daba yaalaa amab waa is daba joogfaa,waxuuse hada ku socdaa inuu marba marka ka danbeeya uu banaanka si toos ah u yimaado. ku tixnoow bogaan xaqiiqada siyaasadeed ee jidka ku soo jirta in aad ogaato hadii aad dooneyso.
Fiiro gaar ah- ogaada madaxda haatan joogta wax badan waxey u sameynayan iyo siyasada u muuqaalka ek ka gaarsiiya waxey ogyahiin iney saxada ka bixi doonaan sawirada hubka ay soo bandhigeyso khawaariijta horey ayaan idiinku sheegnay waxaa isku warejinayo waa beelahii ay horeyba u wada shaqeysan jireen khawariijta arintaasne belaha kale ee Somaliyed waa ka dheregsan yahiin oo waxaa dhawaan la gaari doonaa beelahaan khawaarijta la shaqeystaan oo isla hubkaan isku dili doona meel ku qorta iyagoo isku dili doona dhaqaalaha lagu kala iibsanayo,halka qaarkoodna ay waxaanu u yahiin ganacsi oo durbaba lala soo aaday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan suuqa cir toogte. Dowladii hubkaan keentay iyo kuwa ay gacanta u gelisay ee labada shaati mid dowladeed iyo mid khawaariij gashanaa hada waa isku ujeedo laakinse xaalkooda halka uu ku danbeyn doono kaliya Soomaali oo dhan indhaha haka daawadaano.
Siyaasada Somaliya- Khamiis Juun 1,2023-Wax badan qoraalo saadaal ah waanu ka qornay siyaasada Soomaaliya sidoo kale wax badan indhaheenu waa qabteen siyaasiyiin badan oo inta is mahadiyaan xiliga ay hayaan masuuliayda qaran inta wax aan jirin istusiyaan bilo kedib ka mid noqda shacabka caadigaa kedibna siyaasada dibad joog ka noqdaan.
Hadaba warbixintan midii ka horeysay waxan ku soo qadanay in uu burburay warmurtiyedkii
madasha ee dhawan soo baxay waxaana macquul ah in ay dad badan isweydiiyaan sababta aanu sidaas u dhahnay iyo halka uu dalku u socdo kaasi oo ugu danbeyn waqti aan fogeyn hadeysan wax isbedelin yeelan doona hogaamiye cusub amaba la arki doono wajiyo cusub.
Arintaan maahan qabiil hebel waa sidan iyo xisbi hebel waa sidan laakinse waa inuu qofkasta intuu fadhiisto maskaxdiisana ka shaqeysiiyo isweydiiyo ujeedadii la doonaba ha laga lahaadee horta qodobada warmurtiyeedka ka soo baxay marka meel leyska dhigo in kaliya lagu qurxiyey qodob la leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaa dalka loo jiheynayaa dadku ma isweydiiyeen waxa loogu dhiiran waayey intaanba saacado kooban la dhihin dalkii xisbiyadiisa waa laalnay oo kaliya, waxaa ka imaanaya labo xisbi iyo hal deegaan doorasho ayaa la galayaa iyo mudo kordhin ayaan sameysanay sow kama horeyn in bal horta la qiimeeyo bulshada qeybahooda kala duwan lana dhageysto dareenkooda maadaam ay waxkasta ku hagaagaan heshis bulsho?.
Sidoo kale ma laga fekeray in uu dalkaan yahay dal mudo colaad ku soo jiray oo la doonayo in tilaaba kasta mar la qaado si ay ku dhisan tahay xikmad iyo wada ogol?. Ma leys weydiiyey siyaasad kasta oo ay shaqsiyaad iyo koox gaaraan ee aan laga talo gelin dadka u dhashay dalka cawaaqibka ay ku danbeyneyso?.
Hadaba dadkii fursada u helay qoraalka kan ka hoseeya in ay si degan u soo aqriyaan kedibna midkaan aqriyaan hadey u fikirayan sidii qof caafimaad qabo waxaa u soo baxeysa halka uu wadankii Soomaaliya la dhihi jiray cagta saaray.hayehsee halka ay hada wax marayaan amaba ay arintaan ku danbeyn doonto ayaan hada idin sii sheegi doonaa iska sii ogaaw muwaadinka Soomaaliyeedoow.
1-Horta sida u qorsheysan madaxweynaha Jabouti dalka Soomaaliya doorasho kama dhici doonto inta ka horeysa 2028.2- Xibiyada hada jira sida Nabad iyo Nolol,Daljir, Himilo Qaran, Mid-Qaran iyo hadaan si kale u dhigno dhamaan xisbiyada hada u dhisan saamileyda siyaasada hadeysan dalka ku soo gelin si deg deg ah madaxda xisbiyadaas waxaa laga saarayaa daaqada labada xisbi ee la yiri dalka ayaana laga hirgelinayaa waa xisbi horey uga dhisnaan jiray gobolada waqooyi iyo midka UDP ( XIsbiga Dhiiga Cusub) ee madaxweynaha.
Xitaa hadii ay intey iska aamusaan dhihi lahaayeen dhamaan xisbiyada had adhisanm iyokuw adhismi doona mustaqbalka doorashada maadam ay ydhamantoo dyahin muwaadiniin Somaliyeed wey ka wada qeyb galayaan waxaan axsibiyo rasmi ah noqonaya 3da xisbi ee ugu sareya amaba hela codadka ugu badan wax bey ahaan laheyd mark aloo eego sida uu u fereko aqliga salimkaa. hayeeshe waa dhaqanka lagu yaqaano dal aan dadkiisa loo naxeyn, tureyn amab ixtiraameyn iyaguna ay indhah ka daawanayaan halkii ay ka hadli lahayeen misirka iyo mustaqbalka dalkooda halka loo jiheynayo.
Villa Soomaaliya maadaama xisbiyada kale oo dhan aysan ka mid aheyn dowlada hada jirta waxaa qorsheysan dhawaan in dowlada hada joogta Villada laga saaro dhamaan siyasiyiinta xisbiga Daljir inagu si wanaagsan uma garaneyno tirada kaka jirta dowlada waxaa Villada iskugu soo hari doona dhawan 100% siyasiyiinta UDP oo kaliya oo xitaa iyagaas dhaxdooda sii kala fikir duwan oo la sii kala miiri doono.
Baarlamaanka labada aqal sida hada qorashu yahay madaxweynaha Soomaaliya iyo iyagu islama hayaan siyaasada dalka lagu mamaulayo oo madaxweynaha waxuu doonayaa buuq la'aan maalinba siduu wax aan aqliga galeyn ugu geynayo in ay iyaga iyo shacabka madaxda isla galaan kedibna awood madaxweyne lagu kala diro.Maamul Goboleedyada 100% wajiyada hada jooga ma sii joogi doonaan labo arimood amaba sababood oo is biirsaday awadood.
1- Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa gadaal ka fadhiya madaxweynaha Jabouti Jaboutina lagama yaqaano madaxweyneyaal fara badan oo waxa ka jira hal madaxweyne dalkaas sidaasi daraadeed Xasan Sheikh warmurtiyeedkii dhawaan ay soo saareen isaga iyo intii la joogtay madaasha shirkaas ujeedka laga leeyahay waa in la kala ogaado saamileyda siyaasada iyo madaxda gobolada midka awood siyaasadeed muuqata ku leh baarlamaanka gudahiisa yacni hadey madaxda gobolada gacanta ugu jiraan micnahu waa dalku ma lahan baarlaman qaran sidaasi daraadeed waxaa si cilmiyeysan lagala wareegi doonaa awooda dastuurigaa ee ay hada ku fadhiyaan.
Hadii ay noqon waayaan kuwo ugu yaraan laga heli karo iney ka tirsan yahiin xisbiyo kala duwan oo dalka u qaadi kara go'aano misiri ah oo aan ku deg degin waxii dalkan horey u soo burburiyey iney si sahlan iska ansaxiyaan dhamaan madaxda haatan jirta daaqada ayey siyaabo kala duwan uga bixi doonaan weysa kala horeeyaan.
Tusaale waxaa been ah in madaxda gobolada iyo saamileyda siyaasada uu xirir siyaasaded ka dhaxeeyo waxii been ah oo telefon leyskugu sheego waa meesheeda laakinse inagu waxaan idiin xaqiijineynaa ineysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya.
Sidoo kale marka laga reebo dano siyaasadeed oo kooban oo ay hada iskula joogaan xisbiga hada ku sugan Villada ee madaxweynaha, xildhibanaada iyo madaxda gobolada hadane ma jirto waxa iskugu darsan kaliya kooxkasta waxey eegataa danaheeda shaqsigaa dan qaran iyo mid dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu bad badinayo Mogdishu iyo meel kale oo dalka ka mid ah kama jirto weliba siyaasadu saacad saacad ayey isku bed bdeleysaa isagaba daa maalin iyo habeene.
Waxaan qoraalkeenii midkaan ka horeeyey kaka soo hadalnay Garaadada SSC ee Mogdishu jooga qeybtaane waxaan uga hadleyna xildhibanada gobolada waqooyi siiba kuwooda ka soo jeeda Somaliland waxa dalka ka socda marka laga reebo in ay halkaas ku ilaashadaan mushaarkooda isbedelka uu dalku galay weli kuma bararugsana waxey kaliya maqleen mashruuc la yiraahdo Irirsamaale.
Arinta kale ee xiisaha leh waa mudo intee la ek ayey Madaxweynaha dalka Jabouti iyo madaxweyne Xasan isku siyaasad ka sii ahaan doonaan arimaha Soomaaliya?. waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in madaxweynaha Jabouti bilaha inagu soo aadan uu halmar 100 digree is wareejin doono oo uu lugaha kala bixi doono siyaasadii uu kula soo heshiiyey beelahii uu doorashadii Soomaaliya ka hor kula kulmay amaba iskugu geeyey dalkiisa. arintan ayaa lagu soo waramayaa iney ugu wacan tahay hal qodob oo muhiim ah oo ay dhibsadeen madaxweyne Gelle iyo shacabka Jabouti qudhooda inagoo weliba sii qeexeyna qodobkaan.
Madaxweyne Geelle waxaa siyaasada Soomaaliya ka soo gaaray dhaawac siyaasadeed iyo mid sumcadeed oo xoogan waxaana arintaan loo sababeynaya beelaha uu arimo badan ku qarsaday ee ay wax badan isla soo meel dhigeen oo aan aheyn kuwo sir leh oo waxii uu u sheego ay gaaraan wax ka yar 24 saac Soomaaliweyn oo dhan gees ka gees maxaa yelay Soomalidu waa dad hadla macluumaadkana is dhaafsada iyagoo is dagaalsana aan waxbo kala qarsan Jaboutise sidaas maahan.
Arinta kale o ah in ay shcabka Jabouti dhibasadeen in lagu shaambadeeyey magaca irirsamaale halkii ay Soomaali o idil iskugu mid ahaayeen markii hore.
Arinta kale ee waxaasi oo dhan bar bar socota oo ah beelo la doonayey in dhulkooda si sahlan looqaato iyo dagaalo ka kala dhacay Hiiraan iyo SSC oo leys lahaa si sahlan ayaa dadka ku nool loo maquuninayaa oo dhamaan tood ahaa dagaal siyaasadeysnaa oo dhinaci la filayey dhinac aan aheyn isku bedelay.
Madaxweyne Xasan Shiikh qudhiisa wuu ogyahay in aan mar sedaxaad dalka Soomaaliya misirkiisa amab ahogankisa loo dooraneyn haduu termkaan dhameysto ayuu nasiib leehayay amaba ka bad baado qalalasaha siyaasadeed ee uu hada dalku lugaha la galay, isaga qudhiisa ma doonayo in siyaasada madaxweynaha dalka Jabouti uu ku sii hoos nolaado oo kaliya hada waxu saaxiib ula yahay inuu ka barto sida xilalka muhiimkaa loo siiyo qoyskisa maadaama uu m/weynaha Jabouti arintaas caan ku yahay iyo mida kale oo ah ciidamada Jabouti ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo sir doonkooda ayuu moodayaa iney joogitankooda wax badan uga fuli karaan,hayeshee xaalku sidaas iyo wax u dhaw maahan.
Waxaasi oo dhan marka meel leyska dhigo xildhibaanda baarlamanka maalmaha inagu soo aadan si ay dhooqo siyaasadeed lugaha ugu geliyaan Xasan Sheikh waxey u muujin doonaan iney iska dhigaan iney yahin kuwo taageersan warmurtiyeedkii iyagoo koox koox iyo qabiil qabiil intaba ugu tagi doona ujeedkooduna yahay in baarlamanka la keeno warmurtiyedkii kedibna waxaa ka dhici doona wax aysan inta hada ku sugan Villada qiyaasi doonin.
Ogaada imisa jeer ayey shacabka Soomaaliyeed horey u soo arkeen masuul inta subaxii ay xildhibanadu la quraacdaan casarkii ay ridaan?.Soomaali horey ayey u maah maahday waxeyna yiraahdeen cagtii joogsan weyso marbey ceebi la kulantaa,hada dalkii oo ku jira dib u xoreyn waa laga joogi waayey siyaasiyiinta Soomaalida ee maanta jooga waxaaan wax ka qoreynaa inta ku biiri doonta dhawaan nolosha shacabka caadigaa ee saxada siyaasda ka bixi doonta.weliba shaqsiyaad badan magacyadooda iyo xilalka ay hada ku fadhiyaan min madaxweyne ilaa baarlamaanka labadiisa heer shacabka waanu la wadaagi karnaa mase dooneyno.
Sow horey looma dhihin waxkasta oo aan xigamd iyo fikir ku dhisneyn bur bur ayey ku danbeyan waa waxa ay maanta dowladii la dhisay bartamhii sanadkii tagay ay lugaha kula jirto.micno ma sameyneyso in shacabka soomaaliyeed la yiraahdo doorasho qof iyo cod ayaa la qabanayaa hadane gadaal laga raaciyo wax aan aqliga bini'aadamka aqbaleyn iyo arimo u baahan in dastuurka dib logu noqdo oo dalka dhan shacbakiisa lala wadaago waxii la sameynayo.waa fowdo iyo hada koow. Alla maxaa Mogdishu been siyaasadeed la kala iibsanayaa............halkan aanu ku ekeyno. markii ay dad badan arkaan inagoo calanka Soomaaliya dusha sare soo dhigeyna waa marka ay noo muuqato inuu dalku yeelan doono weji kale oo siyaasadeed.
War Deg Deg ah-Wednesday,May 31,2023- Wararka ugu waaweyn Arimaha Soomaaliya iyo Maanta-1-War murtiyeedkii Mogdishu laga soo saaray oo bur buray ma ahan in aanu leenahay waa burburi doonaa ee waxaan leenahay waa bur buray.2- Dabargoynta lagu hayo ciidamada Xooga dalka oo ujeedka laga leeyahay ay tahay in Khawaarijta dib loo hubeeyo.
3- Fashilka Dowladii la dhisay bartamahii sanadkii tagay ku dhacay min madaxweyne ilaa meesha ugu hooseysa oo heerkii ugu xumaa maraya.4- Hayaddii Nabad Sugida Qaranka ma waxey isku bedeshay argagixiso magaca (NISA) amaba Sirdoon qaran xaal ha qaato.5- TV-ga Qaranka (SNTV) oo beentii ugu weyneyd intuu soo qaato sawiro iyo dagaalo hore shacabkii u gudbinayo been khaawan.6- Aaway dastuurkii iyo golayaashii sharci dejinta iyo dowladnimadii Soomaaliya?.
Fiiro Gaar ah- Waxaan bogaadineynaa go'aanka reer Puntland oo kaliya maahane Soomaali dan u ah ee ka muuqaday qudbadii uu jeediyey madaxweynaha Puntland.sidoo kale waxaan leenahay shacabka SSC siiba Garaarada hada ku sugan Mogdishu halka ay hada joogto siyaasada Soomaaliya dib ugu laabta deegaankiina waxaan weliba idiin balan qaadeynaa waxkasta oo aad Mogdishu la tagteen amaba leydiin sheego hadey 1% kaliya idiinka hagaagaan mar danbe news ka hadlayo arimaha Soomaaliya meeshaan ha u soo doonanina,laakisne sharafta iyo guush aidiin soo hoyatay waa in aad inadhahiina ku soo aragteen dowlada aad markasta maqli jirteen iney ka jirto koofurta Soomaaliya ee ay xarunteedu tahay Mogdishu. war nimanyahow reer Hiiraan oo Khawaariijta dagaalkii aad ogeydeen la galeen oo mogdishu intaad aragtaan wax yar 350 KM ahna Mogdishu u jira sida loo hagar daameeynayo kacdoonkii looga soo horjeeday Khawaariijta iyaguna u fahmeen waxkastana intey go'aan u gaar ah qaateen uga aamuseen xitaa ma ku tusaale qaadan weyseen?.
Shacabka SSC hadaad sharaf iyo gobanimo u dooneysaan dadkiina iyo deegaankiina waxa leydiinku heysto waa kheyraadka dhulkiina ku jira degaankiina dunida ayaa toos idiin caawineysa ee u sameysta State-ka Khaatumo. waxaan iska noqonaya sheeko fadhi ku dirir ah ee la leeyahay Daarood ha leyska horkeeno inta Ogaadeenka laga soo gooyo,kedibna kuwa kale mid mid haloo cuno iyo Hiiraan iyo DDS dhulkii Khawaariij laga saaray dib haloogu celiyo gacanta Khawaariinta, deegaanada hada la doonayo sida Koofur Galbeedna in laga saarona hala fashiliyo iwm inta hubka dowlada qabiiladii Khawaariijta ahaa amaba la shaqeysaneyey loo gacan geliyo iyadoo dhalintii Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa iyo gudahiisa lagu soo tababaray si micno daro ah inta dhaxda la gashtay maalinkasta tiradii ugu badneyd lagu dilo meelo aan munaasib aheyn oo ay wada joogaan shaqsiyaad masuuliyad dowladeed sheeganayo iyo kuwo Khawariij ah oo hadane isku reer ah.waxaasi waa wax la sii ogyahay oo in shacabka waqti looga lumiyo ka hadalkooda looma baahna.
Midna Soomaalida kale ha ogaadaano hubka dowlada ee la soo bandhigo marka la soo bandhigayo shacabka Somaliyeed lama tusinayo ee waxaa is tusinaya sargaalkii Khawaariijta kula heshiiyey ee ka iibsaday iyo kuwii iibsatay oo marka muuqaalka la tusiyo ayaa lacagta la kala qaataa. wax Khawariij la yiraahdo ma jiraan ee waxaa jiro dhawr beelood oo Khawaariijta wada shaqeystaan hubkana iyaga isa siiyaan dunidana dhaqaalo sidaas uga helaan magaca Soomaaliya.
Tusaale- Hubkii dhawaan laga qaatay ciidamada Ugandha kuwii Khawariijta ahaa iyo kuwii dhinaca dowlada ka tirsanaa ee fududeeyey labaduba waa isku qabiil waxeyna ka soo jeedaan qaar ka mid ah kooxdaan Villada joogta qabiiladooda ee xilalka ugu sareeya hayaan amaba ugu badan dalka ka hayaan,dhinaca kalena waxaa lagu leeyahay dalka waxaa ka jira dowlad ay Soomaalidu wada dhisteen iyo wax la mid ah.
Sidoo kale hubka u badnaa gawaarida Cabdi Bilayaasha ee lagu qabsaday Masagewaay ( Sh/dhexe amaba dhinacaas iyo Galgaduud) kaliya waxaad eegtaan saraakiishii uu gacantooda ku jiray iyo kuwa maanta soo bandhigayo waa isku qabiil waxaa u kala duwan kaliya magaca iyo tuutaha.Ninka taliyaha ciidanka Xooga dalka ku magacaaban Odowaa iyo saraakiil dhawr ah hubka sidaas ayey Khawaariij uga iibsadaan ilaa xarunta Villa Soomaaliyana waa leysla ogyahay,waana shirqoolka kaliya ee hada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagu laayo,weliba Drone ayaa arimahan oo dhan qeyb ka ah.Isku soo duuboo qodobada aanu kor ku soo xusnay ee 6da qodob ka kooban kuugu filan halka ay hada wax marayaan inta kale aqligaada ku kab hadii kale iska noolaaw.waxaan Soomaali badankeed u deynay magaca dowlad Soomaliyeed iyo kooxo isku ujeedo ah hadane labo magac kala wataan.
Ma hubno waqtiga uu dalku yeelan doono dowlad rasmi ah mana hubno in Soomaaliya la gelin doono maxmiyad ay gacantooda ku keensadeen,waxaanse hubnaa in aan sidan ay hada wax ku socdaan leys kula sii joogi doonin. waxne waa borobagaando waxne waa xaqiiqo siyaasadeed dalka Soomaaliya meesha ay hada xaaladu joogto waa fashil aan noociisa horey horey loo arag ciudii ku kadsoomeysa iyo cidii isku tashaneysa iyadey u taalaa.newskaan waxan dusha sare u soo dhignay waa in ay shacabka Soomaaliyeed si fiican u fahmaan waxa gudaha dalka ka socda ee loogu yeero siyaasad amaba dowlad. waa fowdo ee dowlad lama dhihi karo.
Siyaasada Soomaaliya-Qoraalkii midkaan ka horeeyey waxaan shacabka u bidhaaminay nuxurka dhan ee warmurtiyeedkii waalida ahaa ee dhawaan la soo saaray hayeeshee arinta maanta xiisaha leh waa madax goboleedyadii lahaa mudada ayaanu kororsanay maxaa siyaasada Soomaaliya ka raacay 24 kii saac ee ina dhaaftay.
Warar siweyn leyskugu haleyn karo ayaa muujinaya in uu kacdoon shacab kaka soo wajahan yahay deegaanada ay masuuliyadeeda sheegtaan siiba intii warmurtiyeedka dalka gelinayo qal qalka siyaasadeed soo saaray. ma hubno sida ay u kala horeyaan laakinse waxaa la hubaa 3 ilaa ugu badnaan 4 bilood wax ka badan ineysan masuuliyada ay hada sheegtaan sii heyn doonin inta badan madax goboledyada halkii la doonayey in la afgambiyo baarlamanka iyagii ayey la gadoontay.
Maxey tahay sababta ugu weyn ee ay halkii ay kaliya xooga saari lahaayeen dib u xoreynta deeganada ay sheegtaan in ay ka taliyaan ay bedelkii iskugu mashquulinayaa siyaasado ka waaweyn iyaga oo aysan dastuuriyan shaqo ku laheyn?.Markii aanu arintaan u guur galnay waxaa noo soo baxday in ay waxaani ahaayeen mashruuc dhaqaalo looga cuno siyaasiyiin dalka dibadiisa ku nool oo leyskaka dhigay in lala yahay xulufo siyaasadeed laakinse aysan arintaas aheyn mid jirta, halka gudaha dalkana qaab cajiib ah uga helayeen dhaqaalo sida in ay iska dhigaan iney yahiin iyagu kuwa maamula golayaasha labada aqal dalkana ay sidey doonaan ka yeeli karaan, xaqiiqaduse hada xaalku sidaas iyo wax u dhaw maahan oo waxey lumiyeen siyaasiyiin badan shacabkii Soomaaliyeed iyo xildhibaanadii iska hurdi jirayna hadey noqon lahaayeen heer gobol iyo heer federal hadey soo baraarugeen.
Hayeeshee mudo kordhin sanad ah iska daaye masuuliyiinta qaarkood heer federal iyo heer dowlad goboleed hadey 60 ka cisho ee inagu soo aadan ku sii jiraan saxada siyaasada Soomaaaliya nasiib ayey leeyahiin.warbixintaan waxaanu ka soo aruurinay meelo kala duwan oo dalka ka mid ah waana waxa maanta dalka ka jira.
Isku soo duuboo marka laga reebo Puntland oo ay ka socoto doorasho qof iyo cod ah, kuwaan kale waxey 99.9% u badan tahay in lagu qaadi doono washamsi.ayna wajiyo cusub oo ay isla jaanqaadaan siyaasiyiinta imaan doonaan marka loo eego wajiga cusub ee uu dalku galay.weliba shacabka Soomaliyeed waxyaabo badan oo qaab daro ah oo dalka ka jira halkana uguma soo qorin kaliya waxaan u dulmarnay halka ay hada wax marayaan.la soco wararkena danbe.
Fiiro Gaar ah-Halka ay hada wax marayaan waa meeshii lagu ogaan lahaa inuu dalku leeyahay hayaddo sharci dejin iyo in kale .
Baarlamaanka Soomaaliya Isniin May 29,2023-Gudoomiye Aden Madoobe iyo xildhibaanada qaranka ee golaha sharci dejinta waxaan leenahay awoodiina dastuurigaa kaliya yaan leydiinka xayuubin oo aysan cid aan mudneyn la wareegin.Dalka hayadda ugu sareysay waa golaha sharci dejinta siyaasadaha la doonayo in lagu moodo waqti gaaban amaba la doonayo in leyskaka dejiyo culeysyo siyasadeed oo markaasi taagan waxaa ka muhiimsan in aad wadanka Sheikh Adanow dastuurkiisa ku maamushaan.
Ama rumeyso ama ha rumeysan waxaa la doonayaa in awooda golayaasha sharci dejinta si dadban loola wareego kedibna dhawr bilood kedib la kala diro. waxaanu ka mid aheyn mediyahii Soomaalida oo maalmahii tagay lala soo xariiray ee la doonayey in ay buun buuniyaan barnaamijkaan dalka looga dhigayo inuu qaato kaliya labo xisbi oo ay ku bahoobeen shaqsiyaad kooban oo hada is tusiyeen iney hayaan masuuliyad iyo kuwo horey u soo maray oo ay masuuliyada kala wareegeen si dhamaan xisbiyada kale oo dhan daaqada looga saaro taasi ma dimoqoraadiyad baa?.
Waxyaabahii aanu arintaan ku taageeri weynay ayaa aheyd in aanu aragnay in la doonayo in la burburiyo golayaasha sharci dejinta kedibna xukumada hada jirta lagu bedelo mid kale si ay kooxdaan inta hada ka hartay mudo xileedka m/weynahaan ay u kala qeybsadaan awooda dalka taasina waxey ku dhici kartaa in la kala diro golayaasha sharci dejinta.
Waxaa nasiib daro weyn oo aan qadan weynay nagu noqotay sida loo qiimo tirayo baarlamaanka amaba xildhibanada Soomaaliya oo aanu ku ognahay qaar ugu yaraan dalka u naxaya,siiba kuwa golaha shacabka oo aan xitaa loo arkin iney yahiin xildhibaano qaran ,keliyana loo arko kuwo sidii la doono laga yeeli karo.hal ku dhugyada cajiibkaa e la adeegsado waxaa ka mid ah in loogu yeero xildhibaanada magacyo aysan u qalmin sida in ay kooxna hebel hoos tagaan kooxna hbele yacni dowladnimad adhan ayaa la doonayaa in lagu nacsiiyo xita lama lahan xildhiaan hebel waxuu ku fikir yahay xisbi hebel .bil xaqiiqo dalku waxuu leeyahay dastuur inagu ma qabno wax aan soo marin baarlamaanka in uu dalkaan ka noqon karo sharci.
Baarlamanka hada jira ee 11aad haduu leeyahay gudiyo qaabilsan dastuurka war murtiyeedkii dhawaan soo baxay hada waa uun qoraale oo wey sahlan tahay in leyska yiraahdo dalku doorasho qof iyo cod ah ayuu aadayaa ee inta aqli la adeegsado kaliya hala yirahdo maxaa macquul ka ah waxa meehaan ku qoran.
Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan warmurtiyeedkaan ma waxaa loo soo saaray kaliya inta iskugu tagtay oo halkaas fadhisay iyo deeganadooda mise dal la yiraahdo Soomaaliya?.Hadii loo soo saaray wadan la yiraahdo Soomaaliya howshaan waxey kaliya sharci ku noqon kartaa nidaam wada ogol ah oo waxaa ka maqan miiska wada hadalka Puntland iyo Shacabka Hiiraan State iyo SSC oo ma jirto degaan u hadli kara degaan kale.
Horta mid waa ku qalad qaranimada iyo dowladnimada in la yiraahdo xildhibanada qaranka waxey jeebka ugu jiraan shaqsiyaad waa in la heli karo mudaneyaal baarlaman iyo gudoonkooda ah oo iyagu dalka jiheeya lana xisaabtama hayaddaha kale ee fulinta oo uu xildhibaanku ka muhiimsanaadaa siyaasiyiinta kale halka uu hada ka yahay wax aan jirin.
Isku soo duuboo dalku waxuu dal ku noqon karaa ku dhaqanka dastuurka, iyo ilaalinta sharciga iyo hayaddaha sharci dejinta oo shaqadooda qabsada weyna arki doonaanSoomaali badankeed madaxweynaha haatan jooga ma dhameysan doono mudo xileedkiisa meel ha lagu qorto ama hala qiimo tiro baarlamanka oo maalinba waji cusub ha lala yimado ama ha leyska daayo. inagu waxaanu ka hadleynaa danta caamka ah ee shacabka Soomaaliyeed kama hadleyno dano shaqsi iyo mid kooxeed.
Sheikh Aden Madoobe waxaan leenahay waxaad tahay qofka markii uu madaxweynaha dalka ka maqan yahay sharciyan dalka inuu hogaamiyo loogu talo galay sidee ayey iskugu dayi karaan hogaamiye gobol inuu sheegto awood dal dhan lagu jaan gooynayo iyadoo uu dalku leeyahay gole sharci dejin?.
Tusaale- Magaalada Baydhabo ayaad gogol nabadeed u fadhiseen mudo dhawr isbuuc ah adigoo xalinayey tabashada ay qabeen mucaaaradka deeganka aad ka soo jeedo ee Koofur Galbeed dadbaa ku dhintay qalalaaso ka dhacay halkaas weliba waxaanu aheyn mediyahii sida ugu wanaagsan ugu soo tabiyey halkaas,ugu danbeyn waxaa lagu heshiiyey in doorashada deegaankaas ay dhacdo Janaury. maxaad hada mar kale u sheegi doontaa musharaxiintii kale hadey maanta ku kacaan Lafta Gareen inagoo og in ay ku kici doonaan.yacni waxyaabaha aan laga fiirsan ee sida sahlan inta ay koox istusiyaan deg degta lagu gaaro oo aan la eegeyn danta guud ee shacabka iyo degaanka waxey bulshadu ka dhaxashaa rajo beel,yacni waa tusaalaha ugu uar ee anu ku siineyno.
Taasi waxaa la mid ah madaxweynaha Soomaaliya ee maanta meel la soo istaagay mudo kordhinta uu horey isagu u diiday anigaa sameysanayo iyo dalku xisbigeyga iyo mid aan is fahanay oo kaliya ayaa ka ariminayo what can of policy is that?.Al muhiim baarlamaankaan waxaa u furan labo wado oo kaliya xitaa mid sedaxaad uma furna.1- Dalka haloo keeno hogaamiye aan aheyn midka hada jooga kolba lagama fursan doonee si loo helo hogaamiye shacbaka ka saara shakiga irirsamaale iyo waxaan shacabka Soomaaliyeed kala dilay kaasi oola yimaado siyaasad cusub iyo aragti cusub.
2- iyo in siyaasada dalka ay awoodooda dastuurigaa iydoo aan qeyb bulshada Soomaaliyeed ka mid ah lagu dulmineyn dowladnimada dastuurka qabyada ah laga saaro qabyanimada aqli maahan in 22 sano la yirahdo dastuur qabyo ah ayaa dalka lagu maamulayaa.
3-In aysan dhicin waxii ay horey uga dhiiran jireen dowladahii midaan ka horeeyey ee xili hore awooda golayaasha sharci dejinta inta lala wareego dalka dastuurkiisa maalinba magaalo inta lala tago ugu danbeyn sidaas loogu ciyaari jiray dowladnimada inagoo weliba hubno 100% degaano badan oo hada ay dadkoodu aamusan yahiin ay sameysan doonaan State-yo cusub maadaama la kala aamin baxay.maanta intaan ha inoo joogto.Ugu danbeyn way aayan la qiimo tirin hayadda sharcidejinta oo ah meesha la doonayo in laga dareemo dowladnimada.
Doorashadii Turkiga oo uu ku guuleystay madaxweyne Erdogan dabaal degyo waaweyn oo ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalka Turkiga.madaxweyne Erdogan oo markii lagu dhawaaqay guusha uu ka gaaray doorashada ayaa waxaa halmar is qabsaday dabaal degyo xili uu goob uu kaka sugnaa magaalada Istanbul kula hadlay taageeraal badan,ayaa dhinaca kale waxaa amniga madaxweynaha laga sugayey cir iyo dhul amaba hadaanu si kale u dhigno waxaa amnigiisa loo ilaalinayey si ka duwan sidii loo ilaalin jiray doorashooyinkii hore.
Hayeeshee madaxdweyne Erdogan oo dagaal aan horey loo arag lala galay intii ay socotay doorashada ayaa waxaanu go'aansanay in aanu ugu yeerno Madaxweynahii ay shacabka dalkiisa u hiiliyeen .
Shacabka Turkiga oo si aan laqiyaasi karin u jecel dalkooda iyo madaxweynahooda oo ay ku jelcaadeen sida uu uga run sheego waxkasta oo uu balan qaadona uga dhabeeyo ayaa hogaamiyaha dalkooda Mr Erdogan waxey doorashadan u difaaceen si aan horey loo arag waxaan dhihi karnaa qurba joog walaa guda joog shacabka Turkiga waxey ku dagalameen faraha iyo cidiyaha si dalkooda oo horey u scoda uusan mar danbe dib ugu laaban waana mida keentay in madaxweyne Erdogan si guud ugu hambalyeeyey dhamaan shacabka Turkiga.............
Ankara, Turkey,2023-War deg Deg ah- Madaxweynaha Turkiga oo siweyn ugu horeeya doorashada codadka ilaa hada la tiriyey.Doorashadii Turkiga oo maanta la soo gabo gabeynayo iyo madaxweyne Erdogan oo wacdaro dhigay xili ay maanta codkooda dhiibteen isaga iyo marwada koowaad ee dalka Turkiga. hadaba joogto ula soco wararkeena danbe
DOWLADEEY XAAL QAADO AAWAY DASTUURKII UU DALKU LAHAA?-Madaxweynaha Jabouti qofkii talo ka qaato dalkiisa iyo doorasho waa is deeyeen ( Kusoo dhawaada Afgambiga cusub ee lagu sameeyey baarlamankii 11aad ee dowlada federalka Soomaaliya.( Dalka Soomaaliya Doorasho Qof iyo Cod aan mudo kordhin wadan ayuu u........?.
Mogdishu Soomaaliya-Walee dalka Soomaaliya inta 4tii qofood amaba koox inta miis iskugu timaado ay sidey doonaan amaba jeclaan lahaayeen iskaka hadlayaan qaran Soomaaliyeed meeshaas ayuu kugu daayey.ku soo dhawaada Somaliyey afgambiga baarlamanka Soomaaliya lagu sameeyey iyo mudo kordhinta xadkeedii dhaaftay ee maalinba maalinta ka danbeysa iska noqotay wax iska caadi waaba hadii ay dalka Soomaliya ka shaqeyn doontee.
Tusaale - Hadii qof Soomaali ah ina weydiiyo maalintii baarlamanka Soomaaliya ee haatan jira karaamadii iyo heybadii lagu yaqiinay gole sharci dejin laga qaaday waxey aheyd maalintii doorashada madaxweynaha Soomaaliya dhaceysay ee ay goobtii ay qudbadaha ka jeedinayeen musharaxiintii u taagneyd qabashada kursiga ugu sareeya dalka ay goobtii lagu qudbeynayey imaan waayeen xildhibanadii labada aqal ee baarlamanka 11aad oo ay musharaxiintu u qudbeeyeen kuraas iyo miiisas cidlo ah. qofkii maalintaas dowladnimo garanayo oo kaliya ayaa waxii dhacay ka sheekeyn karo.
Sababtu maxey aheyd?, xildhibaan kasta weliba intooda badan dowladahii iibsatay oo qarashkii uu ku soo baxay ka bixisay ayaa Hotelka ma soo dhaafi kartid tiri.sidaasina waxaa goobtii ay ku qudbeynayeen musharaxiinta kaliya yimid gudoonkii baarlamanka iyo hadba musharaxiintii qudbeyneysay hoolkii oo cidlo ah sawiradii iyo sidey maalintaas wax u dhaceen waqti munaasib ah ayaan shacabka la wadaagi doonaa.
Sanad kedib Soomaaliweyn waxey maanta indhahoda ku arkaan baarlamaankii oo la afgambiyey wadan la leeyahay waxuu leeyahay gole sharci dejin oo shacabkiisa sidaan loogu ciyaarayo intii aanu arkeynay hanaan dowladeed sida uu u shaqeyo waxa ay indhaheenu qabanayaan maanta wax loo dulqaadan karo maahan. hadii la waayo baarlaman hanaankii dowliga ahaa shacabka u ilaaliya oo la kala saari waayo nidaam dowladeed iyo dano ku kooban koox amaba shaqsiyaad waxaan talo kooban siineynaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aan deegaanadooda weli u dhisan State u gaar ah ee maanta ka maqan miiska looga hadlo arimaha Soomaaliya hadey talo idiinla gudboon tahay ee deegaankiina u dhista State u gaar ah iyo maamul ka turjuma danaha shacabkiina oo min tuulo ilaa degmo idinku isa soo doorta.
Weligaa maad aragtay war murtiyeed kaliya afka laga leeyahay Doorasho Cod iyo qof ah ayaa dalka laga qabanayaa iyo mudadii waanu korosanay kkkkk,walee dalkaan hadaan loo helin isbedel siyaasadeed dhab ah iyo baarlamaan shaqadiisa gudan kara amaba qaladaadka siyaasadeed ee xadkiisii dhaafay aan meesha uu hada joogo lagu joojin Soomaaliya iyo dowladnimo waa is deyeen.
Fiiro Gaar ah- Shacabka Soomaaaliyeed Doorasho qof iyo cod ah wey u baahan yahiin in dalkooda looga qabto si looga guuro nidaamkii qaldanaa ee ay horey ugu soo jireen oo aysan ku laheyn wax metelaad ah, laakinse uma baahno doorasho qof iyo cod ah oo sharuudo wadato oo ay micnahu tahay kolba aniga ma soo laabanayee aan iska sameyo waxii aan doono intaan doonana iska joogo.mise waxaanu qaadanay dastuurkii Jabouti oo lagu bedelay kii Soomaaliya?,ileen Jabouti leysma doortee.
Dhinaca kale talo yar oo kooban ayaan madaxwyenaha Soomaaliya si qaas ah u siineynaa waa hadow naga yeelayo weliba waa talo maanta joogta waqtigeeda adigoo aan wax kale sameyn intaad diyaarad qaatato oo aad Soomaalida kale oo dhan intaad arintooda meel iska dhigto gogol nabadeed u dhig qabiilka aad ka soo jeedo ee Abgaal oo dhiigooda maanta kala bad baadi waa dad Soomaaliya oo qof ku farxeysa ma jirtee deegaankana wiilka ay isbaarada u taalo ee aad sidii waxa ay shacabka Soomaaliyeed cawaan yahiin aad kula kumeysid xarunta Villada intaad iska qabataan kana baxdaan qiyaaliga siyaasadeed Sh/dhexe iyo gobolka Banaadir inta u dhaxeya kaliya nidaam ka hirgeliya aad adinku ku kala bad baadaan si aad mustaqbalka Somali ula sheekeysataan ileen fowdadan aad badankeed hor boodaan waa laga baxayaa dhawaane.
Sidoo kale mediyaha Soomaalida badankood mid baan leenahay war beenta iyo wararka aad dhaqaalaha ku qaatataan ee aad shacabka Soomaaliyeed ku jah wareerineysaan ugu yaraan shacabka ka joojiya dalkaan Soomaaliya la yiraahdo maanta in aysan oolin wax lagu tilmaami karo siyaasad qofkasta oo aqliga u saaxiib ah oo garanaya nidaam dowladeed wuu garanayaaye.dalka Soomaaliya doorasho qof iyo cod ah oo bilaa sharuud ah ayuu u baahan yahay in laga hirgeliyo haiise la waayo baarlaman amaba gole sharci dejin oo xaqiiqada dalkeena ka abaara halka ay shacabka ka jirto ma jiri doonto reer Soomali ah amaba deegaan soomaali ah oo reer kale amaba degaan kale u xayirnaan doono hada kedib.mar kale ayaan ku celineynaa maxaa iska quseeya doorasho qof iyo cod ah iyo mudo kordhin?. micnahu waa dowladnimo ma dooneyno....ceebeey tacaal.
Ankara, Turkey,2023- Mucaaradkii Turkiga oo dhawr qeyb u kala jabay iyo madaxweynaha Turkiga oo helay taageero xoogan oo shacbaka dalkiisa. xili l asoo gabo gabeeyey doorashooyinka ay codkooda dhiibteen shacabka Turkiga ee ku nool dalka
dibadiisa, madaxweyne Erdogan ayaa goobkasta oo uu ka qudbeynayo waxaa iskugu yimaadaa shacab ka tiro badan hadba tiradii la qiyaasayey kuwaasi oo siweyn u taageersan madaxweynaha dalkooda.la soco wararkeena danbe .
Puntland Elections,2023-Sidaan shacabka Somaaliyeed oo ay ugu horeeyaan kuwa Puntland horey uga balan qaadnay in aanu wararka arimaha doorashada Puntland joogto ugu soo gudbineyno inagona xog aruurnta doorashada intii aanu wadnay ugu talo galnay in ay kusii nastaan heestii magaalada Bosaso iyo qoraalkii ka horeeyey.Hadaba natiijada doorashada
taabo halka ay ku qoran tahay click here.
Fiiro Gaar ah-Waxaanse talo yar oo kooban siineynaa shacabka Puntland iyo maamulka dowlada Puntland oo uu ugu horeeyo m/weyne Saciid Deni.hadii aad dooneysaan in aadan dadkiina hada kedib ku maamulin sida koofurta Soomaaliya amaba qiyaali siyasaded oo taariikh wanagsana aad dooneysaan in ay idin gasho diiwaanka doorashada ilaa heer m/weyne Puntland ee tan ku xigta ka hirgeliya in leysku doorto qof iyo cod sidaan oo kale kedib markii aanu u guurgalnay 24 kii saac ee ugu danbeeysey waxa ay doonayaan amaba rabitaanka shacabka oo ah wadadas,hadii aad doneysan in aad dadkina qiyaali siyasaded ku hogaamisaan sida waxa ka jira Mogdishu iyo meelo badan oo ka mid ah koofurta Somaliya waa meesheeda.la soco wararkena dannbe.
PICTURE OF THE DAY-THURSDAY, MAY 25,2023- Sawirkeena maanta waxaan ku soo qadaneynaa Doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo loo dareeray Puntland.shacabka
oo mudo aad u dheer sugayeen doorashadan oo kale ayaa siweyn ugu soo baxay sidii ay codkooda u dhiiban lahayeen,kuwaasi oo ka codeeynayey magaalooyin iyo deegaano badan oo ka mid ah dhulka Puntland.
Hayeeshee waxaan marka hore bogaadineynaa guusha taariikhiga ah ee ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland u horseedeen guud ahaan dalka Soomaaliya intiisa kale shacabka ku nool.inagoo dhamaan musharxiinta u taagan qabashada xilka ugu sareeya
dhamaantod si isku mid ah wararka doorashada uga soo gudbin doono shacabka Somaliyed hadane waxaanu qeybtaan horu dhaca ah ku soo qaadaneynaa madxwyenaha haatan jooga Saciid Cadbullahi Deni iyo qaar ka mid ah shacabkii maanta u dareeray codeynta.Hadaba
si uusan qoraalku inoola dheeraan taabo halka ay ku qoran tahay Watch Video.
BEAUTIFUL SOMALIA (CITY OF BALADWEYNE),HIIRAAN STATE OF SOMALIA 2023.
HISTORY OF SOMALIA-Hiiraan State beautiful Hiiraan is a state of its own.Hiiraan State
which is located a very strategic place in central Somalia it has boundaries with Middle shabeelle which is part of Banaadir region, Bakool, Bay, lower Shabeelle (Southwest State), Galgaduud, and Somali State (DDS) of Ethiopia.
Economically it is one of the most fertile and productive state in Somalia in terms of agriculture and animal production, most of the livestock export from our country is from Hiiraan State, the fruit and vegetables and other crops grown from the Hiran State are consumed in every corner of Somalia and are exported as well for commercial purposes.
Hiiraan State is out of the eight original regions that constituted the Republic of Somalia.
It is approximately 31,510 km2.[4] The Shebelle River flows into Hiran from Ethiopia, coursing through the State capital of Beledweyne As Well, Bulo Burde and Jalalaqsi.While the state had five districts, Beledweyne, Bulo burde, Mahas, Jalalaqsi, and Mataban.The leader of the state for now is Ali Jeyte Osman and soon the people of Hiiraan State of Somalia will choice or electing their leader like people of Government of Puntland doing now to conduct a ‘one person one vote’ election for over 30 years.
Hiiraan State or Somalia has not held multiparty elections since late 1969 when the military seized power from a democratically elected government in a bloodless coup.[1] The military remained in control until 1991, followed by thirty years of civil war and political instability. finally the people of Hiiraan State next feiw months wil coming together and electing their leader.Remember Hiiraan people they don't listen fake policy in Mogdishu that is reality on the ground.
Ankara, Turkey Monday May 22,2023- Madaxweynaha Turkiga oo sidan qoraaladeenii hore ku sheegnay taageero xoogan ka helay shacabka dalkiisa ayaa dhinaca kale taageerayaal badan kula hadlay goboladii uu ka dhacay dhulgariirka xili uu xariga ka jaray Isbitaal weyn oo laga hirgeliyey halkaas iyadoo lagu dhisay ISbitaalkaas wax ka yar 2 bilood.
Dhinaca kale siyaasiyii doorashadii dhawaan ka dhacday wadankaas ku soo baxay Sinan Ogan ayey isaga iyo taageerayaashii u codeeyey wareegii koowaad si buuxda u taageereen méweyne Erdogan kedib markii uu shir jarsaa'id ku qabtay caasimada dalka Tuirkiga ee
Ankara.Dhinaca kale warar siweyn leyskugu haleyn karo ayaa durbaba muujinaya in ay qurbajoogta dalkaas oo ka codeeyeen wadamada caalamka ay siweyn ugu codeeyeen xisbiga talada dalka haya ee madaxweyne Erdogan.
Marka laga soo tago in ay taageero xoogan shacabka Turkiga u mujiyeen madaxweynahooda hadane sida xaqiiqada ah méweyne Erdogan waxa u bahan dunida marka loo eego qaabkiisa hogamined iyo isku xirka caalamka.Mar kale bal aanu ku sii nasano muuqalkaan taabo halka ay ku qoran tahay click here.la soco wararka kale ee caalamka, Africa iyo Somaliya.
Ankara, Turkey,Wednesday,May 17,2023-Madaxweynaha Turkiga mudane Recep Tayyip Erdoğan oo doorashadii guud ee dalka Turkiga ka gaaray guulo aad u waaweyn ayaa waxaa mar kale siweyn ugu soo jabay oo taageero aan horey loo arag u muujiyey maanta malaayiin shacabka Turkiga oo aan horey u codeyn iyo kuwo mowqifkooda bedelay,halka shacabkii ay dhawaan ku dhufteen dhulgariirka oo gurmad deg deg ah ka heleen dowladooda ay siweyn u tageereen, waxaa iska soo daba dhacaya guulaha uu marba marka ka danbeysa shacabka dalkiisa ka helayo madaxweyne Erdogan oo ay dhawaan isaga iyo xisbigiisa ku guleysteen aqlabiyada baarlamaanka kedib guulo waaweyn oo ay ka gaareen doorashada.Hadaba aanu ku sii nasano waxoogaa muuqalkaan kooban.
SIYAASADII SOOMAALIYA OO LAGU KALA HARAY IYO FASHIL AYSAN KA SOO KABSANEYN OO KU DHACAY BEELAHII KHAWAARIIJTA LA SHAQEYSAN JIRAY,( SIDEE AYEY WAX U DHACEEN)?.HADII AAD TAHAY MUWAADIN SOOMAALIYEED SI DEGAN U AQRISO QORMADAN
Maanta iyo siyaasada Soomaaliya-Talaado,May 16,2023- Qormadaan kooban waxan ugu talo galnay guud ahaan shacabka Soomaalyeed meelkasta oo ay dalka iyo dunida ka joogaan si ay xog ogaal ugu noqdaan wax badan oo laga yaabo in aysan u sheegin mediyaha Soomaalida.
Puntland, Hiiraan, Koofur Galbeed, Jubaland iyo SSC midkood oo ah deegaanka uu ka imaan doono hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya marka aanu meel iska dhigno waxan shacabka Somaliyeed kaliya u bidhaamineyna sida loo fashiliyey siyaasadahii ugu danbeyey iyo halka laga fashiliyey.
1- Reer Hiiraan nimanka la yirahdo waxey qabten sanadkan shaqo fiican oo waxey gebi ahaan fashiliyen qorshahii HIiraan laga lahaa ee loogu adeegayey Khawaariijta oo hadeysan fashilin laheyn dhaawac weyn ku noqon laheyd shacabka ku nool deegaanada aanu hor ku soo sheegnay, ciyaartiina waxey ku dhamaatay iyadoo qabiilada yar yar ee reer Hiiraanka ahaa inta laga adeejiyey codad ka soo duubeen kuwii dhawan Jowhar ka baxay ee khawaariijta u adeegayey kkkkk.Si madaxweynaha mustaqbalka Soomaali hogaamin doono qofkastana u xaqiiqsado inuu ka imaan doono deeganada aanu kor ku soo xusnay yeysan halkan kugu dhaafin wararkeena.
Inagu kama hadleyno qof Somali ah oo kaliya malinkasta bulshada la wadaago sida uu isagu jeclan lahaa in ay noqoto siyasada Soomaaliya iyo reero iyagoo boqoolaal xil oo kala duwan sheganayo doonayo iney shacabka Somaaliyeed qaldaan iyagoo aanan dooneyn nidaam dowladeed iyo mid dagaal Khawariij intaba kaliyana noloshoda dhan ku kooban tahay qiyaali siyasaded,waxan aanu ka hadleyno waa xaqiiqo Reer Hiraan ( Xawaadle) iyagoo iska waqaba ayey 24 saac kasta u istaagen in aan marnaba dagaalka Khawaariij laga weecin ilaa ay Khawariij u gubaan amaba ( Deb ku qabtaan) sidii ay u gubeen dumarkii iyo caruurtii sidaasi daradeed hal mar ayey go'aan qateen waxeyna ka fogaaden beelahii ay khawariijta wada shaqeysanayeen dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba, si Somaliweyn u qancaane Soomaalida kale been siyaasadeed ayey iskula joogaane Hiiraan ayey siyasada mideda runta ah oo uu calamkuna hada indhaha ku hayo ka imaan doontaa dhawaan,
inta ka horeysa qofkasta oo Soomaali ah maadaama mustaqbalka dalka Soomaliya meelaha laga hogamin doono ay Hiiraan koow ka tahay waxii fowdo iyo been siyaasadeed ah dad baa loo daayey.
2- Reer Puntland caadi maahan iyagoo iska war qabo mucaarid iyo muxaafid sidey u galeen kooxda Villada halkaas ka wada idiin kama hordhaceynee, waad ogtahiin fowdo halkii laga gaaray in iyadoo la duulayo Baydhabo lagu soo fashilmay mudo aan sidaas u fogeyn,waad ogtahiin sida hada Hiiraan loogu soo fashilmay inta diyaarad laga soo qaatay Mogdishu iyadoo Khawariij loo adeegayo kedibna hada leyskaka soo tagay maanta iyadoo weliba codad kuwii Hiiraan soo gaaray laga duubtay maxaa yeelay dagaalkii Khawariijta ayey reer Hiiraan ku barteen reero badan oo Soomali ah oo koofurta ku nool sida ay u wada shaqeystaan sidaasi daraaded waxkasta oo ay sheegaan inta la dhageysto ayaa dhegta kale laga sii bixiyaa bedelkiina reer Hiiraan isbedelka dalka ku soo wajahan hormuud ayey u yahiin.Ogaada waxne waa ficil waxne waa wax ku kooban sawiro iyo qiyaali siyaasadeed Hiiraan qiyaali siyaasadeed meel ayaa leyska dhigay.
2-Koofur Galbeed Waxaan bogadineynaa sida loogu fashilmay in mamulka iyo m/weynmaha Koofur Galbed looga
mashquuliyo dagaalka Khawaariijta wajigiisa labaad bedelkina deegankisa ka wada shirarka iyo abaabulka horeyna gudoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweyne Lafta Gareen waan u shegnay in aysan ku gadsoomin siyaasadaha beenta ku dhisan oo ay dadkooda ka xoreeyaan cadowga.
3-SSC hada ayaan wax ka qori karnaa oo hada waxaa hoogaankii dagaalka SSC la wareegay Jamaahiirta waana kuwa maanta guulaha deg deg ah ka gaareen ciidamadii Muuse Biixi. waxaan leenahay Isimada iyo shacabka SSC Mogdishu siyaasad idinkama jirto in kacdonkina iyo dadkii qiimaha lahaa ee xoriyadooda u dhimanayey dhiigooda wax aan jirin laga dhigo waa lagu fashilmay inta yar ee idiin hartay xoreysta. War helaa talo hela.
BIG WIN FOR PRESIDENT ERDOGAN RULING AK PARTY AND ITS COALATION AFTER THE PRELIMINARY RESULTS ALSO GIVE PARLIAMENTARY MAJORITY TO THE RULING AK PART AND ITS COALITION.
Ankara, Turkey, 2023-What a Piece of History-M/weyne Erdogan oo dib uga sii muuqanaya si weliba weyn saxada siyasada caalamka mar kale 5ta sano ee inagu soo aadan iska sii ogaaw hada,aan meeshaas mar kale ugu celino shacabka madaxweyne Erdogan iyo xisbiga talada dalka Turkiga haya iyo xulufadooda siyaasadeed oo ku guuleystay aqlabiyada baarlamaanka.
Haloo hambalyeyo M/weyne Erdogan.Waxan leenahay shacabweynaha Turkiga mucaarad iyo muxaafid oo hogaamiyahooda dib u doortay doorasho nadiif ahne qabsaday Hambalyo. Ugu danbeyn doorashadii Turkiga waa lagu kala adkaaday halka hogaamiyaasha caalamka kuwooda garanaya siyaasada Wadanka Turkiga halka ay u jiheysatay durba waxey bilaabeen in ay u hambalyeeyaan m/weyne Erdogan oo siyaasada caalamka maanta ka ah nabadoon dalkiisa iyo dadkiisana u fuliyey dhamaan balanqaadyadii uu doorashooyinka dhan ku galay inuu fulin doono.madaxweyne Erdogan oo ay ka muqato kalsooni aad u weyn ayaa goob fagaaro ah habeenkii xaleyto kula hadlay taageerayaal fara badan.la soco wararkena danbe.
Turkish Elections-Shacabka Turkiga oo dalkooda iyo m/weynahooda Recep Tayyip Erdoğan
siweyn u garab istaageen.Qoraalkaan midkii ka horeeyey waxaan baaritaan aanu soo wadnay mudo dhawr bilood ah iyo xog aruurin aanu la dhax marnay shacabkaTurkiga weliba kuwoda
codeeynayo marka loo eego doorashadan midii ka horeysay siweyn ayuu uga taageero badan yahay M/weyne Erdogan mucaradka ka soo horjeedo.Ogow inagu dhamaan shacabka Turkiga mucaarad iyo muxaafid waa iskugu keen mid oo dhamaantood waa dad Turkish ah oo dalkaas u wada dhashay kaliya waxaan bulshada la wadaageyno waa (Facts on the ground),iyo xog aruurin siweyn leyskugu haleyn karo.
Picture of The Day-Axad, May 14,2023-Degmada Jalalaqsi oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan oo lagu soo gabo gabeeyey tartan kubada cagta ah kaasi oo ay ka qeyb galeen dhamaan kooxaha heerka 1aad ee ka dhisan magaalada waxaana halkaas kooxdii ku guuleysatay koobka ku gudoonsiiyey gudoomiyaha degmada jalalaqsi Mudane Nuur Dheere.
Tartankaan ayaa waxaa lagu wadaa in la gaarsiiyo Hiiraan oo dhan koobna loo dhigo dhamaan degmooyinka Hiiraan ciyaartooyda iyo koxaha kala duwan ee ka dhisan.la soco wararkeena danbe ee Hiiraan iyo Soomaaliya, Africa iyo caalamka.
Istanbul,Turkey Friday May 12,2023- Doorashada Turkiga iyo madaxweyne Erdogan oo siweyn loo saadaalinayo inuu ku soo bixi doono sida lagu helay warar sugan,waxana soo baxaya warar sheegayo in ay jiraan qaar badan oo ka mid ah mucaradka dalkaas oo xisbiga madaxweynaha si hoose ula shaqeynayaan kedib markii ay ogaaadeen baaxada ololaha xisbiga talada haya sida ay inoo xaqiijiyeen muwaadininn badan oo wadanka u dhashay.la soco wararkeena danbe.
( In Somalia 2023 Reality Versus unreality)If millions of Somalis around the world heir the president of Hiiraan State of Somalia is Hero Ali Jeyte Osman do not surprise.......... Read More.Hadii ay malaayiin Soomaali ah oo ku nool caalamka ay maqlaan madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan ee Soomaaliya waa Halgamaa Cali Jeyte Cismaan yeysan kugu noqon la yaab. sabatanuna waa......... aqri qormadan hoose.
Wararka Saakay iyo Somaliya-Jimco, May 12, 2023-Halgama Cali Jeyte oo dhulka la jaray siyaasad ahaana bur buriyey kooxdii Khawariijta u shaqeyneysay ee Jowhar ka timid halka ay warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in dhulka buraleyda ah ee ku teedsan magaalada Baladweyne dhamaan wadoyinka mara la dhigay ciidamadii ugu badnaa ee inta
la xasuusta taarikhda Hiiraan hal mar la geliyo heegan(wiilashii aan qosleyn ee Macawisleyda), sow lama dhihin fowdo kasta waxey watataa faa idadeeda hadii ay Somaaliweyn maqlaan halgamaa Cali Jeyte oo loogu yeerayo si kumeel gaar ah mudo cayiman madaxweynaha Hiiraan State yaan la dheyelsan sedax arimood oo is biirsaday awadeed.
1-Horta kooxdii Jowhar ka timid safarkooda dhabtaa ee ay Hiiraan ku tageen marka meel leyska dhigo wararka suuqa maxuu ahaa? Jawaabta oo kooban waxey aheyd in ay wakiil ka ahaayeen kooxda Khawarijta oo maamulaan Sh/dhexe siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaanba ay mudo 15 sano ah soo wada shaqeysanayeen dadkana isla dili jireen, waxaana la yiri inoo soo indha indheeya xerooyinka ay ciidamada Ethiopia ku leeyahiin magaalada Baladweyne iyo qaabkey u kala degan yahiin ileen Khawaarij iyo madaxweynaha Jabouti isma dagaalsano oo waxaa gudaha dalka Soomaaliya uga socda madaxweynaha Jabouti ganacsi xoogan, sababta ugu weyna waxey tahay sidii sirdoonka wadan Carab ah oo uu xifaaltan kala dhaxeeyo dowlada Ethiopia sirdoonkooda Hiiraan amaba gobolka Bakool hadba kii lagu guleysan karo loo keeni lahaa iyadoo la adeegsanayo magaca Khawariijta
iyadoo loo soo marayo ciidamada Jabouti ee ku sugan Hiiraan arintaasne halka ay ilaa hada ka suuroobi weysay mudo ka badan sanad intaanba Koofur Galbeed oo u hada ka bilaawday wajigii labaad ee dagaalka Khawaarijta amaba gobolka Bakool leysla gaarin Hiiraan ayaa waxkasta lagu fashiliyey maxaa yelay Khawaariijta Hiiraan waxey u aheyd marin ay iskaka gudbi jireen min Xarardheere ilaa Kismaayo waana mida jabkii Khawaariijta ka soo gaaray dagaalka Hiiraan oo loo huray rag iyo dumar geesiyaal ah kuwaasi oo iskugu jira kuwo ifka ka tagay iyo kuwa ilaa maanta difaaca Hiiraan u taagan iyadona waxkasta loo dhameystiray saacadahii ugu danbeeyey ciidamada deegaanka ee u taagan had iyo jeer iney dhulkooda difaacdaan, waana waxa Hiiraan ay uga sabri la yahiin ilaa hada Khawariijta qabiil qabiilka u kala jabeen hada,kedib markii ay kala goèen kuwii joogay dhulka Koofur Galbeed iyo kuwii iska dhax mari jiray Hiiraan waxeyna hada maraan oo kaliya kana taliyaan Shabelaha dhexe Hiiraan waa laga suuliyey.marka aanu leenahay ciidamada Jabouti ee Hiiraan ku sugan dhaqalahii ay heli jireen waa laga jarayaa Hiiraane waa laga saarayaa dhawaan dadbaa u moodaan in aanu iska leenahay.
2-Halgama Cali Jeyte ayaa sidan oo kale isla kooxdaan qorshahaan oo kale iyagoo u adeegayo Khawaariijta u fashiliyey bilaawgii wajigii koowaad ee dagaalkii looga soo horjeeday Khawariijta xili ay doonayeen iney diyaarad ay u soo kireeysay dowlada Jabouti ku tagaan degaan lagu magacaabo Teedaan oo ka mid ah deegaanadii sida weyn loogu jabiyey khawaariijta ayna ka dhaceen dagaladii ugu cuslaa kedibna markii ay ciidamadii xaq u dirirka ee dagaalka kula jiray Khawaarijta ka war heleen wacad ku mareen iney soo ridayaan diyaarada ay saarnaayeen kooxdaan Khawaariijta la shaqeystaan ee uu fadhigoodu yahay magaalada Jowhar,kedibna diyaaradii si weliba qasab ah loogu qasbay in ay ku degto degmada Maxaas kedibna markii lagu jabay( fashilmay )xiligaas qorshahii la watay ee loogu adeegayey Khawariijta ayaa meel banaan oo cidla ah dhagax inta la dhigay la yiri waxa laga dhisayaa garoon diyaaradeed xita sawiradii oo dhan halkaan ayaan shacabka Somaaliyeed iyo caalamkaba u soo gelin karnaa weynu keydinay waxkasta.
3-Qodobka 3aad kama hordhaceyno hada....waxaan la sugeynaa shir jaraaid oo loo badinayo in uu qaban doono halgamaa Cali Jeyte wax badana ku faah faahin doono hadeysan wax isbedelin kaas oo dunida ku noqon doona fajac ahna mid aan farxad gelin doonin dowlada Jabouti.
Fiiro Gaar ah- Dhamaan waxii ay Hiiraan u tageen kooxdaan Khawaariijta ay wada shaqeystaan waa la fashiliyey weliba fashil ayaa dhawr nooc u kala baxa midkaan xadkiisa wuu dhaafay,maxaa yeelay markii dagaalka Khawaariijta Hiiraan ka socday koxdaan waxey ku xarakonayeen Suit iyo dharka xarakada( labis) ma idinla tahay in ay reer Hiiraan meel u fadhiyaan...... intaas qofkasta oo Soomaali ah jawaab waafi ah ugu filan.Dad badan ayaa isku mashqulinayo Biyaha wabiga ee iyadoo Khawaariij loo adeegayo shacabka lagu soo daayey war waxaas wax weyn maahan oo biyahii hadaba waxey bilaabeen iney dib u laabtan markii ay baxaane waxaa dhulka lagu beerayaa noocyada kala duwan ee dalagyada oo ay ugu horeyso Sisinta oo aad loogu beero Hiiraan,marka aanu leenahay biyo la soo daayo wax weyn uma arkaan shacabka Hiiraan marka loo eego waxyaabo badan oo lagu fashiliyey Hiiraan.
Sideedaba dadku hadey dhinackasta ka fashilmaan isma qabtaan ilaa laga dhigo mid la dilo iyo mid lagu bahdilo deegaankaada hada waxaa la joogaa xiligii bahdilka bil xaqiiqo hadey Soomaali badankeed ogaan lahayeen sida Hiiraan loogu bahdilay kooxdii Jowhar ka timid ee khawaariijta la shaqeysaneysay qofkaas ayaa ka sheekeyn karo maxaa yeelay markii ay iska horyimaadaan qiyaali iyo xaqiqo warku isma dulsaarnaado ( Hiiraan go aan ayaa meel u yaalo),hadaanse mar kale soo koobno halka ay hada wax marayaan hadii aad maqashaan halgamaa Cali Jeyte oo loo caleema saaray si kumeel gaar ah madaxweynaha Hiiraan State yaan la dheyelsan sawirada beentaa ee mediyaha xaqiqo maahan. sow horey looma dhihin fowdo iyo been waxaa lagu dilaa runta.well done shacabka Hiiraan meelkasta oo aad joogtaan sidaad u fashiliseen una bahdisheen Khawaariij iyo xulufadooda.War helaa talo hela.
Millions Somali's from HIiraan, Puntland State, South West State, Jubaland State SSC ,Khatumo and International community support for Somalia must read this.
Wednesday, May 10,2023-Walee Siyaasada Soomaaliya sanadkan waa lagu kala haray.horta shacabka ku nool deeganada ay ka soo jeedaan masuuliyiintaan iyo shacabkooda sida Puntland, Koofur Galbeed, Jubaland, Hiiraan iyo SSC Khatumo
iyo weliba shacabka Awdal iyo Gobolka Togdheer waxaan ugu talo galnay in ay ku sii nastaan ciyaartaan wilisaqada ah ee aanu qeybta kore soo gelinay ,kedibna sawirka aanu ciwaanka uga dhignay ( Picture of the day),oo ah xarunta Hiiraan ee Baladweyne waxaanu ku xijin doona magaalooyinka kale ee deegaanadan
Deegaanada aanu kor ku xusnay siiba Puntland, Koofur Galbeed, Hiiraan iyo Jubaland waa deegaanada uu ka imaan doono hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya mustaqbalka dhaw waa shacabka ay dunidu xaqiiqsatay iney yahiin dalka Soomaaliya kuwa u qalmaan inuu ka yimaado hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya,waxaa jirta qaacido dhaheysa hadii aadan noqon karin siyaasad abuure haku kadsoomin waxa aan siyaad loogu yeerin amaba beenta siyaasadeed.
Waxaan talo ku siineynaa shacabka ku nool deegaanadan aanu ka hadleyno filmkii Cismaciil Cumar Geelle waa socon waayey Soomaali oo dhan iyo dunidii ayaa ku fahantay wax badan waana sababta aanu shacabka Soomaaliyeed qormooyinkeenii kuwan ka horeeyey ugu sheegnay in ciidamada Jabouti ee Hiiraan ku sugan dhaqaalahii uu caalamka siin jiray laga jaran doono ayna halkaas iskaka bixi doonaan, madaxweyne Geelle arintaan saraakiisha ciidankiisa ku sugan gudaha Soomaaliya mala wadaagay mise?.Jawaabteeda iyadoo aan qofna loo sheegin ayey maqli doonaan arinkaan shacabka Jabouti, weliba dowlada Jabouti arinkaan sidan ku maqalnay oo aanu xogtaan ku helno wey la yaabi doonaan.Dib ugu laabta qoraaladeenii hore waxaan idiin sheegnay in Somaliland weyn doonto SSC iyo Awdal imisa bilood ayaa arinkaas ka soo wareegatay, sow natiijadii oo horudhac ah hada looma jeedo?.
Fiiro Gaar ah.Hadii aad ku nooshahay deegaanada Puntland, Koofur Galbeed, Hiiraan iyo Jubaland siyaasada Somaaliya waa isbedeshay deegaanadan shacabkooda waxaan leenahay markasta ku dadaala in aan sida beelo kooban oo Soomaali ah loogu shaambadeyey Khawaarijta aan leydinku shaambadeyn ogaada waxaa jira news malinkasta loogu talo galay in Khawaariijta iyo kuwa ay wada shaqeystaan ku marin habaabiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka caawiyaan dalka Soomaaliya.
Puntland waxaan leenahay ganacsiga kugu soo jabay ka faa'ideyso doorasho nadiif ahne shacabka ha loo qabto,waxa kale oo dhan meel iska dhiga.SSC waxaan leenahay dhulkaada xoreyso waxa kale oo dhan meel iska dhiga shacabkaadii ayaa duurka ku nool oo ka barakacay magalada Laascaanood u xorey dhulka inta ka harsan warka kale joojiya. Kofur Galbeed waxaan lenahay shacabka maanta u heelan iney dhulkooda xoreystaan waqtiga la joogo ha looga faa'ideeyo, Jubaland sidoo kale ,Reer Awdal iyo kuwa Burco sidoo kale.
Weliba shacabka SSC waxaan leenahay wax badan ayaad uga dayan kartaan bulshada Hiiraan, oo hadii ay waxkasta dhaceen laga weecin waayey dagaalka ay dhulkooda uga xoreysanayaan Khawaariijta iyo beelaha ay wada shaqeystaan,
ogaada wajigii koowaad ee dagaalkii Khawaariijta markuu bilaabanayey in ka badan 11 mar ayaa leysku dayey in dagaalka Khawariijta looga soo horjeeday la fashiliyo dhegaha ayaa laga fureystay,sidaasi si la mid ah wajiga labaadna dhamaan isku dayadii ugu danbeeyey ee loogu adeegayey Khawaariijta oo dhan waxaa lagu fashiliyey 48dii saac ee ina dhaaftay magaalada Baladweyne (Gacan ayaan u taagnay reer Hiiraan/Xawaadle) kkkkkk, waana mida aanu sawirka maanta ugu soo qaadanay magalada Baladweyne iyo ciyaarta wilisaqada markaan sidan wax idiinku sheegeyno dalku halka uu u socdo ayaan ognahay welcome to new leader.Bal waxoogaa yara jaleec fashilka siyaasadeed ee maanta jira kedibna hadii aad tahay muwadin Soomaaliyeed oo ay ku xiran tahay maskax cafimaad qabto qiimeyn ku samee.
Dhinaca kale hadii ay dad badan doonayaan iney xaqiiqada ogaadaan Khawaariijtii waxey u kala jabeen Qabiil Qabiil waana loo diiday in canshuur laga siiyo Mahad Karataay,Kabokutukade iyo Axmed Diriye meel ka baxsan dhulka ay degaan beelahooda dhawaane waan idiin sheegnay in ay dib ugu biireen beelahooda, weliba dad badan weli ma oga inta dalka iskaka carartay saacadahii ugu danbeeyey iyo kuwa la yiri xilkii waa lagaa qaaday..kkkkkkk.Waa naga talo Hiraan la xariir hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed sida dhamaan loo fashiliyey 48dii saac ee ina dhaaftay isku dayadii Khawaarijta loogu adeegayey oo dhan ( weli leysma gaarin ),waatii horey looyiri allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin mediyaha Mooryaanta iyo Khawariijta maanta warkaan ma farxad gelinayo laakinse Soomaalida kale ee aanu sheegnay inuu ka imaandoono hogaamiyaha mustaqbalka dalka wuu farxad gelinayaa nin walbow Isbaaro, Mooryaanimo iyo Khawaariij hadii hada ka hor laguugu qalday maanta iskaka har tuulada aad ka soo jeedo nidaamso dhul uu dad kale leeyahay .........
Ugu danbeyn hala daayo RW Xamse yaan lagu fogaan waa shaqsi daacad ah oo dhaxda uga jira koox ay qeybna la shaqeystaan Khawaarijta kuwona ay doonayaan nidaam iyo kala danebyn oo uu midba kan kale doonayo inuu awooda ka jiito, Sidoo kale RW Xamse waxaanu leenahay Soomaalidu waxey dhahaan af daboolan dahab waxii uu Allaah kuu qoray maalintii aad dhalatay ilaa aad ifka ka tagto ma seegeysid go'aankaadii hore ee aad ku taageertay shacabka SSC sidiisi hakuu ahaado inagoo ku kalsoon in aad dadkaas wax badan la jeceshahay. War Helaa talo hela.
Walee Reer Hiiraan Siyaasada Soomaaliya hada lee ayey la qabsadeen, Hogaamiyaha Dhulweynaha Hiiraan ee Soomaaliya Halgamaa Cali Jeyte Cisman iyo shacabka Hiiraan oo dal iyo dibadba sidii wajigii koowaad ee dagaalka Khawaariijta
dhegaha looga fureystay waxkasta ayaa wajiga labaadne dhegaha looga fureystay, dalka Soomaaliya hogaankiisa hada kedib waxuu ka imaan doonaa( Hiiraan, Koofur Galbeed,Beesha Daarood Midkood iyo beesha Shanaad, xogtan yeysan ku seegin hadii aad tahay muwadin Somaliyed),Maxadse kala socotaa Beelaha lagu suntay Khawaariij.....KKKKK.
Hiiraan,Somalia Tuesday,May 9,2023-Walee Hiiraan go'aano taariikhda geli doona ayaa ka soo muuqda guul iyo gobanimo waxaan meelkasta oo ay joogaan shacabweynaha Hiiraan ugu hambalyeyneynaa ........... aan waxoogaa ku sii nasano dhaantadan la magac baxday dadka reer
Hiiraan ( Horaa loo yiri markii ay iska horyimaadaan qiyaali iyo xaqiiqo runtu waxey ku danbeysaa xaqiiqada 100 jeer ayaan halkaan ugu hambalyeyneynaa halgamaa Cali Jeyte, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo bulshoweynta Hiiraan.bartaas ha laga haayo hadal yar iyo howl badan.
Wararka Arimaha Soomaaliya iyo Caalamka-Wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta Dhulweynaha Hiiraan, Koofur Galbeed, Jubaland, Wararka ( Boorame Awdal, Laascaanood SOOL SSC, iyo weliba wararkeena Kale Africa,Turkiga, Mareykanka, Yurub
Wararka Soomaaliya iyo caalamka Talaado, May 9,2023-- Inta aanan u gudagelin muhiimada qormadeena oo dhinacyo kala duwan taabaneysa hadaan ku hormarno wadanka Turkiga madaxweyne Erdogan oo ah rug cadaa siyaasadeed oo siweyn oo weliba la dareemi karo loogu badinayo inuu ku guuleysan doono doorashada dalkaas aya ololahiisa dorashada siweyn looga dareemayaa gud ahaan magaalooyinka waaweyn ee wadanka Turkiga doorashadan oo marxalado kala duwan soo martay dhawrkii bilo dee ina dhaaftayna aanu joogto ula soconay ayaa hada mareysa meel wanaagsan.
Dhinaca kale dowlada mareykanka oo kaalin muuqato ku laheyd wajigii 1aad ee dagaalka Kahwaarijta ee ka curtay Hiiraan ayaa Hogaamiyaha Hiiraan ee Soomaaliya Halgamaa Cali Jeyte Cismaan Diplomaasiyin iyo siyaasiyinta reer Hiiraan oo sagootiyeen safirka dowlada Mareykanka u joogay dalka Somaliya Danjire Larry André, Dowlada Mareykanka oo ka mid aheyd wadamadii
aadka u bogaadiyey howlgalka Hiraan ka socda kaalin muuqatane ku leh ilaa maanta ayuu
Danjire Larry o ay hogaamiyah Hiraan ku wada hadleen dhawaan qadka telefonka ku bogaadiyey Mr Jeyte kaalintiisa wanaagsan ,halka Hogaamiyaha Hiiraan uu isaguna u rajeeyey danjiraha guul.dhanka kale siyaasiga weyn Mr Waare iyo Wakiilka midowga Africa ee Soomaliya ayaa iyaguna ka mid ahaa dadka danjire Andre sagootiyeen.La soco wararkeena kale Howlgalka wajigiisa labaad, SSC, Awdal iyo warar kale oo xiiso leh,
Breaking News-Ciidamada Jabouti oo Hiiraan laga saarayo dhawaan dhaqaalahii ay halkaas ku qaadan jireena laga jarayo sababta iyo.......
Hadaba maxaad ka taqaanaa qaabka Khawaariijta Soomaaliya loola shaqeysto iyo sida Hiiraan ugu danbeyn caalamka oo marqaati ka ah looga dhawaaqi doono State u gaar ah kedib markii ay gabo gabo ku dhaw yahiin xogo badan oo shacabka Soomaliyeed ka qaysoonaa sida loo fuliyey kharaxyadii ka dhacay magalooyinka waaweyn ee Hiiraan iyo sida ay shacabka iskula shirqooli jireen ciidamda Jabouti iyo ninka ku sugan Jowhar shacabka iyo ciidamada Jabouti oo ay u badan tahay in ay isku dhacaan dhegta kor haloo haayo.
Fiiro Gar ah- Hogaamiyaha Hiiraan Cali Jeyte waxaan leenahay qorshe Mogdishu iyo Jowhar laga soo maleegay oo lagu fashilino wajiga labad ee dagaalka Khawaariijta oo ilaa Jabouti isku xiran ayaa jiro waadna la sooctaa in wajigii labad ilaa 11 mar la doonayey in la fashiliyo iyo dadkii iyagoo qaraxyada wato diyaadaha laga soo saarayey Mogdishu, dhegta kor u haay.
Ciwaanka Maanta ee Siyaasada Soomaaliya - Dunida iyo Siyaasada Soomaaliya ee maalinlaha ku soo aruurtay maxaa kala heysta,dalka Sooomaaliyana ma yahay mid u baahan in maalinkasta wax laga qoro..........?
Soomaaliya, Wadamada Deriska la ah, Africa iyo caalamka-Sabti,May 6,2023-Hadii aad fursad u hesho qormadan kooban in aad si degan u aqriso waxaa kuu soo baxayo si weliba deg deg ah halka uu ka jiro jahwareerka siyaasada Soomaaliya ka heysata dowladaha caalamka.Sidoo kale waxey wax badan u bidhaamineysaa shacabka ku nool geeska Africa oo ay Soomaalidu ugu horeyso ayna ku xigaan shacabka ku nool Kenya iyo Ethiopia oo dalka Soomaaliya deris la ah.
Dib uguma laabaneyno qaabka ugu haboon ee ay wadamada Soomaaliya deriska la ah sida Ethiopia iyo Kenya xaalada Soomaaliya halka ay hada mareyso amnigooda uga sugan karaan
gudaha dalka Soomaaliya horey ayaan uga soo hadalnay taasne qofkasta wey u catahay hadeysan dagaal saf balaaran ah oo taariikhda Soomaaliya laga shegeeyo laguna burburinayo Khawaariijta hada jabtay ee meelo kooban oo dalka Soomaaliya ka tirsan iyo beelo ay wada shaqeystaan oo kaliya hada ku soo hartay fowdadooda hadey ka bilaabi waayaan sida qorsheysan wajiga labaad oo Hiiraan oo uu hada ka socdo intey isku xiraan Hiiraan, Koofur Galbeed iyo Jubaland maadaama Hiiraan oo ah halbowlahii dalka iskuna xira Koofur iyo waqooyi udub dhaxaaadne u yahiin dagaalka looga soo horjeedo Khawariijta oo hada meel fiican maraya shacabkiisuna dagaalkaan dhab ka yahay oo mudo ku dhawaad 12 bilood halmaalin laga weecin waayey ilaa ay Khawaariijtii hada labo garab kala noqdeen kuwii hogaamineyey oo aanu qeybta hoose uga soo hadalnay oo dib ugu biireen beelahooda
kaliya hada waxaa dagaalada loo diraa Khawaariijta kuwooda sirta haya ee la doonayo in la qaarajiyo,waana mida keentay in aanu dhahno dalka Soomaaliya maahan mid u baahan in maalinkasta wax laga qoro waa wadan ay siyaasadiisu waxbo iska bedelin kaliya waxaa jiraan boqolaal news oo lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed ,kuwa geeska Africa, kuwa guud ahaan ku nool qaarada Africa iyo caalamka kuwooda daneya arimaha Soomaliya.
Sidaasi daraadeed hadii aad ku nooshahay Soomaaaliya, wadamada Soomaaliya deriska la ah amaba aad ku nooshahay dunida inteeda kale kana soo jeedo bariga Africa, qormadan waa u muhiim dalalka Soomaaliya deriska la ah!! hadii kale waxaa la arki doonaa dalalka aanu sida tooskaa ula hadleyno ee Kenya iyo Ethiopia oo amnigooda uu kaka bixi doono kharash 10 times ka baaxadweyn midka maanta lagu sugi karo,maxaa yeelay waxne waa mid u baahan ficil deg deg ah waxne waa wax u baahan siyaasad iyo hadal marka laga hadlayo halka ay hada wax marayaan dagaalka Khawaariijta Soomaaliya ee hada jabtay laakinse laga xayeysiiyo deegaano kooban oo dalka Soomaliya ka mid ah maadaama ay dad iyaga la shaqeysto ay qeyb ka mid ah iyadoo ay weliba aheyn wax ka qarsoon malaayiin Soomaali ah ku jiraan xarunta Villa Soomaaliya amaba dad masjuuliayd dowladeed sheeganayo waa u muhiim labadan dowladood in ay dagaal ay ku ekeeyaan laga soo bilaabo Dhulweynaha Hiiraan ee Soomaaliya oo uu hadaba hormuudka u yahay Halgamaa Cali Jeyte,kaliya halmar waa in laga bilaabo si weliba saf balaaran ah Koofur Galbeed iyo Jubaland intaas waxii dhaafsiisan waxaan u deyn doonaa waayaha iyo waqtiga inagu soo fool leh.
Aan u soo laabano caalamka kedibna ku xijino talo yar oo aanu siineyno madaxda Puntland, Jubaland, Hiiraan iyo Koofur Galbeed,hayeeshee bal aanu ku hormarno wadamada caalamka ee daneeyaan arimaha Soomaaliya.Caalamka amaba dowladaha qaarkood waxaan leenahay adinka iyo diplomaasiyiinta aad dalka Soomaaliya u soo dirsataan iskama war heysaan ee bal horta is wareysta sidoo kale waa in ay idiin kala cad yahiin newska mediyaha Somalida
qaarkood ee lagu raadiyo waxa social mediyaha looga yaqaano (Views) iyo xaqiiqada.
Hadii aad dalka Soomaaliya shacabkiisa caawineysaan oo aad dooneysaan in dalkaas laga helo hanaan dowladeed iyo nidaam ku dhisan isla xisaabtan maadaama aad 70% dhaqaalaha lagu wado dowladnimada Soomaaliya idinku bixisaan dalka aad ugu yeertaan Soomaaliya hada waxaa isku milmay Khawaariij iyo masuuliyiin dowlada ka tirsan,hadii aad dooneysaan in aad Soomaali si siman u caawisaan si toos ah idinkoo aan cidna ugu soo dhiibin ula macaamila deegaankasta gooynidiisa maxaa yeelay in dalka Soomaaliya 12 bilood oo xiriir ah meelna lagula dagaalo Khawaariijta sida Hiiraan dadkiisuna aysan talada wadanka meesha lagu gooynayo aysan jirin cid u fadhisa hadane aad dhahdaan waxii deegaankooda ku bixi lahaa waxaan u soo marsiineynaa kuwii Khawaariijta dooneyso in ay amniga wadamada deriska ku ciyaaraan taageerayey taas waxaa dhaanta in aad dhaqaalahiina iska heysataan oo aad wadamadiina dib u gelisaan dhaqaalahaas waxaa u baahan shacabka wadamadiina hadii kale idinka iyo dadka aad Soomalaiya u soo dirsataan ee hayadahiina gargaarka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya hogaamiya waxaa imaan doonta maalin aad isku dhacdaan inagoo wax badan halkaan ku bidhaamin amaba iftiimin karna waxa ka socda gudaha Soomaaliya.
Taas waxaa la mid ah shacabka ku nool SSC ee mudada ku dhawaadka 3 bilood dagaalka ka wada magaalada Laascaanoood ee aan mudo 30 sano ah oo weliba 15 kii sano ee ugu danbeysay sida kuwa Hiiraan bulshada kuwooda ugu muhiimsan laga dilayey oo aan hal maalin dhulkooda laga hirgelin wax mashruuc ah maalin iyo habeena lagu wado madaafiic ay ku barakaceen boqolaal kun oo shacab ah hadii aad toos labadaas shacab waa kuwa Hiiraan oo mudo sanad ah ku dhaw dagaal kula jira Khawariijta oo hadeyba caalamka dhab ka tahay dowlad wanaag iyo soo nooleynta rajada shacabka waa in ay deegaanadii 9 bilood ka hor laga xoreeyey Khawaariijta si ay Soomaalida kale tusaale ugu noqoto iskuna xoreeyaan waa in adeegii aas aasiga ahaa caalamku iyadoo loo marayo hayaddahooda gar gaarka gaarsiyaan halkaas iyadoo aan cidna ugu soo dhiibin waxii ku socda deegaankaas iyo kuwa SSC dhaqaalaha aad ku bixisaan magaca Soomaaliya aad sida Soomaalida kale qeybtooda toos u siin waaysaan oo Hiiraane waxa hogaamiya ninka hada Khawaariijta dagaalka kula jira 12 bilood oo xariirkaa halgamaa Cali Jeyte, SSCna waxaa hada hogaamiya salaadiinta inta ay maamul ka dhisanayaane waxaa hada hogaanka guud u ah Garaadada iyo gudi 33 xubnood ka kooban toos ula macaamila hadii kalena ( Dowladaha caalamka) waxan leenahay ogaada in aadan Soomaali oo dhan la macaamilin dowladii la dhisayne waxii magaca Soomaaliya aad ku bixisaan ay gacantooda galaan shaqsiyaad iyo qabiilo kooban oo ay qaarkood Khawaariijta wada shaqeystaan xaqiiqdu waa midaas.
Hadaba maxaa dhici doona hadii aysan caalamku bedelin sida ay hada wax ku wadaan ileen dalka Soomaaliya dowladnimadiisu waxey ku dhisan tahay qabiil iyo deegane maxaa diidayo in deegaankasta halkii dhaqaalo loo soo marsiin lahaa qabiil iyo siyaasiyiin Khawaariijta wada shaqeystaan oo magac dowladeed oo aan dhab ka aheyn sheeganayo in toos loola macaamilo bulsho kasta iyo deegaankasta ileen dalka Soomaaliya deegaankasta sida Hiiraan iyo SSC waa dhulka meelaha ugu qeyraadka badan dalka Soomaaliya hadey noqon laheyd xoolo, shidaaal, beero, macdan iwm.hadane ma idinla tahay hadaan maanta shacabkooda iyo deeganadooda toos loola macaamilin iyaguna berito amaba mustaqbalka deegaankooda kuma soo dhaweyn doonaan dowladkasta oo daneyneyso kheyraadkooda maxaa yeelay dadku daruufaha ay ku jiraan hada wey ka bixi doonaan waxaana la gaari doonaa xili ay xisaabtamaan,marka dowladaha caalamka waa u muhiim inta ay shacabka labadaas degaan ka dhisanayaan Hiiraan State of Somalia iyo SSC Khaatumo State of Somalia oo ay dhawaan dhisan doonaan shacabka labadaas deegaan toos ula macaamila oo waxii aad magaca Soomaaliya ku bixineysaan qeybtooda hadey mashaariic tahay iyo hadii aad u dhiseysaan sida schoolo, xarumo caafimaad, wadooyin toos idinka ugu dhisa si looga hor tagoi musuq maasuq hadiikale dhaqaalahiina iska heysta sidaan qeybteena kore ee qormadan idiin ku sheegnay waxaa u bahaan shacabkiinee.
Tusaale hadaan si kale wax idiin tusino dalka Soomaaliya waxaa waqooyi iyo Koofur ka jiray ilaa 8 gobol labo Gobol oo ka jiray gobolada waqooyi waa dhulka maanta loo yaqaano Soomaaliland iyo SSC. sidoo kale waxaa Koofurta Soomaaliya ka jiray Lix(6) Gobol sida Hiiraan,Waqooyi Bari, Mudug,Banaadir,J/Sare, J/hoose. intaas oo isku tagay ayaa wada dhisteen dowladii ugu horeysay ee uu dalka Soomaaliya yeesho, sidaasi daraadeed waa in uu caalamku dhaqaalaha uu ku bixinayo magaca Soomaaliya wada gaarsiiyaa Soomaali oo dhan halka aysan hada gaarin bulshada Hiiraan iyo kuwa SSC.
Weliba wasaqda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya taalo maanta hadaan sidey tahay u soo qorno dowlado waaweyn oo ay dalka Soomaaliya kaka baxdo malaayiin dolar si weliba micno daro ah dhaqalahaas oo maraan amaba ay ku dhacaan qacan qaldan waxaa u roonaan
laheyd intey iyagu tagaan hadba deegaankii ay ka fulinayaan mashruuc in ay dad u soo dirsadaan kedibna ay iyagu fuliyaan weliba ma dooneyno in aanu halkaan ku soo wada qorno maxaa yeelay waa dalkeenii hooyo oo ma dooneyno in aanu ceebahiisa sheegno oo cid inoo bedeleyso ilaa ay Soomalidu iyagu is bedelan ma jirto waxaanse ka hadleynaa kaliya dhaqaalaha uu caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya sida uu ugu dhaco gacan qaldan Soomali oo dhana u wada gaarin siiba shacabka aanu ka xusi karno Hiiraan iyo SSC iyo kuwa magacooda Soomaaliya iyadoo la isticmaalayo aan adeeg dowladed weligood helin siiba kuwa aan weli laga xoreyn Khawaariijta Jabtay ee meelo kooban oo dalka ka mid ah leysla shaqeysto.
Aan u soo laabano Puntand, Hiiraan, Koofur Galbeed iyo Jubooyinka amaba Jubaland hadey noqon lahaayeen shacab iyo madax intaba.maadaama uu qoraalku inala dheraaday waxaan qeybtaan talo ku siineynaa inagoo ku bilaabeyna Saciid Deni iyo shacabka Puntland siyasada Soomaaliya leydiin ma tilmaamayo oo waxaad ku nooshahiin degaan ku dayasho mudan mamul ahaan iyo shacab ahaanba,kaliya wanaagiina waxaa ka dhiman in aad shacabka SSC kala shaqeysaan rabitaankooda oo ah dhismaha Khaatumo State ogaada shacabkaas waa dadka kaliya ee dalka Soomaaliya iyagoo nool dhulkooda loo sameystay Sabar loogo inta iyaga dhaxdooda la kala jabiyey sidaasina looga faa'ideystay maanta oo ay danahooda u midoobeen yaan shacabkaas laga reebin qeyrkood dibna loo celin 50 sano oo hada kedib ah waxaan shacabka Soomaaliyed ee ku nool Puntland kula talineynaa yeysan siyaasad xumida Xasan Sheikh oo miis la yiri waxaa looga hadlayaa arimaha Soomaaliya oo safna ay ka soo jeesteen isaga iyo labo nin oo ku qabiil ah hadane leh waxaan ka hadlayaa arimo Soomaliyeed iyo degaano aysan dadkiisa fadhiyin halkaas ayaan caalamka lacag ugu cunaa iyadoo dowladnimada iyo nidaamka federalka la suurad xumeynayo taladan intii idiinak anfacda ka qaata.
Qiimokasta oo ku kacayo intaad kala saartaan siyasadaha maalin laha ah iyo mustaqbal umad dhan oo dhulkaas baaxada leh ee SSC ku nool lagu ciyaarin hada sidii hore uguma qorno dagaalka Laascaaanood wax badan oo waxuu qiimo lahaa markii ay gobanimadooda ku raadinayeen iney dhagax ku dagaalamaan ( Jamaahiirtu)hada waxaad moodaa in la madada daalinayo shacabkaas u dagalamayo gobanimadooda una tashanayo aayaha dhulkooda intaas waa naga talo aan is lenahay waxey joogtaa waqtigeeda kuna wajahan madaxda iyo shacabka Puntland ,shacabka SSC iyagu horey aayan ula hadlanay talo waa ka dhan yahiin waxaa ka go'an dhulkooda oo ay ugu noolaadaan sidey iyagu jecel yahiin oo xor u ah laguna duleysaneyn idnku reer Puntalnd waxaa idiinku waajib ah in aad rabitaankooda kula shaqeysaan.
Intaas waxa noo dheer Saciid Deni koofurta Soomaaliya siyaasad kaama jirto hadii xitaa laga hadlayo arimo quseeya Soomaali oo dhan oo aad dooneyso in aad ku metesho shacabka Puntland adigoo Garoowe amaba Khardho jooga halkaas ka soo gal aalada fogaan araga naftaada u nax.
Aanu soo laabano Lafta Gareen iyo Koofur Galbeed amaba hadaanu si kale u dhigno Koofur Galbeed iyo shacabkooda ogaada hadaad ogtahiina waad ogtahiin hadaadan ogeyna hada ogaada waxaa leydiin shaqaaleystay shaqsiyaad deegaankiina ka soo jeeda oo aad u moodaan iney maslaxadiina wadaan oo qaarkood iyagoo Khawaariijta u shaqeeyaan iskaka kiin dhigaan iney maamul ahaan iyo deegaan ahaanba Lafta Gareen iyo shacabka halkaas ku nool la shaqeynayaan meelahana ka qel qeliyaan si ay idin qaldaane maalinkasta ka hadlaan arimo qabiil oo markii Khawaariijta dagaalada Soomaaliya lagu jabinayana idiin saaraan mowjado kale marka ay Khawariijta inta hubka ciidanka loo dhigo meelo cayiman ay ka qaataan oo ay dilaan ciidanka xooga dalkaana buun buuniyaan marnaba dadkaas ka ku gadsoomina, waxaad weliba arki doontaan markii uu dagaalka wajigiisa labaad degaanadiina si rasmi ah uga bilaawdo iyagoo shacabkiina qal qal ku abuurayo oo leh meeshaas iyo magaalo hebel iyo wado hebel Khawaariij ayey u xiran tahay iyo iyagoo markii aad guul ka gartaan dagaaladas meelo kale idiin saari doona oo aan toos uga hadli doonin talada aanu idiin siineyno waa kaliya labo qodob.
1- Lafta Gareenow dhulkaada hormuud u noqda adiga iyo shacabka deegaanka intiiba uu weli ku danbeeyo damiirkii dadnimo ee u fura wadooyinka xiran oo yaan lagaa mashquulin ogaada wajigii koowaad ee dagaalka Khawareiijta isagoo meel fiican marayo oo ay xitaa Khawariijta kuwooda ku sugnaa xerada Labaadan Jiroow iyagoo hubkooda xitaa bilaabeen iney dadka deeganka ka iibsadaan xigaas hadii ay taasi idiin seegtay hada ka faa'ideysta wajiga labaad hadiise leydiinka mashquuliyo maanta waxaan is wareysandoonaa waqti aan waqtigaan aheyn halka aad kaka jiri doontaan siyaasada Soomaaliya, Lafta Gareena waxaan leenahay waxii Soomalida kale kaaka xiran adigoo jooga gurigaada Baydhabona aalada fogaan araga ku dhameyso howlgalkaane hormuud u noqo,bil xaqiiqo waxaan la yaabnaa sida adiga iyo shacabkaada loogu soo maqan yahay iyo sida ay agtiina wax badan caadi uga yahiin, war dalkaan magaalo kasta Khawaariij iyoshaqsiyaaad ay isku qabiil yahiin ayey u xiran tahay wadooyinkooda waxaana lagu heystaa kaliya magac Khawaariij ujeedkuse waa in mushkilada loo gudbiyo dalalka Soomaaliya deriska la ah ee aanu dhawr jeer halkaan ku soo sheegnay hadaad moodaan in uu mudo sanad ah Hiiraan dagaalka lala soo aaday ee uga sii gudbay DDS iyo Ethiopia mid iska yimid hal maalin amaba hal habeen wax badan ayaa idin dhiman ee dhulkiina inta hada culeyskii Hiiraan dhinaciisa idiinka imaan lahaa leydiinka haayo dagaalkaas dhulkiina ka bilaaba cid kale oo Soomaali ah in aad u daneysaaan iska daayee idinka shacabkiina kaliya u tashada.
2- Qodobka labaad waa in aadan ku dhicina siyaasadii ay ku fashilmeen kuwii adinka idiinka horeeyey ee intey qol mugdi ah isku soo xireen yiri waxaaa nala dhahaa Irir Samaale ee maanta aad arkeysaan heerka ay ka marayaan iyaga iyo odaygii Jabouti iskugugeeyey,
sidaasi si la mid ah Soomaali hada waxbo iskukuma darsana waa in maslaxadooda garatay ee sida Puntland deegaankooda u sameysteen nidaam iyo kala daneyn iyo kuwo noloshii dunida ka dhacay oo ay Khawaariij wada shaqeystaan iyo kuwa Kharaariijta dagaal kula jiraan sida reer Hiiraan ileen been leyskuma sheegayee oo dhulkooda u doonayo nidaam iyo kala danbeyn iyo in uu dalku yeesho hanaan dowladeed aan mushkilad ku aheyn dalka iyo wadamada Soomaliiya deriska la ah. waxaa leydiinka rabaa 3daas siyaasad oo dalka taalo midii aad wadadeeda mari laheydeen, Ogaada inta magaalo ee gacantiinaku jira wey tirsantaa shabakiina haku hogaamina qiyaali siyaasadeed nuxurka qormaduna waa hadaan idin sheegno waa dhulkiina ood ka xoresataan cadowka macagyada badan ee heysta.
Shacabka Jubaland ama ha ku nolaadano Gedo amaba J/dhexe amaba hadaanu sikale u dhigno Amxed Madoobe iyo bulshada deegaankaas sidey u dhan yahiin horta kuwooda ku nool J/dhexe hada waqti kuma lumineyno oo waaba dad la heysto.laakinse waxaan lenahay shacabka ku nool Jubaland inteeda kale sidaad doontaan u kala fikir duwanaada waxaase muhiim ah dagaalka Khawariijta wajigiisa labaad ma ahan mid la siyaasadeyn karo waa ku waajib dhaman bulshada iyo masuuliyiinta deeganka in Khawaariij laga dul qaado bulshada waa u muhim Madaxweyne Axmed Madoobane waxaan leenahay waxii Soomaali kaaka xiran adigoo Kismaayo jooga halkaas Aalada fogaan araga ku dhameyso yaan waqti danbe shacabka laga lumin.
Ugu danebyn Hogaamiyaha dhulweynaha Hiiraan ee Soomaaliya Halgamaa Cali Jeyte iyo shacabka Hiiraan waxaanu leenahay waanu idinku hambalyeneynaa sida geesinimada leh ee aad Khawariij mudo sanad ku dhaw dagaal aan kala joogsi laheyn ugula jirteen Khawaariijta iyo beelaha ay wada shaqeystaan bartaas ka haaya yaan marnaba leydiinka weecin dagaalka Khawaariijta waxa kale oo dhan waa iska filam Soomaalida maanta joogtana sidii hore loma qaldi karo duniduna waxa Soomaaliya ka socda maanta kama qarsooona soo dhaweeya cidkasta oo dowladaha caalamka ka mid ah ee mustaqbalka daneyneysaa Hiiraan iyo Khyeraadkiisa maadaama uu Hiiraan ku yaalo Halbowlaha dalka iskuna xiro Waqooyi ilaa Koofur ilaa dhulka Ethiopia iyo Soomaaliya.
Ogaada sidaanSoomaali badankeed horey ula wadaaagnay ayaan idiinl awadaageynaa idinkane ( Dalka Soomaaliya siyasad ahaan, sumacad ahaan iyo dhaqaalo ahaanba waa uga dhamaatay beelahii dalkaan soo qaribay), inta dunida beentii loo soo sheegi jiray loo sheegayo hada kedib waa bilooyin.War helaa talo hela
Wararkeena ugu waaweyn iyo mar kale - Jimco, May 5, 2023-Kedib markii aanu waqti fiican oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkuba wax badan ku fahmi karaan ugu bidhaaminay qormadan midii ka horeysay halkeediina ay inooga sii soconayaan wararkeenii joogtada ahaa kuwooda ugu xiisaha badan,Soomaaliya, Africa iyo caalamkaba si dhaw ula soco yuusan ku dhaafin amaba Seekin si aad u noqoto mid wax badan ka ogaada waxa dalka Soomaaliya ka socda.
You must read if your American, Europian, UK, UN,Turkey, African Union, to know more about what is going on in Somalia such us how terrorist group in Somalia and some individual Somali government officials from Some clans working together and destroying Somali troops,This is clear massage to Neighboring countries such as Kneya and Ethiopia (Security Awareness in Somalia) .
Wararka ugu waaweyn -Isniin May 2,2023-Khawaariijta iyo beelahii ay wada shaqeysanayeen oo ay markii ay isku milmeen bilaabeen iney suurad xumeeyaan ciidamada qaranka oo ay tababaraan Mareykanka, Turkiga iyo weliba kuwii lagu soo tababaray Eriteria inagu waan garaneynaa ujeedka laga leeeyahay waxa hada socda laakinse waxaanu shacabka u bidhaamineynaa kaliya waxa ka socda gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale sidan qoraaladeenii midkaan ka horeeyey bulshada ula wadaagnay ayna ku arkaan sawirada 3daan shaqsi iyaga iyo ciidamadooda waxey si rasmi ah ugu biireen qabiiladooda siiba kuwooda ay wada shaqeystaa ee ay isla dilaan ciidanka xooga dalka ayna wada abaabuli jireen wax badan oo ka qarsoonaa malaayiin Somali ah, filmkii horey waa leyskala baxay maadaama uu wajigii labaad ee dagaalka Khawaariijta si habsami leh uga socdo Hiiraan halka si weliba xoogan looga dareemayo Koofur Galbeed iyo Jubland.weliba waxan u xaqiijineynaa malaayiin Soomaali ah iyo dalalka caalamka ee dalka Soomaaliya ku
bixiya dhaqalaha faraha badan siiba Mareykanka, Turkiga, UK midowga Yurub,Midowga Africa oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya intaba amaba hadaanu si kale u dhigno reer galbeedka,Midowga Africa iyo dunida inteeda kale dhaqaalo kasta oo idiinka galay dib u dhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxkasta waxey hada iskugu soo biyo shubteen in dalkii loo gacan geliynayo labo dowladood oo Carab ah oo ay miduna colaad kala dhaxeyso dalka Ethiopia mida kalena aysan jirin wax siyaasad ah ee ay dunidan ku joogaan marka laga reebo iney wadamo badan oo dunidaaan ka tirsan ka huriyaan colaado kaliya sida loo bilaabo la garanayo laakinse aan la garaneyn sida loo damiyo,dalka Soomaaliya wuu ka duwan yahay dallaka kale ee Africa oo mar hadey colaad ka qaraxdo amaba sidan lagu si daawado beelahaaniyo khawaariijntaan wada shaqeystaan waxey si weliba dhaqso ah mushkiladu ugu baahi doontaa guud ahaan geeska Africa..
Fiiro gaar ah- Waan ugu celineynaa mar kale dowladaha Ethiopia iyo Kenya hadii aad xaqiiqada waxa ka socda dalka Soomaaliya dooneysaan amnigiinana aad dooneysaan in aad ilaashataan waxii awood ah iskugu geeya dhulka uu ka socdo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada Soomaaliya iyo kuwa uu hada ka socdo abaabulka sida Hiiraan oo ku yaalo halbowlaha dalka Soomaaliya oo ah halka isku xirta guud ahaan dalka Soomaaliya waqooyi ilaa koofur dagaalkaas oo socda in ka badan 11 bilood sababta ugu weyna waa in qaabkii ay dalka Soomaaliya ku joogi jireen argagixisada Soomaaliya uu yeeshay waji kale oo ay hada si toos ah u wada shaqeystaan beelo dhawr ah oo Soomaaliyeed saraakiisha khawaariijta iyo masuuliyiin dowlada ku jira oo ay isku beel yahiin si toos ah oo aan Soomaali oo dhan ka qarsooneyn ayey u wada shaqeystaan oo waa mida keentay in hubka ciidanka xooga dalka loo dhigo meelo cayiman sidaas ku helaan Khawaariijta waxa hubka is dhaafsanayo ciidamada xooga dalka kuwooda aan deeganada ay qeybo dalka ka mid ah kaka sugan yahiin ka soo jedina loo shirqoolayona waxa kaliya fahmi karo qofkii xog ogaal u ah wax badan.
Arinta kale ee cajiibkaa ee niyad jabisay ciidamadii lagu soo qarash kareeeyey malaayiinta dolar ee ay dunidu u tababareen dalka Sooamaliya badankood markii ay tagaan Galgaduud iyo Sh/dhexe kuwooda aan ka soo jeedin deeegaankas waxey dhaxda u galaan waxa ay shacabka Soomaaaliyeed ugu yeereen labo Shabaab amaba beelo aan marnaba dooneyn nidaam dowladeed iyo mid amni oo hada noockasta oo ay ciidamadu yahiin waxey doonayaan iney halkaas iskaka tagaan,baxaan amaba huleelaan.
Hada xalka Soomaaliya waxuu ka dhaw yahay si loo bad baadiyo jiritaanka ciidanka xooga dalka in si weliba deg deg ah dagaalka looga soo horjeedo Khawaariijta ee ka socda Hiiraan wajigiisa labaadna ka socda dhulweynaha Hiiraan ee Soomaaliya mudo 11 bilood oo xiriir ah uuna hormuudka u yahay Halgamaa Cali Jeyte Cismaan, laga barbar wado dagaal kale oo khawaariijta looga xoreeyo Koofur Galbeed iyo jUbooyinka(Jubaland )hadii kale waxaa la arki doonaa iyadoo mar ay xeero iyo faldhaan kala dhaceen dunidu halmar ku bararugto Soomaaliya oo sida Dalka Sudan inta noqota mushkiladeeda loo gudbiyo Kenya iyo Ethiopia.
Inagu siyaasad uma naqaano inta dalka Soomaaliya looga dhawaaay dagaal looga soo horjeedo Khawaarijta hadane ciidamadii xooga dalka ee tababarkooda waqtiga iyo malaayiinta dolar ku baxday lagu ugaarsanayo gobolkii ay ku noolaayeen reerkii uu ka dhashay madaxweynahii Soomaliya oo ay fashilinayaan qeyb isla reerkiisa ka mid ah dhinac kalena la leeyahay waxaan dalka ka nahay madaxweynahii Soomaaliya oo waxanu ku fadhinaa kursigii dalka ugu sareeyey. sidoo kale inagu ma dooneyno in aanu dunida siyaasad uga dhigno magaalada Jowhar oo ay ku wada nool yahiin saraakiil Kawaariij ah iyo shaqsiyaad masuuliyad State been ah sheeganayo oo aan waxbo laga qabaneyn oo hadane hubkii dowlada inta ciidankii xooga dalka la yiraahdo waa reerma amaba qolama sidaas lagu shirqoolo ilaa ay maanta ugu naceb yahiin ciidanku iney maqlaan gobol la yiraahdo Sh/dhexe.
Sidoo kale ma dooneyno in aanu waqti ku lumino Galgaduud iyo Koofurta Mudug oo qabiilada kale ee halkaas degan lagu ciyaarayo mustaqbalka shacabkooda halka kheyb isla iyaga dhaxdoda ah oo Habargidirta ka mid ahne leeyahiin aanu shacabka degan magaloyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel gelino dagaal kedibna caasimada aanu u wareejino magaaalda Cadaado inta la yiraahdo ma ahan meel amni ah, ruwaayada ay iyaga dhexdooda isku dhigayaan waana waxa isla kheyb qabiilkaas aanu ka hadleyno dhawaan dhalinayaro beeshaasi ah reer isku qoys ah ku dileen magaalada Balanbale oo isla gobolaas ka tirsan oo markii ay arkeen in aysan jirin cid u raacaneysa gudaha Hiiraan ku dileen cunug yar oo aan 10 sano gaarin kedibna halkaas lagu dilay rag ku labisnaa dharkii iyo hubkii mid ka mid ah ciidamada ay caalamku u tababareen oo loogu gacan geliyey qaab qabiil khawaariijta oo aanu dowladaas la wadaagi karno sawirada.
Waxanse leenahay beelaha Soomaaliyeed ee dagaalka dhabta ah kula jira Khawaariijta oo ay hada reer Hiiraan ugu horeeyaan iyo deegaanada kale ee abaabulka uu ka socdo beentaan faraha badan ee caalamka la doonayo in laga iibiyo intaad joojisaan si aan loo suurad xumeyn sharafta iyo karaamada dhaliyarada Soomaaliyeed ee ku labisan dareyska ciidanka Xooga dalka pp qaar badan oo ka mid ah daaacad yahiin , loogana abaal dhicin dowladaha saaxiibka la ah dalka Soomaaliya ee waqtiga iyo hantida faraha badan geliyeen tababarada ciidanka qeybahooda kala duwan, halka kuwona ay bixiyeen dhaqaalaha tababarka waxaan idiin leenahay inta laga helayo siyaasad cad oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu hogamin karo inta ay xarunta Villada ku wada sugan yahiin Khawaariij iyo shaqsiyaad ay wada shaqeystaan kala soo baxa gobolada kale ee ay dalka Soomaaliya kaka sugan yahiin.halkii inta lagu shirqoolo hub dalka Soomaaliya ugu deeqeen dowladaha caalamka khawaariijta inta loo fududeeyo isku soo masawiri lahayeen oo dalka Soomaaliya shacabkiisa iyo wadamadii Soomaaliya caawinayey la ceebeyn lahaa.
Dib u eega Soomaaliyey markii ay dhaceysay doorashadii guud ee dalka inagoo ogeyn in uu madaxweynaha dalka jabouti ka shaqeystay siyaasiyiintii beesha Daaarood oo aysan midkoodna doorashadaas ku soo baxeyn una dejiyey qorshe uu ku kala ilaalinayey xiligaas horeyna aanu u ogeyn reeraha kale markii ay xilka qabtaan sida uusan wax qiimo ah ugu fadhiyin ee ay isku fashilinayaan ,inagoo dalka u naxeyna halkaan waxaan ugu ololeynay oo kaliya aqoonyahan reer Hiiraan ahaa in dalka loo doorto maxaa yeelay waxaanu ogeyn xiligaas in uu caalamkana ula dhaqmi lahaa si ka duwan sida aanu maanta aragno iyo dadka dhulkaas ku nool oo ay dowladnimadu ku weyn tahay oo hadii uu qofku doonayo dowlad wanaag micnahu waa in ay nabad ku wada noolaanayaan deriskooda dadka Soomaliiyeedna isku soo dhaweynayaan , caalamkuna u sahlanaaneyso iney mustaqbalka sida ugu haboon uga faa'ideystaan iyaga iyo Soomaalida dalka u dhalatay kheyraadka dalka ku jira iyo midka u baahan in dib boorka looga jafo ee ku burburay dagaaladii.war helaa talo hela.
Breaking News- War Deg deg ah-Jimco April,28,2023- Khawaariijtii Soomaliya oo telefonada isku damiyey adigaa kooxda ka dhigay mid ku shaqeysa faara qabiil iyo aniga maahan ee waa adiga... kkkkkk. Sidoo kale Ajaaniibtii kooxda kuwoodii ku sugnaa J/dhexe waxey leeyahiin,ururkii 3daan nin ayaa ka dhigay urur qabiil ku shaqeya sidaasina ay ugu soo hareen dhaliyaro ilaalo u ah oo ku qabiil ah.
Arintaan ayaa timid kedib markii Degaano ka tirsan Koofur Galbeed siiba Gobolka Bay Khawariijtii ku sugneyd dadka degaanka goob ay ku sugnaayeen intey iyagoo hurda gaadeen ka dhigeen wax ay dileen iyo mid ay dhaawacaan Khawaariijtina sidaas hubkii looga qaatay waxaana weliba halkii hubka looga qaatay loo dhigay warqad ay ku qoran tahay dhulkeena dan ayaad uga baxeysaan idinkoo duleysan (Faaraqabiilistaal) yahow aan diinta waxbo ka ogeyn ee hubka dowlada iyo midka Khawaariijta is dhaafsada kedibna ku dhibaateeya shacabka. War hada na soo gaarayna waxuu sheegayaa in Mahad Karataay xilkii uu koxdii jabtay ugu magacaawnaa laga qaaday,maadaama ay ragaani ku soo hareen kaliya ciidamo beeleedyo ku qabiil ah.dhinaca kale waxaa weli ka socda gobolada Galgaduud iyo Shabelaha dhexe shirqoolkii ciidamada xooga dalka kuwooda aan deegaanadaas u dhalan amaba ka soo jeedin.War Helaa talo hela
Wararkeena kale ee ugu waaweyn Soomaaliya.1- Shir ugu soo gabo gaboobay madaxda dowladaha ay ka joogan ciidamada dalka Soomaaliya Ugandha.2- Magaalooyinka Boorame iyo Burco oo foolanaya kacdoon shacab la mid ah midkii Laascaanood.3-Labo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalka Soomaliya oo siweyn loo kala baxayo hantidii u tiilay shacabka ay beelahooda dagaalka kula jiraan Khawariijta amaba hadaanu si kale u dhigno deegaanada ay ka socdaan dagaalka looga soo horjedo Khawaariijta shirkadaasi horeyna waanu uga soo hadalnay hadase waxaa bilaawday ficiladii hantida u tilay ay ugala baxayeen si weliba xooli ah ayey arintaas ku socotaa. Waa idiin sheegnay SOomaaliyey dalka Soomaliya waji kal eayuu yeeshay beelahii dalkaan soo qarinay hadey qawaariij la soo shaqeysan jiren iyohadey iyagoo shaati qabiil wato dadka ku weerari jireenba hadey tahay koofur ila waqooyi isak daay qabiil dhane hada beelahii ayaa si hose u sii kal baxoo haayo oo donayo iney iska bari yeelaan waxa socda,ileen shirkad taageereyso Kahwaariij amaab beel loo jedo sida ay iyag iyo Khawariij u wada shaqeystan yaa waaye cida ku aaineysa in ay hantideeda ku aaminto.
Ogaada sida u kacdoonkii Khawaariijta uga curtay Hiiraan ayey mar kale Soomaali u horseedi doonaan si weliba lama filaan ah iyagoo soo bandhigayo cadeymo ku qasbi doono iney si deg deg ah u musaalafaan shirkadahaasi Soomaali oo dhana kala bixi doonaan hantidooda yaan la sugi waayin dhawaan,weliba shaqsiyadka Somaalidaa ee ay hantida u taalo shirkadahaas qaarkood markii ay lacagtooda shirkadahaas kala baxayaan waxaanu ka soo qaadi doonaa muuqaalo inagoo dadka wareysaneyna wax aan dalka Soomaliya horey uga dhicin oo uu midkasta ficilkiisa si xigmadeysan oo Soomaali oo dhan ku qanci karaan loo qaaday ayaa jidka ku soo jira kama hor dhaceyno,waxaana sidaasi si la mid ah sameyn doona %100 si aan mar danbe hantidooda macaashka laga sameeyey loogu dilin shacabkooda laguna burburin deegaankooda shacabka Koofur Galbeed iyo kuwa Jubooyinka waana dhulka ay ku nool yahin shacabka ugu badan ahna dhulka dalka Soomaaliya ugu barwaaqada badan.Sidoo kale waxey saameyn doontaa xita wadamada ganacsi dibada laga keeno laga so iibsado ,ileen qof maanta doonayo iney la macaamilaan shirkado iyo beelo la shaqeysto Khawaariijta kama sii jiri doonto meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah. Allow yaa maanta la taliya reero dhawr ah oo Soomali ah iyo dowlado ay been u sheegi jiren 30 kii sano ee ina dhaaftay oo qiyaali siyaasdeed iyo mid beeleed ku nool.weli leysma gaarin.War helaa talo hela.
Baladweyne-Jigjiga-Maanta qormadeena waxaanu ku soo qaadaneynaa faraqa u dhaxeeya ciyaarta Dhaantada iyo Wilisaqada oo ka mid ah ciyaaraha ay caanka ku yahiin shcabka Soomaaliyeed gaar ahaana labadan degaan ee aanu kor ku xusnay madaxdooda.
Dhaantada waayadan danbe waxa la saaray music,laakinse ciyaarta Wilisaqada weli iyada music looma helin.hadaba inagoo qoraalo xiiso leh ka soo sameyn doona qaabkii Hiiraan loogu fashiliyey mashruuc soo socday mudo 11 bilood ah kuwii soo qaatay iyo Shabaabna ay ilaa hada la yaaban yahiin jabkii Hiiraan loogu geystay,mar hadii labada degaan ee si dhab ah guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degaan sida Hiiran oo Soomaaliya ah iyo Dowlad Deganka
Soomalida oo Ethiopia ah loogu jabiyey,Weliba dhanka Hiiraan dowladahii mashruucaan hor boodayey wey la yaaban yahiin wiilashii Macawisleyda ahaa ee mashruuc lagu soo qaatay malaayiin dolar mudona laga soo shaqeynayey kuna wajahnaa dowlad deegaanka Soomalida iyo dalka Ethiopia waxaa si dhib yar u fashiliyey ragii rageedii ahaa.
Shacabka Hiiraan waxaanu leenahay waad guuleysateen mar hadaad Shabaab intaad 200 KM ka xoreyseen oo aad gaarsiiseen heerka ay maanta Soomaali marqaati ka tahay ma dooneyno in aanu news idiinka dhigno beenta siyaasadeed ee lagu kala iibsado gudaha Soomaaliya,waxaadse ogaataan in ay dunidu marqaati ka tahay xaqiiqada dhab ah ee Hiiraan iyo Soomaaliya taalo waxaadne natiijada dhabta ah ka garan doontaan Soomaaliweyn cida ay doorashada inagu soo aadan u dooran doonaan hogaanka dalka.
Dagaalkii dhawaan bilaawday yaan marnaba la joojin sida aad Shabaab siyaasad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo istiraatijiyad ahaanba u xanuujiseen waxaad ka garataan caruurta iyo dumarka ay iyagoo weliba dhuumaaleysi ku tagay halka ay ku dileen carada kala dul dhaceen, inta aad ka arkeysaan dad ay dowladnimadu dhab ka tahay yaan cidna la mucaaradin waxaad gashaan amaba gudaan Soomaali oo idil iyo caalamka ayaa hada idiin og.
Shacabka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia waxaanu leenahay reer Hiiraan abaalweyn ayey idiinku leeyahiin waxey idinka hayaan iyo beenta siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya taalo adinku waad ka fog tahiine sida ay mudo 30 sano ka badan u maareeyeen reer Hiiraan waayaha iyo waqtiga ayaa idiin sheegi doona.
Laakinse maanta qormadeenu maba ahan ka hadalka siyaasad ee waa isbarbardhiga ciyaarta Dhaantada iyo Wilisaqada.Bal aanu ku nasano ciyaarta Wilisaqada ay reer Hiiraan caanka ku yahiin,mar hadaanu isbuucyadii tagay Dhaantada soo daawanay.waxbaa ka dhacay dadkaan dhulkooda jooga maa u muuqda kuwo hanjabaad iyo been siyaasadeed wax looga qaadayo.Soomaaliya Hanoolaato
Addis Ababa - Ethiopia: The African Political Capital- Inkasta oo aanu dhawr maalmood ka hor shacabka la wadaagnay qaabkii uu siyaasad ahaan iyo militery ahaanba uga guuleystay R/wasaaraha Ethiopia oo ah isagu madaxa ugu sareeya
Dalka Ethiopia koxda dagaalka ka wada waqooyiga Ethiopia,xitaa kaliya maahan inuu siyaasad ahaan kaka guuleystay kooxda Tigreega oo aanu horey arintooda ugu soo koobnay labo qodob oo kaliya.
Hadane waxa la dhihi karaa halka ay hada wax marayaan waxuu siyaasad ahaan ka guleystay dalalkii kooxda Tigreega gadaal ka xiirayey dagalkooda ee doonayey iney xukunka mar kale qaab qasab ah ugu soo celiyaan,taasi oo hada sida muuqata meesha ka baxday amaba ka saartay wax badan,marka loo eego sidey wax u dhaceen isbuucyadii ina dhaafay.la soco wararkeena danbe.
Sabti,Sebtember 3,2022-Maanta iyo mar kale dalalka bariga Africa ee ku talaabsaday horumarada kala duwan oo aanu ku soo qaadaneyno dalka Kenya oo dhawaan ay ka dhacen mid ka mid ah doorashooyinkii ka dhacay qaarada Africa waayadan midii ugu wanaagsaneyd iyadoo ay shacabka dalka Kenya goobaha dorashooyinka ka codeeyeen iyagoo aan wax cabsi ah amaba wal wal dhanka amniga ah ka qabin doorashada, ayna codkooda siiyeen hadba xisbigii ay is dhahayeen waad taageersan tahay.
Dalka Kenya oo uu dhawaan doorashadii ka dhacday ku guuleystay madaxweynaha cusub ee dalkaas William Kipchirchir Samoei Arap Ruto oo loo garan ogyahay William Ruto.dhawaan ayaana lagu wadaa in si rasmi ah loo caleema saaro,kedib doorasho nadiif aheyd ee uu ku soo baxay.
Dhanka kale marka laga soo tago dhinaca doorashoyinka ka dhacay dalka Kenya oo si nabad ah ugu qabsoomay dowlada iyo shacabka dalkas,hadane inta badan wadamada bariga Africa hal iyo labo wadan maahane intooda kale waxaa ka jira horumaro muuqda oo la taaban karo iyo isbedel xaga bilicda ah.la soco wararkeena danbe kuwooda ugu waaweyn ee ka jira qaarada Africa iyo dunida dacaladeeda.
Sadio Mane: "A great decision to join the Bundesliga and Bayern Munich!" The 30-year-old, who joined Bayern earlier in the summer after six years at Liverpool says, he couldn't have picked a better league to play in than the Bundesliga."Of course I’m really, really happy to win my first game, first trophy (Supercup-winning). Like I said, from the first day I’m really happy to be part of this great club.
Barnaamijka Ciyaaraha - Waa mar kale iyo barnaamijkii ciyaaraha oo aanu mar kale ku soo qadaneyno xidiga ugu wanagsan qaarada Africa dhanka kalena ku soo bandhiga ciyaaro dunida soo jiita marka uu la ciyaarayo kooxaha waaweyn ee ka dhisan qaarada Yurub
Sadiquu Mane amaba Sadio Mane. Mane oo ah ciyaariyahan da'diisu tahay 30 sano mudo 6 sano ahna u ciyaarayey kooxda Liverbool oo ka dhisay dalka Ingiriiska ayaa horaantii jiilaalkan ku biiray kooxda caanka ah ee ka dhisan dalka Jarmalka ee loo yaqaano Bayern Munich.
Ciyaariyahankan ayaa durbaba kooxdiisa cusub kula guuleystay koobkii ugu horeeyey isagoona qiray in go'aankii uu ugu soo biiray kooxda uu haatan u ciyaaro ee Bayern inuu ahaa mid wanaagsan.Hayeeshee Sadio Mane oo dhawaan tartankii qarada Africa dalkiisa u soo hooyeen guul isaga iyo dhalinyaradii kale ee ka midka aheyd qaranka dalka Senegal ayaa markii ugu horeysay la aaday gurigooda koobkii kuwaasi oo dalka Masar ku garaacay ciyaartii kama danbeysta. ciyaariyahankan weli da'da yar ayey dadyowga xiiseeya ciyaaraha ku tilmaameen inuu yahay mid ka mid ah ciyaartooyda dunida ugu wanaagsan. Hadaba la soco wararkeena danbe kuwaasi oo iskugu jira ciyaaro iyo hadba horumarka kala duwan ee ka jira qaarada Africa iyo dunida inteeda kale.
September 1,2022- Addis Ababa-Dowlada Ethiopia oo dhawr sano kedib mar kale siyaasad ahaan dagaalkii Ethiopia Jabhadii Tigreega kaka guuleysatay.Addis Ababa oo ah xarunta siyaasda qaarada Africa ayna ku taalo xarunta midowga Africa aya hadane marka arimaha dalka Ethiopia hoos loogu sii daadago waxaa siweyn u muuqanaya in dowlada uu hogaamiyo R/wasaare Abiy Axmed ay siyaasad ahaan iyo militery ahaanba dagaalkii ay mudada soo wadeen jabhada Tigreega looga itaal roonadey labo arimood oo xaqiiqada jirta halka ay maanta wax marayaan oo aan marnaba leyska indho tiri karin.
1- Jabhada Tigreega oo aan marnaba hadii ay xitaa 100 sano oo hada kedib ah dagaalka sii wadaan aan xukunka qoray caaradii uga tuuri karin R/wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waa xaqiiqada dhabta ah ee aan marnaba leyska indho tiri karin,maxaa yeelay jabhad iyo qaran dhan oo dhisan cidkasta wey ogtahay inuu qaranku guuleysanayo.
2- Tigreega oo dalka Ethiopia dhawr iyo labaatankii sano ee uu mamulayey ay gacanta u gashay hati aad u fara badan ahna qowmiyad is mahadisay marka loo eego qowmiyaha kale ee ka jira dalka Ethiopia,kuwaasi oo iskaka dhaadhiciyeen in ay hada kedib sii heli karaan waxii ay u barteen oo ah xukun leyska heysto,siyaasada dhan wey ka lunsan tahay waxaana laga yaabaa iney kaliya dagalamaan mudo aan sidaas u fogeyn iyagoo fulinayey danaha dowlado kale oo aan eegeyn maslaxada dadka shacabka ah ee degaankooda ku dhamaanaya.
Hayeeshee qormadan muhiimadeedu marka laga soo tago dowlada dhexe ee Ethiopia waxaan ugu talo galnay shacabka Dowald degaanka Soomaalida Ethiopia dhulka maanta loo yaqaano Somali State ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo lo garan og yahay Mustafe Cagjar oo ay dhawan xariga is kala jareen isaga iyo R/wasaaraha Ethiopia qasriga madaxtoyada Soomaali State oo loo dhisay qab casri ah,waxaanu siineynaa halka ay mareyso kooxahii doonayey in ay nabadgalyada maamulkisa ka carqaladeeyaan xaduuda uu State-ka Somaliya la leeyahay Gobolada Soomaaliya sida Gobolka Majeerteeniya maantana loo garan ogyahay Bari,Mudug, Hiiraan, J/Sare iyo J/Hoose,marka laga reebo gobolka Banaadir oo uusan xaduud la laheyn.Dagaaladii ugu danbeeyey ee degaanka lagu soo qaaday oo ahaa kuwo waji badnaa dhamaan wey fashilmeen.
Waxaan talo kugu siineynaa hadii shacabka degaanka looga faa'ideyn karo in aad u soo saartaan amaba looga faa'ideeyo qeyraadka dabiicigaa ee ku jira dhulka sida shidaalka oo kale.dalka Soomaaliya hadaan waxoogaa macluumaad kaa sino waxaa u dhalatay dowlad Soomaaliyeed shacabka Soomaaliyedna ay ku qanacsan yahiin marnaba ma ogolaan doonto in wadamada deriska ah looga duulo gudaha Soomaaliya.
Sidaasi daraadeed waa u muhiim in ay dowlada dhexe ee Ethiopia wanaajiso xirirka ay la leetahay dowlada Soomaaliya oo uu madaxweynaha ka yahy Mudane Xasan Sheikh Maxamud, R/wasaarena ka yahay mudane Xamse Cabdi Barre, gudoomiyaasha labada aqalna ay madax ka kala yahiin Mudane Shiekh Adan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi.
dalka Soomaaliya wax badan waa iska soo af jarmeen xitaa nimankaan gudaha gobolada Soomaaliya sida Tigreega ka qeyl qeliyo warqado badan oo ay qaarkood wadamo dibadaa u direen sidii waxey iyagu dowlad gaar ah yahiin waxaa dib loogu soo celiyey dowlada Soomaaliya oo iyagu qeylidooda ma dhaafsiisna gudaha Soomaaliya qaarkoodna maba jirto degaano laga doortay oo ay madax ka yahiin,meelaha qaarkood markii ay booqdaan shacabka ayaa ku qosla.
Waana waxa aanu markasta qoraaladeena ugu soo cel celino in Soomaaliya yahy dal jhorey u socday,marka horumarka ka muuqda State-ka Soomaalida adigoo xirir wanaagsan la yeelanayo dowlada dhexe e Ethiopia ee uu R/wasaaraha ka yahay mudane Abiy Axmed horey u dhaqaaji.hana la ilaaliyo deris wanaaga ka dhaxeya Soomaaliya iyo Ethiopia.
Baladweyne,Hiiraan,Somaaliya- Kooxda Shabaab oo mar akle qasaaro xoogan loogu geystay dagaal ka dhacay Hiiraan,xili ay doonayeen kuwo ka so cararay qeybo ka mida gobolka Hiiraan ayna doonayeen iney u gudbaan gobolka Bakool ,kedib ciidmada Macawisleyda oo kula dagalamay deganka Ceel Cade dadka degaanka oo siweyn ula dagaalamay.
Inagoo halkeedii ka sii wadeyna Jabkii Shabaab ku gaaray meelo badan oo dlaka ka mid ah siiba dagaaladii ugu danbeeyey ,hayeeshee qeybteenii hore ee maanta waxaanu ku soo qaadanay Shabaab ka soo cararay degaano kale oo HIiraan ka mid ah kuna sii jeeday gobolka Bakool.mediyaha qaarkood sawiro hore intey websideyadooda soo dhigeen ayey waxey doonaan iska qorqorteen maxaa yeelay dad isla shabaab ah oo dad shacab ah iska dhigayo ayaa leh meel hebel ayey xoog ku qabsadeen waa arimaha jabkii dhawaan gaaray Shabaab lagu qarinayo.
Shabaab xaalkooda oo kooban hadaan shacabka Somaliyeed si dhab ah u siino Dhalinyaradii ay qaldeen badankood wey iskaka baxayaan oo waxey noqdeen markii dagaal loo soo diro kuwo degaanka ugu horeeya hubkooda ka iibsado iyo kuwo macluumaadka ay ku duulayaan u sii sheega shacabka Soomaaliyeed ee hadba ku nool meesha lagu duulayo.
Hadaanse waxoogaa bidhaamino Shabaabka maanta lasheegay iney ka dagaalameen Degaanka Ceel Cade waxey ahaayeen Shabaab dhawaan ku soo jabay dagaalo kala duwan oo ay ku soo jabeen. Hadaan Shabaab shacabka Soomaaliya u micneyno hada waa labo kooxood.Koox waa kuwo u abaabulan qaab qabiil kuwaas siyaabo ka duwan Shabaabka kale ayaa dagaalkooda loo wajahaa,ciidanka la dagaalayo iyo sida loogu diyaar garoobo waqti badan ma qaato kuwaas,wax cabsi ah lagama qabo iney gobolada qaarkood siiba kuwii ay dhawaan ku jabeen mar danbe shacab Soomaaliyeed ku duleystaan.
Kooxdaan kale iyaga hadii aan sii kala qaadno,waa kuwo daacad iska ah oo lagu qalday magac diimeed maadaama ay Soomaalidu yahiin dad iska diin jecel kuwaasi goobaha ugu badan iyagaa ku dhinta,ileen kuwii soo diray iney dagaal ku dhintaan ma doonayaane,lacago baad ah ayey shacabka ka gurtaan maxey dagaal uga baahan yahiin cidii ay ku qaldi karaan ayey ku qaldayaan,hadase dadku dadkii hore maahan oo intey fahmeen nimankaan magaalada Jilib iskaka raaxeysanayo oo aan halmaalin la duqeyneyn in meesha ay dowlado waaweyn ku hayaan dowlad Soomaaliyeed oo gobolka Jubada dhex eka saartana la heyn ,ayey dareemeen hada waana kuwa meeshii ugu horeyso ee loo diro hubkooda ka iibsada shacabka,tirada ugu badana waxaa dhawaan la arki doonaa markii dagaal loo diro iyadoo la leeyahay waa isa soo dhiibeen amaba hubkii ayey iska dhigeen iyo dagaal hebel Shabaab waa ka fashilmay ama waa ku jabeen.
Ugu danbeyn ciidanka Shabaab ee ka dagaalamayo galbeedka Hiiraan waa kuwo firxad ah ujeedkooduna waxuu ahaa iney galaan gobolka Bakool oo uusan hada Shabaabku wax dagal ah kaka furneyn si ay hadhoow intey Bakool isku soo aruursadaan dagaal ugu qaadaan xuduuda Dowlad Degaanka Soomaaliya maxaa yeelay Sh/hoose oo aan sidaas uga fogeyn caasimada Mogdishu iyo Gobolka Bakool waa meelaha markii ay dagaalada ku soo jabaan dib iskaka soo abaabulaan.
Waxaan hada leydiin buun buuninaa ee lagu leeyahay Tuulada Ceel Cade ayey ka dagalamen Shabaab iyo xoogey ku qabsadeen waa iska sheeko xariir,dad badan dunida iney hada horumartay maba oga oo aan waxii la doono shacabka leyskaka sheeki karin.Hadaba la soco wararkeena danbe. Soomaaliya Hanoolaato.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Oo Mar Kale ku dhawaaqay Howlgalka Hiiraan Wajigiisa labaad isago bogaadiyey kaalintii shacaka ku garab istaageen Ciidanka Qalabka Sida.
Khamiis Ogoost 18,2022-Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Marna ahaa saraal wax badan ka garanaya howlaha ciidanka aadna u dareensan qatarta ay leetahay in kooxo iska socda oo dalka Soomaaliya horey u burburiyey ay uga sii gudbaan gobolada Soomaaliya xaduuda la leh iyo degaano nabadoon sida deegaanka Soomaalida amaba DDS ee xaduuda la leh Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa ka warbixiyey howlgalladii mudada dhowrka bilood ah ay ciidamada dowladda oo uu hoggaaminayay ka wadeen degano katirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiye Jeyte oo Shir jaraa’id ku qabtay ayaa soo saaray Go’aano la xiriira Amniga, kuwaas oo ku wajahan, Hay’adaah samafalka, Odayaasha dhaqanka, Ururrada Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan.
1-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa Hay’adaha samafalka faray una diray fariin ah in aysan shaqaaleeysiin karin Dad aanan la hubin oo aanan marin habraacyadda ammaanka sidoo kalane aqoonsi ka haysan Maamulka Gobalka Hiiraan ayna ahaadaan Dad deegaanka ah Hay’adii fulin waaysa amarkaas ay wajahi Doonta sharciga iyo xeerarka ugu Mudan.
2-Gudoomiye Jeyte wuxuu ugu baaqay odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan in ay Tuutaha qaataan oo Dadka ay Nabadoonada u yahiin cadawga ka difaacan oo Bulshadooda abaabulaan Nabadoonkii aanan safka Dagaalka soo gelin ama Afkaaritiisa aanan cadeeynin, oday nabadoonimadiisa amaba dhaqananimadiisa aya dib loo baari doono.
3-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamul ahaan aysan aqoonsanan doonin Ururkii Dhalinyaro ee aanan qeyb ka noqon Howlgallada ama aanan dhiiri-gelin iyo abaabul Bulsho aanan sameeynin.
4-Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Shacabka in uu bilaabanayo wajiga labaad ee howgalka muhiimna u tahay in ay iska dulqaadan oo ay Hiil iyo hooba la garab istaagaan Shacabka Ciidamada qalabka sida, sida ay hadaba u muujiyeen dareenkooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hayeeshee marka laga soo tago fariinta gudoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Jeyte waxaa gebi ahaan gobolka Hiiraan Shabaabkii ku sugnaa laga hor istaagay iney u gudbaan dhanka xaduuda dowlad degaanka Soomaalida iyagoo sii dhax maraya gobolka Hiiraan kedib markii dagaaladii ugu danbeeyey ku jabeen,weliba uu dagaalka ugu weyn ay kala kumayaan dadka degaanka oo siweyn isku abaabulay oo Shabaab godkii ay galaanba ka daba galaya dhulka miyiga ah dhalinyarada deegaanka ee loo yaqaano ciidamada qarsoon amaba magaca ay caanka ku yahiin ee (Macawisleyda) oo garab xoogan u ah Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed ahna kuwo dhulka geed geed u kala yaqaano sidoo kale xitaa Dhalinyarada deegaanka waxey garanayaan sida dagaalka la qaadayo loo kala hormarinayo,kedib markii ay Shabaabku dadka nolosha u diideen. Soomaaliya Hanoolaato
Qormada Isbuucaan- Diyaaradii uu dalku lahaa ee magaca qurxaneyd ee Soomaali Airline Ma soo noqon doontaa oo dib danbe malaayiin Soomaaliya mar kale ma arki doonaan iyadoo dunida dacaladeeda gaarsiineysa magaca dalkeena?.
Wey sahlan tahay in uu qofkasta intuu waxoogaa dhaqaalo kooban sameysto maalinta ku xigta dukaan amaba maqaaxi iska furto,hayeeshee marka laga hadlayo ( State-Owned or National Airline) amaba hadaanu si kale u dhigno diyaarad uu dal dhan leeyahay oo ay diyaaradaasi watato magaca dalkaas, ma ahan wax sahlan.dal Soomaaliya oo kale ah waxaa u soo celin kara tiro markaasi masuuliyad wadanimo ay ku jirto oo dalkaas hogaaminaya.
Hadaba dalka Soomaaliya oo 4tii sanoba shacabkoda loo dhiso dowlad cusub ma heli donan diyaarad huwan magaca dalkeena oo u qabata adeega aas aasigaa malaayiin Soomaali ahna ay markii ay ku arkaan dunida dacaladeeda iyo gudaha dalkooda ay ku faani karaan?.
dhinaca kale marka laga hadlayo dal xor ah oo madax banan mid ka mid ah tiirarka lagu garto ayey ka mid tahay diyaarada uu dalku leeyahay.ma hubno in ay hada Soomaaliweyn u nool yahin jiilkii sharaftii diyaaradaas u soo celin lahaa, wase macquul iney arkaan diyaarado ay shaqsiyaad leeyahiin oo sanado kooban inta bulshada loo soo bandhigo marka danbe la waayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen amaba ku danbeeyeen, mar hadii ay yahiin wax uu shaqsi,koox amaba qabiil leeyahay.
Ujeedka dhan ee qormadani waa madaxweynaha Soomaaliya,R/wasaaraha, xukumada cusub amaba hadaanu si kale u dhigno Hayaddaha dowligaa ee hada jira ma haleeli doonaan iney taariikh ka tagaan oo ay dalka u yeelaan diyaaradii ay Soomaalida ula baxeen maandeeq, dunidana looga yaqiinay Somali Airline.Sideedaba aqoontu waxey wax tartaa markii uu qofkii bartay wax ku curin karo.Ogow diyaarada Soomaali Airline hadii meel loo dhigo dhawr sano kaliya lacagta ka soo xaroota Xafiisyada baasaboorka Soomaaliya laga bixiyo oo sanadkii kaliya kumanaan kun oo muwadiniin Soomaali ah xareystaan ayaa ku filan in lagu soo iibiyo. Soomaaliya Hanoolaato.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa maanta mid ka mid ah emailadii faraha badnaa ee noo soo dhacayey malmahii tagay noogana imaanayey Soomaaliweyn oo dhan oo hadii nuxurkooda la soo gaabiyo noqonayo sidan.
"Waxaanu aad uga faraxnaa sida aad dadka Somaliyeed wax uga qortaan,tabisaan iyo sida aad inooga haqab tirtaan ciyaraha Hidaha iyo dhaqanka Soomaalidu caanka ku tahay oo aad isbuucyadii tagay ciyaarta Dhaantada aad uga daawanay bogaan".Waxeyna ku soo gabo gabeeyeen Farxadu waa marka qofku kuu soo bandhigo amaba bulshada u soo gudbiyo wax farxad geliya oo ah wadanaaga,dhaqanka iyo hadba horumarka ay markaasi tiigsanayaa bulshoweynta Soomaaliyeed oo ah bulsho wax badan wadaagta.
Hayeeshee Soomaalidu waa dad wanaagsan mudana iney arkaan,maqlaan amaba bartaan Hidaha iyo dhaqankooda oo markasta lagu soo gudbiyo noocyada ay ka kooban tahay sugaantu.Waxaase ciyaarta Hidaha iyo dhaqanka ee Dhaantada loo yaqaano xiiso u yeelay sida casriyeysan ee hada loo hormariyey.la soco wararkena danbe.
Khamiis,August 4,2022-Inagoo Weli ku guda jirna warbixinada dalkeena,mar hadii uu dalkeenu ugu danbeyn mudo 2 sano ah oo iska daba wareeg iyo fowdo ah uu yeeshay dowlad cusub dhawaana ay si deg deg ah howlahooda shaqo u bilaabayaan golaha cusub ee xukumada uu dhawaan soo magacaabay R/wasaaraha Dalka Mudane Xamse oo latashiyo ka soo bilaawday shacabka kuna dhamaaday madaxweynaha Qaranka Mudane Xasan Sheikh ku guuleysto inuu soo dhiso xukumad iyo gole wasiiro loo qaateen ah badankoodna aad u dareensan sida m/weynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya waxii dalkaan ka soo qaldamay .la soco wararkeena danbe.
Picture of the Day- Maanta iyo mar kale quruxda dalkeena amaba dhulka ay dadka Soomaaliyed ka degaan geeska Africa oo hadii bulshaweynta Soomaaliyeed ee dunida dacaladeda ku kala bahsan
amaba ku dhasheen amaba mudo dalka dibadiisa ku noolaa la tusiyo quruxda magaalooyinka waaweyn weliba dhanka wanaagsan ay aad ula dhacayaan.
Hadaba waxaanu horey uga soo hadalnay degaano kala duwan iyo hadba magaalooyin ka mid ah dhulka shanta Soomaali.hayeeshee waxanu maanta magaalada Baydhabo oo aanu maalmo ka hor ka soo hadalnay ku xijineynaa magaalo ay badanaa wax badan iskaka mid yahiin,taasi oo ah magalada Baladweyne.
ka hor inta aanan warbixinta aanu ugu talo galnay in aanu ka qorno magalada balaweyne oo xarun u
Gobolka Hiiraan,waxaa muhiim ah in ay magalayiin Soomaali ah oo ku nool gudaha dalkeena iyo
dibadiisaba in aysan shacabka Soomaaliyeed mudneyn in kaliya maalinkasta loo buun buuniyo
xumaha iyo hadba markii ay wax yar dhacaan oo dalkeena sidii dad cadow ku ah wax looga qoro kaliya in la sheeko xumaan uusan laheyn oo aad moodo in ay dakda qaarkiis u tahay mashruuc.
Dad badan waxaa u wanaagsanaan laheyd in aysan kaliya ku mashquulin siyaasada oo arimahaas loo daayo tiro yar oo kooban bulshadana ka mid ah,inta kalena shaqadodu noqoto sidii ay dalkeena iyo dadkiisa wax wanaagan iyo wax umada isku soo dhaweynayo uga sheeki lahaayeen, maxaa yeelay dal waxaa dhisa,qurxiya, wanaagiisa dunida gaarsiiya waa dadkiisa.hayeeshee hadaanu dib
ugu laabano magaalada aanu dooneyno in aanu maanta ka hadalno waa Baladweyne magaaladii magacayada badan ee qurqurxan ay u biixyeen abwaaniin badan kuna luqeeyeen fanaaniin badan oo Soomaalliyeed.Baladweyne waa magaalo ku taalo goob istiraatiijka ah,ahna magaalo isku xirta guud ahaan dalka oo dhan kuna taala halbowlaha dalka Soomaaliya.
Marka laga soo tago in ay shacabka Hiiraan bulshoweynta Soomaaliyeed kala mid yahiin soodhaweynta, marti soorka, furfurnaanta iyo Soomaali jaceylka,hadane magaaladu waa magaalo 3 jeer aad uga baaxad weyn sidii ay aheyd sanado ka hor oo waxaa ku socda koboc aad u baaxad weyn.waxey magaaladu leetahay goobo aad u qurx badan oo leysku yimaado dadkuna ku dhastaan,
Qaarada Africa oo ka mid ah Qaaradaha ay ku nool yahin dadka ugu farxada badan marka loo eego dunidan aanu ku nool nahay dadka ugu saboolsan ayaa ugu farxad badan.
Jimco, May 27, 2022- Inagoo ka nasaneyna hadba beenta siyaasadeed ee maanta ka jirta dunidan aanu kunool nahay siiba dalka Soomaaliya oo ay madaxdoodu hadba kii xafiiska yimaado uu shacabka u jeediyo qudbado isku mid ah oo ay markii uu xafiiska baneynayo aysan jirin wax ka hir gala badnaa markastana shacabka uun yahiin kuwa beenta lagu socodsiiyo 4tii sanoba mar inagoona markasta keydina hadba qudbadaha ay jeediyaan madaxda Africa siiba kuwa Soomaalida oo ay shacabkodu ku soo jireen mudo ka badan 30 sano oo colaado ah, hadane qormadeena maanta waxaanu ku soo qaadaneynaa halka ay qaarada Africa shacabkeedu kaka jiraan farxada dunida iyadoo ay badankood ku gadaaman tahay daruufo adag iyo nolol u badan mida loogu yeero saboolnimada amaba faqriga.
Daraasaad horu dhac ah ayaa muujinaya in ay shacabka qaarada Africa ka mid yahiin dadka ugu farxada badan ee ku nool dunida.Hadaba waxaanu maanta ku nasaneynaa hees qurux badan oo ay ku ciyarayaan caruurta qaarada Africa ku nool qaarkood.Daawasho Wacan.
Diego Armando Maradona - When Football Becomes Art, Skills, Goals, Dribbles Argentinos
Juniors, Boca Juniors, Barcelona, Napoli, Sevilla, Newell's, Argentina.