Saturday, April 27, 2024

News in Somalia,Africa and Around the world-Thursday, December 14,2023-Wow what a great day for millions of Somali's.

News in Somalia,Africa and Around the world-Thursday, December 14,2023-Wow what a great day for millions of Somali's. In 60 kii sano ee ina dhaaftay wiilkii iyo gebedhii Somaliyed ee dhalatay iyagoo maanta ku jira da'da howlgabka amaba ku dhaw yahiin ay iyaga,wiilka iyo gebedha Soomaaligaa ee ifka caawa imaday amaba hada kedib imaan doona

ay mustaqbalka dalkooda u siman yahiin waxaa la dhihi karaa tagtay waaba tagtay timaado sidii looga fa'ideysan lahaa ayaa ah muhiimada.yacni weli waanu aamini la nahay in Somaliya deyntii laga cafiyey,waa wax lagu farxo xaqiiqadii weliba siweyn loogu farxo,maxaa dalkaan wiil iyo geber Soomaali ah amaba hooyo iyo aabe Soomaali ah oo ka mi daha qeybaha ay ka kooban yahiin bulshada oo u soo halgamay uga tagay ciil iyo calool xumo markii ay arkeen qeyraadka ku jira dalkooda iyo mushkilada aysan muteysan ee ay ku jireen shacabka dalkooda..........

 

Waan bogaadineynaa cidkasta oo arinkaan xitaa hal maalin ku darsatay fikir haduu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh amaba xitaa qof ajaanib ah oo dalkena sidii uu mar kale cagahiisa iskugu taagi lahaa kala shaqeeyey hadba dowladahii dalkeena soo maray oo ay ugu danbeeyeen dowladii midaan ka horeysay iyo mida haatan jirta.

Ogow maareynta siyaasada dalka iyo hagaajinta dowladnimada muhiim maahan inta maanta joogta oo lagu mashquulo,waxaa dhici karta in xiliga loo baahan yahay in dalka la hormariyo waqtiyada kala duwan ee inagu soo wajahan mustaqbalka in ay yimaadaan rag iyo dumar amaba wiilal iyo gebdho muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo aan hada siyaasada ku jirin laakinse hada ka mid ah shacabka caadiga ah ama ha noqdaano kuwo hada tacliin ku jira amaba ha noqdaano kuwo hada kedib qorsheynayo iney qeyb ka noqdaan hagaajinta dalkooda.

 

Dalka Soomaaliya 30 kii sano ee ina dhaaftay waxii ka danbeeyey bur burkii dowladii dhexe xaaladiisa maalinba meel ayey soo joogtay waxeyna la mid aheyd  hadaan si kooban ugu qeexno shacabka dalkeena weliba qofkii si degan u aqriyo uu si wanaagsan u fahmi karo,

 

Dalku waxuu ahaa sida Hooyo Soomaliyeed oo sabool ah heysatana labo cunug oo mataano ah oo weliba agoon ah,sida! kaba soo qaad ( tusale), labo wiil amaba labo gebdhod oo ay miduna subaxii amaba aroortii ku tirahdo iskuulka ku aada dharkaan, markii ay gelinka hore soo dhameystaane galabtii ku tiraahdo midka kale orod oo dharkii walaalkaa subaxii iskuulka ku soo dhigatay adiguna galabkii ku soo dhigo,ileen waa hooyo sabool ah caruurteedana aan la dooneyn noloshas iney ku nooladan caruurta ay dhali doonan oo la dooneysa waxbarasho.

 

Ogow wadanka ay daruufahaas ka jireen waa Soomaaliya oo aanu ognahay qeyraadka ku jira amaba uu leeyahay dal ahaan.Hadaba si uusan qoraalku inoola dheeraan xili ay madaxda qaranku iyo madaxdii hore qaar ka mid ah ka hadleen guusha taariikhiga ah,hadane waxaa weli inoo soo socda warbixinadii oo dhameystiran maadaama uu dalku galay mustaqbal iftiin badan inagoo ku rajo weyn wax badan oo wanaag ah in ay jidka ku soo jiraan.

 

Sidoo kale waxaan qoraal xiiso leh ka soo diyaarin doonaa ciidamada qeybahoda kala duwan markii uu dalka ku soo laabto madaxweynaha Soomaliya oo aanu sugeyno soo dhaweyntiisa isaga iyo waftiga ku wehliya booqashada ,dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxey u baahnayen kaliya wax yar oo ay cagta dhulka la helaan, yacni culeyskaan hada laga dulqaaday oo mar uun soo mara maanta ayaa la hayaa furahii guusha. waa xiligii la maali jiray abwaaniinta iyo fanaaniinta qaranka waxiiba ka nool inagoo og iney yahiin kuwa dalkooda jecelaa weligood ilaa maantana jecel.bal aanu waxoogaa ku sii nasano qudbadaha madaxda qaranka.la soco wararkeena danbe.

Hiranstate Admin at 8:32 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka