SATURDAY, DECEMBER 9,2023
News in Somalia, Africa and Around The World--Saturday, December 9,2023- Qormadii isbuucaan ugu dheereyd-Waxaan bogaadineynaa dal iyo dibadba sida maamulka Hiiraan State u hana qaaday looguna amusay kuwii khawariijta la shaqeysan jiray laga soo bilaabo maalintii uu kacdoonka looga soo horjeedo khawarijta ka curtay dhulka Hiiraan State ilaa maanta guul iyo gobanimo Soomaalidu waxey ku maah maahaan af daboolan dahab.
Hayeeshee,Qormadan maanta waaxaan uga hadleynaa 5-qodob oo kaliya.1-Hiiraan State.2-Doorashada Puntland.3-Khatumo State.4-Somaaliland.5- Dowlada Federalka Soomaaliya iyo siyaasada ay dalka ku wajaheyso.
1-Shacabka weynaha Hiiraan State waxaan ku bogaadineynaa sida ay meel iskaka dhigeen siyaasadaha ku dhisan qiyaaliga iyo borobagaandada siiba shacabweynaha beesha Xawadle oo ah qabiilka ay sida weyn jaraa'idyada caalamka uga hadlaan,bartaas halaga hayo waxaan sugnaba waa dhismaha Hiiran State oo la soo dhameystiro wilashii iyo gebdhahii geesiyasha ahaa ee mudada labada sano iyo ka badan dagaalka ku soo jiray kuwii shahiiday iyo kuwii dhaawacmay kuwii ka soo harayna u helaan maamul iyo nidaam ka turjuma rabitaankooda yan dheg jalaq loo siin kuwa meeshii la xoreeyo isku soo masawiro ee argagixisada la shaqeysto magacyada kala duwana gudaha dalka Soomaaliya ku jooga.
Ogaada ku dhawad 15 sano ka hor siyaasigii weynaa Alla u naxarisitee Cumar Xaashi Adan ayaa dowladii kumeel gaarka aheyd ee xiligaasi jirtay u diyaariyey ciidamo gaarayo 3000 kun oo beesha Xawaadle ka soo jeda si loo xoojiyo dowlad dhiska dalka waxaa markaas madaxweynahii jiray laga waayey inuu xitaa wax kaleba iska daaye ciidamada u geeyo dareys iyo kabo ugu danbeyna Cumar Xaashi Adan iyo C/kariin Faarax Laqanyo waxaa u soo baxday xiligaas iney reer Hiiraan u jiheeyaan si kale maadaama aan dowladnimo la dooneyn, kedibna waxaa dilkooda iska kaashaday qaar kamid ahaa masuuliyiintii xiligaas jiray iyo kooxahii argagixisada ahaa ee xiligas dhihi jirtay waxaan ku soo dukaneynaa Addis Ababa oo maanta badankood xilal muhiim ah ka haya dowlada hatan jirta iyo meelo badan oo dalka ka mid ah.
Mar kale markii 2012 la doortay madaxweynaha haatan jira waxaa loo diyaariyey ciidamo gaarayey 2500 si mar kale dowladnimada loo xoojiyo kedibna waa uu qalabeyn waayey xiligaas maalintaas ayey reer Hiiraan amaba beesha Xawaadle ogaatay in aan dalkaan loo rabin dowladnimo laakinse qabiilada qaarkood kaliya iska doonayaan iney dunida kaka helan magaca dowladnimada dhaqaalo.
Mar kale mudo 2 sano iyo bar kedib oo dagaalka Khawaariita ka socday dhulka Hiiraan State oo kumanaan ciidamo geesiyaal ah dagaal kula jiraan argagixisada weliba guulahii ay gaaren la dareemayo ujedkuna yahay xoojinta dowladnimada curdunka ah,waxaan mareynaa in xitaa mudadaas labada sano ka badan dhaliyarada deegaanka ee Macawisleyda loo geyn layahay gabahii ay dhulka howdka ah ku mari lahaayeen weliba waxaa ugu sii daran qabiilka Xawaadlaha ee dagaalka dhabta ah kula jira Argagixisada oo malinkasta la leeyahay Xawaadlow inoo baneeya waxaanu u soconaa Addis Ababa , Garoowe iyo Jigjiga maahan qabiil dalka Soomaaliya ka ah madaxweyne amaba R/Wasaare,aaway qabiiladii wadanka
masuuliyadiisa ugu sareysa ku magacawnaa amaba xilalka ugu muhiimsan dalka loo gacan geliyey?.
Ogaada doorashadii Soomaaliya 2022 bartamahiisii markii ay dhaceysay waxaan baarlamaankii xiligaas jiray iyo shacabka Soomaaliyeed intii bogaan ku soo tixneyd la wadaagnay oon weliba u sheegnay ilaa dalkaan loo helo muwaadin Soomaliyeed oo ka soo jeeda Hiiraan weliba qabiilka Xawaadlaha oo si fiican loo soo hubiyey wadaniyadiisa iyo kartidiisa dal la yiraahdo Soomaaliya iyo wadamo deris la ah oo nabad ah lama arki doono mel ku qorta qodobkaan,maxaa yeelay dowladnimada qabiilada qarkood waxey u tahay mashruuc, halkii laga shaqeyn lahaa dowlad wanaag dalkana daacad loo noqon lahaa .inagu markii aan dadka Soomaaliyeed amaba shacabweynaha qaarada Africa amaba xitaa kuwa dunida warbixin u soo gudbineyno markasta waxaan kala hadalnaa kaliya xaqiiqada markaasi taagan.
Ogaada mudo hada laga joogo sanad iyo bar waxan halkaan Soomaaliweyn ugu soo qornay in ay siyaasadii guud ee dalka la gadoontay 3 qabiil oo Soomaali ah kuwaasi oo ahaa kuwii argagixisada la shaqeysan jiray qiimeyn ku samee maanta halka ay wax marayaan maalintii aanu qormadaas soo qornay iyo maanta.muhiimadu maahan ineysan beelaha Soomaaliyeed dooneynin shacabkooda laga dulqaado culeysyada jira oo beelkasta oo Soomali ah waxaa ku jiraan dad damiir leh oo markasta daacad ah,laakinse markii aanu ka hadleyno sedaxdaan qabiil ee ay wada shaqeystaan argagixisada amaba deganadooda ku haya mustaqbalka cartuurtooda waxa laga dooni doonaa meel aad u fog,weliba sanado badan hada qaarkood been siyaasadeed waa ku noolaan karaan waxaase loo qaatay inta ay gori goor tahay iney maanta degaanadooda khawaariijta ka xoreystaan waayo waxaan hubnaa 2026 qabiil degaankiisa kula shirkoobay argagixiso in aan talada dalka lagu aamineyn amaba aan xitaa laga wareysaneyn siyaasada Soomaaliya sidii wadkii inuusan noolaha dhaafeyn aan u hubno ayaan u hubnaa,hadase waqtigan lagu jiro waa leyskaka noolaan karaa beenta siyaasadeed oo waxa hada socda mashruuc qabiilada qaarkood iyaga iyo siyaasiyiintooda wey ka dhigan karaan.
Madaxweyne Cali Jeyte midbaan leenahay soo dhis golahii wasiirada Hiiraan State kana shaqee daadajinta nidamka State-ka dalkaan magaciisa kaliya waa lagu tuugsadaa nidaam dowladeed kama soo dhawa hadow ka soo dhaw yahayna markii aad dagaal ku qaado khawariijta shaqsiyaad Mogdishu laga soo diray intey magaalooyinka kuu daba maraan iyadoo diyaaradaha UN-ka lagu qaadayo Baladweyne, Bulo Burde,Moqokori ilaa Jalalaqsi iyagoo magaco aan jirin sheeganayo weliba khawaarijta u shaqeeyo,magaca Hiiraan iyo kan dalka Soomaaliya kuma tuugsan laheyn adigana mediyaha ayaad la taagan tahay waxaan arkey wiil yar oo caga cad oo gabtii ka goday midna ka jeexan tahay 2 sano ayaad dagaal ku jirtaa in ka badan 5 jeer ayaad mediyaha adigoo ka hadlayo shegtay in aad xalin doonto daruufaha ay ku shaqeeyan ciidamada degaanka xitaa guusha ay gaaraan lama shego oo dad kale ayaa sheegtaan ma waxaad moodaa in dalkaan loo rabo dowladnimo?.
Hadaba inagaa kuu shegeyna waxa markii aad furumaha dagaalka aado magalooyinka laguugu soo daba maro?.1-Dagaalka argagixisada in uu dalka ka sii socdo lama doonayo.2- Dagaalkan qabiilo ayuu u yahay ganacsi amaba mashruuc waana waxa ay Mogdishu ugu wada laabteen halkii ay degaanadooda xoreyn lahaayeen beelaha qaarkood.
Hadii 15 sano ka hor ciidamo loo diyaariyey dowladii xiligaasi jirtay oo midii la dhisay 2012 iyo kuwii ka danbeeyey markasta Hiiraan looga diyaarinayey ciidamo oo hada mudo 2 sano ah Hiiraan ka socdo halkanka looga soo horjeedo khawaariijta dalka ma reer Hiiraan oo kaliya ayaa iska leh mise Xawaadle oo kaliya ayaa Soomaali ah,aaway dadkii kale siiba qabiilada darajooyinka dalka isku tixeen, mey xabada degaanadooda ka bilaaban?.micnahu waa argagixiso badankood...........nasiib wanag reer Hiiraan shacab iyo waxgarad wanaagsan wey qabaan laakinse ma lahan leadership ka shaqeya danaha dadkiisa ayey Soomaalidu ku xamataa reer Hiiraan dhaqankaas xun waa in meesha laga saaro loona istaago sidii dalka iyo dadka Soomaliyeed inta Hiiraan State dhismahiisa la dhameystiro loogu gudbo dalka intiisa kale sidii mustaaqbalka lagu hogaamin lahaa.war reer Hiiranow amaba Xawaadlow maxey wiilashii ku shahiiday dagaalka iska socda labada sano ku dhinteen oo markii aad degankiina xoreysaanba iskaka soo ababulaan degaano ay ka soo jeedaan dad sheeganayo masuuliyad qaran?.
Inagu waan ku faraxsanahay sidey wax ku socdaan oo waxaan ognahay in ay Hiiraan State muqadas tahay oo deegaankasta dadkiisa iyagu is maamulayaan oo uu dhisanayaan nidaam iyo maamulo ku yimid rabitaankooda waana mida aanu maalinkasta wararkeena ugu badan ugu soo qaadano Hiiraan State iyo xafladaha dal iyo dibadba ka socda oo ay dadku si iskood ah isku abaabuleen, hayeeshee aan u gudbno qodobadeena kale.
2- Doorashada Puntland- Waxaan bogaadineynaa sida ugu danbeyn shacabka Puntland ay ugu dhaqaaqeen doorashadii madaxtinimada iyo midii baarlamaanka cusub xili inta badan dalka min waqooyi Soomaliland ilaa koofurta Soomaaliiya ay ku sugan yahiin amaba ay masuuliyad sheganayaan shaqsiyaad uu mudo xileedkii ka dhamaday, waxaan u rajeyneynaa shacbaka Puntland iney soo dooran doonaan madax, gudoon iyo xildhibano loo qaateen ah oo ka turjumi kara danaha degaankooda.
3-Khatumo State- Waxan marka hore mar kale hambalyo leenahay shacabka SSC Khatumo iyo State-kooda cusub ee ay dhawan dhisteen kedib halgan dheer oo ay u galeen. kaliya halka ay hada joogto siyaasada Soomaaliya waxaan idiinkula talineynaa labo qodob oo anau u kala qaadi doono A.B.
A- Waxaan idiinka digeynaa in aysan siyasadiinu noqon mid lagu qasaaray oo aad micno daro ka dhigtaan dhiigii badna ee degaanka xoreyntiisa ku daatay. Garaadadii dhawaan gaaray Garoowe ee ka socday SSC Khatumo waxna uma dhimin shacabka Puntland waxey kaliya soo saareen go'aankii ay aaminsanaayeen Isimada Puntland oo ay xoojiyeen mana jirin wado kale oo u furneyd waxase adinga leydiinka rabaa in aad sida aad uga soo baxden Somaliland uga soo baxdaan Puntland sidaad u dhan tahiin oo aad kala saartaan danaha mustaqbalka deegaanka iyo rabitaanka shaqsiyaad xil doon ah oo degandiina ka soo jeeda. Reer Puntland iney iyaga kaligood maamulkooda soo dhistan oo aad dibada ka joogtaan oo aad siyasiyiinta halkaas idiinka joogay ee uu waqtiga ka dhacay kala soo baxdaan kuwo kalena aan loo dirin halkaas ayuu ku jiraa xalka degaankiina iyo shacabkiina.
B- Markii ay Puntland doorashadooda oo aad adingu dibad joog ka aheydeen soo gabo gaboowdo shirweyne guud ha iskugu yimaadaano labada maamul iyo Isimada iyo Garaadada labada dhinac kedibna 5 bilood ka kedib ha laga wada hadlo sida loo kala guranayo yaan been leydiin sheegin dhulkiina waa ka baaxad weyn yahay degaan hada koofurta Soomaaliya loogu yeero State dalka Soomaaliyana ma jiro State lagu dhisay Baryo rabitaanka shacabkina
oo ah Khatumo State ku shaqeeya ogaada ninkii wanaagiina donayo markasta waxuu idiinku ixtiraami doonaa rabitaankiina dalka Soomaaliyana dowladnimadiisa waa heshiis bulsho cid gaar u sheegan karta ma jirto.
Ogaada Alla Ha u Naxariiste Cali Kahliif Galeyr inuu dhulkiisa ka waayo magaalo uu ka degi isagoo dalka dibadiisa ka yimid si uu dadkiisa ugu dhiso maamulka Khatumo waxaa u sabab ahaa Qeyb ka mid aheyd besha Dhulmahante oo dad kale u shaqeynayey maanta degankiina waxaa kaliya oo uu horumar ku gaari karo waa SSC Khatumo oo lagu dhiso isku tashi dadweyne iyo weliba deganka oo aad dib u dhis ku sameysaan, bulshadana ha loo qabto barnaamijyada hada la bilaabay ee wacyi gelinta sid adeganka lagu hormarin karo.
Ogaada Halgankasta oo dhiig loo daadiyo mirahiisa waxaa gurta inta ka soo harta hadaan inta maanta joogta loo helin nidaam iyo State iyaga u gaar ahne shaki lahaan waxaa mar kale ku shaqeysan doona isla dadkii horey ugu soo shaqeysan jiray amaba ka faa'idi jiray kala daad sanantooda.bal adiga qiyaas fowdada dalka Soomaaliya ka jirta heerka ay mareeyso maanta waxaad arkeysaa degaano uu madaxdoodu waqtigii ka dhacay oo hadane loogu yeerayo m/weyne marka laga reebo Puntland oo hada doorasho loo diyaar garoobay, waxaad arkeysaa degaano ay madaxdoodu argagixisada la shaqeystaan oo hadane loogu yeerayo State, waxaad arkeysaa degaano ay magalooyinka iyo madaxda joogta qaarkood ku wada nool yahiin hal magaalo oo hadane dhinac laga leeyahay waxaa lala dagaalayaa khawariij, halka ay siyaasada dalka ku dulman yahiin kuwii dowladnimada iyo nidaamka rabay,marka yaa waaye qabiilka qabiil kale u dowladeyn karo,bal adinka is weydiiya?.
4-Mamulka Soomaaliland iyo shacabkooda midbaan leenahay iyaga kuma dheereyneyno wadada kaliya ee hada idiin furan waa in aad doorashooyinkii leydiinku yaqiiney qabsataan oo aad deris wanaag kula noolataan shacabka SSC Khatumo joojiya dulmiga oo weliba hogaanka degaanka u doorta qof ka soo jeeda Garxejis oo intaanba la gaarin SSC Khatumo horta idinku is bara in uu maamulka Isaaq oo dhan wax ka noqon karo,amrkaas kedib dadka kale ku mashquula ka hadalkooda.
Ogaada 3 dhibaato ayaa dalka Soomaaliya shacabkooda heysata 1- Shaqsi doonayo inuu bulsho hogamiyo hadane aan garaneyn sida loo hogaamiyo.2- Damaca siyasiyinta Soomalida oo aan ku dhisneyn badankood wax hadaf ah oo waxaad ka garan kartaa sida kacdoonkii Hiiraan xitaa hadii ay hogaankii lagu sharfay Halgamaa Cali Jeyte uu u garan la yahay sida wax loo maamulo dal iyo dibadna caleemo qoyan ayaa loo lulaa maalinkasta weliba waxuu modayaa iney fursadaas iska ak ooli doonto weligeed laakinse arinku sidaas maahan oo waxaan ognahay in masuuliyada ragii kula tartami lahaa ay hada bilabeen iney kasbadaan shacabka.
3-Waxad arkeysaa qabiilo dhan oo 90% argagisida la shaqeysta hadane dalka ugu xilal badan oo hadane iyagoo aan deganadooda xoreyneyn sidey u dhan yahin maalinkasta been qaawan ka sheegayaan mediyaha oo aan bulshada ka xishooneyn.waxaa taas ka daran isla kuwaas ayaa dunida dekedo u saxiixayo iyagoo aan wax sharciyad ah ku joogin badankood intaas
oo dhan marka leysku geeyo hadane waxaan markasta shacabka Soomaaliyeed min waqooyi ilaa Koofur u rajeyneynaa iney degaanadooda u doortaan hada kedib dad masuuliyiin ah oo markii uu waqtigooda dhamaado bulshada u diyaariya doorasho halkii muran ka dhashay doorasho lagu dhiman lahaa weliba inta badan kuraasta Soomaaliya lagu fadhiyo maanta badankood waxaa lagu korey dhiig.
5- Dowalda Federalka -Madaxda qaranka waxaan leenahay hadey talo idiinla gudboon tahay wax aadan reerahina la damacsaneyn shacab kale oo Soomaaliyeed idiinkama yeelayaan inagaa oge Hiraan State iyo SSC Khatumo shacabkoda waad ku fashilmi dontaan arimahoda ee inta ay yagoori goor tahay kula shaqeeya rabitaankooda.hogaaminta bulsho micnaheedu maahan maanta anigoo reer hebel ah ayaa xafiiska jooga ee waxii aad doonto samee ee waa side lagu xoojiyaa inta dooneysa nidaamka iyo kala danbeynta inta qaldana looga soo celiyaa qaladadkoda,aqli maahan in magaca Somaliya iyadoo la huwan yahay maalinkasta shacabka
waxii la doono leyskaka sheego umada ha laga xishodo.maanta intaan ha inoo joogto waana ceeb reeraha qaarkood oo caadeystay iney ku tuugsadaan magaca Soomaaliya waxaad is bartaan in aad ku shaqeysataan xogiina dalkiina qeyradka ku jirana aad aamintan, maxaa yeelay Soomaaliya oo dhan waxaa quudin karta dhulka Hiiraan State waxaa kaliya ka maqan waa hogaan aragti fog leh bulshada Hiiraan iyo meelo badan oo dalka ka mid ahna shacabka Soomaliyeed ee ku nool,wax badanse dhawaan waa isbedeli doonan benkasta oo siyaasaded waxey leetahay waqti cayiman.Soomaaliya hanoolaato.
SATURDAY, DECEMBER 2,2023-Jaaliyada Soomaalida oo xildhibaan Cumar Shariif Maxamed oo ay Soomaalidu u garan og tahay Cumar Shariif Jeeg oo xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay lagu soo dhaweeyey. Xildhibaan Cumar oo marka laga soo tago masuuliyada qaran ee uu huwan yahay,waa muwaadin Soomaaliyeed hadane ka soo jeeda qowmiyada sharafta badan ee caanka ku ah dal jaceylka, ilbaxnimada,xadaarada ganacsiga,fanka iyo suugaanta amaba hadaanu si kale u dhigno ka soo jeeda qowmiyad wadaniyiin ah kuwaasi oo kaalimaha hore kaka jira Soomaalidii la yaqiinay ee garaneysay hab nololeedkii hore iyo midka maanta jira ee casriga ah.
Xafladan ayaa marka laga soo tago sida quruxda badan ee loo soo agaasimay hadane waxaa ka soo qeyb galay madhaafaanka jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool cariga Ingiriiska. Bal Aanu si degan iskula Daawano waxgaradkii, fananiintii iyo marti sharaftii ka soo qeyb gashay xaflada.isku soo duuboo hadaanu nuxurka qormadan kooban soo koobno waa qowmiyad garaneysa nolosha saxda ah iyo waxii dunidan loo keenay.Soomaaliya Hanoolaato.
THURSDAY,NOVEMBER 30,2023
WEDNESDAY,NOVEMBER 29,2023
MONDAY,NOVEMBER 27,2023-DAMIIN FAR WAAWEYN AYAA WAX LOOGU QORAA,DHIGAA,FAHAMSIIYAA SOOMAALI BAA HOREY U TIRI,MAANDEEQEEY XAAL QAADO-HEESTAAN WAA HEES WAQTIGEEDA LA JOOGO TIRO AAD U YAR OO
BULSHADA KA MID AHNE AY FAHMI KARAAN MAANTA, ALLOW MAXAA MAALINBA MEeL LAGU BOODAY,WALEE SOOMAALIYEY TALO ISKUMA KAA SHEEGTO.BAL AANU KU YARA NASANO HEESTAAN DHALINYARO.WAR HELAA TALO HELA.
MADAX SOOMAALI AH OO INTOODA BADAN QIYAALI KU NOOL, SHACAB SOOMAALIYEED OO SHARAF LEH RAADISNA UGU JIRA HOGAAMIYE WADANI AH OO MIN TUULO ILAA MEESHA UGU SAREYSA BAD IYO BARIBA WADANKOODA U XAFIDA ,DHALINYARO SOOMAALIYEED OO BADANKOOD QIYAALI KU NOOL AH XILIYADII COLAADAHA KEDIBNA BADANKOOD SOO BAR BAAREEN, MEDIYA KARAAMDII IYO SHARAFTII DALKOODA KA DOORBIDAY WAXOOGAA YAR OO AY NOLOL MAALMEED UGU YEERAAN SOOMAALIDA KUWOODA AQLIGA U SAAXIIBKAA AMABA DAMIIRKA LEH IYO SHISHEEYE MAALIBA MOWJAD U SAARAYO IYAGAAS IYO KUWA HORBOODA MAXAA KALA HEYSTA
QARNIGAAN 21AAD?.
Waxaa jirta maah maah Soomaaliyeed oo caan ah-Tuugsiga waa Nooc ka mid ah Habaarka. Sidoo kale maamul xumida waa nooc ka mid ah jaahilnimada, micnahu haduu abahaa jaahil ahaa in aad adiguna iska dhaadhiciso in aad jaahil tahay maahan.hadii ay labdaas iskaka kaa darsontana amaba qasmaane weligaa ma arkeysid iftiinka maalinta jira "never see the light of day",midka habenkiina warkiisaba daay. qofkii siyaasada ku jira noocey doonto ha noqotee ee aan aqoonin sida bulsho amaba umad loo hogamiyo aqliguna ka galay halka ugu hoseysa bulshada ka hor leexo intaas naftaada ugu nasteexeey, maxaa yeelay umad sanado dhan mustaqbalkoda lagu ciyaaro hadane ku nool dhul iyo degaan barwaaqo ah oo kii hogankeda sheganayey, kii mediyaha ku jiray ee Kamirada la cararayey, kii amniga qabilsana dhamantod wada tugsanayan oo degaankooda waxa ugu xun ka soo duubayo si dad kale ugu tuugsadan taasi oo la mid ah amaba xaqiiqadeedu tahay in hadii meel mugdi ah kaliya 3 maalmood laguugu haayo aad indha beeleyso micnahu waa (In complete darkness for more than three days can cause blindness),maxaad u maleyneysaa bulsho mudo 30 sano ah aan nidaam iyo kala danbeyn loo diyaarin kuwa jogana uu midkasta ka tago isagoo ku dul shaqeystay oo ku dul tuugsaday magacooda.
War jaahilnimada aan dhamaadka laheyn inta la joojiyo ninkasta degaankiisa ha soo qurxisto kuwa Hiiraan State waxaan leenahay inagu boqolkiiba boqol waan hubnaa in dhulka Hiiraan State loo soo shaqo tagi doono mamaulka dhismahiisa hala dhameystiro. waxaana weliba u raacineynaa shaqsiyaad badan horta intaadan bulsho in aad hogaamisaan ku riyootaan aqligu idiinka gelin marka hore ( Nafiina wax bara- amaba hadaan si kale u dhigno educate yourself).
News in Somalia, Africa and Around World,Friday, November 24,2023-1-Waxaan u soo joognay dowlad dhan oo dhisan oo la bur buriyo 1988-9991.2- Waxaan u soo joognay qab qable dagaal. 3- Waxan u soo joognay qabiilo dalka la yimid argagixiso.4- Waxan u soo joognay baarlamano iyo xildhibaano ay Soomaalida magacyo kala duwan ugu yeeraan.
5- Maanta waa ka duwan tahay waxane noogu yab badnaa in mid ka mid ah wadamada dalka Soomaaliya bur buriya ee siyasiyiinta Soomalida mushaarka siiya siyaasi u dhashay dalkoda
laga soo xigtay inuu yiri ( Somaliya waxaa ka jira barlaman aan waxbo dhamin),...sawirka
aad aragtaan. waxaan maqli jirnay berikii aanu soo korynay hebel waxuu dhaqdaa sedaxda duunyo ( Geel, Lo iyo Ari). Ogaada Been siyaasadeed intaba uu bini'aadam sameeynayo wey jireysaa weligeed amaba waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Fake policy will exist as long as humans do; they have existed ever), waxaase mida dalkaad aiyo dadkaad aqatarta gelineysa ee ku dhisan qabyaa;ada, danaha shaqsiga iyo kooxeysiga ka hortagi kara amaba beeneyn karo shacab damiir leh.weligaa miyad aragtay dad nool oo aan ifka weli ka tagin oo dushoda lagu bayacayo dhulkooda, dekedahooda iyo sharaftooda.Somaliya weligeed wey jirtay weyna jiri doontaa,weliba waanu ognahay halka uu hogaamiyaha bad baadin doona ka imana dono sikasta oo maanta leyskaka indha tiro in degaankaas laga keeno, waqti aan leyska indha tiri karin ayaa imana doonta yaan la sugi waayin Soomaaliyeey, ku bishaareysta sida ay maanta kuwii dalka keenay argagixisada ugu dhiban yahiin nolosha dunida ayey kuwan dalaaliinta ahne ay nolol mida ugu xun ku danbeyn doonaan ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed,Waa wax horey u dhacay hada kedibna dhici doona benkasta oo ay shaqsiyad, qabiil iyo koox isku sheegto meel ma gaarto.Soomaaliya Hanoolaato.
News in Somalia-Africa and Around the world,2023-Qoralkenu maanta waa kooban yahay waxaana qoraaladan oo kale shacabka Soomaaliyeed la wadaagnaa amaba u sii marsiinaa hadba inta markaasi uga faa'ideyn karta dalka iyo dadka Soomaaliyeed,waxaanse qeybtaan talo yar oo kooban ku siineynaa masuulka labaad ee ugu sareeya dalka mudane Sheikh Adan Maxamed Nuur oo loo garan ogyahay ( Sh Adan Madoobe),inago weliba shacabka Somaliyed ka deyneyna wararka badanaa loogu talo galay in kaliya lagu qurxiyo mediyaha looguna talo galay iney socdaan maalmo iyo isbuucyo iyagoo lagu qarinayo amaba ujeedka laga leeyahay kaliya ay tahay in shacabka Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo.
Waxaanse qormadaan u kala qadeynaa kaliya labo qodob mid waa mid quseysa dalka iyo dadka midna waa mid gaar u ah gudoomiye Adan Madoobe iyo deegaanada uu ka soo jeedo weliba mida quseysa dalka waxaan u qabeyneynaa kaliya sida nidaamka dowligaa u shaqeyo wadanka sharaftiisana ay ku jirto,qodobka kalena waa mid aanu is leenahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada aanu ka hadli doono ayuu quseyaa.
Qodobka kowaad waa dowladnimada Soomaaliya.
1- Gudoomiye Adan Madoobe waxaan leenahay waa ku waajib in isagoo eegayo xaalada uu dalku ku jiro iyo sharafta umada Soomaaliyeed iyo anshaxa dowladnimadana ilaalinayo inuu qiimeyn ku sameeyo baaritaan sax ah oo madax banaan oo dhanka caafimaadka ah loo diro m/weynaha Soomaaliya si loo hubiyo inuu maareyn karo siyaasada dalka iyo in kale oo aan wadanka la gelin qatar kale oo aysan ka soo waaqsan doonin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
inagu markii aanu baaritaan dheer oo dhinacyo badan sameynay waxuu inoola muuqdaa madaxweynaha Soomaaliya qof la sumeeyey dhinaca kalena gudaha qoyskiisa uu ka heysto mushkilad sidaasina iskugu darsoontay labo dhibaato oo suurogelisay inuu bedelmo muuqaalka jirkiisa amaba waxuu inoola muuqdaa qof ay ku dhacday mucjiso uu kaliya Allaah ogyahay halka ay kaka timid, tiro yar oo dadka Soomaaliyeed ka mid ahne ay ogyahiin, inagu waanu sharaxi karnaa qeyb ka mid ah mucjisadaas halka ay ka timid waxaase ka qurux badan xaalada caafimaad ee madaxweynaha qaab dowli ah inuu masuuliyada dalka sii wadi karo iyo in kale in si dhab ah daraasad aan u baahneyn caadifad iyo dhaqankii fowdada ee Soomaalida in lagu sameeyo uuna hormuud u noqdo gudoomiye Adan Madoobe madama uu yahay qofkii labaad ee dalka ugu sareeyey.
Markii aanu sidan u hadleyno waxaan ka hadleynaa dal la yiraahdo Soomaaliya iyo dad la yiraahdo Soomaali, waa wax sahlan markii uu madaxweyne loo doorto dal sida Soomaaliya oo kale ah oo aan dadkiisa 99% adeega ay u baahan yahiin ee aas aasiga ah amaba waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Public Service),aan loo qaban in ay inta markaasi joogta kula joogto dano shaqsi,mid kooxeed iyo mid qabiil oo qaarkood ay dadkaasi u fikiraan ka qabso waxoogaa inta aad gacanta ku heyso siyasadiisa hadba madaxweynaha joogo iyo wax la mid ah, waa u muhiim dalka in shacabka loo kala saaro xaqiiqada iyo qiyaaliga siyaasadeed.
Qodobkeena labaad waa degaanada uu ka soo jeedo gudoomiye Madoobe,maamul iyo shacaba.
2- Qodobka labaad waa taladii guud ee aanu siin jirnay markasta qeybo badan oo dalka ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool inagoona hadba kala hadalna hadba marxada markaasi lagu jiro inagoona ka daalin markasta waxaanse qodobkaan oo quseeya gudomiye Adan Madoobe iyo shacabka ka soo jeedo iyo deegaanka aanu ka hadli doono.
A- Gudoomiye Adan Madoobe Waxaan leenahay min maamul ilaa masuuliyiinta degaankaas ugu sareysa waxne waxey idiin kala dhaxeeyaan Soomaaliweyn waxne waa wax adinga idiin gaar ah degaankiina xoreeya oo tuulokasta u sameysta ciidamo madani ah oo amniga dadka iyo degaanka xaqiijiya.
B- Waxkasta oo dhaca m/weyne Lafta Gareen iyo maamulkiisa waqtiga yar ee ay heystaan yeysan ku milmin fowdada siyaasadeed ee dalka ka jirta kaliya shacabka ha kala hadlaano dib u xoreynta iyo doorashada oo ka dhacda deegaanka hadey soo laabtaane ay halkooda ka wadaan dadaalka haduu nasiibkooda ku ekaa halkaasne ay la shaqeyaan kuwa iyaga bedeli doona oo yeysan siyaasadiinu noqon mida maalinlaha ah ee ka jirta dalka Soomaaliya.
C- Marnaba qeyb haka noqonina waxyaabaha misirigaa ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed gelin kara mugdiga,waxaadna waxii awood ah iskugu geysaan ka hadalka kaliya doorasho ka dhacda deegaankiina,weliba sida ugu quruxda badan uga dhacda iyo dib u hanashada deegaanada ay ku dhiban yahiin shacabka degaanka, weliba waxaa qurux badnaan laheyn halkii aad dhageysan laheydeen mediyaha beenta iyo borobagaandada loo sameystay waxaa ka qurux badnaan laheyd in aad adinku is dhageysataan si aad u xalisataan wax yabaha idiin gaarka ah dadkiina iyo degaankiinana u roon maxaa yeelay waxii dadkiina iyo degaankiina u roon ayaa Soomaali oo dhan intooda caafimaadka qabta u roon.
Fiiro Gaar ah- Shacabka aanu la hadleyno ha ogaadaano wajiyada kala duwan ee dalkaan lagu kala shaqeysto 30kii sano ee ina dhaaftayna lagu wada joogay waxii ka danbeeyey bur burkii.waan idiinku celineynaa meel iska dhiga siyaasadaha qiyaaliga ku dhisan xaqiiqada degaankiina u jeesta oo dib u jaleeca xiligii dhinacii la doono inta leydiin jiheeyo mushkilada ugu badan ay deegaankiina iyo dadkiina ku dhici jirtay waji ka duwan oo weliba kuwii dalkaan soo qaribay ficiladoodii ka duwan in aad la timaadaan go'aan aad adingu letahiina ku socotan kaliya ku dadaala,waxa kale oo dhan iska ilooba waa mashruuc uu doonayo mid gurigiisa argagixiso uga dhigay hooy iyo gabaad doonayana Soomaalidii dooneysay iney horey u socoto sidiisoo kale in ay nooqto oo uu dalka iyo dadka Somaliyeed sidaas ku lugooyo.kaliya dadka aan la haleyno ee ay fariintaan ku socoto gudi waxgarad iyo siyaasiyiin ah u saara shaqadooduna ay kaliya noqoto iney qiimeeyaan 24 saackasta wxa dalka ka socda sida ay kuwa argagixisada la shaqeysta maalinba mowjad ugu saaraan shacabka Soomaaliyeed kuwooda doonayo iney horey u socdaan,kedibna xalka dalka iyo deegaankin awaxaa dk aabaari kartaan halka uu idiinka jiro iyo Soomaalida aad dooneysaan in aad la jaan qaadaan meelaha ay dalka kaka nool yahiin.
Ogaada aqli,Soomaalinimo iyo garasho aad adinku isku maamuli weysaan amaba aad ku meel martaan oo maskaxdiina ka soo maaxatay, dhaaliseen amaba ka so (shiisheen ),ayaad horumar ku gaari kartaan,ma intaas ayaan isku diidanahay in ay run tahay?..........Soomaaliya Hanoolaato.
News in Somalia, Africa and Around the World,2023-Sawirka maanta waxaan ku soo qaadaneynaa shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee ku dayashada mudan ee ku nool dhulweynaha Puntland. waxaan horey uga soo hadalnay shacabkana la wadaagnay meelo
badnaoo dalka ka mid ah oo qurux badan waxan halkaan maanta mar kale kula wadageynaa horumarka iyo quruxda dhulkii uduga iyo caasimadiisa Puntland ee Garoowe.
Shacabka Puntland iyo kuwa Soomalaiya waxaan leenahay bal aanu ku yara nasano kuna raaxeysano heestaan quruxda badan ee al fanaan Iskalaaji iyo Hablaha Bilicda leh ayaa Puntland u dhashee bureeqo miyaan la soo baxayaa. Daawasho Wacan.
News in Somalia, Africa and Around World,2023-War reer Hiiraanow wadankaan Khawaarij ayaa la doonayaa in loo gacan geliyo beenta la aqrinaa run ha moodina deegaankiina soo xirta m/weyna Cali Jeytane haku dhawaaqo Golahiisa wasiirada aduunyada dhan ayaa diyaar u ah reer Hiiraan iney toos u caawiyaan hadii aad tahay muwadin Soomaaliyeed amaba ka jeeda dhulka Hiiraan State waxaad si degan u aqrisaan 10 ka qodob ee aanu ka qornay qeybta hoose.
Madaxda Soomaaliya markii ay gacantooda isku fashiliyaan calaamadaha lagu garto oo inooga muuqda durbaba.Fariintaan waxey ku socotaa bulshoweynta reer Hiraan gaar ahaan m/weynaha Hiiraan State mudane Cali Jeyte Cismaan.Taladaan Qaado maanta.
1-Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hiiraan State soo dhiso madaxweyne Xasan Sheikh iyo dadka xarunta Villada joogo isku meel wax uma wadaan, waxeyna mari doonaan wadadii madaxdii ka horeysay ay mareen dhawaan.Ogow siyaasada midna waa mustaqbal umadeed midna waa mid ku dhisan qabiil iyo
2- Sow ma aragtid sida 2010 ilaa maanta madaxkasta oo timaado bulshada Hiiraan State ugu dul aqoonsaneyso dergaano aan Hiiraan bulsho ahaan iyo taariikh ahaanba dhul ku dhameyn,markii ay xafiiska baneeyaane sida ay kuwii kuwaan ka horeeyey ugu calaacalaan markii aanu joognay maxaan shacabka Soomaaliyeed ugu cadaalad fali weynay oo aanu ugu yaraan rabitaanka reer Hiiraan iskaka indha tirnay amaba u fulin weynay iwm.
3- Dhaqan aad u fool xun oo dalka ka socda kaasi oo ah tuugsi joogtaa oo dunida la tuugsanayo iyadoo ay dadka Soomaaliyeed leeyahiin dhul iyo qeyraad ku filan oo kaliya u baahan in loo helo madax bulshada u maareyso.
4- Xarunta Villa Soomaaliya oo ay wada joogaan Khawaariij iyo madax Soomaali ah sideed adiga kaligaa ula dagaaleysaa Kahwaariij weliba qabiil Xawaadle la yiraahdo,hadiise Khawaariij lala dagaalayo miyaa ( General Tawane Axmed Gureey oo ka bar bar dagaalamayey Halgamaa Cali Jeyte oo ahaa nin dowladnimo iyo nidaam doonayo miyaa xilka laga qaadiu lahaa?).Walow oo uu hada dadkiisa markii uu diiday in uu u duleeyo argagixisada iyo kuwa aan dooneyn nidaamka dowligaa sharaf ku joogo dhulkiisa maanta oo uu si ka fican sidii hore ugu adeegayo dadkiisa iyo deegankiisa taasi oo duul u ah shacab weynaha Hiiraan State meelkasta oo ay joogaan.
5- Sidee dal la geliyey dagaal Khawaariij halkii lala dagaali lahaa loogu mashquulayaa ciyaaro iyo wax aan jirin, sow arinku maahan dagaal Kahwaariij looma socdee waa fursad ay ku sii joogaan hala siiyo?.
6- Waxaad is weydiisaa yaa maanta ka mudan Reer Hiiraan iney noqdaan State rasmi ah- Maxaa arinkooda looga dhigataa amaba reer Hiiraan loogula dhaqmaa sidii Naag qudbo siro ah oo markii Madaxweyne Cali Jeyt tago Mogdishu qol mugdi ah lookula kulmaa?, MAxuu yahay dulmiga intaas la ek ee ay madaxda maanta joogta u bareersaan oo ay iskaka indha tirayaan rabitaanka reer Hiiraan?.
7- Hadii Khabiilada iyo maamulada dalka ka jira qaarkood iyaga iyo madaxda hogaamineysa argagixiso wada shaqeystaan maxaa reer Hiiraan oo nidaam iyo kala danbeyn doonayo loo lugooynayaa oo markasta loogu dulmiyaa siyaasada dalka oo iyagoo mudo labo sano ka badan ilaa maanta dagaalka KAhwaariijta ku jiraan halkii iyaga ay noqon lahaayeen kuwa tusaale u noqda dalka intiisa kale loogu hagar daameeyaa?.
8- War bal Soomaaliyey muqaalkaan daawada cadaalad darada wadankaan ka jirta 2010 markii ay reer Hiiraan dhisteen maamulkan |Kismayo maamul kama jirin oo wleiba xiligaas waxgarad ka socday Waamo amaba Jubooyinka ayaa reer Hiiraan ku lahaa maamulkan markii aan idinla dhisno inagane waxaan soo wadnaa Jubaland ee nala qaada, dadkii ugu abdnaa ee xafladaas ka soo qeybgalayna wazxey ahaayeen waxgarad ka soo jeeday Jubooyinka.
9- Bay iyo Bakool ayaa kedib lagu duldhisay,Dhusamareen ayaa lagu dul dhisay reer Hiiraan, hada Laascaanood ayaa lagu dul aqoonsaday weliba beesha Daarood markii ay arkeen in la aqoonsaday SSC iyaga iyo Digil iyo Mirifle waxey afkooda ka ilaaliyeen in ay magaca Hiiraan State xitaa afka ka shegaan, Mala dhihi karaa dulmikasta waqti ayuu leeyahay Hiiraan waxuu sabab u noqon doonaa in dib loogu laabto magacii Jamhuuriyadii Soomaaliya iyo 8dii gobol ee horey u jiray?.
10- Maxey tahay sababta Reer Hiiraan qofkasta oo wax noqonaya iyo deegaankasta oo dalka ka mid ah oo ay dadkiisu u dhistaan mamaul ay reer Hiiraan ugu farxaan oo ay ugu arkaan iney yahin dad Soomalaiyeeded oo wax dhistay o aan iyaga loogu farxeyn weliba iyadoo la ogyahay taariikhda iyo in Hiiraan ahaa goboladii ugu horeeyey ee lagu aas aasay Jamhuuriyadii |Soomaaliya?.
11 Maanta waxaan mareynaa heer Kahwaariijta kuwii aas aasay ay mediyaha ka xayeysiyaan iyagoo weliba xabsiyada loogu isgaarisiinta,halka kuwona ay dowlada ku jiraan,yaa waaye cida beenta loo sheegayo ee la leeyahay waxaa lala dagaalayaa Khawaariij, mise waxaanu waa mashruuc ka dhaxeeya dhawr qabiil amab beelod iyo KAhwariijta dunidana la doonayo in dhaqaalo looga helo?.
Waxaan talo siineynaa R/wasaare Xamsa iyo madaxwyene Xasan u yera madaxweynaha Hiiraan State halgamaa Cali Jeyte nin ka mudan ka jirtee si rasmi ah ugu dhawaqa in Hiraan yahay State u gaar ah reer Hiiraan, dunidan inta nidaamka iyo kala danbeynta rabto ayaa rabitaankooda loo hogaansamaa, weliba madaxweyne Xasan reer Hiiraan Ugaas Xasan ayaad term-kaadii hore isku soo dhacdeen hadii qabiilkaada degaanadooda u gacan geliyeen Kahwaariij amaba ay adiga ku lugooynayaan waxaasi waxaasi waa arin u gaar ah adiga iyo qabiilkaada, waxaanu ka hadleyno waa dal la yiraahdo Soomaaliya oo uu ninba meel ku beeray Allaah ayna ku wada nool yahiin Soomaali nidaam doon ah oo donayo iney ku noolaadaan rabitaankooda.
Madaxda maanta joogto waxaan leenahay cadaalad daro intaad sameysaan yeysan adinga le idiin galaafan waa wax horey u dhacay hada kedibna hadey sii socoto dhici doona. Ugu danbeyn mid waxaan leenahay inta reer Hiiraan State deriska la ah war reer Hiiraan haku fogaanina xumaantooda mustaqbalka waa meesha aad ku baxsan doontaan markii ay State gaar ah noqdaan, waana meesha aad wax badan oo wanaag ah ugab dayan doontaan fowdadaan wey dhamaand meel cidlo ah ayaadna soo istagai doontaan dadka kaliya ee idiin hadli doonana waxey noqon doonaan reer Hiiraan idinku wax waad iskula hari weyseen, inagu lama hadleyno dadka dagaaladan iyo xiligii colaadaha ku soo bar baaray ee aan taariikhda dalka iyo mida Hiiraan garaneyn ee meelo soke wax ka eegan amaba hada qaar iyaga ka mid ah loo adegsado siyasado guracan oo aysan iyagu mahadin donin mustaqbalka, waxaan la hadleynaa dadka xilkaska ah ee reer Hiiraan deriska la ah ee aqliga u saaxiibkaa. War helaa talo hela
Qaarada Africa oo ka mid ah Qaaradaha ay ku nool yahin dadka ugu farxada badan marka loo eego dunidan aanu ku nool nahay dadka ugu saboolsan ayaa ugu farxad badan.
Jimco, May 27, 2022- Inagoo ka nasaneyna hadba beenta siyaasadeed ee maanta ka jirta dunidan aanu kunool nahay siiba dalka Soomaaliya oo ay madaxdoodu hadba kii xafiiska yimaado uu shacabka u jeediyo qudbado isku mid ah oo ay markii uu xafiiska baneynayo aysan jirin wax ka hir gala badnaa markastana shacabka uun yahiin kuwa beenta lagu socodsiiyo 4tii sanoba mar inagoona markasta keydina hadba qudbadaha ay jeediyaan madaxda Africa siiba kuwa Soomaalida oo ay shacabkodu ku soo jireen mudo ka badan 30 sano oo colaado ah, hadane qormadeena maanta waxaanu ku soo qaadaneynaa halka ay qaarada Africa shacabkeedu kaka jiraan farxada dunida iyadoo ay badankood ku gadaaman tahay daruufo adag iyo nolol u badan mida loogu yeero saboolnimada amaba faqriga.
Daraasaad horu dhac ah ayaa muujinaya in ay shacabka qaarada Africa ka mid yahiin dadka ugu farxada badan ee ku nool dunida.Hadaba waxaanu maanta ku nasaneynaa hees qurux badan oo ay ku ciyarayaan caruurta qaarada Africa ku nool qaarkood.Daawasho Wacan.
Diego Armando Maradona - When Football Becomes Art, Skills, Goals, Dribbles Argentinos
Juniors, Boca Juniors, Barcelona, Napoli, Sevilla, Newell's, Argentina.