



Maalmaha Xoriyada dalkeena hooyo ee Soomaaliya maalmo aan u baahneyn in lagu dabaqo siyaasad dadkuna u fikiraan si wadaniyad leh,sidaasi daraadeed waa u muhiim Qowmiyada Soomaaliyeed rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, guda joog iyo dibad joog iney sida ugu wanaag san ugu dabaal degaan maalmaha qaliga inagu ah ee dalkeena hooyo ee Soomaaliya inagoona maanta mar kale isla aadeyna muunadii dalkeena iyo sabool koriyahii dalkeeena ee Mogdishu-

Waa Maalin kale oo qurux badan, Maalintu waa Talaado, Taariikhdu waa, June/23/2026-Maadaa ma loo si dhawaanayo maalmahii xoriyada waxaan qeybtaan maanta isla aadeynaa Mogdishu cadeey iyo isbedelka muuqda ee ka socda iyo diyaar garoowga loo qaateenkaa ee maalmaha xoriyada,walee dalkan maxaa Wiil iyio geber geesiyaal ah god u galeen hatana ay u taagan yahiin
kuwo badan oo maanta nool,waxaanse marka hore waxoogaa dib u yara jaleceynaa Mogdishu iyo wayo waayo dhacdo yar oo xasuus laheyd oo intii aanu bilaabin qoraalkaan nagu soo dhacday bari samaadkii inaga iyo rag saaxiibadeen ah oo aanu badankood ku maqlin geeri.xiligu waxuu ahaa 1986dii xiliga/Saacada amaba hadaanu si kale u dhigno waqtiga Mogdishu waxey saacadu aheyd xiliga casir ah oo qofkii aadayey inuu daawado horyaalkii koowaad ee dalka ee ay ku tartami jireen Naadiyada dalka waxaana waqtigaas aad isku necbaa labo kooxood oo la kala dhihi jiray Minishiibiyo iyo Naadigii NBC amaba lo garan ogaa Madbacada,waa macquul in jiilkii naga horeyey beri samadkii bartamahii
Todobaatameeyadii ay la koowsadeen iyadoo la leeyahay Cawo iyo Malin Horsed oo aanu xitaa ku soo gaarnay iyadoo ay Koxdaas ku sawirnaayeen xiligii aanu dhiganeynay Dusiga Dhexe Bugaagta wax lagu barto sida ay qatar u aheyd kooxdii Horseed ,waxaanse inagu ka hadleyno xiliga iyo waqtiga aanu ka hadleyno loolankii kooxahii waaweynaa ee dalka oo haadba doonayeso in aad aragto kubad la farsameynaa waxa ay tahay qofkasta waxuu hadlaa garaadkiisa waan ka cudur daaraneynaa hadii aanu ka hadalno kaliya inta uu xilgaas la ekaa garadkeena sababtoo ah waxaa neysku keyn qaban la sida aanu dalal badan oo qaarkood maanta loogu yeero kuwa
waaweyn uga horeynay dhinackasta!
Hayeeshee, aan ku sii socono muhimada qormada.dadku qeybna waxey aadeysay xiligaas Tiyaatarkii qaranka oo ahaa xiligaas mid la jaan qaadayey Tiyaataradii ku yiilay masraxyada caalamka ,hadaad bogaan heeska halka ugu sareysa anu soo gelinay ee lagula hadlayo Abwaaninta Somaliyeed ee ay ku idil yahiin waxiiba murti ah e lagula hadli lahaa abwaaniinta Soomaaliyeed aad dhageysato dalku xiligaas hadii aanu dhahno Abwanadii jiray ee aanu ku soo gaarnay ee ay inadhaheenu qabteen iska daayo aanu qaarkood nasiib u yeelanay in aanu xaruntii kulmin jirnay marark aqaarkood fananiinta qaranka, shaqaalahii Radiyo Mugdishu iyo weliba Abwanintii Somali ugu waweynaa waxiba berigaas noolaa waxa jiray dhawr anu u yeelanay nasiib in aanu salano, ogow Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo Fanaaniinta berisamadkii intii uusan

dalkeenu isku dhax yaacin amaba aysan Somalida oo ah Gob ay taladii ka liicday wadankii quruxda badnaana ka bur burin wey adkeyd in aad aragto inagu badankood ma dhihi karno qarkood waa wax aanu si gedis ah ugu aragnay meelo kala duwan iyo kuwo aanu salaanay weliba markii aad fanaan, sargaal ciidan,ciyaartooy iyo abwan salanto maalinkas Hooyadaa iyo Aabahaa iyo walaalalahaa Siiba gebdhaha oo aanu logu geli jirin Jikada amaba goobaha wax lagu gariyo o u xirnan jirtay Gebdhaha oo hadii aad adigoo rag ah gasho laguugu yeerayo Qod qodayahow ka bax Kushiinka, waa waxey dumarku la waweyn yahin raguna caato caato u yahiin,laakiinse marki aad la soo kulanto abwan iyo fanaan amaba ciyartooy xeerarka Meelaha ay dumarku wax ku kariyaan ee gurigiina ka midkaa maalintaas kuma qabtaan ee waxaad isku aragtaa inaad dadkii dalka ugu caansanaa soo aragtay marka Xaruntii la dhihi jiray Ex-Fiyoore intii garan karto ayaa garan kartee ayaan badanaa Fananaiinta iyo Abwaaniinta iyo wariyashii berisamaadkii ugu caansanaa dalka kula kulmi jirnay.
Hadaanse u soo laabano muhimada qormada.
Xiligu waxuu ahaa goor caris ah, waxaanu ku sugneyn barxad yar oo ka hooseysay Taalada dhagax Tuur dhanka Ceel Gaabta waxaa ku yiilay garoon yar oo lagu ciyari jiray kubada waxaana xiligaas garoonkaas ku ciyaari jiray amaba ciyaarta aanu maalintaas ku daawanay ciyaar ay isku helen rag ka kala yimid dhawr xafadood oo ka mid ah degmooyinka Mogdshu kuwaasi oo ahaa kuwo aanu hada markii aanu soo xasuusano malaha is balan saday qaarkood mar danbe ragaas waxey ku bireen sida aanu maqalnay kooxahii waaweynaa ee dalka iyo kooxahii ka socday gobolada dalka barxada ay ku ciyaari jireen si dad badna u fahmaan waxaan ka fogeyn hadaan waxoogaa jilcino halkii uu dadka intey iskugu yimaadaan ku daawan jireen odaygii Soomaaliyeed ee la dhihi jiray Shiikh Sheelaweyne oo mararka qaarkood sidaad ciyaarta u daawaneyso ayaad maqleysaa qosol is qabsaday markii aad waxoogaa sidaan u yara jaleecdo dhankaa iyo halka uu qosolka ka dhacayona waxaa ku xooman dhalinyaro rag iyo dumarba leh kuna noolaa wadan ka mid ahaa xiligaas midka ugu nabad galyada badan caalamka Shiikh Sheelaweynane waxuu ahaa mid dadka ka qosliya si cilmiyeysana dhaqalo ku hela. Tusaale waxaa ereyada uu adeegsan jiray ka mid ahaa hadaanana qaldaneyn. Yaan lacag leyga ridin Go'a dhulka yaalo hadaad soo macsiyeysatay markaas ayey dumarku intey is fiiriyaan waxey hayaan ku ridi jireen ( calashaa Afmiishaarnimo) ...lol..
dalku waxu aha xiligaas hadaan waxoogaa sawri kooban ka bixino,Shacab ku nolaa markii wiilka Soomaaligaa xaafad ka mid ah Mogdishu uu waxooga ka qaldamo shukaansiga intuu saaxiibadii ka qaato dharka ugu danbeeya hadusan markaaasi heysan ma jirin daruufo ka celin jiray dhalinyarada iney hadafkooda gaaraan inta loo habeeyo isku joog ayuu xaafadi uu kaka xumaaday shukaansiga ayuu intuu ka tago mid kale oo ka fog xaafadiisa ka noqon jiray jilaa jaceyl aan caadi aheyn..lol.
Maxaa yeelay dumarkii Soomaaliyeed ee berigaas jiray hadaanan qaldaneyn aragtidooda aad ayey u yareyd oo inta lagu arko gobaha waxbarasho iyo xarunaha ay ka shaqeyaan ayaaba fursad ahaan jirtay midka dhahayo heblaayo ika warhaay oo Carabaha oo xiligaas laga soo shaqeysan jiray u socda iyo mid leh waxbarasho ayaan aadayaa ee heblaayooy ika warhaay ,gebdhahii, hablahii, amaba dumarkii Soomaaliyeed ee berigaas jirayna intey waxoogaa suuroodaan ayey dhihi jireen waraa aniga iyo adiga walaalo meel ku soo wada korey ayaan nahaye ika daa shekadaas yaa! walaahi Hoyadey ayaan kuu sheegayaa....lol.
Yacni wey rabtaaye waxaaba ku adkaan jiray gebdhaheena wax badan iney si sahlan u dhahaan xiligaas. si uu qoraalku micno u sameeyo qoraalkuna inoola dheeraan hadaba qoraalkaan maxaanu ku keenay?.
Dadkii soo arkey dowladnimo iyo dalka Soomaaliya iyo dadkiisa sida ay ahaan jireen iyo kartida dadka Soomaaliyeed inago berigaas soo aragnay wanaagii uu dalkeenu lahaa ayaa markii aanu ka mid noqonay intii nasiibka u yeelatay ee bur burkii ka hor dalka ka baxay ayaa waxaan hadane dib u yara jaleecnay dadka Soomaaliyeed oo 1991 ilaa 2000 bilaa dowlad ah oo hadane aan marnaba dunida loo qeybineyn oo akdeysi kii ugu weynaa ee ay umad soo marto iyo waqti kii ugu adkaa ee ay umad soo marto ayaan xaqiiqsanay in Soomaalidu tahay shacab ahaan dad adkeysi iyo duqaad badan, waxase aad u adag in jiilkii ku bar baaray burbrukii dalka kedib ee looga ciyaaray mustaqbalka maxaa yelay inagu waxaan ka mid aheyn amaba isku aragnaa in aanu aheyn jiilkii ugu danbeeyey ee inta mustaqbal loo diyaariyey ku soo bar baaray wadankooda oo afka Soomaaliga waxne lagu qoro lana aqriyo, iyo wadan lahaa labada shey ee ugu muhiimsana bini'aadamka oo kala ahaa waxbarasho bilaash aheyd ila heer jaamacadeed iyo caafimad bilaash ahaa kuna darsoo intii nasiibka u yeelatay in ay wax kale iska daaye dalkan uga baxaan dugsiga sare jaamacad xaga inoo dhig ayaa garan garay sida ay u adkeyd waxbarshada dalkeena , amniga xiligaas jiray iyo bulshada sida ay u kala mashquulsaneyd oo aysan isku arki jirin jiilba jiilka uu ka weynaane waxaa garan karay jiilashii inaga inaga horeeyey.
Sidaasi daradeed qoraalkaan oo aanu ugu talo galnay maalmaha xoriyada in aanu waxoogaa dib u saxuuxino beri samaadkii muwaadiniin badan oo Soomaalyeed ayaa hadane mar aanu ku soo wareegnay dhulka ay degan qowmiyada Soomalida ee geeska Afrika iyo wadamo badan oo aanu kula kulanay dhalin badan oo Somaliyed waxaa inoo soo baxday Somaaliya dal ahaan iyo bulsho ahanba inuu yahay wadan mustaqbal leh amaba ay ka soo bidhameyso mustaqbal wanaagsan waxaanse ogeyn inta nasiibka u yeelan doonto mustaqbalkas wanaagsan,waxaanse hubnaa oo sida cadceeda uga soo baxdo dhanka Bari uguna dhacdo dhanka Galbeed inuusan jirin dunida meel dalkeena la mid ah iyo shacab ka adkeysi badan qowmiyada Soomaaliyeed mid ifka ka tagay iyo mid maanta noolba. Hadii aad tahay muwaadin Soomaliyeed nolosha aanu ka hadleynona ku soo martay amaba Abahaa iyo Hoyadaa ku soo martay caasimada dalkeeena iyo dalka intiisa kale beri samaadkii waa taariikh ku dhaaftay oo aan soo laabaneyn ee ku dadaal muwaadinow halka aad dalka kaka nooshahay in aad quruxisaan.Soomaaliya Hanoolaato. Let's Dace in Maalmahii xoriyada dalkeena.

Maalmaha Xoriyada ee Ciidankeena Qaranka iyo Calankeena Muunada leh-Waxaanse ka horma rineynaa marka hore Golahi Murtida iyo madadaalada halkii lagu soo shiilay murti badan oo dalka
iyo dadka Soomaliyeed dhaxal gal u ah,kedibna waxaan isla aadeynaa maalmaha xoriyada min shacab, madaxda maanta joogta inta laga bedelayo iyagaa dalka u ah madax iyo gaado ka ciyaar

ka ciidamadeena qaranka kuwooda guuxooda ka dheereya ee logu yeero marka lagacooda lasoo gaabiyo (CXDS) walow sida aad ku aragtan sawoirka hoose ad ka bogan karto dhaman astamaha afarta waxyood ee ciidankena qalabka sida sida Militeri, Boolis, Nabad Sugida io Asluubta iyo mid
guud ee dalka u ah astaanta ee ay ku hardhan yahin xidigta iyo shabelka oo caan ka ah dalkeena.
Hayeeshee,Tiyaatarka Qaranka waxaa markii ugu horeysay dhismahiisa la bilaabay 1960 kii
waxaane si rasmi ah loo furay labo sano ka hor dowladii awooda weyneyd ee dalka soo maamul eysay ee militweriga intii aysan la wareegin xukunka oo aheyd 1967dii,weliba inag wax qoreyna badankeen waxuu nagu leeyahay Tiyaatarka qaranka xasuuso badan ,waana hooyga maalintii la dhisay ilaa maanta lagu curiyo, qaabeeyo amaba hindiso fanka iyo Suugaanta ay caanka ku tahay

Soomaalida halkaasi oo ay ka soo maaxdeen malaayiin ereyo ku hardhan afka Soomaaliga oo dhamaantood ka hadlayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed,weliba jiilba jiilka uu ka daneeyey dadka Soomaaliyeed waxaa soo maray amab ay hadba markaasi ay joogan helayeen abwaano iyo mu alifin siweyn maskaxdooda u shiilayey daruufo kasta oo u dalkeenu soo maro xilikastana markii
la so gaaro xiliyadan caruurta Iskuulka, ciidamada qeynahood akal duwan Soomaalida dal iyo diba ku nool waxey isla helan jiibta iyo jaanta wana mid adebal degii sanadkii hore markii ugu horeysay ay malayiin qowmiyada Somalidu aarkaan diyarado dhanka hawada uga qeyb qadaney debaal dega iyadoo sanadkaane la gaarin maalmahii xoriyada kaliyana lagu guda jiro u diyaar garoowkii siweyn oo mug iyo misaanba leh dareemayo.

Hayeshe, Casimada Modishu oo ay Somalidu ugu yeeraan muunadii dalka ,kulmiso iyo astaantii bariga Afrika iyo magacyo badan oo ay caan ku tahay waxa ka socda horumaro kal duwan kaas ooi ku yimdi biseylka shacabka Somaaliyeed oo doonayio kuwoda damiirk aleh iney la jaan qadan
dundia kale horumarka ka jira ayaa waxaa dhanka kale fananiinta Somaliyed, abaawan iinta masuuliyinta Dowlada iyo gudo loo qaateen ah oo u xil saaran diyaarinta malamaha qoriyada oo calanka dalkeena oo aad ku arkeyso meelo badan oo dalkeena ka mid ah.

Hayeeshee, mar hadaan qormadenii hore iskula soo nasanay heesahii horudhac ahaaa ee ka tur jumayey dalkeena iyo dadkiisa ee ay ku luqeynayeen dhalinta Somaliyed ee maanta nool kuwoda inoo qabilsan fanka iyo Suugaanta qeybtaan koban waxa la yirahdaa ku sii sugid debaal degyada waaweyn ee soo socda ,walee Somaalida marki laga so tago Caqiida iyo Diinta uu Allaah la doon tay ee Muslinka ,marka ay noqoto Suugaanta, Gabayada iyo Hidaha iyo dhaqanka waxiiba la hdihi jiray ee u dlak ku faano wey heystan sidii la rabay ayeyna mudan keeda u marsiiyeen mufakiriinta Soomaaliyeed inta uu Allaah la doontay xikmada, waxaa had aloo fahdiya curinta ereyo mug iyo
miisan leh oo dhamaantood quseeya maalmaha xoriyada,inaga qudheena canakii inoogu jiray santuuqii Macdanka ahaa e birta ahaa ee ay Somaalida isticmaali jireen beri samaadkii waxaanu isku diyaarineynaa in aanu mar kale la soo baxno isago dhinackasta looga hardhay midab dahab ka u ek oo raamo leh,markii aad hawada hor ugu qaadona aad is leetahay wuu u qalmaa intii u hibeysay naftooda amaba u dhaawacmay calanka Soomaaliya.waxanse mar kale bogaadineynaa, madaxdii hore,kuwii dhexe iyo kuwa maanta jooga iyo shacabkii kala duwanaa oo daruufokasta oo uu dalkenu soo maray hal maalin u joojin debal dega iyo weyneynta maalinta xoriyada dalkena
min madax ilaa fananiin ilaa ciidmadeena qalabka sida muuqalada quru qurxoon iyo sawiro intii aamu ka gaarno kala soco halkaan siba qudbadaha, heesaha talan taaligaa iyo weliba dharkii ay Soomalidu caanka u aheyd ee Hidaha iyo dhaqanka.Soomaaliya Hanoolaato.War helaa talo hela ,la soco wararkeena danbe iyo maalmaha xoriyada.

Somalia,Africa, Middle East and Around the World- On Monday, June 22,2026-( Maalmaha Xoriyada oo siweyn loo dareemayo iyo abaabul, Qaban qaabo iyo diyaar garoow aan noociisa horey lo arag oo dhankasta ka socda)-
Waa Maalin kale oo qurux badan maalintu madaama aanu ku jirno maalmahii qaaliga nagu ahaa ee xornimada dal kena hooyo ee Somaliya, horeyna aanu uga soo hadalnay qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Somaliyed hadey noqon laheyd kuwooda ku xeel dheer fanka iyo Suugaanta ay Somalidu caanka ku tahay looguna yeero Hidaha iyo dhaqanka. Hadey tahay geesiyaashii dalkan u soo hal gamay ee iskugu jiray rag iyo dumarba.
Tusaale halgankii dalkaan quruxda badan loo soo galay ma aheyn mid ku koobna kaliya xabad la rido oo waxanu xasusanaa bari samadkii markii ay Somalidu aheyd Soomaali uuna shaqeyn jiray damirka iyo hanka qofka bini'aadamkaa ee nool amaba Somaaligaa in cidamada kuwooda duuliyayaasha ahaa iyagoo hawada ku jira daqadaha loogu gelin jiray heesaha iyo gabayada wadanigaa ee dalka ka hadlayo, kedibna diyaradahii dagaalka noocii loo yaqiinay Miiga u wadi jiren xawaare aysan xitaa ku ogan jirin shirkadii soo saartay,sababtuna waa hadafka uu ku socday xiligaas qofka Soomaaligaa oo ay gabadhii iyo wiilashii berigaas,waqtigaas amaba hadaan si kale u dhigno xiligaas jiray u dhigmay midkiiba 10 ruux kartidooda.
Waxaa kale oo aanu horey uga soo hadalnay Fananiintii qaranka rag iyo dumarba iyo abwaanadii amaba Mu alifiintii Somaliyeed kuwoodii hore kuwii dhexe iyo kuwa haatan jooga,laakiinse marka laga hadlayo ciidamadena qalabka sida qeybahoda kala duwan kuna lebisan dareyska ay caanka ku yahiin sida Militeriga, Booliska,Nabad Sugida iyo Asluubta wey adag tahay in halkaan lagu soo koobo taariikhda iyo karitoda ay u lahayeen, leeyahiin amaba lahaan donaan hagaajinta dalkeena quruxda badan iyo dadkiisa.
Kama hadleyno in ay qarnikasta ,sanadkasta iyo xiliyo kala duwan uu dalkeena iyo dadiisu soo mareen marxaldo kala duwan ,hayeeshee, maalamaha qaranka iyo xoriyada o sanadkan siweyn loo dareemayo qaban qaabada ka socota muunadii dalkeena amaba hadaan si kale u dhigno caasimada Soomaaliya ee Mogdishu.
Hadii ay kumanaanka bogaan ku tixan xasuustaan hada ka hor mid ka mid ah qoraaladii ugu danbeeyey ee aanu ka qornay qeybaha kala duwan ee ciidankena qalabka sida ee qaranka waxaa jiray qoraal ay dad aanu qiyaaseyno in ay horey uga tirsanaan jireen ciidanka amaba ah ubad ay dhaleen dad horey u soo ahaa ciidanka Soomaaliya ,waxaa hadan soo koobno qormaaladooda nuxurkooda ka mid ahaa waxey yiraahdeen xadaa na kacday ( jiririco) qaasatan qeybtii ka had leysay in ciidmadii Soomaaliya markii ay qabteen Godey Fanaaniinti qaranka ee xiligaas ragii iyo gebdhahii berigaas jiray oo xiligaas afkooda waxii ka baxayey la yaabay kuwa maanta jooga xitaa ma sahlana waxey ku soo aadeyn waqti adag maahane dalka waa jecel yahin sdiey u dhan yahiin,
Waxaase qormadas xiligaas ka mid ahaa in Fanaanadii weyneyd ee qaranka AHN Baxsan ay geed korkiisa ugu heeseysay ciidanka.halka berigaas ciidankii cirka Soomaliya isku xirteen garoonkii magaalada Kismaayo,Kii Galgacyo iyo kii ber bera saf balaaran,halka ciidamada guuxooda laga cabsan jiray ee loo garan ogaa Ifintari iyo kuwa madaafiicda Goobta oo xiligaas siweyn uga helayey caawinaad sedax ka mid ahaa bololaalkii raadeer e uu dalku lahaa berigaas oo calami oo uu miduna yiilay Goboladii Waqoyi,labada kalena ay kala yiileen
magalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne,iska daay caasimada Soomaaliya la yiraahdo oo xiligaas la haweystee waxey dowladii xilikaas jirtay oo ka midka aheyd dalal dhawr ahaa oo ku yiilay qarada Afrika uguna awooda badnaa qaarada Afrika xiligaas oo ay ka mid aheyd kaka duwaneyd Soomalidu xiligaas waxey ku jireen labo dagaal mid waxuu ahaa dagaalka lagu ilaalinayo sharafta dalkeena iyo dadkiisa ,kan kalena waxey aheyd mid lagu ilalinayey sharafta qaarada Afrika oo gacana waxaan ku xoreyneynay dalal badan o= Afrikan ah ,dhanka kalena inaga waxaanu ilaashan jirnay gobanimadeena.
Hadaanse u soo laabano maalmaha xoriyada waxan bogaadineynaa, madaxdii hore, kuwii dhexe iyo kuwa hatan joogaba sida markasta masuuliyad leyskaka saro maalinta calankeena iyo maal maha ciidmadeena qalabka sida magacooda la weyneynayo ,maxaa yeelay waxaa god u galay ,u dhaawacmay, u dhaawacan una dhiman doono una dhaawacmi doono geesiyaal Soomaaliyeed oo iskugu jira rag iyo dumarba. siusan qoraalku inoola dheraan waxaan isla aadeynaa maalmaha xuriyada inagoona Suugaanta iyo debaal degyada aanu intii karanken ah halkan iskula caweyneya Soomaaliya Hanoolaato.la soco wararkeena danbe Suugaanta, Gaado ka ciyaarka iyo heesaha talan taligaa ee laga tiriyey maalmaha xoriyada kuwo hore,kuwo dhexe iyo kuwa haatan la joogo waqtigooda ee debka laga so qaday.

Waa Maalin kale oo qurux badan Sabti, Juun/20/2026-Maanta iyo mar kale Aas aaskii Ciidamda qalabka sida ee Soomaliya siiba Kuwooda Militeriga,wax bdan ayaan horey uga soo hadalnay sooma jeestayaasha loogu yero Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed oo marka magacoda la soo gaabiyo loogu yeero (CXDS), Sawiradan waxaanu ka diyaarinay dhar sano ka hor xiligaan oo kale.

In wadan sida Soomaaliya oo kale ah dunidana kaka yaalo halka ugu muhimsan sida uu ahaan jiray ciidankiisii xooga dalka iyo wxyaabahii uu soo maray tan iyo waxii ka danbeyey marki dhidibada lo aasay ilaa maanta oo lagu jiro qarnigii 21aad sanadkiisi 26aad bartamahiisa.

Hayeeshee, marka laga soo tago suugaantii iyo hesahii taariikhda galay ee lagu dhiragelin
ayey, amaanayey,mudnaayeen ee horey uga soo dhacay dhegaha malaayiin muwaadiniin
Soomaaliyeed ah,daruufo kala duwan iyo waqtiyo adag oo dalkeena soo maray hadane weligood geesiyaasha dalkeena hooyo ee Soomaaliya kaalintooda waa muuqatay waxeyna ahaayeen

markasta kuwo guuxooda lag abaqo siiba beri samaadkii.Waxaan leenahay mar kale guul iyo gobaniomo inta dareyskan horey u soo xirtay, hada xiran hada kedibna xiran doona ee iskugu
jiray ,iskugu jira amab iskugu jiri doona rag iyo dumar.inagoona iskula nasaneyna mid ka mid ah suugaantii farah abadneyd e lo qaaday ciidamda qalabka sida qeybahooda kal duwan.Soomaliya Hanoolaato. War helaa talo hela.

Somalia,Africa, Middle East and Around the Global- On saturday, June 20,2026-Waa maalin kale oo qurux badan, iyo Wararkeenii dalkeena hooyo ee Soomaaliya, Qaaradii labaad ee ugu wey neyd dunida ee Afriak, Bariga dhexe iyo caalamka,Maalintu waa Sabti, bishu waa Juun, Taariikh du wa 20,sanadkuna waa 2026, Qarniguna waa ki 21aad ,bartamahisa iyo sanadkisii 26aad-

Iyadoo ay wararkenu u badnaayeen dhinacyo kala duwan, waxaan qeybtaan kisla aadeynaa dal keena hooyo e Soomaaliya iyo kulan siweyn looga soo shaqeeyey ayna iskugu yimaadeen qeybo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed,maadama ay warakeenu badnaayeen dhankas iyo
dhulka ay geeska Afrika ka degaan qowmiyada Soomaalidu bariga Afrika,hayeshe, kulankaan si
heer saro ah loo soo agaasimay ahna mid kulmiyey qeybaha kala duwan ee bulshada sida

culimada, aqoonyahanka, dhalinyada iyo waxgarad rag iyo dumar leh, ayaa waxaa looga hadlay arimo dhawr ah,waxaana qudbadahii iyo sidii uu kulanku ku qabsoomay halkan kal qabso .
Mogadishu 19/06/2026 – Jimco-Waxa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyay Gudiga Dhallinyarada Xawadle, qaar ka mid ah dhallinyarada aqoonyahannada Beesha Xawaadle oo uu hogaaminayay Gudoomiye Sharif Odawa, iyo Culimada Xawaadle.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa saddex qodob oo muhiim ah:
1. In warbixin laga dhageysto howlaha ay hore u qabteen Culimada Xawaadle.2. In la falanqeeyo doorka dhallinyarada kaga aaddan isbeddelka iyo horumarka socda.
3. In dhallinyarada lagu dardaarmo muhiimadda midnimada iyo wadajirka, iyo faa’iidada ay u leedahay bulshada.
Falanqayn dheer iyo is-weydaarsi guud kadib, waxaa la isla gartay in dhallinyaradu noqoto garab iyo hiilo buuxda oo ay si dhow ula shaqeyso Culimada, Golaha Midnimada & Horumarinta Xawadle, si loo xaqiijiyo hiigsiga iyo himilada guud ee beesha.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in kulamadan oo kale si joogto ah loo sii wado, si loo gaaro guulo dhab ah iyo horumar waara oo ka hanaqaada beesha iyo deegaannada ay degto.

Aragti (Vision):In la dhiso bulsho Xawaadle ah oo midaysan, aqoon ku saleysan, isla markaana iskaashi buuxa ka dhex jira Culimada,Dhallinyarada, iyo Hoggaanka dhaqanka, Si loo gaaro nabad waarta, horumar bulsho iyo mid dhaqaale, iyo ka mira-dhalinta himilooyinka guud ee beesha.
Xoghayaha Guud Ee Midowga Dhallinyarada XawaadleAbdimajid Hussein Abdulle.

Mashaa Allaah Kartidii dumarkeena oo socota iyo dhankii ciyaaraha qaarada Afrika gebdhah ay dadoodu ka yar tahay 17 jirka ciyaar dhaxmartay dalka iyo shacabka aanu saaxiibka wanaagsan nahay ee Sudan,ciyaar aad inoo soo jiitatay dhanka Kooxda ku meteleysay dalkeena ooyo ee Soomaaliya iyo goolahsii quru qur xanaa bal aanu ciyaartii oo dhameystiran iskula baashaalno marka hore tyaa salaan!

Maanta iyo Barnaamijkeena Ganacsiga Qaarada Afrika ,Taariikhdu wa 16ka biosdha Juun, maalin tuna waa Talaado, sanad kuna waa 2026 iyo Mid ka mid ah Kartida dumarkeena Soomaaliyeed ,Marwo Amina Moghe Hersi oo iyagu dhawaan mid ka mid ah dalalka geeska Afrika ka furtay ganacsiyo kala duwan oo siiba warshada weyn ee Sonkorta.

Dumarkeena Soomaaliyeed mahan mid halkaan lagus o koobi karo kartidooda ,amr ay taariikh deeda ka sheekeyneysay waxye tiri Hooyadey ayaa i tiri anigoo 9 jir ah, Iskuulka iyo warkiisa iska daaye kaalay dukanka waxi aan gaari waayo ayaad i soo dejineysaaye ila shaqeyee,keidbna waa halka ay ka bilaabatay kariteeda iyo safalkeedii iyo ganacsigedii horumarka ku danbeeyey.Sidoo kale waa mufakirad dhanka ganacsiga ,maadama aamu
intabadan siyabo kala duwan uga soo hadalnay karitida dumarkeena Soomaaliyeed ee qiimaha badan tanina waa halyeeyyad kale oo mudan in wax bdan laga yiraahdo,hayeeshee, waxaa siweyn waqooyiga dalka Uganda laga daeyaa warshada weyn ee Sonkorta ee ay halkaas ka hirgelisay. Hayeeshee, Marwo amaba hadaan is kale u dhigno Sister Amina markii ay ku hadleyso luqada aanu hodanka ka nahay ee Soomaaliga sidey u dadaaleyso ku hadalkeda,sow horey looma dhihin farsamfarsamo waa faro ku heyn maka hesheen..lol. War helaa talo hela..

Africa is the world's second-largest and second-most populus continent,after Asia.Africa into five subregions for statistical purposes. They are Northern Africa,Western Africa,Middle Africa,
Southern Africa and Eastern Africa.Somalia, is in the easternmost country of Africa, on the Horn of Africa.