Somali Youth-Soomaaliya Wadan horey u socda iyo Dhalinta Soomaaliyeed- News in Somalia, Africa and Around the world-Friday April 26,2024- Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Maanta iyo mar kale wararkeenii taxanaha inoo ahaa ee aanu ugu talo galnay si guud dhalinyarada Somaliyeed meelkasta oo ay ka joogaan dhulka ay kunool yahiin qowmiyada Soomaalida gees ka gees.
Sidoo kale waxuu si gaar ah u anfacaya qoraaladan taxanaha ah ee aanu dhalinta Soomaaliyeed ugu talo galnay dhalin yarada rag iyo dumarba leh ee inoo geli doona mustaqbalka dhaw iyo kan fogba sidaasi daraadeed waa u muhiim dhalin yarada Soomaaliyeed qormooyinkaan taxanaha maxaa yeelay dalka Soomaaliya shacabkiisu maahan sidii hore iyo wax u dhaw.
Hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ahna mid leh han, qab,wadaniyad, inagaaba og in intaas lagaa heli karee,laakinse ay kaa maqan tahay inay maskaxdiisu u fikirto dhanka wanaagsan amaba ku shaqeyso aqli iyo fikir u saamaxaya mustaqbalka in ay caruurtiisa iyo kuwa Soomaaliyeed uga daydaan wax wanaagsan oo uu bulshada ku soo kordhiyey,maadaama uu dalkeenu mudo ku soo jiray colaado wajiyo kala duwan.
Inagoo weliba qeybtaan dhalinta Soomaaliyeed u qodobeyneyna wax badan oo laga yaabo in ay rag iyo dumar badan oo Soomaaliyeed oo hami iyo han leh laakiinse waayeen cid u bidhaamisa inagoo kaliya ka deyneyna waxii la soo maray, laakinse kala hadleyna halka maanta la joogo iyo halka ay dunidu u socoto ka sokow halka ay mudan yahiin in uu dalkeenu iyo dadkiisu gaaraan mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.
1-Waa marka koowaade- dhalinyarada waxaan u kala qaadeynaa sidey u dhan yahiin 3 qeybood qeyb ay ku gadaaman yahiin daruufo laakinse ay ku dheeraatay iney ka baxaan daruufahaas wax badana naftooda,mida qoyskooda iyo tan degaanka ay dalka kaka nool yahiin iyo weliba guud ahaan dhulka ay qowmiyada Soomaalidu degaan wax badan ka bedeli lahaa oo aan maanta awoodin in ay bulshada ka dhax muuqdaan.qeybtaan intaanan gudagelin waxaan ugu talo galnay in ay horta ku sii nastaan heestaan.Soomaaliya waa wadan horey u socda kaliyana u baahan dhalinyaro wadaniyiin ah oo aragti fog leh, waana ifa faalaha uu dalkeenu hada ku socdo oo shacabku maahan shacabkii hore.Soomaaliya Hanoolaato.la soco wararkeena danbe.
Somali Youth-Dhalinyarada Somaliyeed ee siyaasada dalkeena inoo galaya mustaqbalka iyo kuwa haatan ku jiraQeybteenii 3aad (B)-Qeybtaan waxey wax badan ka duwan tahay kuwii hore waxeyna ka hadaleysaa dhiancyo kala duwan si degan u aqriso hadaad ka mid tahay dhalinta Soomaaliyeed.War Helaa Talo Hela.
Somali Youth-News in Somalia, Africa and Around the world-Wednesday April 17,2024- Dhalinta Soomaaliyeed, Wararka Soomaaliya, Afrika iyo caalamka-Waxaan mar kale maanta guda galeynaa qoraaladii aanu ugu talo galnay, dabcan qofku waxuu wax fahmi karaa markii uu waxna aqrin karo waxna qori karo.taas qoraladenii hore ayaan uga soo hadalnay waxanse mar kale dhalinta Somaliyed intaananqeybtaan gelin ku boorineynaa mar kale in ay naftooda wax u bartaan si ay u fahman waxa dalkooda iyo dunida ka socda maanta, kedibna dalkooda iyo dadkooda ugu hiiliyaan halka ay nolosha ka jirto waxaana si gooyni ah ula hadleynaa dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ka joogaan dhulka ay bariga Afrika ka degaan qowmiyada Somaalida iyo kuwa dunida inteeda kale ku nool ,maxaa yelay markaan leenahay qowmiyada Soomaalida ma jiro qof Soomaali ah oo uusan dalkaan u soo dhiman awoowkii amaba aabahii, amaba Abtigii amaba hooyadii waana waajib saaran qofkasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah rag iyo dumarba hadba sidaad doonto u dhig.weliba qeybtaan dhalinyarada Soomaaliyeed hadey si degan u aqristaan kii aan wax aqrin waxne qorina u aqriyaan amaba gaarsiiyaan wax badan ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed u haagayo.
Tusaale-Nolosha bini aadamka waxaa laga qiimeeyaa dhinacyo kala duwan waxaadna fah meysaa markii aad nasiib u yeelatay in aad dunidana meelo badan ka tagto,dalkenana dhulka ay qowmiyada Soomaalidu degaan intooda badan aad booqato weliba adigoon isku sheegin in aad tahay mediya waxaad fahmeysaa nolosha iyo wacyiga rasmigaa ee ka jira dunida iyo mida dalkeena. waana mida keentay in aanu ku mashquulin Soomaalida dhaxdeeda oo ay jiraan wax ka muhiimsan waxa maalinkasta laga hadlo oo u badan borobagaando, hadalo aan loo meel dayan, been qaawan kaliyana loogu talo galay in shacabka dalkeena kuwaas oo 70%na la xarbinaya nolol maalmeedkooda caadigaa iyagoo ku nool wadankaas quruxda badan, waxa ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in bulshada loo bidhaamiyo waa in dhalinyarada oo ah udub dhaxaadkii wadanka amaba bulshada loo bidhaamiyo halka ay ka jirto maslaxada dalkooda siiba kuwooda siyaasada dalkeena inoo galaya iyo kuwa hada ku jira oo laga yaabo in ay wax badan ka qaldan yahiin oo aysan muuqan iney ku socdaan metelaad bulsho maxaa yelay madooneyno in aanu Soomaalida ku mashquulno waxaanse ognahay iyagoo Hotelo ku qarash gareeya dhaqaalo badan oo hadii ay degaankooda la tagaan ugu yaraan dhawr qoys wax ugu qaban karaan, degaankii laga soo doortayna gaajo loogu dhimanayo dibna ugu labaneyn qaarkood, waana mida keentay in aanan Soomaalida hada ku mashquulin ka hadalkooda oo ay jiraan wax ka muhiimsan, bedelkiina waxaan dhalinta Soomaaliyeed ee mustaqbalka imaan doono u rajeynyenaa amaba kuwa hada inoogu jira siyaasada u rajeynyenaa iney nolosha ka fahmaan halka ay ka jirto. Sidoo kale qoraalkaan waxuu muhiim u yahay dhalinta Soomaaliyeed ee ay dhici karto tiradii la doonaba hala ekaadaane iney wadanka horey uga soo galeen qaladyo kala duwan amaba denbiyo, lakiinse hada doonayo iney ka towbad keenan si dalkeena iyo dadkiisa daacad ugu noqdaan.
1- Maxaa la gudboon dhalinta Soomaaliyeed rag iyo dumarba hadeyba dhacdo in ay tirada ugu badan inoo galaan siyaasada amaba kuwa hada ku jira ha noqdaane.
Horta waa u muhiim dhalinta Soomaaliyeed iney ogaadan in aanu ku nool nahay duni ay umadaha ku nool kala ujeedo iyo kala caqiido yahiin badankeedna aan maanta la xeerin waxyaabo badan oo waayadii hore la xeerin jiray.Sidoo kale dhalinta Soomaaliyeed waa iney ogaadaan in aanu ku nool nahay duni aan meelaha qarked la qiimeyn inta uu qofku sameeyo dhaqalo sanadkii laakinse laga qiimeeyo inta uu qofku sanadkii Farxay. Waa u muhiim in uu muwaadinka Soomaaliyeed ee dhalinyarada ah ogaadaa in uu ku nool yahay wadan la yiraahdo amaba la doonayo inuu qoyb ka noqdo horumarka wadan la yiraahdo Soomaaliya ayna ku nool yahiin dad loogu yeero Soomaali sidii uu safka hore uga geli lahaa hagajintiisa qeybna uga noqon lahaa taariikhda dhinacadeeda wanaagsan (Maya dhinaceeda xun).
Waa in nidaamyada amaba dowlada aad ku biiri doontaan amaba hadaanu si kale u dhigno hadii aad inoo gashaan siyaasada dalkeena ka fogaadaan sedax arimood ka hor intaadan gelin.1- Ku dadaal in aadan waqti ku lumin goobaha fadhi ku dirirka hadii waxa laga hadlayo aysan aheyn wax umada anfacayo amaba ay yahiin wax adiga amaba aad ka faaideysaneyso amaba lagaa faaiddeysanayo.2- La imaataa aragti wax dhista ee aysan noqon aragtidaada mid wax dunisa.3- Ka fogaato meelaha lagu hayo aragtida aan dhaafsiisneyn qabiilka, kooxeysiga, damaca shaqsiga iyo waxii la mid ah.
Intaas markii aad ku dadaasho waxaa bar bar socda sedax kale oo muhiim u ah iney miro dhalaan waxa aad u socoto.1- Horta naftaada weydiiso maxaa laguu abuuray oo dunidan laguu keenay..... Dabcan waa in aad ku caabudo Allaah maadaama aanu nahay dad caqido leh. Sidoo kale waxaa laguu keenay in laga nabadgalo adigana aad inta kula nool ka nabadgasho. Sidoo kale waxaa laguu keenay in aad noloshaada jiheyso,waalidkaa hadey nool yahiin hagaajiso noloshooda hadey ifka ka tagena u duceyso. Sidoo kale waxaa laguu keenay in aad hagaajiso nolosha qoykaada hadey jiraan xaas, caruur, qaraabo iyo weliba hadba halkii aad kaka nooshahay dalkeena. Waxaa laguu keenay in aad kala garan karto xumaanta iyo samaanta oo waa waxa uu biniaadamku uga duwan yahay xeywaanka.Sidoo kale kala garan kara maslaxada wadankiisa, dadkiisa ( Soomaalida si guud inta maanta nool), waajibka ay inagu leeyahiin hadba wadamada deriska nala ah shacabkooda, kuwa ay inagu leeyahiin qaarada aanu kunool nahay ee Afrika shacabkooda iyo wxa naga dhaxeyn kara inaga iyo shacabweynaha dunida oo ay kuu qodobeysan yahiin waxkasta sidey u kala horeeyaan.
Qofkasta ma noqon karaa siyaasi aragti fog leh hadaan si gooyni ah ugu qeexno dhalinta Soomaaliyeed inagoo weliba u soo gaabineyna jawaabta qeybtaan waa Maya ,waxase jiri karaa nasiib qofka saacida waqti gaaban oo uu kaka soo muuqdo bulshada maxaa yeelay qofkasta ma noqon karo Hogaamiye amaba waxa afka qlaaad lagu yiraahdo(Charismatic leader ), laakinse dhalinyarada Soomaaliyeed waa dhalinyaro aqli badan dalkeenuna waxuu leeyahay shacab wanagsan oo inagaa isku soo marnay inta badan dhulka ay ka degaan geeska Afrika Soomaalidu ma jirto shacab ka wanaagsan sidaasi daraadeed dhalinta aanu ubaahan nahay hadaanu nahay Soomaali ee mudan iney siyaasada inoo galaan waa muhiim in ay ahaadaan kuwo loogu yeeri karo mustaqbalka waxa afka qalaad lagu yiraahdo hebel waa (influential), halkii markii hore la dhihi jiray hebel waa libaax oo ceel biyo laga cabayo dhulka miyigaa ayuu hebel oo reer hebel ah Ceeji ku dilay,kedibna qarabo.com u sacbiyaan halkii laga dhihi lahaa amaba bulshadu ay u bahneyd dhalinyaro ka soo dhax baxa yirahdo oo maxaan hal Ceel iskugu dileynaa maanu Ceelal badan qodano si aanu u wada noolaano.
Inagoo fursadaan ka faaideysnayeno si aanu dhalinyarada Soomaaliyeed dhinacyo kala duwan wax uga tusino,xiligii aanu dhulka ay Soomaalidu degaan safarka dheer ee weliba qaatay dhawr bilood, habeeno, maalmo iyo weliba xiliyo kala duwan iyadoo Jiilaal ah, Iyadoo Barwaaqo aan iyado colaado ah intaba soo marnay, waxyaabahii inaga yaabiyey waxaa ka mid ahaa wadanka Soomaaliya min waqooyi ilaa Koofur waxaa leyskugu raacaa diyaarado intooda badan Soomaalidu ma lahan oo waxaa leh ajnabi u shaqeeya hayaddo aan xitaa la garaneyn qaarkood wadamada ay ka diiwaan gashan yahiin.
Qiso yar oo inaga qabsatay mar aanu u guurgalnay sida ay ajaaniibtu dalkeena uga howlgalaan ayaan idiin soo koobeynaa si aad u ogaato waxyaabahii nagu dhaliyey in aanan ku mashquulin wiil amaba geber Soomaali ah masuuliyada ay sheegto amab sheegto intey doontaba hala ekaatee amaba yuusan shegan waxa koleyto lagu qamaarayo waa wadan la yiraahdo Soomaaliya madax baanidiisa iyo shacab sharaf leh laakinse u baahan in la soo dhiso dhalinyarada u istaagi laheyd dalkooda iyo dadkooda.
Tusaale- Ajnabiga dalka Soomaaliya ka shaqeyo markii ay dalkena warbixin ka gudbinayaan waxey leeyahiin baaq ay isku fahmaan iyaga gudaha dalkeenka ku nool iyo kuwa iyaga soo diray. kaba soo qaad Mogdishu ayey diyaarad halkaas u fadhisa oo hadey kacdo iyo hadeyan kacin markasta u kireysan ayey waxey u qaadanayaan qeyb dalka ka mid ah meelaha qaarkood wax aan dhameyn 30 daqiiqo,waxey soo joogayaan wax ka yar 30 daqiiqo isku geyntu waa hal saac , markii ay dib ugu soo laabtaan xaruntooda adiga isku heysta in aad leetahay dal la yiraahdo Soomaaliya iyo iyagu waxaa idiin dhaxeeya kaaf iyo kala dheeri adiga markii warbixin lagaa qorayo waxaa laguu arkaa in ay booqdeen magaalo hebel, kedibna ay horey u sii kaxeysteen dhawr Daanyeer maahan Danyeerkii aanu isla naqiiney ee waa rag iyo dumar Soomaaliyeed aad adinga ugu yeertaan turjubaano.halkii ay booqdeen markii ay ka hadlayaan waxey u arkaan iney la soo kulmeen dhawr Daanyeero,Daanyeeradu maahan kii aanu wada naqiinay ee xeywaanka ahaa ee waa halkii ay booqdeen kuwii horboodayey, waa rag iyo dumar Soomaaliyeed,kedibna hayaddahii loo shaqeynayey waxaa loo gudbinayaa halkii saac ee ilahanada ahaa ee ajnabigu booqdeen amaba safarkaas gaaban ay galeen waxaa waxbiixnta lagu qorayaa iney ku baxday 200 ilaa 300 kun amaba hal milyan dolar,waa markii uu inaga galay in aanu nahay dal xor ah oo madax banaan,adiga maxaa kuu dheeri ah shacabkaadii oo boqolkiiba 70% ku dhibaateysan gudaha dalkooda sidaasi ay tahayna lagu hayo hagar daamooyin aan aqliga biniaadamka galeyn.
Waana mida kentay maalintii ay soo baxday arintii Bada Soomaaliya ee Masjidkii Qiblateynta ee magaalada Saylac iyo Xeebtii Lughaya mashruucii fashilmay waxii ka danbeeyey in aanan ku mashquulin ficilo yar yar oo uu ku dhiirado amaba uu sameeyey muwaadin Somaliyed ee ay inoo taalo howl ka baxadweyn, waana mida keentay in aanu is tusino inuu dalkeenu u baahan yahay wacyigelin xoogan oo dhanka dhalinta Soomaaliyeed ee mustaqbalka inoo gelidoonta siyaasada si uusan qoraalku inoola dheeraan maanta intaan ha inoo joogto.weliba kama hadleyno diyaaradaha degaanda ay qawaariijtu maamulaan loogu geeyo risasta ee hadane la yiraahdo waxey ku soo dhacday degaan hebel, hadane iaydoo loogu talo galay shirakdah aceymiska looga qaato malaayiin dolar,intaas wanu isla fahaney sow maahan,
waana mida keentay in aanu maalinkasta aragno dhalinyaro Soomaaliyeed oo mediyaha ka qeyl qeliyaan oo ay noloshu ka gashay Views oo hadane iskaba daay shacabka dalkenee maba dhageystane iyaga xasaskoda iyo caruurtooda beenta ay ku nool yahiin, inkasta oo ay jiraan tiro Soomalid aka mid ah oo wax wanaagsan bulshad au soo gudbiyaan. qeybteena xigta waa kobci garaadkaada kaliyan ku kooban dhalinta inoo geli doonta siyaasada dalkena mustaqbalka oo ah Weybta C. Adiga oo muwaadin Soomaaliyeed ah weligaa ma aragtay dhaliyarooy qof loogu yeerayo amaba isku arka inuu yahay siyaasi Somaaliyeed oo hadane u caararyo wadan ay sii bur bureyso siyasadiisa kkkkkkk, waa marka anu idiin lenahay qofkasta ma noqon karo hogaamiye dhab ah.
Hayeeshee Soomaaliya waa Wadan barwaaqaa ayna ku nool yahiin shacab Soomaaliyeed oo wanagsan hayeshee mudan in loo soo saaro amaba ay u soo baxaan dhalinyaro Somaliyeed oo rag iyo dumarba leh oo aragti fog leh.weliba dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareyneynaa iyaga iyo shacabka Soomaaliyeed shaqsiyaad badan oo aad hada moodaan amaba loogu yeero siyaasi saxada siyaasada Somaaliya kuma arki doontaan sanadaha inagu soo aadan iyo wax u dhaw waase dhici kartaa iney wadamo dhawr ah iyo hayaddo sida kuwan aanu uga soo hadalnay qeybtena kore ay waqti gaaban isla jilaan been,xitaa magacyadoda waan idiin la wadaagi karnaa muhiimse maahan hada oo ma doneyno in aanu ku mashquulno Soomaalida dhaxdeeda,.Soomaaliya Hanoolaato
Somali Youth Part Three (A)- Dhalinyarada Soomaaliyeed Qeybtii 3aad-Abriil 12,2024-Waxaa mar kale halkeedii inooga sii soconayo qoraalkii aanu ugu talo galnay dhalinta Somaliyeed ee mustaqbalka inoo geli doonta siyaasada iyo kuwa maanta ku jira, waxaanse inagoo fursadaa qaaligaa ka faaideysaneyna halaan hambalyo maalinta 12 Abriil oo ku beegan maalintii la aas aasay Geesiyaasha xooga dalka Soomaaliyeed ee loogu yeero (Ciidanka Xoga Dalka) rag iyo dumarba waxaan leenahay Hambalyo taarikhda ayaa horey u xustay kuwii hore kuwii dhexe kuwa maanta joogana min waqooyi ilaa koofur waxaan leenahay Hambalyo, Hambalyo, waana muhiim mar hadii ay ciidamadena qaranka u badan yahiin dhalinyaro in ay qormadaan aanu ugu talo galnay si guud dhalinta Soomaaliyeed oo muhiim u ah waqtiga maanta lagu jiro ay iyaguna ka faaideystaan oo ay aqristaan weliba qeybtaan 3aad si gooyni ah ayey u tabaneysaa dhalinyta Soomaaliyeed ee aanu u baahaan nahay amaba uu dalkeenu u baahan yahay mustaqbalka, hayeshsee hadaanu hambalyada halaas uga baxno waxaanu guda galeynaa muhiimada qormadeena qeybtii 3aad oo aanu u sii kala qaadnay A,B iyo C.
A- Hota hadaan dib ugu laabano qormadii midaan ka horeysay waxaan shacabka la wadaagnay booqashadii aanu ku soo marnay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya min waqoyi ilaa Koofur uguna sii gudubnay dhulka kale ee ay bariga Afrika ka degaan qowmiyada Soomaalida wax yaabahii na farxad geliyey hadaan u soo koobno shacabeena Soomaaliyeed si guud iyo si gaar ahaaneedba hadii nala yiraahdo soo koobna waxaanu u soo koobi laheyn sawiraan.
Wax yaabaha kale ee aadka inoo farxad geliyey waa marka qofka muwadinkaa ee Somaligaa si kasta oo uu markaasi u kala daadsan yahay amaba ay markaasi daruufo ugu xeeran yahiin loo sheego wax wanaasgan amaba loo bidhaamiyo wax badan oo uusan horey ula socon waa dad dhiig iyo dadnimo leh ha ahaado rag amaba dumar, waxaane inoo soo baxday halka uu dalka ka horumari karo in ay tahay wacyiga dhalinta Soomaaliyeed ee siyaasada inoo geli doonta mustaqbalka iyo kuwa maanta ku jira in bal marka hore loo dulmaro waxa uu dalku yahay iyo nolosha dunida ka jirta.
Tusaale- Waa noocma dhalinta aanu maanta u baahanahay in ay inoo galaan siyaasada dalkeena ama hada ku jiro horeyna wax badan uga soo qaldameen amaba ha noqdo mid hada kedib isu diyaarinaya oo ku cusub saxada siyaasada.
1- Ma doneyno in aanu bulshada u sharaxno waxa uu yahay siyaasi ee waxaan ka hadleynaa qofka amaba dhalinta uu dalkeenu u baahan yahay maanta amaba berito oo ah mustaqbalka laga hadlo.Dhalinyarada inoo geli doona siyaasada mustaqbalka muhiim inooma ahan halka uu ka soo jeedo amaba dalka Soomaaliya ka degan yahay amaba reerka uu ka soo jeedo ee waxaan la hadleyno waa qoys la yiraahdo Somaali iyo wadan la yiraahdo Soomaaliya inta ku dhax nool iyo kuwa hareeraha ka degan ee si guud loogu yeero qowmiyada Soomaalida.
Qofka muwaadinkaa ee Soomaaligaa sidiisaba markuu dhalinyaro yahay hadane yahay mid hadaf leh waxaa looga baahan yahay intusan horta ku fikirin inuu bulsho hogaamiyo walow ay noqoto qoyskiisa inuu la yimaado 3 shey markii uu la yimaado 3daas sheyna uu ku kabo sedax kale. 1- Muwaadinka Soomaaliyeed ee weliba dhalinyada ah ee siyaasada inoo galayo waa inuu ahaadaa marka hore amaba la yimaado, Aqlaaq, noqon karo curiye amaba Mufakir wax curin kara, aqrin kara sida looga nool yahay halka uu dalka kaka nool yahay, dalka intiisa kale iyo dunida uu dalkaasi wax kala dhaxeeyo.
2- Qofku ugu yaraan fahamsaeen yahay amaba leeyahay intey doontaba hala ekaatee aqoon dineed iyo mid maadi ah. 3-Yahay mid garanaya Diinta,dhaqanka iyo nolosha saxda ah ee ay ku noolyahiin bulshada dalkeena si gaar ahaaneed iyo si guudba, intaas markuu isku helo waxaa u sahlanaaneyso inuu markasta wax wanaagsan kaliya kala hadlo shacabka dalkiisa amaba inta markaasi soo dooratay,markaas kedib ayuu wadan la yiraahdo Soomaaliya iyo dadkiisa wax ku soo kordhin karaa amaba cadowka dibada dalkiisa ka ilaalin karaa intaas waa horudhaca waxaan hadane sii qeexeynaa faraqa u dhaxeeya ilaalinta sharafta dalkaada iyo sumcada dadkaada ( Soomaaliyeed),dhawr qodob oo aanu is leenahay aad ayey u anfaceysaa dhalinta Soomaaliyeedna waan u raacineynaa.
Waxaan u baahanahay, dalkenuna u baahan yahay dadkiisuna u baahan yahiin in ay dhalinta Soomaaliyeed ee mustaqbalka u kala soocan tahay waxa afka qalaad lagu yiraahdo characteristic, amaba mental attitude amaba waxa la yiraahdo Synonyms, taasi oo hadii jumlo ahaan afka qalaad leysku qabto noqoneysa( How you will interpret and respond to situations), kedibna hadaanu sii qeexno waxey iskugu bisho shubaneysaa waxa loo yaqaano (Mind-set),Maxaa Qaarada Afrika oo ah mida dunida ugu qurxoon shacabkooda ula daalaadhacayaan nolol maalmeedkooda. ma waxaan nafta ku mada daalinaa in ay ka maqan tahay shacabka qaarada Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ma yaqaanaan sida loo noolaado amaba waxa afka qalaad lagu yiraado (How to act in certain ways).
Hadii xitaa qodobadaan aanu ku soo koobnay afka qalaad la sii qeexo waxey iskugu biyo shubanayaan inu qofka Soomaaligaa amaba hadaanu si kale u dhigno dhalinta Soomaalieed ee siyaasada inoo gali doonto bartaan amaba ay leeyahiin wax uun aqoon diineed iyo mid Maadi ah, maxaa yeelay aqoonta diintuna waxaa ku idil waxii uu wanaag oo dhan Allaah na faray mida maadigane hadba qeybtaad ku taqasusto ayaa kugu xireysa bulshada inta aad hadba markaasi dooneyso in aad kala macaamisho.
Dhinaca kale ayaan hadane wax ka tusineynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed bal xoogaa aan iskala baxno gudaha Somaaliya iyo qaarada Afrikaba ee aanu isla aadno caalamka si markaas dhalinta Somaliyeed kuwooda siyaasada inoo galayo wax badan u fahmaan!,Waxaad isweydiisaan waxa ay reer galbedka oo ah kuwii qaarada Afrika soo gumeystay ay mediyahoda weligood wax wanagsan uga sheegin qaarada Afrika mise jirtaa cid hada ka hor idiin sharaxday oo Soomaali ah mar hadey yahiin wadamo horey u maray.......
Sababta ugu weyn waa hal ujeedo oo kaliya.1- Hadii ay wax wanagsan ka sheegaan qaarada Afrika waxaa wadamadooda ka soo guurayo dadka dabaqada dhexe ku nool ee hantida heysta oo dhaqaalahey heystaan nolol ka jaban mida ay ku heystaan dalalka reer galbeedka ku helayo qaarada Afrika,hadey tahay cunto fresh ah iyo cimilo wanaagsan,hadey taasi dhacdona waxey noqonayaan wadamo sabool ah marka waa in shacabka wadamada reer galbeedka ku nool maalinkasta loo xumeeyaa qaarada Afrika oo noloshii iyosiyaasadii ayaa halkaas ka gashay, Intaasi waanu isla fahanay sow maahan.
Dhinac kale ayaan wax idiinka tusineynaa aan isla aadno gudaha dalkeena hooyo ee Somaliya iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u yahiin dad wanaagsan,waad yaabeysaa sida aanu u nahay umad Allaah ku madneystay wax badan oo ay adag tahay iney helaan umado kale oo nala mid ah oo ku nool amaba qaarada Afrika amaba dunida inteeda kale, waana mida hadii ay sidegan jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed u aqristaan qeybaha B iyo C siiba kuwoda siyaasada dalkeena inoo galayo, weliba qeybaha inoo soo socda waa kuwa muujinaya waxa isku xiri kara qofka siyaasiga ah iyo bulshada uu doonayo inuu u galo siyaasada aaba uu