War-Saxaafadeed 14.08.2025-Baaq Gurmad Qaran: Mas’uuliyad siyaasadeed iyo wadahadal loo dhan yahayDhaqdhaqaaqa Isbedeldoonka ah ee Gurmad Qaran (GQ) wuxuu walaac weyn ka muujinayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka ee sii xumaaneysa, taas oo sababi karta xasillooni darro weyn iyo maqnaanshaha heshiis dhab ah oo dhex mara hoggamiyeyaasha dalka.

Dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran wuxuu si dhow ula socdaa dhacdooyinka dhawaan ka dhacaayey Soomaaliya, gaar ahaan wada hadallada u dhexeeya Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud iyo Madasha Samata Bixinta Qaranka ee ku saabsan dib u eegista dastuurka iyo habraacyada doorashooyinka. Ilaa iyo hadda, wada hadalladani ma keenin heshiis wax ku ool ah, taas oo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan jihada uu dalku u socdo.
Dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran wuxuu Madaxweynaha ugu baaqayaa inuu muujiyo xilkasnimo iyo masuuliyad dheeri ah oo uu mudnaanta siiyo danaha shacabka Soomaaliyeed isla markaana ilaaliyo midnimada qaranka. Gurmad Qaran wuxuu ku baaqayaa in si deg deg ah dib loogu soo laabto wada hadal loo dhan yahay oo lala yeesho dhammaan kooxaha mucaaradka ah, oo ay ku jiraan hoggaanka Puntland, Jubaland, iyo bulshada rayidka ah, iyadoo laga faa’idey sanayo muddada yar ee la haysto, si loo xalliyo arrimaha ku saabsan dib u eegista dastuurka iyo habraacyada doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in midnimada qaranka iyo xasilloonida dalka ay ka horreeyaan kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo danaha gaarka ah.
Dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran wuxuu ka digayaa in khilaafaadka siyaasadeed ee sii socda iyo kala-qaybsanaanta sii xoogaysanaysa ay khatar ku yihiin sharciyadda iyo midnimada hey’adaha dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya. Gurmad Qaran wuxuu aamin san yahay in dib u eegista arrimaha dastuurka ku meelgaarka ah ay muddo qaadan karto, sidaa daraaddeed, howlaha dastuurka waxaa la dhamays-tiri karaa muddo xileedka soo socdo.
Gurmad Qaran wuxuu mar kale xaqiijinayaa mowqifkiisa adag ee ah in dastuurka yahay heshiis Qaran, oo wax laga beddelli karo ama wax lagu dari karo haddii loo baahdo, isla markaana ay hannanka doorashooyinka noqdaan kuwo la isku raacsan yahay oo lagu dhiso heshiis Qaran,isla markaana la iskula xisaabtamo.
Gurmad Qaran waxaa ka go'an ilaalinta mustaqbalka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya iyada oo loo marayo wadahadal,midnimo,iyo ixtiraam mabaadii'da dastuuriga ah.