Wednesday, April 24, 2024

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya kedib dalku xaguu u socdaa?,Maanta iyo mar kale Siyaasda Soomaaliya

 

 

Talaado, May 17, 2022-Kedib doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday 15 kii bisha May laguna doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud bal waxaan isku daynay inagoo ka dheregsan xaalada uu dalku ku sugan yahay  siiba shacabka Soomaaliyeed iyo ilhanadii ku dhacay shacabkeena 5tii sano ee ina dhaaftay bal waxa 48 saac ee ugu horeysa uu qaban doono madaxweynaha cusub amaba talabooyinka uu qaadi doono inagoo bal waqti siinay sidii caadaha aheyd marka madaxweyne la doorto hambalyadii lagula deg degi jiray inta ay ka dhamaaneyso.

 

Inagu qormadan oo ah weliba mid kooban uma soo gelin in aanu hambalyo ugu dirno madaxweyne cusub ee yimid,waqtina ku lumino ka hadalka madaxweynaha dalka qaribay ee sii baxayo waxaanse talo yar siineynaa madaxweynaha markii 2aad la doortay Xasan Sheikh Maxamud.

 

1- Waa marka koobaade sida caadadeenaa oo ah inuu muwaadinkasta oo Soomaaliyeed oo xil ka qabta dalkeena nagu leeyahay ixtiraam waxaanu ku leenahay soo dhawaaw masuuliyada culusne waxaan rajeyneynaa inuu Allaah kula garab galo.

 

2-Dalkaan ina Farmaajo iyo teamkiisa waa ku soo ciyaareen qiimo kasta oo ku kacayo hadii xabsi loo taxaabi karo Farmaajo iyo Fahad Yaasin iyadoo laga duulayo ilhaanadii iyo dib u dhacii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u geysteen waqtigey doontaba ha qaatatee ( saacad,maalin,isbuuc,bil iyo sanadba),waxey cidkasta oo arintaas fulisa u noqoneysa taariikh aan hari doonin,waxeyna meesha ka saari doontaa in mar danbe dalkeena intey shaqsiyaad iyo tiro yar oo bulshada ka mid ah iska yimaadaan waxey doonaan iska sameeyaan  hadane iyadoo loo sacbinayo iska baxaan.

 

3- Madaxweyne Xasan Sheikhow Soomaali uma baahno sawiro iyo qosol dalkaan iyo dadkiisa waxaa loogu ciyaaray sidii kubadii oo kale,R/wasaare karti leh iyo xukumad ka talo iyo wax qabad wanaagsan kuwii hore noo soo maray oo dhan dalka u keen nagana jooji siyaasadii ku dhisneyd kooxeysiga.xiligii aanu madaxweynahi yimaado sawiro qurqurxoon ka sameyn jirnay hadaanu nahay bahda HS.com waa isku dhaatay.qofkii hal maalin dalka iyo dadka Soomaaliyeed u adeegona waanu garneyna abaalka iyo wanaaga uu nagu leeyahay amaba sida wax looga qoro bulshada loo gaarsiiyo.markuu dalka iyo dadka ku ciyaarayana sida wax looga qoro bulshadana loo gaarsiiyo.

 

Dalkaan iyo dadkiisa waa lagu ciyaaray si weliba aan caadi aheyn, ilaa laga helayo isla xisaabtan dhab ah iyo hogaan u damqada mushkiladu sidaan ayey ahaan doontaa.weli waxaad ku jirtaa maalmahii sawirada,tahniyadaha oo qofka la doorto ay koox yar isku hareereyn jirtay kana mashquulin jirtay shaqooyinka kale ee muhiimkaa.isbedel muuqa oo siyaasadeed Soomaaliweyn tus weliba waqti gaaban,hadii kale wadan hebelaa fariin kuu soo diray iyo shirkad hebelaa sidaan ah waqtiga ha lagaaga qaado.dalkaan waxuu u bahan yahay in qofkasta loo dhiibo halka uu ku haboon yahay ee ogow Madaxweyne Xasan Sheikhow inuusan u baahneyn sacab been ah oo kaaka yimado dad adiga marna qabiil kugu taageerayo,marna dano shaqsi kaa leh ,marna war kaa qaadayo si ay shisheeyaha ugu gudbiyaan.Kalsooni ay shacabka Soomaaliyeed ku qabi karaan siyaasiga Soomaaligaa waa dhimatay hada waxii ka horeeyey hada kedib cidii soo celin laheyd ayaa leyska rabaa.Soomaaliweyn guul baan u rajeyneynaa.

Hiranstate Admin at 9:27 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka