Sunday, April 28, 2024

News In Somalia-Sunday, September 24, 2023- Maanta iyo Mar kale dagaalka Khawaariijta iyo siyaasada Soomaaliya, aan ku hormarno dagaalka Khawaariijta

News In Somalia-Sunday, September 24, 2023- Maanta iyo Mar kale dagaalka Khawaariijta iyo siyaasada Soomaaliya, aan ku hormarno dagaalka Khawaariijta.

( Nuruxka oo dhan hadaan soo koobno Khawaariij Waa jabtay),waxaa macquul ah in ay Somaali badan oo badankood sidey jeclaan lahayeen siiba kuwooda khawaariijta la shaqeysta amaba ay isla fashilmeen in ay bulshada hadba brobagaanada ay markaasi meel marin karaan kaliya isku sheegaan taasne waxey guul siyaasaded u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed,dib u soo aqri qoraalkaan midkii ka horeeyey waxaan ku sheegnay in ay khawaariij isla fashilmeen siyaasad ahaan labo ka mid ah xisbiyada siyaasada oo ay kala hogaaminayeen labo shaqsi oo siyaabo kala duwan horey loogu soo aaminay hogaanka dalka, weliba qoraalkaan si uu malaayiin Soomaaliya xasuus ugu noqdo sawir haka qataano meelna haku qortaano waqtiga aanu maanta qoreyno iyo saacada aad aqrineyso,labadaas xisbi iyo masuuliyiinta hogaaminayaan siyaasada Soomaaliya waa uga dhamaatay oo waxey isla fashilmeen khawaariijta,micnahu waa kaliya iyaga ma fashilmin ee xitaa hadba dowladahii ay beenta siyaasaded u sheegayen ayaa meel cidlo ah taagan mar kale qoraalkaan micno weyn ayuu u sameynayaan shacab badan oo Somaliyed inagaa labadaas xisbi waqti munaasib ah sida ay khawaariijta u buun buunin jireen iyo kalinta ay ku lahayeen waxa dalka ka dhacay qaarkood iyo markii dad gudaha Soomaaliya ka doonayaan beelaha Soomaaliyeed qaaarkood iney arimo iyo siyaasado guracan kala shaqeeyan waxa ay ku dhahaan oo dhan,yaan wax badan oo hada dhacayo la eegin waxaani waa siyaasado Khawaariij iyo kuwa aanu ka hadleyno ee fashilmay iyo hadba shisheyaha qaarkood ee kala shaqeeya ugu talo galeen flim mudo gaaban soconayo. 

 

Aan u laabano muhimada qoraalkena oo aanu ku soo qaadaneyno madaxweynaha Soomaaliya iyo gudomiyaha barlamanka oo aanu doneyno in aanu siino talo yar oo kooban oo aanu is lenahay waxey joogtaa waqtigeeda.

 

1- Madaxweynaha Soomaaliya waxaan leenahay hadii aadan horey u laheyn inta aad ku guda jirto dagaalka aad hormudka u tahay ee khawaariijta sameyso meel aad kala socoto amaba waxa afka qalaad lagu yiraahdo ( Situation Room), wadankaan  Soomaaliya ayaa la dhahaa hadey dunida dhan xitaa iskugu tagaan qof uusan Allaah dilin ma dhimanayo reerkasta oo Somali ah si ay dib ugu hantaan dalkooda marnaba ha celin wadankii ajnabi ah ee dalkeena nooga baxayo oo ciidamadiisa naga saarayo fadlan u fududee waa xiliga lagu kala garto hogaamiyaha rasmigaa iyo midka aan aheyn go'aanada uu qaadanayo dalkaan dadka u dhashay ayaa difaacan jiray hada kedibna difaacan doona.

 

2-Dagaalkaan waa lagu kala haray ma ahan oo kaliya in ay siyaasiyiin iyo shirkado ay suuqa ka baxayaan dhawaan oo kaliya waxaa ka sii daran sida ay khawaariij iyaga dhaxdooda hada isku ugaarsadaan qabiil qabil si kooxkasta ugu harto dhaqalahi shacabka Somaaliyeed laga qaadi jiray mudadii ay dalka ka howlgalayen weliba qoraalkaan kii ka horeyey ayaa ku sheegnay in ay qaarkood dowlada u keeni doonaan kuwooda madaxda ah,kedib markii maleeshiyada iyo kuwa hogaamiyaay kala noqdeen labo garab.

 

3- Qodobka 3aad waxaan la sugeynaa ilaa 4 meelood oo gacanta khawariijta ka baxayo dhawaan oo ay badankood baneyeen iyo kuwo xoog looga saarayo, kaliya wararka afka dowlada ku baxayo yuusan noqon kuwa fadhi ku dirirka oo kale amaba sida khawaariijta oo kale ee la leeyahay meelaha qaarkood 200 khawaariij ah ayaa lagu dilay iyo wax la mid ah oo aan xitaa meeshii ay duqeynta ka dhacday shacabka la tuseyn ilaa ay khawaariijta kuwooda ugu sareeya dhahaan hadii nala yiraahdo Hiiraan ayaa intaas leydiinka dilay waan aamineynaa laakinse meel kale ma aamineyno maxaa yeelay waa meeshii looga dilay 2700 khawaariij ah.

 

Aan u soo laabano gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Adan Maxamed Nuur ( Adan Madoobe) hadii aad dib u eegto qoraaladii aanu ka sameyn jirnay Koofur Galbeed iyo maamulka ka jira waxaanu markasta talo ku siin jrnay war dadka dhulka u xoreeya, hada maanta halka ay joogto maadaama aad tahay qofkii siyaasada degaankaas ugu sareyey sida ay hada xaalada koofur galbeed ku socoto ma ahan mid mustaqbalka anfaceysa degaanka halka ay hada joogto weliba dadkaasi oo ah dad Soomaaliyeed oo aanu jecel nahay waxaan leenahay fursado badan oo uu shacabka ku kasban karay madaxweyne LaftaGareen tan iyo markii sanadkii tagay dhamadkiisa aad ka odoyeysay heshiiskii siyaasadeed ee uu madaxweynaha Soomaaliya adiga kuu wakiishay oo hada ku ek  amaba ay ka harsan tahay kaliya waqti aan sidaas u badneyn waa naga talo hada meesha ay arinku joogto waa kaliya labo wado.

 

1- Dib u xoreynta oo mucaarad iyo mucaafid laga qeyb qaato si weliba mug leh.2- Doorashadii lagu qabto waqtigeda weliba si sharaf leh loogu ogolaado mucaaradka iney degaankooda dib ugu laabtaan oo ay halkaa ka ololeeyaan wax badan oo hada muuqda oo qiyaali siyaasadeed ku dhisan ma sii socon doonaan waa hubanti.

 

2- Mucaaradku waxey Madaxweyne Laftagareen ka heleen fursado siyaasadeed oo aysan heysn sanadkii tagay waxaana sabab u ah markii aan dhinackasta ka eegnay amaba aanu daraasaad ku sameynay labo arimood oo aanu u kala qaadeyno A iyo B.

 

A- Taageerayaasha madaxweyne Lafta Gareen oo ay badankood kaliya ka soo hartay iney aflagaadeeyaan mucaaradka  taasina waxaa horey ugu soo fashilmay siyaasiyiin heer federal ah, sida inoo muuqatana madaxwyene Lafta Gareen iyo maamuliisa waxey doonaan iyagu waa isku sheegi karaan amaba waa iska dhaadhicin karaan laakinse iney doorasho maraan wey ku qasban yahiin taasi oo lagu kala ogaan doono in ay shacbiyad heystaan sida la sheego iyo in ay mucaaradka ka shacbiyad badan yahiin.

 

B- Boqolkiiba 70% Shacabka Koofur Galbeed oo aad moodo iney ku noolyahiin dal aan Soomaliya aheyn oo kale oo mararka qaarkood iyagoo xaqiiqada degaankooda ka jirta iska indha tirayo waqti ku luminayo ka hadalka degaano ay dadkii lahaa mar hore nabadeysteen oo aysan xitaa qaarkood joogin khawaariij.

 

Lafta Gareen qudhiisa maxaa la gudboon?.Waxaa la gudboon in uu inta ay goori goor tahay soo dhaweeyo mucaaradka  arimaha hada taagana intuu hormuud u noqdo uu dhiso gudigii doorashada uuna ogolaado inuu isku diyaariyo doorasho

markaan sidan u hadleyno waxaan ka hadleyno waa maslaxada dadka degaanka oo dhinackasta ka dhiban mudo aad u fogna maalinkasta sidii loo lahaa degaanka ayaa leeydiin xoreynayaa markasta oo talaabo loo baahan yahay in la qaado safaro dibada ah laga aado.war helaa talo hela.

 

Fiiro Gaar ah- Madaxweynaha Somaliya waxaan leenahay yaan marnaba lagaa mashquulin dagaalka khawaariijta kooxdaan ma ahan iney kaliya iyaga fashilmeen waxey isla fashilmeen siyasiyiin badan iyo weliba wadamo ay siyasiyiintaas been u sheegi jireen si ay kaliya dhaqaalo kooban iyo guryo dibadaha laga dejiyey ugu noolaadaan filamkaas  waa gabo gabo hada.waan kuugu celineynaa dalkaan Soomaali ayaa leh wadankii ciidamadiisa la baxayo ha clein berito fasax markaas ayey Soomaalidu wax iska celinayaan.wadamo waxaa jiraan hogaamiyaashooda laga dhigay fulayiin sidii maalinaksta loogucabsi gelinayey inagaa ku biilna iyo inagaa dhaqaalo kusiina iyo wax la mid ah.waa in loo dhqmaan inu dalku yahay wadan xor ah oo calan, luqad iyo shacab leh............

 

Hiranstate Admin at 10:08 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka