Saturday, April 27, 2024

Doorashooyinka Soomaaliya

Soomaaliya 2022- Waxaa gabo gabo ku dhaw doorashooyinka baarlamanka labada aqal oo hada la doortay in ka badan kala bar xildhibanadii golaha shacabka taasi oo lagu wado in lagu soo gabo gabeeyo inta hartay ka hor dhamaadka bishani aynu ku jirno ee febaraayo.

Doorashada ugu xiisaha badan sanadkan ee madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa ka horeeya mida gudoonka baarlamaanka labada aqal iyadoona isla markaas la guda galayo tan madaxweynaha Soomaaliya oo ay sanadkan u taagan yahiin musharaxiin badan oo Soomaaliyeed.

 

Dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ay ragaadiyeen qalalaaso siyasadeed iyo maamul xumo waxii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexena aysan dadkiisu helin dowlad Soomaaliyeed oo ay madaxda hogaamineysa gaarsiiyaan doorasho dadweyne amaba doorasho qof iyo cod ah ayaa sanadkaan waxyaabaha ugu weyn ee lagu dooran doono madaxweynaha cusub ee imaan doona waxaa ugu horeya sidii  uu ku noqon lahaa mid dalka gaarsiiya 2022 ilaa 2055 sidii ay uga dhici laheyd doorasho dadweyne.

Waxaa kale oo aan iyaduna meesha ka marneyn dhameystirka dastuurka qabyada ah oo loo qaado afti dadweyne iyo qodoba kale oo dhamantood muhiim  u ah dowlad dhisida Soomaaliya.

 

Sidoo kale dalka Soomaaliya waa wadan aysan weli ciidamadiisa xooga dalka hanan amniga dalkooda  kuwaasi oo aan gacanta ku heyn xaduudaha dalka mudo ka badan 30 sano oo uu dalku burbursanaa.

 

Hadaba doorashada heerka federal ee dhawaan lagu soo doranayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sanadkan wax badan ka duwan doorashooyinkii hore uga dhici jiray dalka taasi oo ay shacabka Soomaaliyeed oo aan iyagu aheyn kuwii wax dooran lahaa isha uun ka daawanayaan hadba hab dhaqanka ay la yimaadaan baarlamaanka cusub ee 11aad maadaama halka ay dowladnimada Soomaaliya ka burburtay ay tahay matalaadii shacabka oo gebi ahaan luntay.

 

Wararka Hiran State

[email protected]

 

 

Hiranstate Admin at 6:55 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka