Friday, April 26, 2024

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya 2022

Mogdishu 2022-(Hiran State)- Doorashada heerka federal ee Soomaaliya oo uu qorshahu ahaa in ay dhacdo bishii labaad ee sanadkii tagay lana soo gabo gabeeyo si uu dalku u yeesho madaxweyne,baarlamaan iyo xukumad cusub ayaa waxey dib ugu dhacday in ka badan 5 jeer.

 

 taasi oo siyaasada guud ee dalka ka dhigtay mid cakiran sidaasina ku joogaan mudo halsano ah oo aan ku dhisneyn  wax sharciyad ah madaxdii la doortay sanadkii 2016 ka sida madaxweynaha, golayaasha labada aqal, iyo xukumada.

 

Dhanka kale mucaaradka oo dhawr jeer oo hore u soo jeedinayey madaxtooyada dhaliilo muuqday oo ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya ee heerka federal ayuu mar kale wadanku qarka u fuulay inuu dib  uga curto dagaaladii sokeeye ee dalka la haray mudo ka badan 30 sano kedib markii ay Soomaalidii halkii ay dhisan lahaayeen dowlad Soomaaliyeed xukunkana si nabad ah leyskugu dhiibi lahaa uu sii xoogeystay nidaamkii qabiilka iyo kala shakiga beelaha Soomaaliyeed.

Muran siyaasadeed iyo qilaafyo aan dhamaan iyo shirar badan oo ay dhamantood fashilmeen waxii  hadba markaasi lagu heshiiyey kedib, waxaa la doortay dhamaan golahii aqalka sare halka aysan weli soo idlaan tii golaha shacabka oo lagu balansan yahay in la soo gabo gabeeyo Feb/25/2022 oo ay ka harsan tahay mudo 22 cisho oo kaliya.

Marka leysku geeyo dadaalada doorashada ee hada socda kuna dhaw gabo gabada waxaa lagu wadaa in ugu danbeyn caasimada Soomaaliya ee Mogdishu lagu dorto gudoonkii baarlamaanka Soomaaliya ee heerka federal iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  si kedibna loo helo R/wasaare cusub oo soo dhisa xukumad iyo haya'ddahii kale ee ee ay ku dhismi laheyd dowlada 4ta sano ee inagu  soo aadan. 

 

Mogdishu,Soomaaliya.

Hiranstate Admin at 7:36 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka