Thursday, April 18, 2024

What’s new? The Eleventh Parliament of Somalia or newly elected members of parliament of the Somali federal government's inauguration ceremony in Mogadishu on April 14,2022.

Friday, April 8, 2022-Doorashooyinka Soomaaliya oo lagu wado in la dhaariyo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11aad ee labada aqal oo ay mudada la dhaarinayo  la mudeeyey 14 ka bishani aynu ku jiro oo ay ka harsan tahay 6 maalmood.Xidhibaanada ayaa bedeli doona baarlamaankii 10aad  ee uu waqtigiisu dhamaaday 27 kii December, 2020 kii ayaa dhawaan  dooran doorana gudoonkii baarlamaanka labada aqal ee uu dalku yeelan lahaa 2020 ilaa 2025.

inkasta oo leysku dayayo sidii karaamada looga qaadi lahaa baarlamaanka cusub si uusan dalku marnaba u yeelan wax dowlad ah hadane waxaa hubanti ah in uu dalka Soomaaliya waxii ka danbeeya 14 ka April uu yeelan doono baarlamaan iyo xildhibaano cusub oo sharci ah, soona doorta gudoonkii labada aqal. kedibna waxaa la guda geli doonaa doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

 

Hadaba yaa ku qasaaray ilaa hada doorshada Soomaaliya ee sida kutalo galka ah marba marka ka danbeysa dib loogu dhigayey mudo ka badan sanad xili ay xarunta Villa Soomaaliya joogaan madax ku fadhiyaan kuraas sharci daro ah?.marka loo eego dal leh Xeer iyo Dastuur. walow ay su'aashan u baahan tahay jawaab in loo helo (horta Xeerka iyo Dastuurka ma lagu dhaqmaa goormuuse shaqeeyaa)?.

 

Waxaase muhiim ah in ay isweydiiyaan malaayiin Soomaali ah hadii xildhibaanada cusub xiliga la dhaarinayo la siyaasadeeyo ma u maleyneysaa in ay dooran donaan kuwa doorashada markasta dib u dhiga ee hadane ku fadhiyaan kuraasta sharci darada ah?,mise kula tahay markii  la gaaro doorashada in ay warkooda dhageysan doonaan madaxweyne goboleed doorashada Soomaaliya ka ganacsanayey mudadii ay ololaha ku jireen xildhibaanadan cusub ee hada dooran ee kaliya sugaya dhaalinta si ay dalka siyaasadiisa u jiheeyaan?.

 

Qoraal hore ayaan waxaan ku bidhaaminay wadankii ugu horeyey ee ku qasaaray siyaasada Soomaaliya inuu yahay dowlada Qatar.waxaan shacabka maalmaha inagu soo adan la wadaagi doonaa inta siyaasi ee aan garaneyn inuu dalku ku socdo wado qaldan oo ay qaadan doonto waqti dheer in laga soo gabsado kuwaasi oo isku dayaya sidii ay u sameyn lahaayeen waxkasta oo lagu carqaladeyn karo dhaarinta Xildhibaanada cusub oo ay ka harsan tahay mudadii loo asteeyey 6 maalmood oo kaliya.

 

Waxaan ognahay in ay Xildhibaanada ku sugan magalada Baydhabo iyo kuwo badan oo ku sugan Mogdishu hadii ay si sharaf leh u soo fasaxi waayaan kuwa qiyaaliga siyaasadeed ku heysta oo doonayo iney baarlmaanka cusub durbaba u muujiyaan kuwo u afduuban shaqsiyaad in ay si iskood ah u kala tagi doonaan oo ay imaan doonaan goobta lagu dhaarinayo xildhibanada cusub.

waxaani aynu ka hadleyno waa wax horey u soo dhacay fashilkii SOomaali ka raacayna  weli wuu muuqdaa xiligii ay joogeen baarlamaankii 10aad.

 

Xidhibaanka markii la doorto waxaa jira waajib saaran oo ah inuu kala garan karo cida loo diidan yahay inuu dalkaan sharciga ku hogaamiyo inuu isagu yahay degaankii lagu soo doortay iyo guud ahaan dalkana waxuu wax u qaban karaa markii uu horta arko inuu yahay mudane baarlamaan oo sharaf leh dalkiisa iyo bulshadiisana qiimo ku dhax leh xor u ah waxii danta dalka, diinta iyo dadkaba ku jirta.

 

laakisne hadey arintu noqoto anigaad qolkaan iiku jireysaan micnahu waa xildhibaan amaba mudane baarlamaan ma jiro ee waa qof la heysta ah.dadkii ku soo baxay doorashada Soomaaliya .waa muhiim in ay xildhibaanada cusub ee hada dooran kala saaraan is jiid jiidka micno daroda ah ee hada dalka laga bilaabay iyo halka uu dalku hiigsanayo oo ah sidii loo bad baadin lahaa.

 

Xildhibaanada ku cusub baarlamaankaan 11aad ogaada kuwii idinka horeeyey ee baarlamaanka 10aad mar kale ku soo laabtay kooxo ayey ka tirsan yahiin oo hadey arkaan ineysan siyaasadu u socon dhankooda sidii ay baarlamankii 10aad ugu ciyaareen ayey kana ugu ciyaari doonaan.

 

u istaaga dalka una doorta dad u qalma umada Soomaaliyeed.Bal eg madaxda uu hada mudo xileedkoodu dhamaaday halka ay dalka dhigeen.1-Soomaaliland oo muhiim u aheyd wada hadaladii Soomaaliya wey la dagaaleen,dagaal uguma egeyne xitaa deeqahii dibada ee ay aduunyadu ugu talo gashay wey ka xanibeen.isweydii sidee leyskugu soo dhawaanayaa?.

 

2- Bal eeg maamulada gobolada  koofureed ka jira heerka ay kala joogaa oo loogu yeeray  maamulo kala qeybsan. bal eeg dib u dhaca dhaqaale iyo nolosha aadka u qariban ee ay maanta ku jiraan shacabka Soomaaliyeed iyo muranka macno darada ah ee ay kooxdaan Villa Soomaaliya ku joogta sharci darada dalka ka wadaan.

 

3- Bal eg xiriirkii wadamadii deriska oo noqday mid aan ku dhisneyn heshiis labo dal oo loo kala saaray kuwo dano shaqsi laga leeyahay iyo kuwo colaad looga abuuray shacabka Soomaaliyeed  ee mudada dhibanaa?.4- Bal eeg heerka uu gaaray ku takri falka iyo qaran qabka lagu sameeyey Dastuurka dalka ee ahaa (Heshiis Bulsho). xagee lagu arkey wadan madaxdiisii uu waqtiga ka dhamaaday oo ay kaliya horey iyo gadaal bulshada u wadaan madax goboleedyo iyagii xitaa is didan?

 

Intaas oo dhan oo qaladaad siyaasadeed ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed laga soo galay hadii aad dalka u dooran weysaan hogaamiye u qalma xilka madaxwyenaha Soomaaliya iyo gudoon baarlamaan oo ad adag sharciga daalkana ilaaliya lana xisaabtanma hayaddaha fulinta iyo xafiiska madaxweynaha adinkana meel ma gari doontaanoo waxaad lugeyseen caruurtiina, dalkuna sidaan ayuu beylah u ahaan doonaa weligii dowladaha hada fowdada dalka ka jirta qeybta ka ahne waxkasta oo ay gudaha Soomaaliya ka sameeyaan oo xumaan ah gudaha  wadamadooda ayey ka curan doonaan.Maxaa yeelay horaa loo yiri What Goes Around,Comes Around.

Hiranstate Admin at 8:12 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka