Friday, April 26, 2024

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Soomaaliya 2022-Midowga Afrika ,Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka  oo 20 sano kedib magaca ka bedelaya howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.Laga soo bilaabo sanadkii 2007kii oo aheyd markii ugu horeysay ee ay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ogolaadeen in Soomaaliya loo diro ciidamada AMISOM oo ka socda Ururka Midigowga Africa kedibna sidaasi ololaansho looga helay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tan iyo waqtigaas ciidamada AMISOM u cusboonaysiinayay waajibaadkooda ay ku joogaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa socda qorshe magaca howlgalka looga bedelayo dhawan.

wada-hadallado mudo u socday AU iyo DFS si ay ugu heshiiyaan qaab-hawleed cusub oo ugu dambeyn lagu wareejin doono mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ammaanka.

Ugu danbeyna gudi iskugu jira Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan bartamaha bishani aynu ku jirno golaha guud ee qaramada midoobay, kaasi oo looga hadlayo howlgalka cusub ee bilaabmaya 2022.

Dukumeentiyada loo gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  oo ay soo diyaariyeen dhinacyadii howshaani soo diyaariyey ayaa lagu wadaa in ay Qaramada Midoobay gaarsiiyaan ka hor inta aysan dhamaanin bisha 2aad ee sanadkan.

 

Wararka Soomaaliya

[email protected]

 

 

 

Hiranstate Admin at 10:19 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka