Djabouti-( Hiran State)-Dowlada Jabouti oo mar kale ku guuleysatay kursiga xubinimada golaha nabadda iyo ammaanka ee midowga Afrika.
Dowlada Jabouti oo kursigan horey ugu fadhisay ayaa waxey tartanka ay wada galeen dowlada Soomaaliya xili uu magaalada Addis Ababa ka furmay shirweynahii 40aad ee ururka midowga Africa.
Dowlada Jabuuti ayaa heshay 19 cod, halka Soomaaliya oo dooneysay in iyadana kursigaan loo doorto ay 13 cod heshay waxaana sidaasi kursigan ku sii heyn doona ilaa 2025 dalka Jabouti.
Hiran State Admin.