News In Somalia-Sunday, September 24, 2023- Maanta iyo Mar kale dagaalka Khawaariijta iyo siyaasada Soomaaliya, aan ku hormarno dagaalka Khawaariijta.
( Nuruxka oo dhan hadaan soo koobno Khawaariij Waa jabtay),waxaa macquul ah in ay Somaali badan oo badankood sidey jeclaan lahayeen siiba kuwooda khawaariijta la shaqeysta amaba ay isla fashilmeen in ay bulshada hadba brobagaanada ay markaasi meel marin karaan kaliya isku sheegaan taasne waxey guul siyaasaded u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed,dib u soo aqri qoraalkaan midkii ka horeeyey waxaan ku sheegnay in ay khawaariij isla fashilmeen siyaasad ahaan labo ka mid ah xisbiyada siyaasada oo ay kala hogaaminayeen labo shaqsi oo siyaabo kala duwan horey loogu soo aaminay hogaanka dalka, weliba qoraalkaan si uu malaayiin Soomaaliya xasuus ugu noqdo sawir haka qataano meelna haku qortaano waqtiga aanu maanta qoreyno iyo saacada aad aqrineyso,labadaas xisbi iyo masuuliyiinta hogaaminayaan siyaasada Soomaaliya waa uga dhamaatay oo waxey isla fashilmeen khawaariijta,micnahu waa kaliya iyaga ma fashilmin ee xitaa hadba dowladahii ay beenta siyaasaded u sheegayen ayaa meel cidlo ah taagan mar kale qoraalkaan micno weyn ayuu u sameynayaan shacab badan oo Somaliyed inagaa labadaas xisbi waqti munaasib ah sida ay khawaariijta u buun buunin jireen iyo kalinta ay ku lahayeen waxa dalka ka dhacay qaarkood iyo markii dad gudaha Soomaaliya ka doonayaan beelaha Soomaaliyeed qaaarkood iney arimo iyo siyaasado guracan kala shaqeeyan waxa ay ku dhahaan oo dhan,yaan wax badan oo hada dhacayo la eegin waxaani waa siyaasado Khawaariij iyo kuwa aanu ka hadleyno ee fashilmay iyo hadba shisheyaha qaarkood ee kala shaqeeya ugu talo galeen flim mudo gaaban soconayo.
Aan u laabano muhimada qoraalkena oo aanu ku soo qaadaneyno madaxweynaha Soomaaliya iyo gudomiyaha barlamanka oo aanu doneyno in aanu siino talo yar oo kooban oo aanu is lenahay waxey joogtaa waqtigeeda.
1- Madaxweynaha Soomaaliya waxaan leenahay hadii aadan horey u laheyn inta aad ku guda jirto dagaalka aad hormudka u tahay ee khawaariijta sameyso meel aad kala socoto amaba waxa afka qalaad lagu yiraahdo ( Situation Room), wadankaan Soomaaliya ayaa la dhahaa hadey dunida dhan xitaa iskugu tagaan qof uusan Allaah dilin ma dhimanayo reerkasta oo Somali ah si ay dib ugu hantaan dalkooda marnaba ha celin wadankii ajnabi ah ee dalkeena nooga baxayo oo ciidamadiisa naga saarayo fadlan u fududee waa xiliga lagu kala garto hogaamiyaha rasmigaa iyo midka aan aheyn go'aanada uu qaadanayo dalkaan dadka u dhashay ayaa difaacan jiray hada kedibna difaacan doona.
2-Dagaalkaan waa lagu kala haray ma ahan oo kaliya in ay siyaasiyiin iyo shirkado ay suuqa ka baxayaan dhawaan oo kaliya waxaa ka sii daran sida ay khawaariij iyaga dhaxdooda hada isku ugaarsadaan qabiil qabil si kooxkasta ugu harto dhaqalahi shacabka Somaaliyeed laga qaadi jiray mudadii ay dalka ka howlgalayen weliba qoraalkaan kii ka horeyey ayaa ku sheegnay in ay qaarkood dowlada u keeni doonaan kuwooda madaxda ah,kedib markii maleeshiyada iyo kuwa hogaamiyaay kala noqdeen labo garab.
3- Qodobka 3aad waxaan la sugeynaa ilaa 4 meelood oo gacanta khawariijta ka baxayo dhawaan oo ay badankood baneyeen iyo kuwo xoog looga saarayo, kaliya wararka afka dowlada ku baxayo yuusan noqon kuwa fadhi ku dirirka oo kale amaba sida khawaariijta oo kale ee la leeyahay meelaha qaarkood 200 khawaariij ah ayaa lagu dilay iyo wax la mid ah oo aan xitaa meeshii ay duqeynta ka dhacday shacabka la tuseyn ilaa ay khawaariijta kuwooda ugu sareeya dhahaan hadii nala yiraahdo Hiiraan ayaa intaas leydiinka dilay waan aamineynaa laakinse meel kale ma aamineyno maxaa yeelay waa meeshii looga dilay 2700 khawaariij ah.
Aan u soo laabano gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Adan Maxamed Nuur ( Adan Madoobe) hadii aad dib u eegto qoraaladii aanu ka sameyn jirnay Koofur Galbeed iyo maamulka ka jira waxaanu markasta talo ku siin jrnay war dadka dhulka u xoreeya, hada maanta halka ay joogto maadaama aad tahay qofkii siyaasada degaankaas ugu sareyey sida ay hada xaalada koofur galbeed ku socoto ma ahan mid mustaqbalka anfaceysa degaanka halka ay hada joogto weliba dadkaasi oo ah dad Soomaaliyeed oo aanu jecel nahay waxaan leenahay fursado badan oo uu shacabka ku kasban karay madaxweyne LaftaGareen tan iyo markii sanadkii tagay dhamadkiisa aad ka odoyeysay heshiiskii siyaasadeed ee uu madaxweynaha Soomaaliya adiga kuu wakiishay oo hada ku ek amaba ay ka harsan tahay kaliya waqti aan sidaas u badneyn waa naga talo hada meesha ay arinku joogto waa kaliya labo wado.
1- Dib u xoreynta oo mucaarad iyo mucaafid laga qeyb qaato si weliba mug leh.2- Doorashadii lagu qabto waqtigeda weliba si sharaf leh loogu ogolaado mucaaradka iney degaankooda dib ugu laabtaan oo ay halkaa ka ololeeyaan wax badan oo hada muuqda oo qiyaali siyaasadeed ku dhisan ma sii socon doonaan waa hubanti.
2- Mucaaradku waxey Madaxweyne Laftagareen ka heleen fursado siyaasadeed oo aysan heysn sanadkii tagay waxaana sabab u ah markii aan dhinackasta ka eegnay amaba aanu daraasaad ku sameynay labo arimood oo aanu u kala qaadeyno A iyo B.
A- Taageerayaasha madaxweyne Lafta Gareen oo ay badankood kaliya ka soo hartay iney aflagaadeeyaan mucaaradka taasina waxaa horey ugu soo fashilmay siyaasiyiin heer federal ah, sida inoo muuqatana madaxwyene Lafta Gareen iyo maamuliisa waxey doonaan iyagu waa isku sheegi karaan amaba waa iska dhaadhicin karaan laakinse iney doorasho maraan wey ku qasban yahiin taasi oo lagu kala ogaan doono in ay shacbiyad heystaan sida la sheego iyo in ay mucaaradka ka shacbiyad badan yahiin.
B- Boqolkiiba 70% Shacabka Koofur Galbeed oo aad moodo iney ku noolyahiin dal aan Soomaliya aheyn oo kale oo mararka qaarkood iyagoo xaqiiqada degaankooda ka jirta iska indha tirayo waqti ku luminayo ka hadalka degaano ay dadkii lahaa mar hore nabadeysteen oo aysan xitaa qaarkood joogin khawaariij.
Lafta Gareen qudhiisa maxaa la gudboon?.Waxaa la gudboon in uu inta ay goori goor tahay soo dhaweeyo mucaaradka arimaha hada taagana intuu hormuud u noqdo uu dhiso gudigii doorashada uuna ogolaado inuu isku diyaariyo doorasho
markaan sidan u hadleyno waxaan ka hadleyno waa maslaxada dadka degaanka oo dhinackasta ka dhiban mudo aad u fogna maalinkasta sidii loo lahaa degaanka ayaa leeydiin xoreynayaa markasta oo talaabo loo baahan yahay in la qaado safaro dibada ah laga aado.war helaa talo hela.
Fiiro Gaar ah- Madaxweynaha Somaliya waxaan leenahay yaan marnaba lagaa mashquulin dagaalka khawaariijta kooxdaan ma ahan iney kaliya iyaga fashilmeen waxey isla fashilmeen siyasiyiin badan iyo weliba wadamo ay siyasiyiintaas been u sheegi jireen si ay kaliya dhaqaalo kooban iyo guryo dibadaha laga dejiyey ugu noolaadaan filamkaas waa gabo gabo hada.waan kuugu celineynaa dalkaan Soomaali ayaa leh wadankii ciidamadiisa la baxayo ha clein berito fasax markaas ayey Soomaalidu wax iska celinayaan.wadamo waxaa jiraan hogaamiyaashooda laga dhigay fulayiin sidii maalinaksta loogucabsi gelinayey inagaa ku biilna iyo inagaa dhaqaalo kusiina iyo wax la mid ah.waa in loo dhqmaan inu dalku yahay wadan xor ah oo calan, luqad iyo shacab leh............
Talaado,May 24,2022-Waxaan u maleyneynaa in ay maanta inoogu ekeyd isbuucii ay Soomaalida ula baxeen soo dhaweynta madaxwynaha cusub ee dhawaan la doortay mudane Xasan Sheikh Maxamud.Inagoo ka duuleyna qaladaadkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay kuwoodii ugu waa weynaa.hadane bal waxaanu maanta isku dayeynaa hadiiba ay talo wax tareyso in aanu siino madaxweynahaan cusub iyo inta ku hareereysan kuwaasi oo iskugu jiraan.Qaar kuraas ka raba,qaar ku xisbi ah,qaar qaraabonimo ula jooga,qaar dowladnimadu ay ku weyn tahay doonayana dalku inuu inoo hagaago ( waase Tiro aad yar), qaar dano ganacsi ka leh, qaar xarunta villada dhax joogideeda iska jecel, qaar shisheeye u shaqeeya oo iyagu arimaha Soomaaliya markii ay noqoto ku jira safka hore.micnahu kuwaas hadii la sii qeexo waa (qof inta ku dila hadane noqda qofka ugu horeeya ee qabrigaada yimaada amaba soo xaadira geeridaada).
Madaxweynaha cusub waxaanu leenahay bal howsha sidey u kala horeysa ayaa loo kala qaadaaye 1- Hadii uu dalka ka maqan yahay qofka aad dooneyso in aad ka dhigto R/wasaarsaha Soomaaliya u yeer si weliba dhaqso ah,hadii uu dalka joogana waxbo ha sugin inta laga gaarayo bisha uu dastuurku kuu siinayo sharciga ee ku dhawaaq.micnahu haduu Farmaajo kakaa baxay xaruntii Villa siyaasadii waxaa weli qasayo wasiiradii iyo shaqsiyaadkii la soo shaqeynayey 5tii sano ee ina dhaaftay ee dalkaan soo qaribay.Bilaa caleyk waqti kale dalkaan iyo shacabkiisa in laga lumiyo uma baahno hadii aad tahay siyaasi inta uusan guleysan ay u degsaneyd qorshe cad oo siyaasadeed oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu maamulo loogana bixi karo fowdadii iyo dhibaatadii loo geystay shacabka Soomaaliyeed ku dhaqaaq.
2- Qudbadaadii ugu horeysay waxaa ku jiray ma jiri doonto aargoosi siyaasadeed aargoosi waxaa la yiraahdaa marka qabiil intuu qabiil dulmiyo kii la dulmiyey mudo kedib markii ay fursad helaan isla ficilkii lagu sameeyey oo kale sameeyaan.dalkaan waxaa qaribay oo tacadiyo waaweyn ka geystay waa shaqsiyaad la wada garanayo oo xilal kala duwan ka hayey dowladii hada dhacday ee uu hor joogaha u ahaa Farmaajo .hadii aad inta dhageysato beenta iyo kuturi kuteenka social mediyaha ee fashiliyey siyaasadii madaxweynahii kaa horeeyey oo uu dalku ka dhici waayo isla xisaabtan dhab ah, siiba danbiyada waaweyn ee la yaqaano dadkii geystay amaba aad adigoo dalka mar labaad madaxweyne in aad ka noqoto fursad laguu siiyey aad tacadiyadii iyo ilhaanadii shacabka Soomalaiyeed ee masaakiintaa loo geystay aad iska indha tirto.12 ilaa 24 bilood adigoo aan dalka u diyaarin howsha lagaaga fadhiyo ayuu waqtiga kugu dhici doonaa meel ku qoro.
Qofkii shaleyto danbi galay oo arkaya in aan lala xisaabtameyn berito mid kaas ka badan ayuu intuu soo laabto halkeedii ka sii wadi karaa.waa in xal loo helo tacadiyadii dhacay,hadiise aad shacabka Soomaaliyeed sidii Farmaajo 2017 kii ku soo galay siyaasad been ah isagoo aan xitaa wadan wax qorshe siyaasadeed uu dalka ku hogaamin karo waxaad mari doontaa isla wadadaas.
3- Si uusan qoraalku inoo la dheeraan waa u muhiim dalka in lagu sameeyo ( Reform) The country needs to make changes in typically a social, political,economic) in order to improve it.waxii horey loo soo maray iyadoo laga duulayo,maxaa yeelay dowladnimada Soomaaliya waxey u bahaan tahay dib u qaabeyn xoogan oo aan aheyn wasiir hebelaa la bedelay iyo madaxweyne ayaa xafiiskii ku wareejiyey mid cusub.dalkaan u keen R/wasaare aad adiga soo xulatay ee aan laguu keenin maxaa yeelay qof laguu keenay oo aadan isla shaqeyn karin waxaa ka wanaagsan qof aad adiga keensato si aadan berito qof kale ugu eedeeyn waxii dalka ka halaabo.arinta ugu danbeysa ee aanu qormadeena maanta ku soo qatimeyno waa in aad si wanaagsan u garan karto dhaqanka Shacabka Soomaaliyeed amaba beelaha Soomaaliyeed kuwaasi oo iskugu jira kuwo waxa kaliya ay ku qanci karaan ay tahay xilal badan oo la siiyo iyo kuwo kaliya doonayo inuu dalkooda u hagaago oo kaliya u baahan in la xormeeyo madaxana loo saxaalo oo aan lagu hor cararin,waxii ay dalka xaq ugu leeyahiina la siiyo iyadoo aan loo boobeyn kuwo kale oo qeyrkood ah. Dalkaan wuu ka badan yahay Soomaali oo dhan kaliya waxey shacabku doonayaan in waxii horey u soo dhacayne dadkii geystay loo helo isla xisaabtan dhab ah inta hada muuqata ee la ogyahay dadkii geystayna ay joogaan. weliba madaxweyne Xasan Sheikhow waxaan shacabka la wadaagi karnaa adiga dowladii ku maalgelisay xiligii ay doorashadu socotay.ha ogaadeen siyaasiyiinta Soomaalida ineysan ku imaan doorasho shacab oo ay ku yimaadaan maalgelin shisheeye iyadoo ay sidaas tahay hadii aad dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegi weysaan amaba aad siin weysaan adeega ay u baahan yahiin oo ah (Government Services),dadka ugu horeeya ee uu ku dhacayo burburka siyaasadeed ma ahan shacabka ee waa madaxda Soomaalida.
Qiso yar oo hada ka hor xiligii dowladii kacaanka ay jirtay ka dhacday magaalo ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa dhacday in haweeney dhulka miyiga ah oo caano keentay suuqa uu iyadoo aan xitaa laga iibsan caanahii uu nin dowlada hoose u shaqeeya (Minishiibiyada) uu weydiiyey canshuur, kedibna ay weysay wax ay siiso iyadoo ay weliba ka muuqatay Diif iyo haraad maadaama ay mudo soo lugeyneysay oo ay caanaha ka keentay dhul aad uga fogaa magaaladii ay keensatay caanaha. kedibna ninkii minishiibiyada ahaa waxuu ka qaatay Dhiishii caanaha aheyd markaas ayey lacag ka sii densatay haweeney la socotay oo iyada caanahii laga iibsaday sidaas ayeyna ku bixisay canshuurtii.
kedibna maxaa dhacay isla gebedhii Soomaaliyeed ee canshuurta laga qaaday ayaa iyadoo aan la ogeyn iney Uur laheyd halkii suuqa dhaxdiisa ku foolatay.Nasiib wanaag ninkii Minishiibiyada ahaa meel aan ka fogeyn ayuu canshuurtii ku qaadayey xitaa gabadhii ma caawin oo shaqadiisii ayuu iska sii watay isagoo arkayey waxa ka dhacayo goobtii ay ku umuleysay gabadha.kedibna waxaa
(Garbasaaradii,Shaashkii, ilyartii amaba ganbadii) ay wateen iska qaaday dumar kale oo sidaas gabadhii cawradeeda ugu qariyey kana dhaliyey ilmahii yaraa ee caloosheeda ku jiray. Isweydii What Kind of Government is That?.hadaba 39 sano kedib markii ay qisadaas ka dhacday dalka Soomaaliya isla qisadaas kuwo ka xun ayaa 5tii sano ee ina dhaaftay ka dhacay dalka Soomaaliya.
Shacabka hadaan la xormeyn karin yuusan siyaasi Soomaali ah masuuliyad sheegan iyagu ama ha is dilaano ama geed hoostiisa haku heshiiyaano ee faraha ha laga qaado intii dowlad magac u yaal ah dalkooda ay ka jiri laheyd,dowlad aan adeegkii ay xaqa u lahaayeen shacabka siin karin dowlad maahan.madax aan garaneyn waxa loo doortayna madax maahan.Soomaaliya waa dal mudo ku soo jiray mushkilad hadaan kuwii geystay loo helin sharci ay ka baqi karaan si kuwa imaan doona cashar ugu noqoto mushkiladu weligeed wey sii socon doontaa. madaxweyne Xasan Sheikh waxaa looga fadhiyaa inuu dalka u keeno R/wasaare iyo xukumad u danqanaysa shacabka dalkeena.qofkasta oo Soomaali ah wuu garanayaa waxa aanu ka hadleyno,laakinse waxaa lagu kala duwan yahay kaliya waa damiirka qofka iyo hadba siduu dalka iyo dadka qiimo ugu fadhiyo. la soco wararkeena danbe uiyo hadba waxii kyu soo kordha xaalada dalkeena.
War Gudoonka baarlamaanka 11aad iyo xildhibanada labada aqalow Allaah ka cabsada (Ka baqa).War Soomaaliyey dunida meeshii aad joogtaan ka jooga hadii aad tahay qof damiir leh rag yo dumar,culimo iyo caamo,aqoonyahan iyo mid aan aheyn,waayeel iyo dhalinyaro, inta aan la gaarin maalinta doorashada la xariir qofkii aad ka taqaano baarlamaankaan cusub adigoo qiimeynayo mushkilada iyo dhibaatada ay shacabkeenu ku jiraan talo fiican oo dalkeena iyo dadkeena u roon sii.
War gudoonka baarlamanka 11aad iyo xildhibanadow intaan doorashada la gaarin is wareysta sidii dad waalan oo habeenkii oo dhan ku dhafray sidii ay laaluush uga qaadan lahaayeen siyaasiyiin badankood horey u soo fashilmay oo sidii in ay shacabka Soomaaliyeed hada dhasheen oo kale mediyaha been aan loo meel dayan ka sheegayo aad waqti ku lumisaan codkiina meel uusan mudneyn haku ridin.
Shacabkeenu ma mudan yahiin sidan?. Shacabkani miyaa lagu tilaami karaa kuwo dal leh?. wadanka ay ku nool yahiin qeyraadkasta oo ku jira amaba uu leeyahay maxuu qiimo u leeyahay shacabkaan?.Waxaa loola baxay (IDP). oo uu micnaheedu yahay (Internally displaced person).
Hadii la sii qeexo waxaa loola jeedaa waa qof gurigiisa lagu qasbay inuu ka qaxo,lakinse aan weli ka bixin gudaha dalkiisa oo xaduudaha kusugan.waxaana mararka qaarkood loogu yeeraa qaxooti.ma dooneyno in aanu ku dheeraano qalbiga dhan ayaa na gubanayo, laakinse afka qalaad waxaa loola baxay amaba ay ugu yeeraan.An internally displaced person is someone who is forced to leave their home but who remains within their country's borders. weliba intaas looguma ekeyn waxaa loo raaciyey .They are often referred to as refugees,although they do not fall within the legal definitions of a refugee. Soomaaliyey dhamaanteen ceeb iyo ama kaak intaas inoogu filan.
Shacabkani waa tirada ugu badan ee noloshaan ku nool waa malaayiin iyo malaayiin dalka dhana ma jirto magaalo aysan ku nooleyn amaba aysan ku heysan nolol mida ugu xun,wadamada deriskana intaas iyo ka badan ayaa ku nool.weliba kam ahadleyno amni darda iyo kufsiga u dheer meelaha meelaha qaarkood.xildhibaanka siyaasi horey u soo fashilmay lacag uga qaadanayo oo kitaabkii uu ku dhaartay ku bedelanayo burburinta mustaqbalka malaayiin Soomaali ah maxuu noqonayaa sumcada iyo sharafta uu ka sugayo shacabkaan dhiban amaba maxey soo kordhineysaa in loogu yeero mudane baarlamaan?.
Shacabkani waxey u baahan yahiin hogaamiye ( Strong) ah, u diyaarsan ( ready), inuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed samata bixiyo , Shacabka Soomaaliyeed u adeega (working for the people).shacabka Soomaaliyeed waxey u baahan yahiin hogaamiye xalin kara mushkiladaha muuqda ee ku gadaaman shacabkeena sharafta leh ee looga ciyaaray mustaqbalka,laakinse aan iyagu awoodin iney si sahlan uga baxaan.
Muhiimada qormadan waa qofkasta oo Soomaali ah oo damiir leh oo ay ugu horeeyaan culimadu in aan mustaqbalka dalkaan lagu deyn sanadkan 329 ka xildhibaan iyo gudoonkooda,bil xaqiiqo in aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu bad badin karin dacaayad,borobagaando iyo mediya in dhaqaalo lagu helo iyo qaab qabiil inta loo furtay shacabka Soomaaliyeed lagu jah wareeriyo oo bulshada u buun buuninayo kuwii horey ugu soo fashilmay siyaasada oo ay lacag ka qaateen qaarkood.
Qofkasta oo Soomaali ah oo damiir leh inta ay goori goor tahay hala xariiro mudanayaasha ku biiray baarlamaanka 11aad kuwaasi oo iskugu jira kuwa horey uga mid ahaa baarlamaankii kan ka horeeyey ee fashilmay iyo xildhibaano cusub oo qaarkood uu gacmahooda ka qubanayo dhiig iyo danbiyo waaweyn oo ay dalka iyo dadka ka galeen.Dalkaan iyo dadkiisu waxey u baahan yahiin runta oo inta leysku sheego loo doorto sanadkan hogaamiye inta la rog rogay ugu yaraan isbedel muuqda laga rajeyn karo 2da sano ee ugu horeyso ee uu ku jiro kool koolinta.waxaanu sugnaaba waa doorasho iyo hogaamiye loo qaateen ah oo dalka loo helo waxii ka danbeeya 15 ka May.beentii hore socon weysay ee shacabka mid ka duwan ha lagu tijaabiyo Soomaaliyeey.
Talaado, May 17, 2022-Kedib doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday 15 kii bisha May laguna doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud bal waxaan isku daynay inagoo ka dheregsan xaalada uu dalku ku sugan yahay siiba shacabka Soomaaliyeed iyo ilhanadii ku dhacay shacabkeena 5tii sano ee ina dhaaftay bal waxa 48 saac ee ugu horeysa uu qaban doono madaxweynaha cusub amaba talabooyinka uu qaadi doono inagoo bal waqti siinay sidii caadaha aheyd marka madaxweyne la doorto hambalyadii lagula deg degi jiray inta ay ka dhamaaneyso.
Inagu qormadan oo ah weliba mid kooban uma soo gelin in aanu hambalyo ugu dirno madaxweyne cusub ee yimid,waqtina ku lumino ka hadalka madaxweynaha dalka qaribay ee sii baxayo waxaanse talo yar siineynaa madaxweynaha markii 2aad la doortay Xasan Sheikh Maxamud.
1- Waa marka koobaade sida caadadeenaa oo ah inuu muwaadinkasta oo Soomaaliyeed oo xil ka qabta dalkeena nagu leeyahay ixtiraam waxaanu ku leenahay soo dhawaaw masuuliyada culusne waxaan rajeyneynaa inuu Allaah kula garab galo.
2-Dalkaan ina Farmaajo iyo teamkiisa waa ku soo ciyaareen qiimo kasta oo ku kacayo hadii xabsi loo taxaabi karo Farmaajo iyo Fahad Yaasin iyadoo laga duulayo ilhaanadii iyo dib u dhacii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u geysteen waqtigey doontaba ha qaatatee ( saacad,maalin,isbuuc,bil iyo sanadba),waxey cidkasta oo arintaas fulisa u noqoneysa taariikh aan hari doonin,waxeyna meesha ka saari doontaa in mar danbe dalkeena intey shaqsiyaad iyo tiro yar oo bulshada ka mid ah iska yimaadaan waxey doonaan iska sameeyaan hadane iyadoo loo sacbinayo iska baxaan.
3- Madaxweyne Xasan Sheikhow Soomaali uma baahno sawiro iyo qosol dalkaan iyo dadkiisa waxaa loogu ciyaaray sidii kubadii oo kale,R/wasaare karti leh iyo xukumad ka talo iyo wax qabad wanaagsan kuwii hore noo soo maray oo dhan dalka u keen nagana jooji siyaasadii ku dhisneyd kooxeysiga.xiligii aanu madaxweynahi yimaado sawiro qurqurxoon ka sameyn jirnay hadaanu nahay bahda HS.com waa isku dhaatay.qofkii hal maalin dalka iyo dadka Soomaaliyeed u adeegona waanu garneyna abaalka iyo wanaaga uu nagu leeyahay amaba sida wax looga qoro bulshada loo gaarsiiyo.markuu dalka iyo dadka ku ciyaarayana sida wax looga qoro bulshadana loo gaarsiiyo.
Dalkaan iyo dadkiisa waa lagu ciyaaray si weliba aan caadi aheyn, ilaa laga helayo isla xisaabtan dhab ah iyo hogaan u damqada mushkiladu sidaan ayey ahaan doontaa.weli waxaad ku jirtaa maalmahii sawirada,tahniyadaha oo qofka la doorto ay koox yar isku hareereyn jirtay kana mashquulin jirtay shaqooyinka kale ee muhiimkaa.isbedel muuqa oo siyaasadeed Soomaaliweyn tus weliba waqti gaaban,hadii kale wadan hebelaa fariin kuu soo diray iyo shirkad hebelaa sidaan ah waqtiga ha lagaaga qaado.dalkaan waxuu u bahan yahay in qofkasta loo dhiibo halka uu ku haboon yahay ee ogow Madaxweyne Xasan Sheikhow inuusan u baahneyn sacab been ah oo kaaka yimado dad adiga marna qabiil kugu taageerayo,marna dano shaqsi kaa leh ,marna war kaa qaadayo si ay shisheeyaha ugu gudbiyaan.Kalsooni ay shacabka Soomaaliyeed ku qabi karaan siyaasiga Soomaaligaa waa dhimatay hada waxii ka horeeyey hada kedib cidii soo celin laheyd ayaa leyska rabaa.Soomaaliweyn guul baan u rajeyneynaa.
Elections in Somalia:In 2022, elections for the Federal Parliament speakers both Upper House (Senate) and a Lower House (House of the People),and subsequently the President of Somalia to take place after parliament inauguration ceremony on April 14,2022 .According to the Constitution of Somalia, the President is elected by the Federal Parliament soon.
Monday, April 11, 2022-Xili ay si habsami leh u socoto qaadashada shahaadooyinka iyo kaarka rasmigaa ee lagu noqdo mudane baarlamaan, dhinaca kalena ay ka socoto qaban qabada iyo u diyaar garowga xildhibaanada cusub ee baarlamanka 11aad ee bedelayo baarlamaankii uu waqtigiisu dhamaaday 27 kii bishii decembar ee 2020 oo la dhaarinayo 14 bisha April oo ay ka harsan tahay maalmo kooban. hadane hadii aanu soo koobno halka ay hada wax marayan,waxaa si rasmi ah u qaatay shahaadada iyo aqoonsiga in ka badan 200 oo xildhibaanada baaramaanka cusub ka mid ah.
Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya dhaarinta xildhibaanada cusub kedib waxaa iyadoo aan waqti kale laga dileyn shacabka Soomaaliyeed dhaarta kedib iska dhax dooran doonaan xildhibaanadu qofka ugu da'da weyn rag iyo dumar hadba tirada xildhibaanada ah ee ka mid noqday baarlamaanka cusub.kedibna waxey isla markii iska dhax dooranayaan gudiyo soo diyaariya doorashada gudoonka baarlamaanka labada aqal sida gudoomiyayaal iyo kuxigeeno.
Waxaa la guda geli doonaa qudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta u taagan qabashada xilalka kala duwan ee gudoonka baarlamaanka,kedibna waxaa sidaas lagu dooranayaa hadba qafkii u qalma inuu shacabka Soomaliyeed ka saari karo qatarta iyo fowdada laga dhaxlay dowlad la'aanta 30kii sano ee ina dhaaftay kuwaasi oo aan karaamada baarlamanka cusub ee Soomaaliya ka qaadeyn kuna dhaqma ilaalinta sharciga iyo dastuurka uu dalku leeyahay ee u baahan dhameystirka iyo in la gaarsiiyo heer loo qaado afti dadweyne si uu u noqdo mid shaqeeya.
Intaasi kedib waxaa ku xiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyadoo musharaxiinta laga dhageysanayo qudbado kedibna la guda galayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidaasina isaguna la tashiyo badan kedib ku soo magacaabi doono R/wasaare loogana sii gudbi doono dhismaha xukumad.dhamaan inta aan kor ku soo sheegnay uma baahan in waqti kale laga lumiyo shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu soo dhameyn karaa waqti cayiman dunidan qofkasta wuu ogyahay dal ay dhamaan hayaddahiisii dowliga ahaa oo dhan uu ka dhamaaday mudadii sharciga aheyd ee loogu talo galay hadaan loo helin dowlad iyo madax cusub halka uu ku danbeyn doono in ay tahay meel aan la mahadin doonin.
Arinta la hubo ee dalka Soomaaliya shacabkiisa la hartay waa in 80% dadka ku biira siyaasada Soomaaliya in aysan garaneyn waxa ay u galeen.midbaa ku leh waxaan ugu biiray in aan ilmaha ka biisho,midbaa ku leh waxaan siyaasada u galay in aan kula xifaaltamo beel kale oo Soomaaliyed oo horey ii soo dulmisay.midbaa ku leh qurbahii ayaan ku soo daalay meeshaan ayuu ka dhaw yahay in dhaqaalo laga abuurto.midbaa u galayo faan iyo istus tus.waxaasi oo dhan waxey dhashay in dalkii uu ku soo dhaco meel cidlo ah.
Hadaba iyadoo ay intaasi oo dhan jirto lana ogyahay tirada ay dhab ka tahay inuu dalkaan hagaago uuna noqdo qaran iyo umad sharaf leh ee siyaasada u gashay iney dalkooda hagaajiyaan iney tahay tiro aad u yar, hadane baarlamaankaan 11aad dalka ma u dooran doonaan sanadkan madaxweyne Soomaaliyeed oo weliba damiir leh?.maxaase laga filan karaa baarlamaanka 11aad oo hada la sii ogyahay iney ka buuxaan dad danbiyo waaweyn dalka ka soo galay oo uu dhiig badan ka qubanayo gacmahooda?.inta aan wadanka ka soo gelin danbiyada kuna cusub baarlamaanka 11aad intey ka fogaadaan danbiilayaashaas mar hadii ay iyagu yahiin tirada ugu badan ee baarlamaanka 11aad ku birtay wajiyo cusub ma noqon doonaan kuwo u istaago bad baadinta dalka iyo sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo umada ugu adeegta si hufan?.
Fashil dowladeed Soomaali waxaa ugu filan sida loogu ciyaaray sharaftii ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan cunaqabateyntii la saaray magaaalada Kismaayo ee dhinaca hawada.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in Isbitaalkii ugu weynaa gobolada dhexe ee Soomaaliya ee caafimadka looga soo doonan jiray ilaa Ethiopia iyo gobolada kuxeeran oo ku yaalo magaalada Baladweyne oo burburay leyska daawado waa xarun caafimaad oo aan mudneyn in la siyaasadeeyo.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in dhaqaalo dunidu ugu talo gashay Somaliland leyskaka heystay bank dhexe ee Soomaaliya dhawr sano iyadoo weliba kaliya la siiyey 10% oo intii kale aan la ogeyn halka ay ka baxday.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan jahwaeeerka dalkooda ku heysta malaayiin Soomaalia ah oo aan garaneyn meel ay u shaqo tagaan iyo amni leysku haleyn karo oo ka jira meelaha ay joogto dowlada federalka.
Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in mashaariic loogu talo galay in laga fuliyo gobolo badan oo dalka ka mid ah aan la garaneyn halka ay mareen 5tii sano ina dhaaftay.
Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in la doonayo in shacabka Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo in ay baarlamaanka Soomaaliya wada fadhiisan karaan xildhibaan danbiile ah iyo mid aan wax danbi ah laheyn kedibna iyagoo aan isla jaan qaadi karin sanadaha inagu soo aadan gudaha xarunta baarlamaanka isku feeraan.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan rabshadaha laga abuuray dhawr jeer Hirshabele,KG, Puntland,Gobolka Banaadir,Jubaland iyo burburka guud ee dalka soo gaaray.Madaxdii noocaas aheyd ee dowladnimadii Soomaaliya sidaas ugu ciyaaray miyaa mar kale lagu dhiiran karaa in la hor keeno bulshada Soomaaliyeed?. Jawaabtaas kolba Farmaajo ma tartami doono haduu tartamona waxaan ceeb aheyn kalama kulmi doono oo isagu maba ku jiro dadka la saadaalinayo iyo wax u dhaw doorashadana wuu iskaka hari doonaa haduu yahay qof ay ku hartay wax uun aqli ah, ee ma noqon doonan xildhibanada cusub ee baarlamaanka 11aad kuwo uu damiirkoodu shaqeeyo markii ay wax dooranayaan intey kala shaandheeyaan musharaxiintana dalka ma u dooran doonaan hogaamiye la yimaada aragti caafimaad qabta oo dal iyo dad lagu hogaamin karo?.