Friday, April 19, 2024

Sports-Tartanka Ciyaaraha Qaarada Afrika

Sports- ( Hiran State)- Tartanka Kubada Cagta qaarada oo Africa oo maray heer xasaasi ah iyadoona ay isku soo hareen  afartii kooxood ee ugu danbeeyey.

Tartankan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa sanadkan lagu  qabtay amaba marti geliyey wadanka Cameroon oo ku yaala galbeedka qaarada Africa.

Arinta ugu xiisaha badan waa in afarta wadan ee tartanka iskugu soo haray marka laga reebo dalka Masar  oo ah

dal ku yaala waqooyiga qaarada Africa 3da dal ee kale waxey ku yaalaa Galbeedka Africa, taasi oo muujineysa in dalalka uu xifaaltanka rasmigaa ee kubada cagta qaarada Africa ka dhaxeeyo ay yahiin kuwa ka soo jeeda Waqooyiga iyo Galbeedka qaarada Africa.

 

Koobanaa ayaa waxaa siweyn loogu saadaalinayey bilaawgii tartanka wadanka Senegal oo sanadkan la yimaadeen dhalinyaro  ku dheereeya xirfada kubada cagta oo uu hogaminayey laacibka kooxda Liverbool ee Sadio Mane.

Waxaase jirta in aan la dheyelsan karin wadanka martida loo yahay ee Cameroon oo ka mid ah kuwa ay fooda is dari doonaan dalka Masar. 

 

halka Senegal ay wajaheyso Burkino Faso.

Hiran State at 3:03 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka