Thursday, April 18, 2024

Madaxweynaha Soomaaliland

Somaliland (Hiran State)-Madaxweynaha  Somaliland  Muuse Biixi Oo Ciidamada Soomaaliland kala qeyb galay Sannad Guurada 28aad ee Aas-Aaska Ciidanka una diray dhanbaal.

War qoraal ah oo ka  soo baxay madaxtooyada Soomaaliland ayaa lagu yiri.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiisha, saraakiil ku xigeennada, ilaa dable, meel ay joogaanba xuska sannad guuradda 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Qaranka Somaliland. Kuna beegnayd bishii labaad labadeedii sanadkii 1994-kii (02/02/1994) oo ku beegan Arbacada.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyo taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska ciidanka naftood hurayaasha qaranka meel ay ka joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo qoysaskoodaba u rajaynayaa inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo, barwaaqo iyo bash-bash, halkaana ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhallinta himilada iyo adkaynta difaaca dalka iyo dadka Somaliland, taas oo ah mid ay shacbiga Somaliland muddadaa 28-ka sanno ah kaga gam’een ciidamada qaranka kalsooni iyo adkaynta jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.ayaa lagu yiri warbixinta madaxtooyada.

 

Hargeysa,Somaliland

Hiranstate Admin at 10:45 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka