Thursday, March 28, 2024

Mogdishu (HIran State)-RW Rooble oo ka hadlay xaalada Abaaraha

Mogdishu(Hiran State)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo mar kale siweyn uga hadlay xaalada dalka siiba abaaraha oo kulan kula qaatay xafiiskiisa qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

RW Rooble ayaa ku celiyey mar kale in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba iska kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

 

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay u xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan” ayuu yiri Ra’iisulwasaarahu, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah loona baahan yahay in loo gurmado.

 

Mogdishu Soomaaliya 

[email protected]

 

 

Hiran State at 1:18 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka