Thursday, April 25, 2024

The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Francisco Madeira was declared persona non grata on Thursday and given 48 hours to leave Somalia.

The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Francisco Madeira was declared persona non grata on Thursday and given 48 hours to leave Somalia.While after 15 years African Union Mission in Somalia (AMISOM) failed. Amb Mandeira must leave the country.

Thursday, April 7, 2022- Marnaba lama yaabeyno shaqsiyaadka badanaa dalka Soomaaliya loo soo diro waxa ay Soomaaliya u yimadeena in ay iska catahay fowdo iyo sidii ay dhaqaalo uga aburan lahaayeen dhiiga shacabka Soomaaliyeed.qofkasta oo Soomaali ah oo codadka laga duubay ninkani wakiilka uga ahaa arimaha Soomaaliya ururka midowga Africa markuu dhageysto hadii kii wakiilka Midowga  Africa ee arimaha Soomaliya ugu yeereen sidan u hadlayo maxaad u maleyneysaan askarta caadigaa ee ka socdo midowga Africa ee maalinkasta dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed?.

 

Bal ka warama dalka mudo colaad ku soo jiray in ka badan 30 sano oo hadane shacabkiisa la dhax keenay 20 kun oo ciidamo African ah oo dalka joogay mudo 15 sano ah hadii markii ay dhinackasta ka fashilmeen Soomalidiina ay ka dhinteen kumanaan shacab ah una sii dheer tahay burbur dhaqaalo iyo mid amni.dhawaana golaha Amaanka ee Qaramada midoobay markii uu shiray hadalkooda 15 sano kedib oo fashil ah ku soo koobaan qoraalkaan yar ee hoos ku qoran sida,

 

The new AU Transitional Mission in Somalia (ATMIS) replaced the 15-year-old AU Mission in Somalia (AMISOM) which failed to restore peace and stability in the country. xagey ka baxday dhaqaalahii ciidamadan la siinayey mudada 15 ka sano ah ee la doonayey in dalkaan lagu xasiliyo dalalkii dhiibeyna maxey aheyd ujeedada ay ka lahaayeen iney dhaqaalahaas bixiyaan howgalkiina fashilmo 15 sano kedib?.

 

Hadaba maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada ay dalka kaka sugan yahiin ciidamada midowga Africa ee AMISOM?. sow ma cado wadankii isku diyaarinayey doorashada ee Soomaaliya oo ay xildhibaanadiisa cusub dhaarintooda ka harsan tahay isbuuc oo kaliya tiradii ugu badneyd oo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaankana qaateen shahaadooyinkii halka qaar kale oo xildhibaano ah  dowlada Qatar oo dhaqaalaha bixineyso iyo dowlada Ethiopia oo ciidamo bixineysa ninkaan hada dalka laga ceyriyeyna uu howsha u waday madaxweynahii uu waqtiga ka dhamaday ee Farmaajona ay magalada Baydhabo qaab afduub ah ugu heystaan xildhibaanadii lagu soo dortay Koofur Galbeed si doorashada dalka loo fashiliyo dalkuna mar kale dib ugu laabto dagaalo sokeeye sow ma mudna shacabku iney mudaharaadyo waaweyn dalka ka dhigaan siiba magaalooyinka maalinkasta shacabkooda la dilo hantioodana la burburiyo hadii la fashiliyo doorashada heerka federal?.

 

Qofkii Soomaali ah ee ogeyna waa ogyahay kii aan ogeyna hada ha ogaado AMISOM IYO ATMIS  waa mashruuc ama project ka mid ah mashaariicda dunida looga cuno dhaqaalo siiba wadamada ay ka dhaceen dagaalada sokeeye sida Soomaaliya.

 

Waxaan isku daynay bal in aanu wax ka ogaano waxa keeni kara xildhibaanadii dhibkaa ogeyd ka maray sidii ay kursiga xildhibaanimo ku heli lahaayeen oo qaarkood ay kaka baxday malaayiin dolar sida ay macquul u noqotay iney doonan waayaan qaarkood shahadaada iyo ID carka si ay u noqdaan xildhibaan qaran rasmi ah iyadoo ay xitaa qaarkood joogaan caaasimada Soomaliya ee Mogdishu oo talada dalka qeybtii sharci dejinta la wareega mar hadii la doortay baarlamaankii 11aad iyo waxa ku qasbay in sidaas xad dhaafka ah inta  magacii xildhibaanimo loogu yicaaray loo yiri mudane baarlamaan qolkaan  mugdigaa ku jir ee raashinkaan cun ee inaga warkena dhageyso oo kaliya.

 

Sababta ugu weyn ee  magaalada Baydhabo loogu xareystay xildhibanadii la doortay waa afduub ku cusub siyaasada Soomaaliya iyo dalkoon la dooneyn in uu yeesho dowlad Soomaaliyeed oo bulshada u adeegta,waana waxa maalikasta markii u fashilmo howlgalka midowga Africa 15 sano kedib mid kale magaca uun looga bedelayo.

 

Waxaa hubanti ah hadii 14 bishani aynu ku jirno ee April ay dalka ka dhici weyso doorasho lana guda gelin doorashadii gudoonka baarlamanka iyo tii madaxweynaha xildhibaanada cusubna aan la dhaarin iyaguna ay muujin waayaan xilkasnimo oo ay masuuliyadooda garan waayaan ama la carqaladeeyo dhaarintooda inuusan xaalku sida uu hada yahay sii ahaan doonin oo aan malaayin dolar shacabka Soomaaliyeed oo dowladnimadooda looga ciyaarayo dushooda lagu dul cuni doonin hada kedib waa hubanti taas.

 

Farmaajo waa fashilmay siyaasad ahaan weliba waxuu u fashilmay si aan caadi aheyn  dowladaha Qatar,Etoobiya iyo ninkan hada dalka laga ceyriyeyna kursi sharci daro ah kuma heyn karaan ama xildhinaano magaalada Baydhabo ha ugu afduubnaadano amaba gobolka Gedo hub ha ugu daabulaano ninkaasi Farmaajo la yiraahdo waa tagay rajo lagama qabo inuu Soomaaliya mar danbe hogaamiyo shacabkeeda dowladii iyo shaqsiyaadkii iyaga dhaxdooda been isku sheegi lahaayeen waa meesheeda. 

 

Dalkii Doorasho ayuu aaday una dhaqaaqay dowladii aan shacabka Soomaaliyeed ka taageeri karin iney is doortaan dadka Soomaaliyeed iyaga dhaxdooda soona dhistaan dowladooda iyo hadba hogaamiyahii ay doonayaan inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah dhaqaalaheeda ha iska heystaano wadamadan ciidamada u soo diray Soomaaliyana haka baxeen intaan gudaha Soomaaliya looga kicin amaba kacdoon ay adkaan doonto in la joojiyo ka curan.

Hiranstate Admin at 7:29 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka