Friday, April 26, 2024

Dowlada Qatar oo noqotay dowladii ugu horeysay ee siyaasada Soomaaliya ku qasaartay

Dowlada Qatar oo noqotay dowladii ugu horeysay ee siyaasada Soomaaliya ku qasaartay, halka qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Somaliya ee ka tirsan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS laga reebi doono howlgalka cusub ee Somaliya dhawaan.

Tuesday, April 5,2022-Golayaasha cusub ee sharci dejinta baarlamaanka labada aqal iyo shacabka Soomaaliyeed ee dalkooda looga ciyaaray 5tii sano ee ugu danbeysay waa u muhiim qormadan oo ah wararkii ugu danbeeyey oo aanu ku soo koobi doono kaliya dhawr qodob.

 

1- Dowlada Qatar wey ku qasaartay siyaasadii Soomaaliya.2- Xildhibaanada cusub oo baarlamaanka 11aad oo la doonayey in loola dhaqmo sidii kuwii ka horeeyey ee baarlamankii 10aad  iyadoo leyska dhigayo in ay badankood la heystayaal u yahiin kuwii maalgeliyey lacag kasta oo ay ku bixisay Villa Soomaliya iska daay Farmaaje xitaa qof halmaalin la soo shaqeeyey Farmaajo in aysan dooraneyn dowladaha waaweyn oo dhan wey xaqiiqsadeen malaayin Soomaali ahne maba looga sheekeynayo waxii dalkooda ka dhacay iyo waxa ay dhawr wadan oo ay ku jiro Qatar ka aaminsan yahiin ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee dhawaan la doortay.

 

Fashilka ugu weyni ayaa ka yimid kedib markii xitaa xildhibaandii dhawaan la doortay oo qaarkood lagu xareystay degaanadii lagu doortay waxaa la ogaaday xildhibaan lagu ciyaaray sharaftiisii xildhibaanimo oo la qiimo tiray magacii mudane baarlamaan iyo golahii uu dooneyey ee sharci dejinta ee loo diyaarinayey iney talada dalka la wareegaan kedibna gudoon iyo

madaxweyne cusub dalka u doortaan si ay dowladnimadu u noqoto mid qiimo u leh bulshada in uusan sanadkan dooraneyn kooxda Villada.xitaa dhamaan xildhibaanda hada soo baxay ee shahaadooyinka qaatay iyo kuwa aan weli qaadan 30 xildhibaan oo Villa Soomaaliya  taagersan waa laga waayey waana midaas tan la doonayo in dalka la geliyo dagaalo sokeeye kedibna laga cararo wadanka.

 

2- Qodobka labaad warbixin horudhac ah  oo aan weli banaanka imaanin ayaa sheegeysa in dabagal lagu hayo qaabka ay dalka Soomaaliya ku jogaan ciidamada gudaha dalka Soomaaliya ku jooga magaca midowga Africa ee ka socda dalalka deriska la ah waxaana lagu wadaa dhawaan hadii dalalka lagu tuhmayo hurinta colaada Soomaaliya in laga reebi doono howlgalka cusub ee ATMIS ee dhawaan la doonayo in lagu bedelo kuwii AMISOM, waa guusha ugu weyn ee ay dhawaan gaari doonaan shacabka Soomaaliyeed.Dowlada Ethiopia oo uu hogaamiyo R/wasaare Abey Axmed  oo ay dagaalo qabiil kaka furan yahiin gudaha Ethiopia ayey u badan tahay iney noqon doorto wadanka ugu horeeya ee laga saari doono howlgalka Soomaaliya.

 

Marka arimahaasi oo dhan laga soo tago Dowlada Qatar oo 5tii sano ee ina dhaaftay taageereysay shaqsiyaad Somali ah oo uu ugu horeeyey Farmaajo ayaa ugu danbeyn noqotay wadankii ugu horeeyey ee  siyaasada Soomaaliya ku qasaaray, kedib markii la xaqiijiyey in iska daay Farmaajee xitaa dadkii hal maalin la soo shaqeeyey hadii midkood isku soo taago xilka madaxweynaha Soomaaliya wareega koowaad xitaa ma soo gaarayo.

 

Qoraalkaan oo dhan nuxurkiisu waa baarlamaanka 11aad inuusan noqon doonin sidii kii ka horeeyey ee 10aad oo la heystayaal u ahaa Villa Soomaaliya kedib markii 4tii maalmood ee ugu danbeysay kaliya Villada iyo dalalkii ku taageerayey fowdada siyaasadeed lumiyeen ku dhawaad 280 xildhibaan oo badankood u badan kuwa dhawaan ku soo biiray golayaasha sharci dejinta.

 

Soomaaliya waxaa ka dhici doona dhawaan doorasho madaxweynaha cusubna xitaa ma noqon doono midkoodna shaqsiyaadka hadba meel u carara ee bulshada u sheegaan iney yahiin musharaxiin 99% madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxuu noqon doonaa waji cusub ama qof aan dalka danbi ka gelin. fowdadii 5tii sano ee ina dhaaftay uu dalku ku soo jiray ugu danbeyn wadankii ugu horeyey ee siyaasada Soomaaliya ku qasara waxey noqotay dowlada Qatar oo lacag looga cunayey waxaanu xukunka dalka iska heysan doonaa sanado badan doorasho la'aan.

 

Waxaa leysku dayey in la qiimo tiro magaca mudane baarlamaan amaba xildhibaan lagana dhigo sidii inuu yahay alaab dukaan laga soo gadanayo oo kale qolkasta oo lagu xirto xildhibaan kasta sanadkan wuu ogyahay inuu dalku u baahan yahay bad baado lana doonayo in shacabka loo doorto hogaan wanaagsan.

 

Hiranstate Admin at 1:33 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka