Dowladnimada Dhabta ah-Dowladnimada Dhabta ah waa shacabka oo laga dulqaado cadowga. dowladnimo maahan borobagaado,dowladnimo maahan meelo kooban oo la maamulo,hadaba madaxda haatan joogta sida madaxweynaha,R/wasaaraha, Gudoomiyaha golaha shacabka, gudoomiyaha Aqalka Sare,maxey ka baran karaan fashilkii siyaasadeed ee horey loogu soo dhacay dalkana la haray?.Soomaaliya oo ah dal horey u socda howlgaladii ugu danbeeyeyna Shabaab lagu jebiyey ma in lagu mashquulo wax aan jirinbaa mise waa in xaqiiqada dalka ka jirta iyo halka ay dowladnimada dhabta ah ka jirto shacabka lagu dhaqaaqobaa?.
Maalinkasta waxaa dad badan inooga yimaado sawiro ay doonayaan in halkaan loo soo geliyo kuwaasi oo laga soo qaaday caruur iyo dumar ay ka muuqato dhibaato baaxad leh iyagoo ujeedkoodu tahay ineysan caruurtaas iyo dumarkaas Soomaaliyeed aysan ka naxeyn kuwa noo soo dirayo ee ay ujeedkoodu yahay sidii ay hay'addo been been ah oo ay sameysteen dhaqaalo ugu heli lahaayeen.sidaasi daraadeed waxaanu go'aansanay in aanan marnaba halkaan soo gelin sawiro dad shacab ah oo dafuuro markaasi heysta la doonayo in looga faa'ideysto.shacabka Soomaaliyeed waa dad sharafta jecel hadii laga naxayo xalkooda waxuu ku jiraa in leyskugu furo wadooyinka ka xiran,leyskuna dhinac wado gurmadka iyo xoreynta.
Waxaa jiro qalad siyaaadeed oo hadii aad halmar gasho noloshaada inta ka dhiman hadii aad waxkasta sameyso aysan waxbo kuu tareyn hadii aad waqtiga uu markaasi joogo ka faa'ideysan weyso.
Soomaaliya xalkeeda siiba koofurta Soomaaliya waa in hadafka koowaad, labaad iyo 3aad laga dhigto dib u xoreynta dhulka aysan shacabka Soomaaliyeed isku socon karin oo aan lagu mashquulin waxyabaha aan micnaha ku fadhiyin ee maalinlaha ah, kedibna iyagaa noloshooda sida ugu qurux badan u xalisanayo shacabku Maxaa yeelay waxey heystaan labo webi oo waaweyn iyo dhul aad u qurux badan.yaan shacabka Soomaaliyeed loola dhaqmin sidii dad ay u dhisan yahiin waxa afka qalaad lagu yiraahdo Emergency Response Team (ERT), dowladuna ay dalka dhan maamusho.Waa in si dowladnimadu u shaqeyso aan marnaba halmaalin la hakin meelkasta oo dalka ka mid ah oo Shabaab lagula dagaalayo,ma dunidaan intaas kala shaqeyn kalin dowlada had ajirta?.
Madaxda haatan joogta amaba dowlada cusub oo hada shacabku sida inoo muuqato meelo badan oo dalka ka mid ah ka jecel yahiin iyadoo ay ujeedka shacabku yahay sidii ay ku heli lahaayeen dowlad Soomaaliyeed,waxaan siineynaa hal talo.
1- Siyaasadiinu yeysan noqon qaladkii siyaasadeed ee ay adag tahay in ay waayadan si sahlan loo saxo oo ay ku dhaceen siyaasiyiinta Soomaaliland ee iyagoo qaarkood aan garaneyn amaba aan ka fekereyn mustaqbalka caruurtooda iyo degaankooda dad ajnabi ah ku yiraahdeen mushkilada ka socota Kofurta inagaa ka danbeyna oo Shabaabka koofurta Soomaaliya jooga inagaa hogamina oo xitaa kii xanuunsado inagaa kii bedeli lahaa uga dirna halkaan.hayeeshee maxaa dhacay halkii ay ictiraaf ka sugayeen gadaal ayaa looga dagay ugu danbeyna iyagoo siyaabo kala duwan loo dhaxgalay waa kuwan doorashadii iyo tusaalahii ay isku dooran jireen ay mugdi gashay,maxaa yeelay dunidu waxey taqaanaa dal la yiraahdo Soomaaliya oo ay doonayaan sikasta oo loo kala fikir duwan yahay iney qeyradkoda ka faa'ideystaan si guud ee aysan dooneyn in aysan sidey Soomaalida arimaha qaarkood u dhigaan iyagu dhankooda ka aheyn,maxaa yeelay qof ku leh anigaa meel hebel dhibatatadeeda ka shaqeeya inuusan qaran amaba dowlad noqon karin ayaa u sawirantay caalamka marka ay noqoto arimaha Soomaaliland arintoodana hada qaab NGO ah oo kale ayaa loo maareeyaa,xalkooda waxey ku jirtaa hadey indhaha is tiri lahaayeen iyo hadii kaleba iney wada hadaladii Soomaaliya bilaabaan inta aysan wax badan kaka halaabin firkir kala duwanaantooda nabada ay hada heystaane aan cirka lagu laalin.
2- Yeysan siyaasadiinu noqon madaxdii dalka soo martay oo uu mid ka mid ah kuwii hanaanka dowladnimada laga ilaalin lahaa ee aan dooneyn nidaam iyo kala danbeyn halkii gacan bir ah iyaga lagu qaban lahaa sidii qaran Soomaaliyeed loo heli lahaa iyagi xilal muhiim ah oo aysan u qalmin lagu tixo ugu danbeyna dowladaasi mediyaha uga caayi jireen,iyagoo boqol nooc ku socda.
3- Siyaasadiinu yeysan noqon sidii Dekedii Bosaaso oo ay Shacabka gobolka Bari ka baahnaayeen ee mashruuca laga dhigtay hantidii laga qaatayna lala aaday wadan ka mid ah Africa oo la yiraahdo Zambia oo markii aad booqato aad arkeyso shirkado la leeyahay hebel oo degaankaas madax ka noqday ayaa leh,iyadoo dhaqaalahaas wax badan loogu qaban karay shacabka degaanka oo ah dad Soomaaliyeed.
Waxaa jira qodobo kale oo badan oo aan wax mcino ah u soo kordhineyn shacabka Soomaaliyeed guud ahaan,maxaa yeelay Waxaas oo dhan waxey dhibaato ku yahiin nolosha dadka caadigaa ee shacabka ah.dib u heshiin waxaa ka horeeya dib u xoreyn guud oo ka dhacda koofurta Soomaaliya, maxaa yeelay dadkii ka hadli lahaa dib u heshiisiinta maba isku socon karaan,dadkuna isma dagaalsano ee waxa dhibta ku hayo waa shaqsiyaad masuuliyad sheeganayo oo kaliya maalinkasta intey soo kireystaan kaamirad yar dhinacyadana iska xijiyaan 4 wiil oo tuuto gashan oo aysan qaarkood jirin cid u dooratay masuuliyada ay sheeganayaan oo meelaha qaarkood ay shacabku ku qoslaan in lala shaqeeyaba iska daaye kuwaasi hada waqti kuma lumineyno ka hadalkooda maxaa yeelay xiligii laga hadli lahaa oo shacabku waqti ku limin lahaa waa laga soo gudbay,waxaanu ka hadleyno waa qaran Soomaaliyeed.
Dowladan markii la dhisay oo R/wasaaraha Soomaaliya la magacaabay waxaan talo ku siinay amaba talooyinkii aanu siinay ka mid ahaa inuu dalka ku soo celiyo furahii uu dalku lahaa amaba waxa afka qalaad lagu yiraahdo Country Area Code-kii lagu yaqiinay dalka Soomaaliya), waxaa kale oo aanu kula talinay inuu wasaarada warfaafinta dib u habeyn xoogan oo dhinackasta leh ku sameeyo si aysan u dhicin waxii dhici jiray ee la qiimo tiri jiray wararka madaxda qaranka shacabkana lagu mashquulin jiray wax yaabo kale,waxa aanu ka hadeylo waa waxii horey loo soo maray,hadii la doonayo in aan dib loogu laaban.
Dhanka Dowladnimada Soomaaliya.Wasaarad Warfaafin oo nadiif ah,mustaqbalka soo socda waa u muhiim dalkaan oo kamiradaha iyo qalabka wax duubayo ay leetahay dowlada dalka ka jirta.Muhiimada kale waa in 1,2,3 uu dalku u baahan yahay dib u xoreyn. Dalka Furahiisii oo gacanta dowlada dunida laga aqoonsan yahay oo lagu soo celiyo.Sida lagu soo celin karo furaha u dalku leeyahay oo gacantooda looga soo saari karo shaqsiyaadka heysta wey sahlan tahay waxeyna kaliya qaadan kartaa wax ka yar 6 bilood,waxa aan ka hadleyno maahan xeer jajab ee waa hanaan dowladeed.Si meesha looga saaro magaalo hebel Shabaab iyo shirkado heshiis ah ayaa telefonkii ka gooyey amaba ka jaray,taasi dowladnimo iyo mid shacabka dalka u dhashay ay dani ugu jirto maahan,waxaad maqleysaa shirkad hebel ninka iska leh waxaa soo wacay hebel oo ay isku qabiil yahiin oo Shabaab ah waxuunayiri magaalo hebel dagaal ayaan ku qaadayaa ee qadka telefonka hawada ka saar.(Is that smart move)?.
Waxaan shacabka Soomaliyeed u xaqiijineynaa hadey furaha uu dalku leeyahay shaqsiyadka heysta gacanta dowlada dalka ka jirta ku soo celin waayaan 6 ilaa 7 bilood oo hada kedib ah fowdadey doonaanhaka qeyb qaataano,waxaan idiin tusin doonaa shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida oo malintii qasaarayo 10 ilaa 12 milion dolar, hada been beenta lagu wada shaqeysto ee Shabaab ayaa magaalo hebel weerareysa oo loo damiyey telefoonadii shacabka noloshooda ku xirneyd la leeyahay waa leyskala bixi doonaa,ilaa ay dowlada Soomaaliya Furaha isgaarsiinta dalku leeyahay ay gacanteeda ku soo celineyso wax badan ayaa qaldanaan doona Soomaaliyey, weliba waxaan shacabka la wadaagi karnaa shaqsiga shirkadaha isgaarsiinta ee gudaha Soomaaliya Koofur iyo waqooyi ka jira ku shaqeysto oo madaxweyne ka ah dal aan Soomaaliya aheyn oo African ah.
Hadaan dib ugu laabano shacabka Soomaaliyeed amaba beelaha Soomaaliyeed.waa labo nooc kuwo waxii ka horeeyey burburkii dalka ka dhacay waxey ku asturnaayeen nabadii ka jirtay dalka,waxiise burburkii ka danbeeyey waa karaamad beeleen weliba hal qabiil ayaa ugu sii daran oo mustaqbalkoodii qabiilnimo, degaan iyo bulsho intaba dhinackasta iskaka ciyaaray,weyna adag tahay iney ka soo kabsadaan 50 ka sano ee inagu soo aadan,qabiilkaasi xitaa in shacabka Soomaaliyeed loo sharaxo wax micno ah uma sameyneyso,waa kuwa markii doorasho la gaaro hadey ku yimaadaan 100 rag ah,Soomaalidu xitaa 1 saac waqti kuma lumiyaan iney masuuliyada dalka ku aaminaan.Sababta oo koobana waa danbiyada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka galeen oo ay adag tahay sidii ay iskaka dhiqi lahaayen, welina 30 sano kedib wadadii ay ku sumcad iyo karaamad beeleen ayey ku socdaan. qabiilkaani aanu ka hadleyno dumarku iyagu ceeb ma lahan oo geber Soomaliyeed ceeb malahan waxa aanu ka hadleyno waa ragooda,waxaa ka fiyoow %15 oo kaliya magacoodana waxuu sii shaqeyn doonaa inta fowdada lagu jiro oo kaliya.markii nabad la helo waxey ku danbeyn doonaan mid dacwad loo heysto iyo mid dalka iskaka cararo intuu isku yax yaxo ( xishoodo),markii uu arko sida ay Soomaalidii aan dalkaan iyo dadkiisa soo dhibin u nool yahiin.
Nooca kale ee ay qabiilada kale ka kooban yahiin waa kuwo nasiib u yeesha xilalka qaran oo uusan qiimo ugu fadhiyin oo aan weligood iska dhaadhicin war dalkaan dad kale oo Soomaali ah oo aan madaxweryne iyo R/wasaare ka soo noqon ayaa dowladnimo rabo ee idinka hogaankii dalka leydiinku aaminay tusaale u noqda shacabka intiisa kale ee joojiya magacyadan faraha badan ee aad wax ku raadineysaan.
Waxaasi oo dhan markii leysku geeyo guud ahaan hadaanu si jamac ah uga hadalno Soomaaliweyn.1- Soomaaliland ma noqon doonaan dal ka madax banaan Soomaali inteeda kale oo dunidii hadalo aan marnaba u saamaxeyn in la dhiirigeliyo aqoonsigooda ayaa laga hayaa siyaasiyiintooda qaar ka mid ah.
2- Shacabka ku nool Gobolkii loo yaqiinay Majeerteeniya markii danbena loo bixiyey Bari kedibna laga sii jaray Nugaal iyo qeyb mudug ka mid ah,kama sii shaqeyn doonto in shacabka dhiigooda lagu gorgortamo hantina laga abuurto oo ay dekedii Bosaso oo ah isha kaliya ee dhaqaale iska noqoto mashruuc.
3-Soomaaliya kama sii shaqeyn doonto beelo uusan xukunka dalka wax qiimo ah ugu fadhiyin dalkana hada waxii ka horeyey fursadahii ay heleen ma heli doonaan meel ha lagu qorto maxaa yeelay markii la gaaro doorasho qof iyo cod ah ayey is arki doonaan waxa ay Soomaali dhaxdooda ka yahiin,hada iyagoo boqol magac ku socda dadka Soomaaliyed ruwaayad wey u jili karaan.Guntii iyo gabo gabadii Soomaaliya shacabku haku noolaado, waqooyi, Ha ku noolaado 6dii gobol ee ugu horeysay ee Soomaaliya ka curta oo maanta ah dowlada uu fadhigeedu yahay caasimada dalka ee Mogdishu.
Soomaaliya shacabku amaba waqooyi ha joogo amaba koofur ha joogee dhamaantood waa isku ujeedo waxey kaliya doonayaan nabad ay isku dhax maraan iyo noloshooda oo ay si guud u maareystaan, waxa uu qof amaba koox jecel yahay micno uma sameyneyso waqtiga uun ayey ku dheereynayaan maahane Soomaali waa Soomaali,kuwii sharaftooda ku ciyaarayna iyagey ka sugeysaa sidii ay dib iskugu wareysan lahaayeen,kuwa har iyo habeen u taagan inuu dalkeenu inoo hagaago oo Soomaalidu noqdaan dad jira waxaa la gaari doonaa waqti uu gacanta u galo hogaanka dalka oo ay Soomaali isku raadiyaan, hadase waxaa kaliya ee madaxda joogta laga doonayo waa iney dalka iyo dadka u horseedaan jawi ay nabad ku heli karaan uguna faa'ideysan karaan qeyraadka dalkooda howlgalka socda ee shacabka culeyska looga dul qaadayo, intuu xildhibaankasta iyo wasiirkasta aado deganka uu ka soo jeedo waa inuu shacabka uu masuuliyadooda sheeganyo kala qeyb qaato xoreynta oo uu mushaarkiisa %70 ku xoreeyo,iyadoo la dhiiregelinayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo dadka degaanka ee is abaabulay.
Maxuu noqon doonaa taariikhd a laga qori doono madaxda Soomaalida kuwooda hada jooga hadey iska indha tiraan rabitaanka shacabka oo ah in aan waqooyi ilaa koofur la kala qoqobin bulshada oo laga daayo qiyaaliga iyaga meeshey hada joogto wax badan oo taariikh ah oo laga qori karo siyaasiga Soomaaliga hadii uu joogo Waqooyi amaba Koofurta Soomaaliya ma jirto.waxaase guuleysandoona rabitaanka shacabka oo hada leyska indha tirayo oo ah waxa aanu kor ku soo sheegnay.Guul Shacabka Soomaaliyeed, Guul dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Guul Soomaaliweyn oo dhan.
The World must read this to know what is going on Somalia -Ciidanka Qalabka sida ee Xooga Dalka Soomaaliyeed Geesiyaasha aan dhicin.
Khamiis, Ogoost 18,2022- Saraakiisha iyo ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan oo garab xoogan ka helaya dadka degaanka oo ay horkacayaan ciidamada loogu yeero xooga qarsoon ee Macawisleyda oo iyagu siweyn u ababulan. dhanka hawadana ay ka saacidayaan diyaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa inta badan Shabaabkii halkaas ku sugnaa iyo Shabaab kale oo doonayey iney dalka Soomaaliya uga sii gudbaan dowlad degaanka Soomaaliya Etoobiya oo ah degaan uu amni ka jiro ayaa qasaaro xoogan loogu geystay halkaas. Saraakiisha Hogaamineysa dagaalka ee Xooga dalka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa aad u bogaadiyey garab istaaga ay shacabka dalkooda ee ku sugan Hiiraan ka heleen gaar ahaan dhalinyarada degaanka ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed garabka siinaya ee Macawisleyda oo iyagu dhulka si fican u kala yaqaano.
Dal Waxuu Dal yahay marka ciidankiisa Qalabka Sida Agabka ay u bahan yahiin loo dhameystiro Shacabkiisuna ay ciidanka dalkooda garab Istaagaan,Waxaase fahmi kara amaba muhiim ah madax wadaniyiin ah oo hadba dalkaas hogaamineysa.
Soomaaliya waa dal leh saraakiil iyo ciidamo geesiyaal ah,hayeeshee inagu hadaan dalka maanta hogaamineyno marnaba kuma qanacneen sida ciidanka dalkeena loogu bahdilo gudaha dalkooda madaxdii dalkana ilaaliyo ka yahin ciidamo shisheeye.
Bal eega Soomaaliyey in aan dalkaan loo rabin inuu noqdo wadan xor ah oo ay Soomaalidu taladiisa iyagu hagaan waayadan dhawna uusan noqonin dal leh dowlad,calan caruurtiisuna ay helaan Amni ay wax ku baran karaan, ciidanka Xooga dalka ayaa dagaal ka wado Gobolka Hiiraan weliba shacabkii ayaa garab xogan sinayo wiilal geesiyaal ah oo la baxay Macawisley Shabaab godkii ay galaanba ka daba galayo si loo ilaaliyo sharafta ciidanka Dalkeena hadane Gobolada Deriska la ah
Hiiraan?????????????????? calamaatul Su'aal ma taqaanaa waxa laga wado. Bal isweydii Gobolada Hiiraan deriska la ah,ma dadka degaankaas ayaa goostay in uu dalku sidan weligii iska ahaado,ma waxa Soomaaliya ka socda ayaa mashruuc loogu talo galay ah inuusan weligii dhamaanbaa,Ma Somaali uusan Allaah cid aan aheyn dabar gooyn karin ayaa la doonayaa in mustaqbalkooda lagu ciyaaro,Ma beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa fowdada ku naaxay oo xal mooday sidaan?. Bal isweydii maxuu yahay dagaalka kaliya Shabaab marba hal gobol ka soconaya oo aan gaarsiisneyn gobolada dalka oo dhan,marka loo eego ciidamada kala duwan ee gudaha Soomaaliya ku sugan tiradooda, dhaqaalaha ku baxa Qaramada Midoobay, Ciidamo ka socda 5 wadan oo African ah oo dalka ku joogaan magaca ATMIS,Caalamkii kale oo malayiin dolar ku bixinaya arimaha Soomaaliya?. Waxaasi oo dhan oo maanta leyska indha tirayo halka ay ku danbeyn donaan oo kooban halkan hoose ka aqriso.
1- In shacabka Soomaaliyeed gudaha dalkooda iyagoo hada la tacaalayo abaar,jidadka ka xirnaadaan oo Mogdishu iyo Balcad diyaarad leyskaka raaco,maalinkastana dumarka Soomaaliyeed xurmo iyo ixtiraam ku waayaan gudaha dalkooda iyagoo sharafkooda lagu ciyaarayo.waxaasi oo dhan hadii nuxurkooda leysku soo koobo dal Soomaaliya la yiraahdo waxu ku imaan doonaa kacdoon shacab oo dalka dhan ku faafi doonaa hadii maalinkasta sheeko isku mid ah (some story) loogu soo cel celiyo shacabka sida 2007 ilaa 2022 ayaa magaca AMISOM Dalka Soomaaliya lagu joogay, fashil badan kedib hadane markii uu dunida ku qasaariyey Soomaaliya Balaayiin Dolar,maanta waxaa laga bedelay magacii oo waxaa loo bixiyey ATMIS.
2-Madaxda Soomaalida waxey naga doonayaan in maalinkasta wadankii ay u safraanba warar iyo sawiro qurqurxoon ka soo gudbino shacabkii dalkeenana Shabaab iyo Ciidamo Shisheeye mustaqbalkoodii dhamaa u dhaxeeyo,sharafta ciidankii xooga dalka oo lagu tunto in lagu noqon karo dowlad been been ah oo magac ahaan u dhisan ineysan taas aqli noqon doonin bilaha inagu soo aadan cidkasta wey ogtahay.
A)Waa in shacabka la soo hor istaago oo la yiraahdo sidaan iyo sidaan ayaa nagu qasabtay in gudaha dalka 5 KM diyaarad leyskaka kala raaco oo la waayo magaalo magaalo u gudbi karta oo aan xitaa sahayada shacabka ay abaarahu hayaan meel loo marsiyo laheyn.Waxaan weliba shacabka Soomaaliyeed u xaqiijin karnaa wax badan oo maanta ka qarsoon inagey dowladnimada inagu weyn tahay wax badan dhanka wanaaga in anu ka abaarno go'aansanay maahane, Inagu kama hadleyno beelaha qaarkood iyo Shabaabka ay isku qabiilka yahiin oo heshiis ku ah barakicinta iyo xaquuqda shacab kale oo Soomaaliyeed oo ay doonayaan iney goboladooda iyagoo magacyo kala duwan huwan mid Shabaab ah, mid magac Dowladeed ku socda iyo Mid dhaqan xumo kale oo ay ka dhaxleen xiligii colaadaha,ee waxaanu ka hadleynaa dal la yiraahdo Soomaaliya lehna dowlad Soomaliyeed calan, sharafta ciidankiisa qalab sida la soo celiyo waana waxa aanu u leenahay ciidamada Ajnabigaa ha laga saaro gudaha Soomaaliya, maxaa yeelay Soomaalidu wey is taqaanaa beel beel kale xoog ku qabsan karto ma jirto.Waa u muhiim Soomaalida madaxda ah in ay hada inta ay goori goor tahay la yimaadaan istiraatiijiyad cad oo dalkaan amnigiisa wax looga qabanayo,waa in lala yimaado siyaasado kala haki kara amaba kala qarin kara dadka Soomaaliyeed ee dalka iska leh iyo ajnabiga gudaha dalkooda jooga,sidee qof Ajnabi ah dalka Soomaaliya gudahisa ugu heystaa nolosha ugu wanaagsan markii loo soo bedelo isagoo ka socda dalal kale, dadkii Soomaaliyeed ee dalka lahaane ugu suurowday iney gudaha dalkooda u kala raacaan diyaarad weliba magaalo u jirta 5 KM duni ceenkee ah ayaanu ku nool nahay Soomaaliyey arintaani ma hogaanka dalka ayaa u sabab ah mise damiirkii Soomaalinimo, Bini'aadaminimo iyo kii dunidan inta lagu noolyahay shafarta ku jirtay ayaa leyska indho tirayaa?.
Dalkaan iyo dadkiisu waxey rabaan nidaam iyo kala danbeyn waxeyna ku imaan kartaa ciidamada Ajnabiga oo dalka laga saaro kuwa Soomaaliyana la dhiso,maxaa yeelay aan ku celino mar kale hadii ciidamada Ajnabiga dalka laga saaro ma jiir karo qabil Soomaali ah oo qabiil kale xoog ku qabsan karo hubka aduunyaalo xitaa hadii la siiyo horeyna waa loo tijaabiyey o belo badan ayaa isku dayey hada kedibna ma dhaceyso.
Fiiro Gaar ah: Waxaan mudo isbuuc ah dabagal ku sameynay mediyaha Soomaalida qaarkood markii ay dhawaan galayeen gudaha Degaanka Soomaalida ee DDS amaba Somali State inta webside iyo Telefishin oo buun buuninayey Shabaabka markii lagu jebiyey dagaalkii Dowlad Degaanka iyo midkii Hiiraan ma aragteen sidey guulaha hada socda uga aamuseen. Sidoo kale waxaan u guurgalnay sida ay Shabaabkaas u soo dhax mareen ciidamada kala duwan ee AMISOM ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Koofurta iyo bartamah Soomaaliya kaka sugan dhawr gobol oo ay caasimada dalka ku jirto bil xaqiiqo wad fajaceysaa,kedibna waxaa kuu soo baxeysa bahdilka, geerida iyo amni darada shacabka dalkeena ku socota cida dhab ahaan masuulka ka ah.Soomaaliya Hanoolaato.
Mar hadii dhawaan dalka loo dhisayo xukumadii bulshada u adeegi laheyd 4ta sano ee inagu soo aadan,R/wasaaraha Soomaaliya mudane Xamze Cabdi Barena ay ka sugayaan xukumadaas malaayiin Soomaali ah.bal waxaanu R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ay horey malaayiin Soomaali ah ugu hambalyeeyeen kaliya isku dayeynaa in aanu talo yar siino si aan loo fashilin sidii ragii isaga horeeyey.
1- Mudane R/wasaare horta deeqda iyo darajada Allaah ayaa bixiya dowladaada dadka ugu horeeya ee horta taageeri doona kuna garab istaagi doonaa waxey noqon doonaan beelaha Soomaaliyeed ee aan weligood dalkaan sida beesha aad ka soo jeedo oo kale aan horey dalka uga noqon madaxweyne iyo R/wasaare midkood meel ku qoro qodobkaan.
Kuwa kale hadba madaxweynaha iyo R/wasaaraha yimado haduusan marba iyaga waxaa jiro qofkas qaab looga ceyrsado kursiga.hadii aanu si kale kuugu bidhaamino dalkaan Soomaliya ee mudada aadka u fog burbursanaa waxaa la haray sadbursi iyo kala fogyeynta shacabka Soomaliyeed iyo dhaqano aad u fool xun oo ay dalka la yimadeen shaqsiyaad iyo beelo leh waxkasta anigey iku roon yahiin oo qaranimo iyo sidee dowlad Soomaaliyed oo bulshada ka wada dhaxeyso lagu helaa dalkana taariikh wanaagsan looga tagaa aysan maskaxdooda ku soo dhicin.
2-Soomaalidu shacab ahaan waa dad wanaagsan sidey u dhan yahiin,laakinse waxaa reerkasta laga helayaa shaqsiyaad af xun oo aan damiir Soomaalinimo iyo mid aqlaaqeed midoona laheen isku day in aadan dheg jalaq u siin kuwa sadbursiga u bartay ee markii ay sidey doonaan kaa waayaan dhaliil aan jirin kuu yeeli doona hadaad dooneyso in aad dalkaan taariikh wanaagan iyo sharaf gaareysa Soomaali oo dhan uga tagto yuusan qof kale oo Soomaali ah oo qeyrkaa ah kuu tilmaamin sida uu jecel yahay adiga waa inuu kaa soo maaxdaa wanaag iyo wadaniyad umada dadbaa horey u soo lugooyey waxii horey u qaldamay lagu saxi karo.
3-Mudane R/wasaare ku waano qaado waxyaabahii R/wasaarahii kaa horeeyey Xasan Cali Kheyre oo ay beesha uu ka soo jeedo u aheyd markii ugu horeysay oo ay xilkaas qabtaan sidii loo fashiliyey loogana hor keenay beelo Soomaaliyeed oo xukumadiisa aad u jeclaayeen dowlad Soomaaliyeedna in la helo har iyo habeen u taagnaa oo la doonayey inuu soo dhaweysto bedelkiina ay dhinacyada ka mareen kuwii aan dooneyn in uu yeesho dowlad Soomaaliyeed kedibna ugu danebyn ay kursiga ka ceyrsadeen.
4- Madaxweyne Xasan Sheikh 2012 ilaa 2016 wax uu Soomaali u qabto iska daaye waxey kuwii la taliyaasha u ahaa amaba kooxdiisa ka tirsanaa ka hor keeneen shacabkii ku noolaa gobolkii uu ku dhashay,wax ku soo bartay kuna soo barbaaray ilaa isagoo weyn uu Mogdishu ka aado,maxaa yeelay waxuu ahaa shaqsi dalka iyo dadka Soomaaliyed wax badan oo wanaag ah la jeclaa laakinse ay dhinacyada ka fadhiyeen la taliyaal xun. waxaa iku maqaalo ah in aad xisbiga madaxweyne Xasan Sheikh ka mid tahay hadii aad gadaal kaka soo biirtay oo ay wax badan oo horey uga soo qaldamay ay kaa horeeyeen taladan waxii kaa anfacayo ka qaado waxii aan kaa anfaceyna horey uga soco.
5-Tan iyo markii aad noqotay amaba Allaah suurageliyey inuu madaxweynaha Soomaaliya kuu magacaabo xilkaan culus ee R/wasaaraha Soomaaliya waxaan u guur galnay aragtida Soomaalida ku kala nool dal iyo dibad waxaa noo soo baxday dadka ugu horeeya ee sida weyn kuu tagaeera marka qoyska aad ka dhalatay laga soo tago waxaa ugu horeeya waa shacabka Hiiraan,markii aanu u guurgalneyna waxaa inoo soo baxday iney yahiin dad qofka ku tagaeera Soomaalinimo ujeedadooda oo dhana ay tahay sidee dowlad Soomaaliyeeed lagu helaa.
6-Hadii aad ogtahayne waad ogtahay hadii aadan ogeyna hada ogow beelahii dalkaan soo maamuli jiray dhamaantood waxey ahaayeen dad Soomaaliyeed oo wanaagsan waxeysa shacabka Soomaaliyeed ku eegteen shaqsiyaad iyaga ku qabiil ah oo markii ay dalka wax ka noqdeen ay shacabka ka qaban wayeen bedelkiina ku qanacsanaa boobka,sadbursiga iyo weliba in lagu tunto xaquuqda beelaha aan dalka ka noqon madaxweyne iyo R/wasaare.
7- Qodobkaan waa mid muhiim ah nidaamka dowligaane u yeelayo nuxur.mar hadii aad tahay R/wasaaraha Soomaaliya si aysan kuugu dhicin waxii ku dhacay madaxdii adiga kaa horeysay qaarkood labo wasaaradood dadka madaxda ka noqonayo boqolkiiba boqol ka fikir.
A) Wasaarada Warfaafinta B)Wasaarada Boostada iyo Isgarsiinta labadan wasaarad waa labada wasaaradood oo uu hada dalku u baahan yahay in wax laga qabto maxaa yeelay
Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ma ahan wasaarad gacanta dadka Soomaaliyeed ku jirta oo waxaa furahii uu dalku lahaa (25261) xoog ku heysta dal ka mid ah dalalka Soomaliya deriska la ah madaxweynahooda,weliba dalkaas in loo sheego madaxda Soomaalida maahan wey wada garanayaaniyo shaqsiyaad ganacsato ah madaxweyne kasta iyo R/wasaare kasta oo dalka Soomaaliya loo helo halkaas ayaa laga dhageystaa kedibna 10 bilood kedib waa leysku diraa.
Wasaarada Warfaafinta waa meesha bulshada laga wacyi geliyo loona baahan yahay in ay noqoto meelaha ugu horeeya ee laga dareemo dowladnimada,wasaaradaas marka loo eego qarshka ku baxa sanadkii iyo qaabka qabyaaladeysan ee loo maamulo wax isku dhaw maahan mar aanu Soomaaliya booqanay ayaan daraasaad dhab ah ku sameynay waxaana ogaanay Websideka dowalda inuu u xiran yahay shaqsiyaad, Qeybta TV qaranka koox gooyni ah,Idaacadaha SONA.waxa dhan waxaa lagu dhax wadaa xifaaltan qabiil maxaa yeelay sanado badan ayey u xirneyd isla some people.ma dhaheyno shaqada ha laga ceyriyo waa muwaadiniin Soomaaliyeed laakinse dib u habeyn guud ayey wasaaradu u bahaan tahay weliba waxaa arintaan saxi kara hadba R/wasaaraha markaasi joog.
8- Mudane R/wasaare waxaad u guur gashaa sida wasaaradaha qaarkood dadka looga shaqaaleysiiyo dad u wakiilo ee waxaad soo liis gareysaa inta wasaarad kasta ka shaqeysa iyo qaabka lagu shaqaaleeyo markaas ayaad iogaaneysaa in dalka xilalkiisa iyo shaqaalaha wasaaradaha loo siman yahay. inagu xitaa waxaanu kuu soo gudbin karnaa safaaradaha dibada sida ay masuuliyadarada ku jirto oo beelaha qaarkood looga buuxiyey iyo sida aysan kuwo badan oo Soomaali ah xitaa hal qof ugu laheyn.Waxaa taasi ka sii daran caalamku markii uu dalka keeno macaawino dadka loo gacan geliyo amaba gacantooda ku dhacdo ee ay u xiran tahay bal qiimeyn ku samee kedibna isweydii macaluusha shacabka Soomaaliyeed heysato halka ay ka timid,ka sii darane waxkasta magaca Soomaaliya oo ay xitaa weli Soomaaliland oo aan dal madax banaan noqon ay ku jirto ayaa wax lagu siiyaa Soomaalida.
Ugu danbeyn nooca xukumada ay Soomaliweyn sugayaan amaba dalka u roonaan laheyd hadii aanu talo yar ku darsano inta aanan xukumadaas qaabkey noqon laheyd kuan haboneyd leysla gaarin horta waa in Soomaali oo dhan mid xil qaran haya iyo mid aan heynba la ogaado inuu dalka u baahan yahay dad maskax caafimaad qabta iyo aqoon sare leh loo raadiyo xukumada la dhisi doono R/wasaare Xamza iyo Madaxweyne Xasana iyagey shafar u tahay halkii aqoonyahan Soomaaliyed laga carari lahaa in iyaga loo cararo oo mamulka dalka iyo wasaaradaha muhiimka loo dhiibo iyaga.
waxaa kale oo aan talo yar siineynaa beelahii dalkaan madaxweynayaasha iyo R/wasaarayaasha ka soo noqday ee nasuiibkas u yeeshay shaqsi iyaga ka soo jeeda isku xishooda dadku dadkii habeenkii inta loo shiro waxii la doono loo sheegayey ayn iska qaadan jireen maahan Soomaali waad ka bad badateen ee waxoogaa siyaasada ka nasta ee R/wasaare Xamze ha lala shaqeeyo waa muwaadin Soomaaliyeed oo mudan isaga iyo reerkiisu iney dalka madaxweyne iyo R/wasaare ka noqdaan maxaa yeelay waxaa la gaari doonaa xili kuwii soo talin jiray loo taliyo iyagana markooda iyadoo aysan baryo aheyn.hadii hadba reerka markaasi jooga fursad ay dalka ku hogaamiyaan la siin waayo inta uu jiro nidaamkan qabiiligaa ee dalka iyo dadka la haray.dadka Soomaaliyeed hal door isku wadi kara hadalkiisa iyo ficilkiisuna uu gaari karo Soomaali oo dhan ayaa la doonayaa in aad noqoto mudane R/wasaare.Yaan marnaba lagula maamulin xafiiskaada ku shaqee inta uu dastuurka dalka kuu ogolyahay, dulmigii horey Soomali badan loogu soo sameyna ha ogolaan hadaad ogolaatona.ama rumeyso ama ha rumeysan dowladnimadaada waxaa fashilin doona kuwii sadbursiga dalka ku caan baxay Soomaalida kale waad ka nabad geli doonaa. Waxaanu sugnaaba wa dowlad Soomaaliyed not dowlad kooxeed.dal waxuu hagaagaa marka xukunkiisa iyo kheyraadkiisu loo wada siman yahay maya shaqsiyaad dhaca oo markii doorashada la gaaro malaayiin dolar guba si ay kursi u helaan.Soomaaliya ha noolaato.
Dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ugu hodansan dunida ayna shacabkiisu heystaan waxkasta oo uu bini'aadamku u baahnaa sida Webiyo waaweyn, Dhul Bdereed, Bad iyo Xoolo.hadane dadkiisu waa ka baahan yahiin mushkiladuna sanadba sanadka ka danbeysa wey ka sii dareysaa.hadaba isweydiintu waxey tahay dhibaatadu ma madaxda Soomaalida iyo siyaasad xumidooda baa mise waa shacabka oo dantoodii inta garan waayey iska qaban waayey kuwa dalkooda horumarkiisa iyo noloshooda ku ah qatarta?
Waxaad arkeysaa Wadamo aan laheyn wax soo saar iyo dhul beereed hadane kaalmo loo weydiinayo shacabka Soomaaliyeed.hadaba mushkilada heysata shacabka Soomaliyeed ma yara waxaase bilaaw iyo dhamaad masuuliyadeeda iska leh sedax kooxood.
1- Madaxda Soomaalida oo iyagu shacabka Soomaaliyeed ku hogaamiya siyaasad ku dhisan qiyaali,markastana waxaa dalka xukunkiisa loo gacan geliyaa koox aan haba yaraatee wax qorshe ah u heyn dalka iyo dadka Soomaaliyeed hadey qorshe u heysana aan weliged u bedelin qaab ficil ah oo ay bulshadu dareemi karto.
2- Shacabka Soomaaliyeed oo intey bal halmar is baraarujiyaan isweydiin waayey war yaa hortaagan horumarka noloshiina mar hadaan la heyn dowlad Soomaaliyeed oo damaanad qaadi karta amniga guud ee dalka iyo dadka, wadankiina ay kala maamulayaan kooxo sheeganayo Diinta Islaamka dhaqankooduna aad uga fogyahay diin iyo ku dhaqankeeda oo iyaga qudhooda badankood u baahan in diinta la baro marka loo eego hab dhaqankooda iyo lugooyada ay dalka ku hayaan.
3- NGO-yo iyo dowlado shisheeye oo iyagu markii ay arkeen in uusan dalka Soomaliya laheyn amaba aysan hogamineyn dad wadaniyiin ah oo ay waxkasta iska noqdeen siyaasad ku dhisan qabiil iyo kooxeysi iyagoo fursadaas kaka faa'ideystay shacabka Soomaaliyeed oo dhinackasta ka dhiban.
Qodobada wey fara badan yahiin waxaase ugu waaweyn sedaxdaas qodob,ilaa laga helo shacab xisaabtama iyo madax wadaniyiin ahne dalku weligii sidaan ayaa dadkiisa loogu tuugsan doonaa.
dowladnimadu waxey iska noqon doontaa wax magac u yaal ah oo aan qiimoba u laheyn bulshada.Jawaabta oo kooban dalka ma loo heli karaa madax damiirkoodu shaqeeyo oo shacabka intey u furaan wadooyinka ka xiran,kedibna la yimaada qorshe u sahlaya bulshada amni ay ku dhiiran karaan iney dalkooda wax ka soo saartaan?.dalka ma loo heli karaa hogamiye gaarsiiya doorasho ay dadweynahu soo doortaan qofka ay doonayaan iyadoo aan afka kaliya laga sheegeyn taas madaxweynaha hada mar kale la doortay Xasan Shiikh iyo kii isaga ka horeeyey nin Farmaajo la yiraahdo ayaa horey ugu fashilmaye?.
Dalka iyo dadka maloo heli karaa hogamiye inta aan la dooran sii og waxa uu qaban karo iyo waxa uusan qaban karin oo aan markii la doorto kedib dadka weydiineyn sida bulsho loo hogaamiyo?.Marka laga soo tago madaxda Soomaalida amaba siyaasiyiinta, dalka ma loo heli karaa shacab damiir leh kuwooda ay ku dhaceyso dhibaatada ugu badan oo inta ka dhiidhiya halmar dalka oo dhan ka bilaaba kacdoon ilaa ay ka helayaan dowlad iyo madax u qabata adeega ay u baahan yahiin?.
Maanta intaan ha inoo joogto inagoona qeybteena labaad ku iftiimin doona waqti weliba munaasib ah,faraqa u dhaxeeya nolosha ay dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku heystaan qoysaska iyo caruurta siyaasiyiinta Soomaalida iyo nolosha dhabta ah ee ay ku nool yahiin %90 shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda,markaas ayuu qofkasta oo Soomaali ah oo damiir leh qiimeyn karaa in uu dalku soo maray madax wadaniyiin ah iyo inuu dalku soo maray madax iyo siyaasiyiin maafiyo ah iyo weliba in aan dalka loo helin hogaamiyahii ay shacabku u baahnaayeen hada ka hor.
Talaado,May 24,2022-Waxaan u maleyneynaa in ay maanta inoogu ekeyd isbuucii ay Soomaalida ula baxeen soo dhaweynta madaxwynaha cusub ee dhawaan la doortay mudane Xasan Sheikh Maxamud.Inagoo ka duuleyna qaladaadkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay kuwoodii ugu waa weynaa.hadane bal waxaanu maanta isku dayeynaa hadiiba ay talo wax tareyso in aanu siino madaxweynahaan cusub iyo inta ku hareereysan kuwaasi oo iskugu jiraan.Qaar kuraas ka raba,qaar ku xisbi ah,qaar qaraabonimo ula jooga,qaar dowladnimadu ay ku weyn tahay doonayana dalku inuu inoo hagaago ( waase Tiro aad yar), qaar dano ganacsi ka leh, qaar xarunta villada dhax joogideeda iska jecel, qaar shisheeye u shaqeeya oo iyagu arimaha Soomaaliya markii ay noqoto ku jira safka hore.micnahu kuwaas hadii la sii qeexo waa (qof inta ku dila hadane noqda qofka ugu horeeya ee qabrigaada yimaada amaba soo xaadira geeridaada).
Madaxweynaha cusub waxaanu leenahay bal howsha sidey u kala horeysa ayaa loo kala qaadaaye 1- Hadii uu dalka ka maqan yahay qofka aad dooneyso in aad ka dhigto R/wasaarsaha Soomaaliya u yeer si weliba dhaqso ah,hadii uu dalka joogana waxbo ha sugin inta laga gaarayo bisha uu dastuurku kuu siinayo sharciga ee ku dhawaaq.micnahu haduu Farmaajo kakaa baxay xaruntii Villa siyaasadii waxaa weli qasayo wasiiradii iyo shaqsiyaadkii la soo shaqeynayey 5tii sano ee ina dhaaftay ee dalkaan soo qaribay.Bilaa caleyk waqti kale dalkaan iyo shacabkiisa in laga lumiyo uma baahno hadii aad tahay siyaasi inta uusan guleysan ay u degsaneyd qorshe cad oo siyaasadeed oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu maamulo loogana bixi karo fowdadii iyo dhibaatadii loo geystay shacabka Soomaaliyeed ku dhaqaaq.
2- Qudbadaadii ugu horeysay waxaa ku jiray ma jiri doonto aargoosi siyaasadeed aargoosi waxaa la yiraahdaa marka qabiil intuu qabiil dulmiyo kii la dulmiyey mudo kedib markii ay fursad helaan isla ficilkii lagu sameeyey oo kale sameeyaan.dalkaan waxaa qaribay oo tacadiyo waaweyn ka geystay waa shaqsiyaad la wada garanayo oo xilal kala duwan ka hayey dowladii hada dhacday ee uu hor joogaha u ahaa Farmaajo .hadii aad inta dhageysato beenta iyo kuturi kuteenka social mediyaha ee fashiliyey siyaasadii madaxweynahii kaa horeeyey oo uu dalku ka dhici waayo isla xisaabtan dhab ah, siiba danbiyada waaweyn ee la yaqaano dadkii geystay amaba aad adigoo dalka mar labaad madaxweyne in aad ka noqoto fursad laguu siiyey aad tacadiyadii iyo ilhaanadii shacabka Soomalaiyeed ee masaakiintaa loo geystay aad iska indha tirto.12 ilaa 24 bilood adigoo aan dalka u diyaarin howsha lagaaga fadhiyo ayuu waqtiga kugu dhici doonaa meel ku qoro.
Qofkii shaleyto danbi galay oo arkaya in aan lala xisaabtameyn berito mid kaas ka badan ayuu intuu soo laabto halkeedii ka sii wadi karaa.waa in xal loo helo tacadiyadii dhacay,hadiise aad shacabka Soomaaliyeed sidii Farmaajo 2017 kii ku soo galay siyaasad been ah isagoo aan xitaa wadan wax qorshe siyaasadeed uu dalka ku hogaamin karo waxaad mari doontaa isla wadadaas.
3- Si uusan qoraalku inoo la dheeraan waa u muhiim dalka in lagu sameeyo ( Reform) The country needs to make changes in typically a social, political,economic) in order to improve it.waxii horey loo soo maray iyadoo laga duulayo,maxaa yeelay dowladnimada Soomaaliya waxey u bahaan tahay dib u qaabeyn xoogan oo aan aheyn wasiir hebelaa la bedelay iyo madaxweyne ayaa xafiiskii ku wareejiyey mid cusub.dalkaan u keen R/wasaare aad adiga soo xulatay ee aan laguu keenin maxaa yeelay qof laguu keenay oo aadan isla shaqeyn karin waxaa ka wanaagsan qof aad adiga keensato si aadan berito qof kale ugu eedeeyn waxii dalka ka halaabo.arinta ugu danbeysa ee aanu qormadeena maanta ku soo qatimeyno waa in aad si wanaagsan u garan karto dhaqanka Shacabka Soomaaliyeed amaba beelaha Soomaaliyeed kuwaasi oo iskugu jira kuwo waxa kaliya ay ku qanci karaan ay tahay xilal badan oo la siiyo iyo kuwo kaliya doonayo inuu dalkooda u hagaago oo kaliya u baahan in la xormeeyo madaxana loo saxaalo oo aan lagu hor cararin,waxii ay dalka xaq ugu leeyahiina la siiyo iyadoo aan loo boobeyn kuwo kale oo qeyrkood ah. Dalkaan wuu ka badan yahay Soomaali oo dhan kaliya waxey shacabku doonayaan in waxii horey u soo dhacayne dadkii geystay loo helo isla xisaabtan dhab ah inta hada muuqata ee la ogyahay dadkii geystayna ay joogaan. weliba madaxweyne Xasan Sheikhow waxaan shacabka la wadaagi karnaa adiga dowladii ku maalgelisay xiligii ay doorashadu socotay.ha ogaadeen siyaasiyiinta Soomaalida ineysan ku imaan doorasho shacab oo ay ku yimaadaan maalgelin shisheeye iyadoo ay sidaas tahay hadii aad dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegi weysaan amaba aad siin weysaan adeega ay u baahan yahiin oo ah (Government Services),dadka ugu horeeya ee uu ku dhacayo burburka siyaasadeed ma ahan shacabka ee waa madaxda Soomaalida.
Qiso yar oo hada ka hor xiligii dowladii kacaanka ay jirtay ka dhacday magaalo ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa dhacday in haweeney dhulka miyiga ah oo caano keentay suuqa uu iyadoo aan xitaa laga iibsan caanahii uu nin dowlada hoose u shaqeeya (Minishiibiyada) uu weydiiyey canshuur, kedibna ay weysay wax ay siiso iyadoo ay weliba ka muuqatay Diif iyo haraad maadaama ay mudo soo lugeyneysay oo ay caanaha ka keentay dhul aad uga fogaa magaaladii ay keensatay caanaha. kedibna ninkii minishiibiyada ahaa waxuu ka qaatay Dhiishii caanaha aheyd markaas ayey lacag ka sii densatay haweeney la socotay oo iyada caanahii laga iibsaday sidaas ayeyna ku bixisay canshuurtii.
kedibna maxaa dhacay isla gebedhii Soomaaliyeed ee canshuurta laga qaaday ayaa iyadoo aan la ogeyn iney Uur laheyd halkii suuqa dhaxdiisa ku foolatay.Nasiib wanaag ninkii Minishiibiyada ahaa meel aan ka fogeyn ayuu canshuurtii ku qaadayey xitaa gabadhii ma caawin oo shaqadiisii ayuu iska sii watay isagoo arkayey waxa ka dhacayo goobtii ay ku umuleysay gabadha.kedibna waxaa
(Garbasaaradii,Shaashkii, ilyartii amaba ganbadii) ay wateen iska qaaday dumar kale oo sidaas gabadhii cawradeeda ugu qariyey kana dhaliyey ilmahii yaraa ee caloosheeda ku jiray. Isweydii What Kind of Government is That?.hadaba 39 sano kedib markii ay qisadaas ka dhacday dalka Soomaaliya isla qisadaas kuwo ka xun ayaa 5tii sano ee ina dhaaftay ka dhacay dalka Soomaaliya.
Shacabka hadaan la xormeyn karin yuusan siyaasi Soomaali ah masuuliyad sheegan iyagu ama ha is dilaano ama geed hoostiisa haku heshiiyaano ee faraha ha laga qaado intii dowlad magac u yaal ah dalkooda ay ka jiri laheyd,dowlad aan adeegkii ay xaqa u lahaayeen shacabka siin karin dowlad maahan.madax aan garaneyn waxa loo doortayna madax maahan.Soomaaliya waa dal mudo ku soo jiray mushkilad hadaan kuwii geystay loo helin sharci ay ka baqi karaan si kuwa imaan doona cashar ugu noqoto mushkiladu weligeed wey sii socon doontaa. madaxweyne Xasan Sheikh waxaa looga fadhiyaa inuu dalka u keeno R/wasaare iyo xukumad u danqanaysa shacabka dalkeena.qofkasta oo Soomaali ah wuu garanayaa waxa aanu ka hadleyno,laakinse waxaa lagu kala duwan yahay kaliya waa damiirka qofka iyo hadba siduu dalka iyo dadka qiimo ugu fadhiyo. la soco wararkeena danbe uiyo hadba waxii kyu soo kordha xaalada dalkeena.