Thursday, April 25, 2024

Addis Ababa-Ururka Midowga Afrika oo hakiyey xubinnimada dhawr dal

Addis Ababa-Madaxda Afrika ee ku kullankoodii 35aad ugu soo dhamaaday dhawaan caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa cambaareeyay afgambiyadii dhowaan ka dhacay dhowr dal oo ka mid ah qaaradda kuwaasi oo dhamaantood ay la wareegeen ciidamo militeri ah.

 Midowga Afrika ayaa sheegay inay xubinimadii ka joojiyeen afar waddan oo kala ah  Burkina Faso,Guinea, Mali iyo Sudan.wadamadan ayaa tan iyo markii uu ka dhaceen afgambiga waxey ka bixi waayeen qalalaaso siyaasadeed taasi oo galaafatay naf iyo maalba.

 

Addis Ababa,Ethiopia

Hiran State at 2:53 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Mogdishu-Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Modishu-Madaxweyne Farmaajo oo maalmahii tagay booqasho ku joogay magaalada Addis Ababa oo uu kala qeyb galay shirkii ururka midowga Africa ayaa dib ugu soo laabtay Mogdishu.


Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya Amb Larry André. 

 


Amb Larry ayaana ka mahadceliyey soo dhoweynta loogu sameeyey xarunta Villa Somaaliya,Safiirkaan cusub ee Soomaaliya ayaa ka mid ah safiiro badan oo dalka Soomaaliya ay ka joogaan wadamo badan oo daneeya arimaha Soomaaliya.
Mogdishu,Soomaaliya.
 

Hiran State at 2:06 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Mogdishu (HIran State)-RW Rooble oo ka hadlay xaalada Abaaraha

Mogdishu(Hiran State)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo mar kale siweyn uga hadlay xaalada dalka siiba abaaraha oo kulan kula qaatay xafiiskiisa qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

RW Rooble ayaa ku celiyey mar kale in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba iska kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

 

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay u xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan” ayuu yiri Ra’iisulwasaarahu, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah loona baahan yahay in loo gurmado.

 

Mogdishu Soomaaliya 

[email protected]

 

 

Hiran State at 1:18 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Sports-Tartanka Ciyaaraha Qaarada Afrika

Sports- ( Hiran State)- Tartanka Kubada Cagta qaarada oo Africa oo maray heer xasaasi ah iyadoona ay isku soo hareen  afartii kooxood ee ugu danbeeyey.

Tartankan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa sanadkan lagu  qabtay amaba marti geliyey wadanka Cameroon oo ku yaala galbeedka qaarada Africa.

Arinta ugu xiisaha badan waa in afarta wadan ee tartanka iskugu soo haray marka laga reebo dalka Masar  oo ah

dal ku yaala waqooyiga qaarada Africa 3da dal ee kale waxey ku yaalaa Galbeedka Africa, taasi oo muujineysa in dalalka uu xifaaltanka rasmigaa ee kubada cagta qaarada Africa ka dhaxeeyo ay yahiin kuwa ka soo jeeda Waqooyiga iyo Galbeedka qaarada Africa.

 

Koobanaa ayaa waxaa siweyn loogu saadaalinayey bilaawgii tartanka wadanka Senegal oo sanadkan la yimaadeen dhalinyaro  ku dheereeya xirfada kubada cagta oo uu hogaminayey laacibka kooxda Liverbool ee Sadio Mane.

Waxaase jirta in aan la dheyelsan karin wadanka martida loo yahay ee Cameroon oo ka mid ah kuwa ay fooda is dari doonaan dalka Masar. 

 

halka Senegal ay wajaheyso Burkino Faso.

Hiran State at 3:03 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Heritage & Culture

 

 

Hidaha iyo dhaqanka waa dhaxalka umadkasta oo dunidani ku nool dadka Soomaaliyeedna waxey caan ku yahiin dhaqan aad u wanaagsan oo ku dayasho mudan marka loo eego dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan sida Geela, Ariga iyo Loda.

Waxaa intasi u dheer agabka ama alaabta ay u adeegsan jireen ama ay u adegsadaan noloshooda iyadoo ay u dheer tahay ciyaaraha noocyadooda kala duwan kuwaasi oo aanan halkaan lagu soo kooi karin.

Marka laga soo tago dhaqanka soo jireenka ah ee dadka Soomaaliyeed waa dad ku caan baxay deeqsinimo ,isu gargaar iyo hal abuur kaasi oo ku adag umado badan oo dunidan ku nool. 

Hiran State at 9:29 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka