Tuesday, April 16, 2024

Dowlad Noocee ah ayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed u

Talaado,May 24,2022-Waxaan u maleyneynaa in ay maanta inoogu ekeyd isbuucii ay Soomaalida ula baxeen soo dhaweynta madaxwynaha cusub ee dhawaan la doortay mudane Xasan Sheikh Maxamud.Inagoo ka duuleyna qaladaadkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay kuwoodii ugu waa weynaa.hadane bal waxaanu maanta isku dayeynaa hadiiba ay talo wax tareyso in aanu siino madaxweynahaan cusub iyo inta ku hareereysan kuwaasi oo iskugu jiraan.Qaar kuraas ka raba,qaar ku xisbi ah,qaar qaraabonimo ula jooga,qaar dowladnimadu ay ku weyn tahay doonayana dalku inuu inoo hagaago ( waase Tiro aad yar), qaar dano ganacsi ka leh, qaar xarunta villada dhax joogideeda iska jecel, qaar shisheeye u shaqeeya oo iyagu arimaha Soomaaliya markii ay noqoto ku jira safka hore.micnahu kuwaas hadii la sii qeexo waa (qof inta ku dila hadane noqda qofka ugu horeeya ee qabrigaada yimaada amaba soo xaadira geeridaada).

 

Madaxweynaha cusub waxaanu leenahay bal howsha sidey u kala horeysa ayaa loo kala qaadaaye 1- Hadii uu dalka ka maqan yahay qofka aad dooneyso in aad ka dhigto R/wasaarsaha Soomaaliya u yeer si weliba dhaqso ah,hadii uu dalka joogana waxbo ha sugin inta laga gaarayo bisha uu dastuurku kuu siinayo sharciga ee ku dhawaaq.micnahu haduu Farmaajo kakaa baxay xaruntii Villa siyaasadii waxaa weli qasayo wasiiradii iyo shaqsiyaadkii la soo shaqeynayey 5tii sano ee ina dhaaftay ee dalkaan soo qaribay.Bilaa caleyk waqti kale dalkaan iyo shacabkiisa in laga lumiyo uma baahno hadii aad tahay siyaasi inta uusan guleysan ay u degsaneyd qorshe cad oo siyaasadeed oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu maamulo loogana bixi karo fowdadii iyo dhibaatadii loo geystay shacabka Soomaaliyeed ku dhaqaaq.

 

2- Qudbadaadii ugu horeysay waxaa ku jiray ma jiri doonto aargoosi siyaasadeed aargoosi waxaa la yiraahdaa marka qabiil intuu qabiil dulmiyo kii la dulmiyey mudo kedib markii ay fursad helaan isla ficilkii lagu sameeyey oo kale sameeyaan.dalkaan waxaa qaribay oo tacadiyo waaweyn ka geystay waa shaqsiyaad la wada garanayo oo xilal kala duwan ka hayey dowladii hada dhacday ee uu hor joogaha u ahaa Farmaajo .hadii aad inta dhageysato beenta iyo kuturi kuteenka social mediyaha ee fashiliyey siyaasadii madaxweynahii kaa horeeyey oo uu dalku ka dhici waayo isla xisaabtan dhab ah, siiba danbiyada waaweyn ee la yaqaano dadkii geystay amaba aad adigoo dalka mar labaad madaxweyne in aad ka noqoto fursad laguu siiyey aad tacadiyadii iyo ilhaanadii shacabka Soomalaiyeed ee masaakiintaa loo geystay aad iska indha tirto.12 ilaa 24 bilood adigoo aan dalka u diyaarin howsha lagaaga fadhiyo ayuu waqtiga kugu dhici doonaa meel ku qoro.

 

Qofkii shaleyto danbi galay oo arkaya in aan lala xisaabtameyn berito mid kaas ka badan ayuu intuu soo laabto halkeedii ka sii wadi karaa.waa in xal loo helo tacadiyadii dhacay,hadiise aad shacabka Soomaaliyeed sidii Farmaajo 2017 kii ku soo galay siyaasad been ah isagoo aan xitaa wadan wax qorshe siyaasadeed  uu dalka ku hogaamin karo waxaad mari doontaa isla wadadaas.

 

3- Si uusan qoraalku inoo la dheeraan waa u muhiim dalka in lagu sameeyo ( Reform) The country needs to make changes in typically a social, political,economic) in order to improve it.waxii horey loo soo maray iyadoo laga duulayo,maxaa yeelay dowladnimada Soomaaliya waxey u bahaan tahay dib u qaabeyn xoogan oo aan aheyn wasiir hebelaa la bedelay iyo madaxweyne ayaa xafiiskii ku wareejiyey mid cusub.dalkaan u keen R/wasaare aad adiga soo xulatay ee aan laguu keenin maxaa yeelay qof laguu keenay oo aadan isla shaqeyn karin waxaa ka wanaagsan qof aad adiga keensato si aadan berito qof kale ugu eedeeyn waxii dalka ka halaabo.arinta ugu danbeysa ee aanu qormadeena maanta ku soo qatimeyno waa in aad si wanaagsan u garan karto dhaqanka Shacabka Soomaaliyeed amaba beelaha Soomaaliyeed kuwaasi oo iskugu jira kuwo waxa kaliya ay ku qanci karaan ay tahay xilal badan oo la siiyo iyo kuwo kaliya doonayo inuu dalkooda u hagaago oo kaliya u baahan in la xormeeyo madaxana loo saxaalo oo aan lagu hor cararin,waxii ay dalka xaq ugu leeyahiina la siiyo iyadoo aan loo boobeyn kuwo kale oo qeyrkood ah. Dalkaan wuu ka badan yahay Soomaali oo dhan kaliya waxey shacabku doonayaan in waxii horey u soo dhacayne dadkii geystay loo helo isla xisaabtan dhab ah inta hada muuqata ee la ogyahay dadkii geystayna ay joogaan. weliba madaxweyne Xasan Sheikhow waxaan shacabka la wadaagi karnaa adiga dowladii ku maalgelisay xiligii ay doorashadu socotay.ha ogaadeen siyaasiyiinta Soomaalida ineysan ku imaan doorasho shacab oo ay ku yimaadaan maalgelin shisheeye iyadoo ay sidaas tahay hadii aad dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegi weysaan amaba aad siin weysaan adeega ay u baahan yahiin oo ah (Government Services),dadka ugu horeeya ee uu ku dhacayo burburka siyaasadeed ma ahan shacabka ee waa madaxda Soomaalida.

 

Qiso yar oo hada ka hor xiligii dowladii kacaanka ay jirtay ka dhacday magaalo ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa dhacday in haweeney dhulka miyiga ah oo caano keentay suuqa uu iyadoo aan xitaa laga iibsan caanahii uu nin dowlada hoose u shaqeeya (Minishiibiyada) uu weydiiyey canshuur, kedibna ay weysay wax ay siiso iyadoo ay weliba ka muuqatay Diif iyo haraad maadaama ay mudo soo lugeyneysay oo ay caanaha ka keentay dhul aad uga fogaa magaaladii ay keensatay caanaha. kedibna ninkii minishiibiyada ahaa waxuu ka qaatay Dhiishii caanaha aheyd markaas ayey lacag ka sii densatay haweeney la socotay oo iyada caanahii laga iibsaday sidaas ayeyna ku bixisay canshuurtii.

 

kedibna maxaa dhacay isla gebedhii Soomaaliyeed ee canshuurta laga qaaday ayaa iyadoo aan la ogeyn iney Uur laheyd halkii suuqa dhaxdiisa ku foolatay.Nasiib wanaag ninkii Minishiibiyada ahaa meel aan ka fogeyn ayuu canshuurtii ku qaadayey xitaa gabadhii ma caawin oo shaqadiisii ayuu iska sii watay isagoo arkayey waxa ka dhacayo goobtii ay ku umuleysay gabadha.kedibna waxaa

(Garbasaaradii,Shaashkii, ilyartii amaba ganbadii) ay wateen iska qaaday dumar kale oo sidaas gabadhii cawradeeda ugu qariyey kana dhaliyey ilmahii yaraa ee caloosheeda ku jiray. Isweydii What Kind of Government is That?.hadaba 39 sano kedib markii ay qisadaas ka dhacday dalka Soomaaliya isla qisadaas kuwo ka xun ayaa 5tii sano ee ina dhaaftay ka dhacay dalka Soomaaliya.

 

Shacabka hadaan la xormeyn karin yuusan siyaasi Soomaali ah masuuliyad sheegan iyagu ama ha is dilaano ama geed hoostiisa haku heshiiyaano ee faraha ha laga qaado intii dowlad magac u yaal ah dalkooda ay ka jiri laheyd,dowlad aan adeegkii ay xaqa u lahaayeen shacabka siin karin dowlad maahan.madax aan garaneyn waxa loo doortayna madax maahan.Soomaaliya waa dal mudo ku soo jiray mushkilad hadaan kuwii geystay loo helin sharci ay ka baqi karaan si kuwa imaan doona cashar ugu noqoto mushkiladu weligeed wey sii socon doontaa. madaxweyne Xasan Sheikh waxaa looga fadhiyaa inuu dalka u keeno R/wasaare iyo xukumad u danqanaysa shacabka dalkeena.qofkasta oo Soomaali ah wuu garanayaa waxa aanu ka hadleyno,laakinse waxaa lagu kala duwan yahay kaliya waa damiirka qofka iyo hadba siduu dalka iyo dadka qiimo ugu fadhiyo. la soco wararkeena danbe uiyo hadba waxii kyu soo kordha xaalada dalkeena.

Hiranstate Admin at 9:38 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka