Friday, April 26, 2024

Baladweyne- Heshiis horudhac ah oo ay gaareen maamulka Hirshabele iyo waxgaradka Hiiraan

Baladweyne-Kulan balaaran oo ay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku yeesheen Waxgaradka Hiiraan  iyo madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle oo ay horkacayeen Madaxweyne  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo  madaxweyne kuxigeenka  maamulka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed  oo heshiis horudhac ah lgu gaaray.

Madaxweyne Guudlaawe oo maamulkiisa cabashio badan ay ka qabeen waxgaradka Hiiraan, taasi oo ragaadisay horumarkii laga gaari lahaa wax badan oo ay dib uga dhaceen shacabka ku nool gobolada Hiraan iyo Sh/dhexe ayaa Maanta heshiis hordhac ah la gaaray waxgaradka , isagoona balan qaaday in maamulkiisa uu diyaar la yahay wax walba oo ay tabaneyeen waxgaradkii uu kulanka la qaatay ee Hiiraan..

Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri"Waxaan maanta kulan qiimo badan la qaatay odayaasha nabadoonada iyo waxgaradka Hiiraan oo aan kala hadlay  tabasha ay ka qabeen Dowladda Hirshabeelle. Waxaan heshiis rasmi ah ka gaarnay tabashii ay qabeen anigoo ka aqbalay dhamaan qodobadii ay iisoo jeediyeen, waxaana ku balanay in

maanta kadib aan ka wada shaqeyno midnimada iyo wadajirka Dowladda Hirshabeelle" ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Dadaaladan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxuu noqonayaa kulankii maanta midkii ugu horeyeey ee si sareexad leh loo hadlo waana talaabo bilaaw wanaagsan u ah shacabka labada gobol iyo guud ahaan dalkaba.

 

Baladweyne, Hiiraan.

[email protected]

Hiranstate Admin at 2:56 PM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka