Friday, April 19, 2024

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceysa maalinta Axada (Super Sunday),waxey shacabka Soomaaliyeed uga dhigan tahay "Do or Die"

War Gudoonka baarlamaanka 11aad iyo xildhibanada labada aqalow Allaah ka cabsada (Ka baqa).War Soomaaliyey dunida meeshii aad joogtaan ka jooga hadii aad tahay qof damiir leh rag yo dumar,culimo iyo caamo,aqoonyahan iyo mid aan aheyn,waayeel iyo dhalinyaro, inta aan la gaarin maalinta doorashada la xariir qofkii aad ka taqaano baarlamaankaan cusub adigoo qiimeynayo mushkilada iyo dhibaatada ay shacabkeenu ku jiraan talo fiican oo dalkeena iyo dadkeena u roon sii.

 

War gudoonka baarlamanka 11aad iyo xildhibanadow intaan doorashada la gaarin is wareysta  sidii dad waalan oo habeenkii oo dhan ku dhafray sidii ay laaluush uga qaadan lahaayeen siyaasiyiin badankood horey u soo fashilmay oo sidii in ay shacabka Soomaaliyeed hada dhasheen oo kale mediyaha been aan loo meel dayan ka sheegayo aad waqti ku lumisaan codkiina meel uusan mudneyn haku ridin.

Shacabkeenu ma mudan yahiin sidan?. Shacabkani miyaa lagu tilaami karaa kuwo dal leh?. wadanka ay ku nool yahiin qeyraadkasta oo ku jira amaba uu leeyahay maxuu qiimo u leeyahay shacabkaan?.Waxaa loola baxay (IDP). oo uu micnaheedu yahay (Internally displaced person).

Hadii la sii qeexo waxaa loola jeedaa waa qof gurigiisa lagu qasbay inuu ka qaxo,lakinse aan weli ka bixin gudaha dalkiisa oo xaduudaha kusugan.waxaana mararka qaarkood loogu yeeraa qaxooti.ma dooneyno in aanu ku dheeraano qalbiga dhan ayaa na gubanayo, laakinse afka qalaad waxaa loola baxay amaba ay ugu yeeraan.An internally displaced person is someone who is forced to leave their home but who remains within their country's borders. weliba intaas looguma ekeyn  waxaa loo raaciyey .They are often referred to as refugees,although they do not fall within the legal definitions of a  refugee. Soomaaliyey dhamaanteen ceeb iyo ama kaak intaas inoogu filan.

 

Shacabkani waa tirada ugu badan ee noloshaan ku nool waa malaayiin iyo malaayiin dalka dhana ma jirto magaalo aysan ku nooleyn amaba aysan ku heysan nolol mida ugu xun,wadamada deriskana intaas iyo ka badan ayaa ku nool.weliba kam ahadleyno amni darda iyo kufsiga u dheer meelaha meelaha qaarkood.xildhibaanka siyaasi horey u soo fashilmay lacag uga qaadanayo oo kitaabkii uu ku dhaartay ku bedelanayo burburinta mustaqbalka malaayiin Soomaali ah maxuu noqonayaa sumcada iyo sharafta uu ka sugayo shacabkaan dhiban amaba maxey soo kordhineysaa in loogu yeero mudane baarlamaan?.

 

Shacabkani waxey u baahan yahiin hogaamiye ( Strong) ah, u diyaarsan ( ready), inuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed samata bixiyo , Shacabka Soomaaliyeed u adeega (working for the people).shacabka Soomaaliyeed waxey u baahan yahiin hogaamiye xalin kara mushkiladaha muuqda ee ku gadaaman shacabkeena sharafta leh ee looga ciyaaray mustaqbalka,laakinse aan iyagu awoodin iney si sahlan uga baxaan.

 

Muhiimada qormadan waa qofkasta oo Soomaali ah oo damiir leh oo ay ugu horeeyaan culimadu in aan mustaqbalka dalkaan lagu deyn sanadkan 329 ka xildhibaan iyo gudoonkooda,bil xaqiiqo in aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed lagu bad badin karin dacaayad,borobagaando iyo mediya in dhaqaalo lagu helo iyo qaab qabiil inta loo furtay shacabka Soomaaliyeed lagu jah wareeriyo oo bulshada u buun buuninayo kuwii horey ugu soo fashilmay siyaasada oo ay lacag ka qaateen qaarkood.

 

Qofkasta oo Soomaali ah oo damiir leh inta ay goori goor tahay hala xariiro mudanayaasha ku biiray baarlamaanka 11aad kuwaasi oo iskugu jira kuwa horey uga mid ahaa baarlamaankii kan ka horeeyey ee fashilmay iyo xildhibaano cusub oo qaarkood uu gacmahooda ka qubanayo dhiig iyo danbiyo waaweyn oo ay dalka iyo dadka ka galeen.Dalkaan iyo dadkiisu waxey u baahan yahiin runta oo inta leysku sheego loo doorto sanadkan hogaamiye inta la rog rogay ugu yaraan isbedel muuqda laga rajeyn karo 2da sano ee ugu horeyso ee uu ku jiro kool koolinta.waxaanu sugnaaba waa doorasho iyo hogaamiye loo qaateen ah oo dalka loo helo waxii ka danbeeya 15 ka May.beentii hore socon weysay ee shacabka mid ka duwan ha lagu tijaabiyo Soomaaliyeey.

Hiranstate Admin at 9:31 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka