Thursday, April 25, 2024

Taiwan 2022 -Madaxweynaha-taiwan-tsai-ing-wen-oo-qasriga-madaxdtooyada-ku-qaabishay-waftigii-Somaliland

 Taiwan 2022-Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, oo qasriga madaxdtooyada dalkaas ku qaabishay waftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Dr Ciise Maxamuud Kayd oo dhawaan gaaray dalka Taiwan, waxayna labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga ganacsiga, iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in Somaliland ay Taiwan u tahay albaab ay ka galayso Afrika, oo horseedi kara horumarka maalgashiga ay Taiwan rabto in ay ka fuliso guud ahaan qaarada Afrika, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ku taalo goob muhiim ah amaba istaraatiji ah.

Dhinaca Somaliland, wasiirka arimah dibada Somaliland, ayaa sheegay in hadii Taiwan kordhiso dhoofka badeecooyinkeeda ay ku gayso qaarada Afrika, ay labada dhinacba ka faa'iidi doonaan.

"Waxan maalgashada yaasha reer Taiwan kusoo dhawaynayaa qaaradayada, waynu ka wada faa'iidaysanaynaa oo Taiwan waxay kordhinaysa dhoofka alaabadeeda ee Afrika, anagana shaqa abuur ayaa u kordhaya dhalinyarada yada" ayuu yidhi wasiir Ciise Maxamuud Keyd oo isag aiyo waftigiisa si her sare ah loogu soo dhaweyey halkaas.

Sidookale, wuxuu usoo bandhigay in ay Taiwan ka faa'iidaysato khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Somaliland.

"Markay noqoto macdanta, Somaliland ee la maalgashan karo sida, hydrocarbon deposits ka, saliida iyo shidaalka iyo dhuxul dhagaxda, kuwaasi oo lagu ogaaday sahamin la sameeyay sannadihii lasoo dhaafay" waa kheyraad  uu shisheeyuhu  maalgashan karo ayaana  ka mid ahaa hadaladii wasiirka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa ku nuux nuuxsaday  in Taiwanese ku ay ka faa'iidaysan karaan maalgashiga dhinacyada dalxiiska, beeraha iyo kalluumaysiga Somaliland,.ugu danbeyna, madaxweynaha Taiwan ayaa rajaysay in madaxweyne Soomaaliland Muuse Biixi soo booqdo Taipei si loo sii adkeeyo xidhiidhka labada dhinac.

 

Taipei,Taiwan.

[email protected]

Hiranstate Admin at 9:34 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka