Friday, April 26, 2024

Elections in Somalia:In 2022, elections for the Federal Parliament speakers both Upper House (Senate) and a Lower House (House of the People)

Elections in Somalia:In 2022, elections for the Federal Parliament speakers both Upper House (Senate) and a Lower House (House of the People),and subsequently the  President  of Somalia to take place after parliament inauguration ceremony on April 14,2022 .According to the  Constitution of Somalia, the President is elected by the Federal Parliament soon.

Monday, April 11, 2022-Xili ay si habsami leh u socoto qaadashada shahaadooyinka iyo kaarka rasmigaa ee lagu noqdo mudane baarlamaan, dhinaca kalena ay ka socoto qaban qabada iyo u diyaar garowga xildhibaanada cusub ee baarlamanka 11aad ee bedelayo baarlamaankii uu waqtigiisu dhamaaday 27 kii bishii decembar ee 2020 oo la dhaarinayo 14 bisha April oo ay ka harsan tahay maalmo kooban. hadane hadii aanu soo koobno halka ay hada wax marayan,waxaa si rasmi ah u qaatay shahaadada iyo aqoonsiga in ka badan 200 oo xildhibaanada baaramaanka cusub ka mid ah.

 

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya dhaarinta xildhibaanada cusub kedib waxaa iyadoo aan waqti kale laga dileyn shacabka Soomaaliyeed dhaarta kedib iska dhax dooran doonaan xildhibaanadu qofka ugu da'da weyn rag iyo dumar hadba tirada xildhibaanada ah ee ka mid noqday baarlamaanka cusub.kedibna waxey isla markii iska dhax dooranayaan gudiyo soo diyaariya doorashada gudoonka baarlamaanka labada aqal sida gudoomiyayaal iyo kuxigeeno.

 

Waxaa la guda geli doonaa qudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta u taagan qabashada xilalka kala duwan ee gudoonka baarlamaanka,kedibna waxaa sidaas lagu dooranayaa hadba qafkii u qalma inuu shacabka Soomaliyeed ka saari karo qatarta iyo fowdada laga dhaxlay dowlad la'aanta 30kii sano ee ina dhaaftay kuwaasi oo aan karaamada baarlamanka cusub ee Soomaaliya ka qaadeyn kuna dhaqma ilaalinta sharciga iyo dastuurka uu dalku leeyahay ee u baahan dhameystirka iyo in la gaarsiiyo heer loo qaado afti dadweyne si uu  u noqdo mid shaqeeya. 

 

Intaasi kedib waxaa ku xiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyadoo musharaxiinta laga dhageysanayo qudbado kedibna la guda galayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya sidaasina isaguna la tashiyo badan kedib ku soo magacaabi doono R/wasaare loogana sii gudbi doono dhismaha xukumad.dhamaan inta aan kor ku soo sheegnay uma baahan in waqti kale laga lumiyo shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu soo dhameyn karaa waqti cayiman dunidan qofkasta wuu ogyahay dal ay dhamaan hayaddahiisii dowliga ahaa oo dhan uu ka dhamaaday mudadii sharciga aheyd ee loogu talo galay hadaan loo helin dowlad iyo madax cusub halka uu ku danbeyn doono in ay tahay meel aan la mahadin doonin.

 

Arinta la hubo ee dalka Soomaaliya shacabkiisa la hartay waa in 80% dadka ku biira siyaasada Soomaaliya in aysan garaneyn waxa ay u galeen.midbaa ku leh waxaan ugu biiray in aan ilmaha ka biisho,midbaa ku leh waxaan siyaasada u galay in aan kula xifaaltamo beel kale oo Soomaaliyed oo horey ii soo dulmisay.midbaa ku leh qurbahii ayaan ku soo daalay meeshaan ayuu ka dhaw yahay in dhaqaalo laga abuurto.midbaa u galayo faan iyo istus tus.waxaasi oo dhan waxey dhashay in dalkii uu ku soo dhaco meel cidlo ah.

 

Hadaba iyadoo ay intaasi oo dhan jirto lana ogyahay tirada ay dhab ka tahay inuu dalkaan hagaago uuna noqdo qaran iyo umad sharaf leh ee siyaasada u gashay iney dalkooda hagaajiyaan iney tahay tiro aad u yar, hadane baarlamaankaan 11aad dalka ma u dooran doonaan sanadkan madaxweyne Soomaaliyeed oo weliba damiir leh?.maxaase laga filan karaa baarlamaanka 11aad oo hada la sii ogyahay iney ka buuxaan dad danbiyo waaweyn dalka ka soo galay oo uu dhiig badan ka qubanayo gacmahooda?.inta aan wadanka ka soo gelin danbiyada kuna cusub baarlamaanka 11aad intey ka fogaadaan danbiilayaashaas mar hadii ay iyagu yahiin tirada ugu badan ee baarlamaanka 11aad ku birtay wajiyo cusub ma noqon doonaan kuwo u istaago bad baadinta dalka iyo sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo umada ugu adeegta si hufan?.

 

Fashil dowladeed Soomaali waxaa ugu filan sida loogu ciyaaray sharaftii ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan cunaqabateyntii la saaray magaaalada Kismaayo ee dhinaca hawada.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in Isbitaalkii ugu weynaa gobolada dhexe ee Soomaaliya ee caafimadka looga soo doonan jiray ilaa Ethiopia iyo gobolada kuxeeran oo ku yaalo magaalada Baladweyne oo burburay leyska daawado waa xarun caafimaad oo aan mudneyn in la siyaasadeeyo.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in dhaqaalo dunidu ugu talo gashay Somaliland leyskaka heystay bank dhexe ee Soomaaliya dhawr sano iyadoo weliba kaliya la siiyey 10% oo intii kale aan la ogeyn halka ay ka baxday.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan jahwaeeerka dalkooda ku heysta malaayiin Soomaalia ah oo aan garaneyn meel ay u shaqo tagaan iyo amni leysku haleyn karo oo ka jira meelaha ay joogto dowlada federalka.

 

Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in mashaariic loogu talo galay in laga fuliyo gobolo badan oo dalka ka mid ah aan la garaneyn halka ay mareen 5tii sano ina dhaaftay.

 

Fashil dowladeed waxaa inoogu filan in la doonayo in shacabka Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo in ay baarlamaanka Soomaaliya wada fadhiisan karaan xildhibaan danbiile ah iyo mid aan wax danbi ah laheyn kedibna iyagoo aan isla jaan qaadi karin sanadaha inagu soo aadan gudaha xarunta baarlamaanka isku feeraan.Fashil dowladeed waxaa inoogu filan rabshadaha laga abuuray dhawr jeer Hirshabele,KG, Puntland,Gobolka Banaadir,Jubaland iyo burburka guud ee dalka soo gaaray.Madaxdii noocaas aheyd ee dowladnimadii Soomaaliya sidaas ugu ciyaaray miyaa mar kale lagu dhiiran karaa in la hor keeno bulshada Soomaaliyeed?. Jawaabtaas kolba Farmaajo ma tartami doono haduu tartamona waxaan ceeb aheyn kalama kulmi doono oo isagu maba ku jiro dadka la saadaalinayo iyo wax u dhaw doorashadana wuu iskaka hari doonaa haduu yahay qof ay ku hartay wax uun aqli ah, ee ma noqon doonan xildhibanada cusub ee baarlamaanka 11aad kuwo uu damiirkoodu shaqeeyo markii ay wax dooranayaan intey kala shaandheeyaan musharaxiintana dalka ma u dooran doonaan hogaamiye la yimaada aragti caafimaad qabta oo dal iyo dad lagu hogaamin karo?.

Hiranstate Admin at 8:23 AM
RSS icon Facebook icon Twitter icon LinkedIn icon

Contributors

Blog Contributor Portrait
Name: Hiranstate Admin
Posts: 31
Last Post: March 9, 2024
Blog Contributor Portrait
Name: Hiran State
Posts: 8
Last Post: February 7, 2022
Blog Contributor Portrait
Name: Generic Administrator
Posts: 1
Last Post: June 8, 2021

Latest Posts

Show All Recent Posts

Archive

Tags

Politics / Siyaasada Sports / Ciyaaraha East Africa / Bariga Africa Entertainment / Ruwaayadaha Heritage and Culture / Hidaha iyo Dhaqanka News / Wararka