Abu Dhabi (Hiran State)- Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE, halkaas oo uu ku soo dhaweyey wasiirka cadaaladda dowladda Imaaraadka Cabdalla Suldaan Alniceymi.
Soo dhaweyn kedib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti safarka ku wehliya kula kulmay magaalada Dubai Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska r/wasaaraha xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labad wadan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalahaSoomaalida.Sidoo kale waxyaabahii laga wda hadlay waxaa ka mid ahaa socdaalka.
.