Hordhac
Soomaaliya oo kaalin mug leh uga jirtay guud ahaan Caalamka iyo gaar ahaan Qaarada Afrika, ayaa sooyaalka taariikhda dhow waxay muujineysaa xasillooni darro siyaasadeed, amni darro baahsan, musuqmaasuq iyo khatar la soo daristay madax banaanida dalka, midnimada qaranka iyo dagaallada kooxaha xagjirka ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran (GQ)
Gurmad Qaran, waa dhaqdhaqaaq isbeddel doon waddani ah oo ay ku midoobeen waxgarad Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxaana dhammaantood ka go’an in ay qayb ka noqdaan jihaynta mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed iyo xal u helidda mushkiladdaha ka jira dalka, iyagoo cashar ka qaadanaya waayihii la soo maray. Waa dhaqdhaqaaq aaminsan sarreynta sharciga, ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee qofka Soomaaliga ah, la dagaallanka musuqmaasuqa, in hoggaanka dalka lagu doorto daah furnaan, aqoon, wada ogol, raadraac fiican iyo tixgelinta rabitaanka shacabka.
Sababaha loo aasaasay Gurmad Qaran
Xog ururin ay waxgarad Soomaaliyeed ka sameeyeen dhibaatooyinka dalka ka jira kuwooda ugu waaweyn heer dowlad dhexe iyo dowlad gobolleedba, waxay iftiimisay in midnimadii dalka sii kala dhantaalantay isla markaana kalsoonidii u dhexeysay bulshada Soomaaliyeed ay sii luntay. Taasina waxaa laga dhaxlay khilaaf siyaasadeed, awooddii dowladnimada oo wiiqantay, qabyaaladdii oo baahday, amni darro, la’aanta adeegyadii bulshada iyo kuwo kale.
Hadafka Gurmad Qaran
Hadafka Gurmad Qaran waa in la helo “Soomaaliya oo mid ah, xor ah, nabad ah, lehna hoggaan xilgudasho leh, maamul sharci iyo caddaalad ku dhisan oo ilaaliya xuquuqda muwaadinka.”
Himilooyinka Gurmad Qaran
Gurmad Qaran waxay qayb weyn ka qaadanaysaa xallinta caqabadaha ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dowlad dhiska, sareynta sharciga, amniga iyo isku duubnida bulshada. Waxayna si mug leh uga qayb qaadanaysaa xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee ragaadiyay dalka iyo soo celinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Si loo xaqiijiyo himilooyinkaas waxaa diiradda la saarayaa fulinta shanta qodob ee hoos ku xusan:
I. Dhab u heshiista iyo soo celinta kalsoonidii ka dhaxaysay dadka Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada dalka iyo xoojinta dawladnimada.
II. Xasilinta siyaasadda iyo hoggaan ku sifeysan xilgudasho, caddaalad, karti, aragti fog, khibrad, aqoon, anshax shaqo, damiir iyo waxqabad muuqda.
III. Dhisidda hay’addo dowladeed oo hufan, kuna dhisan maamul wanaag iyo shuruuc hagaysa (meritocracy).
IV. Dib u dhiska adeeg bulsho oo waxtar leh iyo abuuris ilo dhaqaale oo maxalli ah.
V. Hirgelinta caddaalad bulsho oo baahsan, ilaalinta xuquuqda muwaadinka iyo tan bulshada, la dagaalllanka musuqmaasuqa, soo celinta sumcadda iyo haybadda dalka, joojinta faragelinta shisheeyaha iyo la dagaallanka argagixisada.
Saamaynta taban oo ay yeesheen caqabadaha dalka ka jira
Daraasado badan ayaa xaqiijinaya in caqabadaha kor ku xusan ay saamayn taban ku yeesheen dhan walba ee nolosha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, ha ahaato xagga siyaasadda, dhaqaalaha, adeegga bulshada, ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah, sumcadda iyo sharafta dalka. Waxayna sababeen amni darro, caddaalad darro, musuqmaasuq, fowdo, argagixiso, ku dhaqan la’aanta sharciga iyo ku takri falka awoodda dowladda. Waxaa kale oo caado noqotay ku tumashada sharciga, faquuqa iyo hayb sooca bulshada dhexdeeda ah.
Xal iyo tallooyin Xubnaha
dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran (GQ) oo adeegsanaya xogihii ay ka soo ururiyeen dalka iyo dadka, waxay ku talinayaan in ay lagama maarmaan tahay:
1) In la abaabulo indheergaradka iyo aqoonyahanka bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, looguna baaqo in la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo looga tashanayo mustaqbalka dadka iyo dalka.
2) In la helo hannaan lagu hirgeliyo dhab u heshiisiin, laguna go’aamiyo dastuur wadaogol ah.
3) In la helo hoggaan ku sifeysan xilgudasho, ku dhaqanka dastuurka, caddaalad, karti, damiir, aragti fog, khibrad, aqoon, anshax shaqo, iyo waxqabad muuqda.
4) In la mideeyo xooggaga xal doonka ah ee ka jira dalka, loona istaago sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha baahsan ee dalka ka jira.
5) In la hor istaago, meelna looga soo wada jeesto wadda kasta oo lagu kala qaybinayo shacabka Soomaaliyeed. 6) In la ilaaliyo khayraadka iyo hantida maguurtada ah ee dalka. 7) In shacbiga Soomaaliyeed ay ka hor tagaan dastuur ama sharci kasta oo aanay u dhameyn dadka Soomaaliyeed, isla markaana khatar ku ah is aaminidda iyo wadajirka ummadda Tubta xal waara Gurmad Qaran hiigsigeedu waa Soomaaliya oo midaysan oo barwaaqo ah, kuna dhisan sareynta sharciga, hoggaan xilgudasho leh, maamul hufan, isla xisaabtan dhab ah, talo iyo wada hadal loo dhan yahay, iyada oo laga duulayo waaya aragnimadii laga bartay caqabadihii hore iyo kuwa hadda jira.
Gurmad Qaran waxay ugu baaqaysaa shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed in la xoojiyo midnimada iyo caddaaladda iyada oo loo marayo sharciga iyo dastuurka dalka.
Gurmad Qaran waxay u taagan tahay ilaalinta hantida qaranka, kobcinta dhaqaalaha iyo ku dhaqanka dastuurka iyo sharciyada dalka. Qorshahaas wuxuu Soomaaliya u horseedayaa waa-cusub, ka gudubka caqabadaha jira, mustaqbal ay saldhig u tahay midnimo iyo hurumar waara.
Magacyada Asaasaayaasha Gurmad Qaran
1. Dr. Axmed Sharif Cabaas 2. Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan 3. Abuukar Cabdow Carmaan 4. Axmed Cabaas Axmed 5. Cali Xaaji Warsame 6. Caasha Geelle Diiriye 7. Cabdikariim Cabdilraxmaan Xaaji Xasan 8. Dr. Aweys Cumar Maxamuud 9. Dayib Sheekh Axmed 10.Mohamed Abshir Faatax 11. Wiilo Cabdulle Cusmaan 12. Saynab Xasan Kala xiriir:
Email: [email protected] Twitter: @teamgurmad